Waxaa qoray: Abdirahman H. Daher
Sookoobidda Buugga Iskudhoon
Iskudhoon, waxa uu ka mid yahay buugaagta si la fahmi kara u sharraxaya nafsadda qofka Soomaaliga ah: dhaqan ahaan iyo aragti ahaanba. Waa buug tooshka ku bidhaaminaya sababaha keenay qaranjabka iyo bulsho-burburka Soomaalida ku habsaday. Waxa uu sidoo kale darsayaa xaglaha ay ka soo karaar qaateen dhibaatooyinka ay bulshada Soomaalidu maanta la daaladhacayso, isaga oo mid mid u dul istaagaya. Waxaa kale oo buuggu xoogga saarayaa dhaqan-siyaasadeedkii kacaanka ee uu bulshada Soomaalida ah kaga tagay iyo saameynta taban ee uu ku yeeshay hab maamuulka dawladnimada iyo hoggaanka bulshada. Qoraagu waxa uu qalinka ku xarriiqayaa Saameyntii tabneyd ee ay ku yeesheen Nafsadda qofka Soomaaliga ah burburkii dawladdii dhexe, colaadihii sokeeye, qaxa, barakaca, dawlad la’aanta, argagaxisada, qaraxa, darxumada iyo abaaraha. isku darka dhawrkaas shay in ay abuureen shaqsiyad u nugul aragtiyaha xagjireed iyo kuwo xambaarsan cunfiga ayuu buuggu soo bandhigayaa. Waxaa kale ee uu qoraagu soo bandhigayaa cudurrada nafsadeed iyo mid bulsheed ee gallaaftay Soomaalida oo filkeeda ka reebay, sababay na in muddo dhus qarni ku dhaw ay wali ku sugnaadaan burbur iyo hallaag.
Markaad eegto sawirka dudunta ee geedka ka dulbaxay iyo magaca buugga waxaa isla markiiba kuu baxaya micnaha guud iyo farriinta uu buuggu sido adiga oo aan gudaha u galin bogagga buugga. Qaamuuska ay wada qoreen Cabdalla Mansuur iyo Annarita waxa ay ku macneeyeen ereyga Iskudhoon “geed iyo duddumo isku dul baxay” iyo “wax xubno kala jaad ah ka sameysan.” Haddii nuxur ahaa la soo aruuriyo, ereygu waxa uu xambaarsan labo wax oo kala geddisan oo isku baxay oo midi midka kale ka dul sameysmay, ka dib na midkasta uu lumiyay sifadii hore ee asalka ahayd oo waxa soo baxay dudunna ma ahan geed na ma ahan. Qoraaga asigoo maskaxda ku haya sawirka dudunta iyo geedka iska dulbaxay ayuu Soomaalidu ku sheegayaa in ay salka isku galisay waxyaabo aan is lahayn oo aan is qaadanayn.
Miido waxa uu ku doodayaa in Soomaalidu saddex wax oo ahayd in mid walbo si gaar ah loo qaato loo na daraasadeeyo, ayaa iyaga oo aan aqoon si fiicanna aan loo baarin inay madaxa isku galiyeen, waxay na kala yihiin: qabiilka, diinta iyo dawladnimada casriga ah. Saddexdan waa saddex shay oo qaabeeya nolosha qofka Soomaaliga ah, waxaa na ka dhaxeeya legdan iyo hirdan joogto ah. Aqoonyahanada darsa soomaalida, burburka bulsho, dhaqan, dhaqaale, siyaasad iyo feker ba waxa ay ku sababeeyaan saddexdan shay ee kore. Professor Baadiyow ayaa ka mid ah aqoonyahanada qaba aragtidan, waxa uu na ku doodayaa in saddexdan shay la is waafajiyo si loo helo dawlad xilkas ah iyo hogaan aan caadi ahayn. Buuggu habab kala duwan ayuu saddexdan shay isu dul taagayaa oo u lafagurayaa. Sababtan ayaa keentay in loo bixiyo buugga magaca iskudhoon ayuu leeyahay Xisaam Miido oo ah qoraaga buugga.
Hordhaca buugga, qoraagu waxa uu aad uga hadlayaa sida nidaamka reerguuraaga ah u qaabeeyo adduun-aragga, qaab-dhaqanka, shaqsiyadda, wada-xiriirka bulsho iyo maamulka. Qaab dhismeedkeenna dhuleed iyo habnololeedkeenna bulsho ee raacatada ku saleysan in ay saameyn weyn ay ku yeesheen iyo qaaraan baaxad leh nafsadda qofka Soomaaliga ah, ismaamulka bulsho iyo qaab xiriirka bulsho ayuu qoraagu gogoldhig kaga dhigayaa waxsoosaarkiisan. Colaadaha ahliga ah ee u dhaxeeya qabiilada wada daga, in ay sababeen biyaha iyo baadka oo ku yar dhulka soomaalida ayuu soo bandhigayaa asigoo xiganaya buugga uu qoray Rashiid Garweyne ee lagu magacaabo “Suugaanta nabadda iyo colaadda.” Colaadaha u dhaxeeya reeraha wada daga inta badan waxa ay ka soo karaar qaataan yaraanshiyaha kheyraadka dhuleed (resource scarcity), taas na waxa ay abuurtaan xaalad survival ah oo aan ku micneyn karno isbadbaadin nafeed. Xaaladda survival-ka waxa ay abuurtaan qalalaaso iyo colaad joogto ah, maadaamaa ay abuureyso loollan joogto ah oo ku aaddan isticmaalka kheyraadkaas kooban. Colaaduhu in inta badan ay ka dhalan jireen loollan ku aaddan kheyraadka kooban iyo qaabka dhaqaale ee xoolodhaqatada ayuu qoraagu sheegayaa asiga oo soo xiaganay buugga Dr. Xuseen Bulxan ee “losing the art of survival and dignity.” Qaab-dhismeedka dhulka ee saxaro-xigeenka ah iyo nidaamka reerguuraaga in ay qaaraan weyn gashteen habka ay Soomaalidu isula tacaamusho una dhaqanto ayuu qoraagu soo bandhigayaa asiga oo mar kale soo daliishanaya Dr. Bulxan (eeg bogga 1aad).
Waxaa kale oo uu qoraagu soo bandhigayaa doodda Dr. Bulxan ee ah in afarta xilli ee sanadka ay raad weyn ku yeesheen nolosha ruuxa Soomaaliga ah. Gu’ga oo ah xilli barwaaqo iyo jiilaalka oo ku tilmaaman xilli abaar ayuu si gaar ah ustaad Bulxan farta ku fiiqay. Dhiillo kasta iyo colaad kastaa waxa ay dhacaan xilliga jiilaalka ah, maadaamaa ay yaraadaan kheyraadka dhulka oo ay ugu horreeyaan baadka iyo biyaha. Xilligan adag ayaa abuura colaadaha reereysan. Qaybtan hordhaca ah waxa uu sidoo kale tooshka ku iftiiminayaa shaqsiyadda qofka Soomaaliga ah asiga oo ka eegaya nolosha geeljirnimo. Qofka geeljiraha ah in uu yahay qof isla weyn oo tookhaysi badan, u na sameysan shaqsiyad dagaal ujoogto ah ayuu tibaaxayaa, asigoo soo daliishanaya xadiiska Nabiga ee ka warramaya geeljiraha iyo maahmaahyo ay ka mid tahay: “xalaal iyo xoog hadduu xero galo midna kuma xuma.” Maahmaahdani waxa ay tilmaamaysaa dhaca geela in uu abuuri jirey colaado iyo dagaallo ahliyeed oo dabadheeraada. Kala duwaanshiyo dhaqan iyo mid dabeecadeed ee u dhaxeeya beerallayda, kalluumeysatada iyo raacatada in uu jiro ayuu ku doodayaa Xisaam, isaga oo soo qaadanaya oraah oranaysa “Qof walba wixii quudkiisa ah ayuu la dabeecad yahay” (eeg bogga 3aad).
