GAZA: Dhimasho dabadeed nolol

W.Q: Bashiir Balcad
Hordhac
Dagaalka Gaza ee ka socday muddo 15 bilood ah ayaa noqday mid saameyn weyn ku yeeshay shacabka Falastiin, gaar ahaan kuwa ku nool Marinka Gaza. Dagaalkaas ayaa ka dhashay falcelinta kooxaha iska caabbinta falastiiniyiinta falalka gurracan ee isra’iil ay ka wadday dhulka falastiin muddo badan taas oo sababtay in gudaha ay u galaan ciidamada xamaas dhulka ay yahuudda heysato weerarkaas oo ay ku dhinteen dad badan laguna soo qafaashay tiro dadka reer isra’iil ah ka dib isra’il oo ay garabsiinayaan xulufo badan oo ay koow ka yihiin Mareykan iyo midowga yurub iyo dowladaha khaliijka ayey yahuudda go’aansatay inay billawdo weerar aan horay loo arag oo burburiyay waxkasta oo sharci iyo dimoqraadiyad ay sheegan jireen reer galbeedka. Saameynta dagaalka ayaa si weyn ugu muuqday dhinacyada nolosha dadka reer falastiin, gaar ahaan dhimashada, dhaaw acyada, burburka guryaha, iyo dhacdooyinka kale ee la yaab leh. Warbixintan ayaa si faahfaahsan uga hadlaysa dhibaatada uu dagaalkan u geystay shacabka Gaza, iyadoo soo xiganeysa xogaha laga helay joornaalada caalamiga ah sida Al Jazeera, CNN, iyo BBC.


Dhimashada iyo Dhaawacyada


Inta lagu guda jiray dagaalka Gaza, waxaa jiray tiro dhimasho oo baaxad leh, iyadoo ay ku dhimatay dad gaaraya kumanaan qof. Sida laga soo xigtay Al Jazeera, tiro ka badan 47,000 oo qof ayaa ku dhimatay dagaalkan, badankoodana waxay ahaayeen shacab. Waxaa kaloo jiray dhaawacyo fara badan oo ay ku jireen carruur iyo haween. Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisayin ka badan 120,000 oo qof ay ku dhaawacmeen dagaalka, kuwaasoo u baahan caawimaad caafimaad oo degdeg ah.


Sidoo kale isra’iil waxa ay sameysay duqeymo aan loo meel dayan meelkasta oo nolosha muhiim u aheydna way burburiyeen si aysan mar danbe nolol ugu suuragelin sida uu qabo prof. Norman Finkelstein. Waxa ay duqeysay isbitaalada, masaajidda, kaniisadaha, guryaha deegaanka, waxa ay gooysay korontadi iyo biyihi dadka isticmaali lahaayeen waxa aad looga yaabay caddeyna u noqday ficilladooda guracan in meelkasta oo ay dhahaan shacabka u qaxa inay markiiba duqeeyaan taas oo ula kac loo xaqiiqsaday.


Burburka Guryaha iyo Kaabayaasha


Burburka guryaha iyo kaabayaasha ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ugu weyn ee ka dhashay dagaalka Gaza. Sida laga soo xigtay CNN, duqeymaha ciidamada Israa’iil ee bilihii ugu dambeeyay ayaa sababay in guryaha ku yaal Marinka Gaza ay burburaan, iyagoo baabi’iyay in ka badan 60% oo deegaanka. Tani waxay sababtay in dad badan ay ku barakacaan gudaha Gaza ama ay ku cararaan xuduudda si ay u helaan meel ammaan ah.
Marka laga eego dhinaca kaabayaasha, iskuulada, isbitaallada, iyo xarumaha adeegyada bulshada ayaa sidoo kale ku burburay duqeymaha. Al Jazeera ayaa sheegtay in 70% ka mid ah kaabayaasha Gaza ay noqdeen kuwo aan la adeegsan karin, taasoo xoojinaysa dhibaatada dadka shacabka ah ee ku nool. Tani waxay sii adkeysay xaaladda bani’aadamnimo ee dadka shacabka ah, iyagoo la kulmayay nafaqo-darro, dhibaatooyin caafimaad, iyo xaalad nololeed oo aad u liidata.


Dhacdooyinka La Yaabka Leh


Dagaalkan ayaa sidoo kale sababay dhacdooyin la yaab leh oo muujinaya xadgudubyada ciidamada IDF ay kula kaceen marinka gaza iyo shacabkiisa. Tusaale ahaan, dhacdada xanuunka badan ee la yaabka leh ee ka dhacday 17-kii Oktoobar 2023, markii ciidamada Israa’iil ay duqeyn ku sameeyeen Isbitaalka Al-Ahli, waxaana ku dhintay in ka badan 500 qof, iyadoo dad badan ay ahaayeen carruur iyo haween. Al Jazeera ayaa shaacisay in weerarkan uu ahaa mid ka dhan ah xuquuqda aadanaha, markaas oo inta dodyowga/bulshada caalamka ku baraarugtay israa’iil inaysan la dagaallameynin kooxaha iska caabbinta balse guud ahaan ay shacabka Gaza kula jirto dagaal. Illaa marki danbe ay gaareen ciidamada israa’iil inaysan waxba qarsan oo ay xasuuqa ay geysanayaan duubaan si toos ah ayagoo baraha bulshada isticmaalayo
Sidoo kale, dhacdooyin kale oo la yaab leh waxaa ka mid ahaa World Central Kitchen oo si kala gaargaar ah loo duqeeyay taas oo sii kordhisay wacyiga bulshooyinka dunida sida uu caddeeyay hoggaamiyaha jikadaas José Andrés tilmaamayne inay ula kac aheyd lana diidanyahay in dadka barakacay la quudiyo, sida weeraradii lagu beegsanayay goobo caafimaad iyo xarumaha gargaar ee caalamiga ah, taasoo adkaysay in gargaar caafimaad la gaarsiiyo dadka shacabka ah ee ku nool Gaza.