Buuggu waxa uu ka kooban saddex cutub oo mid kastaaba waxaa ka sii hoos baxa cinwaano hoosaadyo oo saddexda waaweyn u adeegaya. Cutubka koowaad waxaa uu qoraagu u bixiyay akhris xaqiiqo-abbaar ah. Cutubkani waxa uu ka kooban yahay afar cinwaan hoosaad oo mid kastaba si gaar ah kaga jawaabaya weydiimo maanka ruuxa Soomaaliga ah ka guuxaya asiga oo caddeymo iyo daliilo cadcad u keenaya dood kastaba. Qaybta hore ee cutubkan waxa uu ka lafagurayaa sida uu Siyaad barre u yahay macallinka ruuxa Soomaaliga ah iyo siyaasiga. Waxa uu tilmaamaya Siyaad Barre in uu yahay shaqsiyad lagu muransanahay oo aysan dadku isku indho ku eegin shaqsiyadiisa gaarka ah iyo middiisa hab maamuleed. Arrinta waxa uu u sababeenayaa dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin: faragalintii uu Jaalle Siyaad ku sameeyay dhaqankii Somaalida, qaab-dhismeedka bulshada, diinta islaamka gaar ahaan xeerkii qoyska iyo afgambigii uu ku sameeyay dawladdii rayidka. Afartaa arrimood ayaa ah waxyaabaha keenay in MSB (Maxamed Siyaad Barre) siyaalo kala duwan loo akhriyo ayuu qoraagu leeyahay (bogagga 11, 12).
Cinwaan hooseedkan waa kan ugu dheer ee buugga iskudhoon. Waxaad dareemaysaa in uu qoraagu aad ugu fogaaday ka hadlidda shaqsiyaddii Siyaad Barre. Siyaad Barre in uu soo saaray fac iyo jiil raadkiisa dhaqan-siyaasadeed dabagura ayuu tibaaxayaa qoraaga. siyaasiga, hooyada, aabbaha, macallinka, wadaadka, aqoonyahanka iyo askarigaba in ay yihiin dad Siyaad barreysan ayuu tilmaamay. Waxa uu sidoo kale qoraagu ku doodayaa in Siyaad Barre wali ruuxdiisu ay ku dhex nooshahay ruux kasta oo Soomaali ah oo maalinkasta hab maamulkiisa siyaasadeed lagu dhex arkayo xafiisyada dawladda. Qof kastaba oo Soomaali ah sifo kalitalisnimo ayuu leeyahay oo warkiisa iyo taladiisa in la maqlo oo la qaato ayuu u sameysan yahay. Arrintan waxa ay kuu caddeeneysaa in ruuxda Siyaad Barre wali ku dhex nooshahay bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale cutubkan waxa uu ku soo qaadanayaa fasirka aragtiyeed ee burburka Soomaaliya, waxa uu soo bandhigayaa fasirka kala duwan ee laga bixiyay burburka iyo hallaaga Soomaalida ku habsaday. Aqoonyahannada darsa xaaladda Soomaaliya waxa ay ka yiraahdeen ayuu soo qaadanayaa. Qaranjabkii dalka, qoloba wax ayay ku fasirtaa. Qolaa ku fasirta diinta oo laga tagay. kuwaa ku fasira waxa burburka sababay in uu yahay qabiilka. Qoraagu asiga soo aruurinaya fasirka iyo aragtiyaha kala duwan ee lagu qabo burburka Soomaaliya ayuu yiri “buugaagta qaranjabka Soomaaliya laga qoro inta badan waxa ay burburka Soomaaliya ku soo koobaan: jabhado qabiil, dacfi diimeed, dhaqanka raacatada ee Soomaalida, kelitalisnimo siyaasadeed, shisheeye-raacnimo iyo shuuciyad.” Miido waxa uu soo qaadanayaa aragti ay ka midaysan yihiin saddexda qoraa ee kala ah Baadiyow, Dr. Bulxan iyo xuseen keynaan ee sheegaysa in burburka iyo fashilka dawladnimada ay sababeen hirdan iyo loollanka ka dhaxeeya saddex arrimood oo kala duwan: diinta islaamka, dawladnimada casriga ah iyo dhaqanka Soomaalida. Intooda badanna waxa ay ku doodaan in saddexdaas shay heshiis laga dhex abuuro.
In soomaalidu xasuus guur taariikheed ku dhacay ayuu cinwaankan koowaad ku tilmaamayaa. Dhaqanka raacatada ah ee guur-guurka ku dhisan iyo sal dhigasho la’aanta ayuu u sababaynayaa qoraagu in uu keenay xasuus guur taariikheed (eeg bogga 49). Asiga oo soo xiganaya Dr. Bulxan ayuu ku doodaya qoraagu, in xasuus guurkaas uu Soomaalidu ku sababay labo jirro oo illaa maanta ay la daaladhacayaan: jirro taariikheed (pathology of history), iyo jirro jiritaan (pathology of ontology). Labadan jiro ee Soomaalida ku dhacday awgeed in aysan gaari doonin xasillooni siyaasadeed ama horumar dhaqaale ayuu tilmaamayaa Miido. Sidoo kale labadan jirro in ay nagu keeneen inaan soo celcelinno dhibaatooyin iyo doogo la xariira tagtada ayuu qoraagu carrabaabayaa (repitition compulsion). Taariikhda oo aan wax laga baran waxa ay keentaa in qaladaadkii hore loo sameyn jirey uun dib loo soo celceliyo. Qoraagu, asiga oo xoojinaya qodobkan ayuu soo daliishanayaa oraah uu yiri feylasuufkii reer Mareykan George Santayana ee ahayd, “dadka taariikhda illaawa, wixii hore uun bay dib bay ka soo celceliyaan.” Xasuus guurkaas taariikheed waxaa loo aaneyn karaa saddex arrimood sida buugga aad ka arki karto. 1) dhaqanka raacatada ee guur-guurka ku dhisan. 2) burburintii kacaanku ee uu burburiyay ilbaxnimo kasta ee raadkeedu dalka ka jiray. 3) burburkii dalka ka dhacay ee lagu burburiyay goobihii taariikhiga ahaa oo ay maktabaddii qaranka qayb ka ahayd.
Qoraagu, waxa uu ku yara nuuxnuuxsaday doorka Suufiyadu ka geysteen habnololeedka bulsho iyo mid hormar. Labada dariiqo ee Soomaalidu badankood heystaan (Qaadiriyad iyo Axmadiyada) ayuu tilmaamayaa Xisaam Miido asigoo soo daliishanaya daraasado laga sameeyay arrintan. Mar asiga oo qalinka ku cadaadinaya doorkii ay Suufidu ku lahaayeen in dadka raacatada ah diinta la baro ayuu yiri “Suufiyadu waxa ay halabuureen hannaan bulshada raacatada ah lagu barayo diinta, sidaa oo kale waxa ay halabuureen hannaan bulshada lagu fahansiin karo diinta islaamka, maadaamaa Soomaalidu ay tahay bulsho aan fahan dhow u lahayn luuqadda Carabiga. Sidaa awgeed Sheekh Yuusuf Al-kawneyn waxa uu hindisay xuruuf af Carabi ah oo Soomaali ah oo la yiraahdo, “Higaad.” Halkan, waxaa laga fahmi karaa in Suufiyadu ay dadka diinta bareen iyaga oo aan Carabeyn Soomaalida. Iyaga oo ilaalinaayo dhaqanka Soomaalida ayay diinta bareen dadka. Nidaamkaas Quraan barasho ee uu hindisay Sheekh Yuusuf Alkawneyn, waxa uu Soomaalida u fududeeyay barashada diinta oo waxaa Soomaalida lagu tilmaamaa in ay tahay bulsho caan ku ah xifdinta quraanka iyo barashadiisaba. Xisaam, asiga oo tixraacaya Dr. Baadiyow ayuu sheegayaa in Suufidu sameeyeen goobo la dego oo joogto ah, waxa ay na sameeyeen deegaameyn iyo magaalayn iyaga oo bulshadii raacatada ahaa ay ka dhigeen bulsho deggan oo xasilan. Kol kale asiga oo soo xiganaya Baadiyow ayuu ku doodaayaa Xisaam Miido in islaamiyiinta Soomaalidu aysan xusin kaalinta Suufida oo ay gaaleysiiyaan.
Cutubka labaad, waxa uu qoraagu kaga jawaabayaa weydiimo culculus oo intooda badan lagu muransanyahay. weydiimahaas waxaa ka mid ah: Soomaalida ma gumeystaa qaybiyay mise wey qaybsanayd, keebaa qeexa ruuxa Soomaaliga ah Qabiilka mise Diinta, Soomaalida iyo Calmaaniyadda iyo ugu dambeyn waxa uu iridda u gulayaa Taariikhda Islaamiyiinta iyo sameysinka Alshabaab. Bulshada Soomaalidu waa raacato oo qabaa’il u kala qaybsan. Qabiil kastaa iyo xerooyinkooda geeleed mid ba meel gaar ah ayuu joogaa oo ay ku kala firdhisan yihiin. Asigoo qodobkan xoojinaya ayuu soo xiganayaa dooddii Aroma ee ahayd in bulshada Soomaalida tahay bulsho kala qaybsan oo kala firdhisan, gumeystihii ka hor na ahayd bulsho kala qaybsan oo qabaa’il ah kala qaybsanaantaas na uu gumeystuhu ka faa’ideystay. Doodda labaad ee cutubkan waxa uu ku lafagurayaa waxa qeexa ruuxda qofka Soomaaliga ah, Ma qabiilka ayaa qeexa mise diinta. Dooddan waxa ay ka mid tahay doodaha xiisaha laha ee buugga ku jira ee uu qoraagu dul istaagayo. Si uu masaladan culus kaga jawaabo waxa uu soo xiganayaa qoraagu hal aragti oo ay ka wada siman yihiin Dr. Afyare iyo Prof. Baadiyow ee oranaysa, qofka Soomaaliga ah waxaa qeexa diinta iyo qabiilka. Labadaa shay in aan qofka Soomaaliga ah laga soo marin karin ayay carrabaabeen labadan Professor. Halkan, waxa uu ku naqdinayaa labada Professor asiga soo bandhigaya dooddiisa ah in qofka Soomaaliga ah waxa qeexa uu yahay qabiilka ee aysan diintu wax shuqul ah ku lahayn. Si uu dooddiisan u sii xoojiyo Waxa uu na hordhigayaa weydiin ah: diintu intee ayay la falgashaa nolosha qofka Soomaaliga ah dhaqan ahaan, suugaan ahaan iyo habnololeed ahaan ba? Si uu masaladan kaga jawaabo waxa uu dib u raadgurayaa dhaqanka raacatada ah ee qofka Soomaaliga ah. Waxa uu soo qaadanayaa sida dhaqanka raacatada ah ee aadka u kakan una qallafsan uusan u qaadan karin diinta islaamka. waxa uu markale hortaada keenayaa Xisaam Miido su’aal kale oo ah: maxay diintu u noqon weyday wax ku weyn ruuxa Soomaaliga ah? Si uu kaga jawaabo weydiintan waxa uu soo daliishanayaa aragtidii Aroma ee oranaysa, “fahanka Soomaalida ee diinta waxaa u sabab ah labo arrimood: midna waa diinta oo ku qoran Af-Carabi. Midna waa Soomaalida oo u badan reer miyi aan aqoon fiican u lahayn Af-Carabiga.
doodaha kale ee uu cutubka kaga hadlayo waxaa qayb ka ah, Soomaalidu iyo cilmaaniyadda asiga oo isbarbardhig ku sameynaya doorka wadaadka iyo waranlaha markii la joogo bulsho raacato ah. Dooddan waxa uu ibafur uga dhigaya qoraaga, in xeerka Soomaalida ee marxaladaha kala geddisan soo maray cidda saameynta culus ku leh ay tahay waranlaha, ee uusan wadaadku shaqo iyo shuqul mid na uusan ku lahayn. Asiga oo dooddiisan xijisanaya ayuu soo daliishanayaa Cabdiqaadir Cabdulle Diini buuggiisa ah “xeerka Soomaalida iyo cilminaayidda maxaa u dhexeeya?” ee uu ku sheegay in bulshada Soomaaliyeed ka kooban tahay labo qaybood oo kala ah: Wadaad iyo Warranle. Wadaadku waxa ay shaqadiisa ku kooban tahay kaliya hawlaha diinta la xiriira ee uusan wax shaqo ah ku lahayn hannaanka siyaasadeed ee bulshada. halka warranluhu uu yahay ninka bulshada u ah indhaha ay wax ku aragto ee dajiya xeerka iyo talada. Cilmibaaristiisii ahayd habdhaqan siyaasadeedka Aadan Cabdulle, Dr. Baadiyow waxa uu ku soo bandhigayaa in wadaadka Soomaaliga ah kaliya loo deyn jiray hawlaha diinta la xariira halka warranluhu uu xukmin jiray hawlaha siyaasadeed ee bulshada. sida aad halkan ka dareemayso, ma jirto kaalin uu wadaadku ku dhex leeyahay siyaasadda Soomaalida. Waxa uu aad ugu faaqidayaa qaybtan sida wadaadka Soomaaliga ah loo yaso. Waxa uu qoraagu sheegayaa doorka wadaadka Soomaaliga ah kaliya in uu ku koobnaa: in uu dadka baro quraanka iyo isku mehrinta labada qof ee is guursanaya. Waxa uu qoraagu tilmaamaya sida uu dhaqankeennu u yahay dhaqan calmaani ah.
Cutubka labaad, waxa uu qoraagu ku soo gunaanadayaa taariikhda Islaamiyiinta iyo sameysinka Alshabaab. Waxa uu tibaaxayaa maraxalidihii kala geddisnaa ee Islaamiyiinta ay soo mareen. Alshabaab in ay ahayd product ka dhex dhashtay Islaamiyiinta ayuu sheegayaa Miido. Fursadihii ay dayaceen Islaamiyiinta ee ay wax ku baddeli kareen ayuu tilmaamayaa buugga asiga oo soo xiganaya Cabdiqaadir Aroma. Dhaqanka seef la boodnimada iyo xikmad yarida xarakada Islaamiyiinta ayuu wax ka sheegayaa qoraaga. Fashilkoodii siyaasadeed na in labadaas qodob ay sababeen ayuu buuggu farta ku abbaarayaa. Waxa uu si qotodheer kaga hadlayaa halka ay ka timid aragtida Salafiyada Jihaadiga. Waxa uu qoraagu dhanka kale Alshabaab ku tilmaamayaa in ay yihiin Kansar ku dhex koray bulshada Soomaalida. Asiga oo xoojinaya qodobka ayuu yir, “Kansarka Alshabaab waa natiijo ka soo baxday afkaaro silloon oo Soomaaliya loo soo dhoofiyay xilligii qaranjabka.” Cutubka ugu dambeeya buugga, qoraagu waxa uu wax ka yiri qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin: Soomaalida iyo Carabta waxa ay wadaagaan, dhaqanka iyo horumarka xiriirka ka dhaxeeya, bulsho billaw ah iyo indheergarad gumoobay. Markii laga soo tago arrimaha Soomaalida iyo Carabta ka dhaxeeya ee ah ganacsiga iyo diinta, waxaa kaloo jira labo arrimood oo kala ah: hoggaan xumo iyo yasidda dumarka. Hogaan xumada sida ay bulshada Carabta iyo Soomaalida u ragaadisay ayuu tilmaamayaa Iskudhoon. Sidoo kale waxa uu ku soo bandhigayaa cutubakan sida dhaqanka Carabta iyo kan Soomaalida ay yasaan u na liidaan dumarka. Xisaam Miido, waxa uu buugga ku soo gabagabeeynayaa sida uu indheergaradka Soomaaliga ah u yahay indheergarad gumoobay ee aan dajin karin afkaar iyo xalal. Iskudhoon waxaa la oran karaa waa buug akhristaha u sahlaya in uu si fudud u arko dhibaatooyinka bulshada Soomaalida. Waa buug mudan in uu qofkasta oo Soomaali ah akhriyo dul saarnaada na miiskiisa waxakhriseed.
- Khilaafka Sharci ee Heshiiska DP World iyo Jabuuti
- Maxay Filimadu Na Bari Karaan?
- Iftiiminta qoraalka: Jaranjarada Loo Maro Qoraalka Toolmoon
- Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed: Casriyaynta iyo Waafajinta Shareecada Islaamka
- FILINKA SAAMIYA: XIDIGTII DHULKA EE BADDU CUNTAY