Saameynta Nafaqo-darrada iyo Xaaladda Bani’aadamnimo


Dagaalka ayaa sidoo kale saameyn ba’an ku yeeshay nafaqada dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta. Sida laga soo xigtay BBC, nafaqo-darro ba’an ayaa ka dhalatay xannibaadaha la xiriira gaadiidka iyo gaarsiinta gargaarada caalamiga ah. Dad badan oo ka midyihiin caruurta iyo dadka waaweyn ee ku nool Gaza ayaa la kulmayay xaalad adag oo nafaqo-xumo, taasoo keentay dhimasho iyo caafimaad-darro ba’an.


Waxaa intaa dheer, dadka barakacayaasha ah ee ku nool meelo aan la oggolaan in la gaarsiiyo gurmadka caafimaadka iyo nafaqada ayaa la kulmayay xaalad nololeed oo aad u xun. Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la sameeyo sidii loogu heli lahaa gurmad degdeg ah dadka ku barakacay dagaalka iyo kuwa dhaawacmay.


Waxaas dhibaata ah oo dhacay cidna faa’ido muuqato oo ay ku faani karto maysan gaarin markii laga tago kuwa masaakiinta ah ee loo hashiiyay ka dibna la gumaaday kuwaas oo waxkasta oo ay waayeen haddana ugu danbeyn natiijooyinkii laga rabay laga waayay oo ayaga usoo haray dhulkooda inta nool.


Afar kooxood ayaa khasaaraha ugu badan gaaray waliba dhinacyo kala duwan ka khasaaray.

  1. Madaxda reer galbeedka inta badan oo uu hoggaaminaayo Mareykan waxa ay waayeen kalsoonidii lagu qabay sistemkii ay dunida ku hor socdeen, waxa ay waayeen kalsoonidii shacabyadooda guud ahaan, waxaa si cad oo ganbasha laheyn ugu soo horjeestay dunidii koonfureed oo meeriskoodii dhag jalaq usii waayay xitaa haddii ay handadeen, khasaaro dhaqaalo oo gaartay sidii ay rabeenna dhan walba noqon weysay.
  2. Warbaahinta reer galbeedka oo dhammaan suureyntii ay dunida ku harqin jireen la fahmay oo ay dadka ka xoroobeen illaa wax fiirsada la la’yahay.
  3. Wadamada khaliijka oo munaafaqaddii ay ku wadeen bulshada reer falastiin ay burburtay, wajigooda dhabta ahna la gartay iyo inay danahooda shaqsiga ah daba socdaan.
  4. Israa’iil oo ku hungowday qorsha kasta ay ka laheyd daggaalkaas iyo dacaayaddi ay dunida ku heysay oo looga awood batay.
    Yaa ka faa’iday
    Waxaa ka faa’iday illaa labo kooxood.
  5. Dadka reer falastiin oo waxkastoo dhibaata ah oo gaaray haddana aan natiijadi laga rabay oo aheyd inay dhulkooda ka cararaan aan lagaarsiin ee usoo haray, dunidana baray reer galbeed, yahuud iyo madaxda carabta inay yihiin kuwa ugu saaqidsan ee ku nool dhulka ilaah.
  6. Bulshaweynta dunida oo ka xurowday warbaahinta reer galbeedka iyo galigood talisyada buubuunin jray aragtida yahuudda iyo sida ay wax u rabaan.

Gabagabo.
Dagaalka Gaza ee 15-kii bilood ee lasoo dhaafay ayaa noqday mid sababay khasaare ba’an oo dhinacyada kala duwan ah. Dhaawacyada, dhimashada, burburka guryaha, iyo dhacdooyinka la yaabka leh ayaa muujinaya in colaaddan ay sii hurisay xadgudubyada xuquuqda aadanaha, iyada oo shacabka rayidka ah ay si gaar ah u saameeyeen. Waxaa muhiim ah in bulshada caalamka ay si wadajir ah uga shaqeyso sidii loo xallin lahaa khilaafka iyo in la hubiyo in xaaladda bani’aadamnimo ee Gaza la xalliyo si waafaqsan xuquuqda aadanaha.


Tixraacyada:


• Al Jazeera: “Death Toll Rises in Gaza Conflict as War Continues.” Al Jazeera
• BBC: “Gaza Conflict: The Tragedy of Civilian Lives Lost.” BBC
• CNN: “The Destruction of Gaza’s Infrastructure amid the Conflict.” CNN

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *