W\Q: Ernest Hemingway
W\T: Cabdishakuur Qodax
Nin oday ah oo xiran ookiyaale dhagihiisu qalin yihiin iyo dhar aad u wasaq badan ayaa fadhiyey marshibiyoodka. Halka uu fadhiyey waxa ay ahayd buundo taag oo dadku isaga gudbaan wabiga, iyaga oo gaarifarasyo iyo alaabahooda wata. Gaarifarasyada waxa jiidayey baqlo si dhib leh ayeyna kaga baxayeen buunda, askartuna waxa ay ka gacan siinayeen riixidda taayiradda gaarifarasyada. Baabuurtii xammuulkuna waxa ay ka dhaqaaqeen meesha, halka beeraleydu ay dhex hadaafayeen habaaska canqowga ugu siman. Se ninkii odaygaa ahaa halkiisii ayuu hawaarey. Waa uu daallanaa, oo ma uusan awoodin in uu nuuxsado, oo socodkiisa sii wato.
Aniga hawshaydu waxa ay ahayd in aan buundada ka gudbo oo aan dhinaca kale tago, soona sahmiyo halka cadawgu soo gaaray. Waan soo noqday oo dhinaca kale ayaan imid markii aan intaa so ogaaday. Gaarifarasyo badan iyo dhowr qof oo lugaynaya ayaa meesha joogay, laakiin, odaygii duqa ahaa meesha ayuu hawaaray.“Xaggee ayaad ka timid?” ayaan waydiiyey.“Saan Kaarloos.” Ayuu iigu jawaabay isaga oo muusoonaya. Magaaladiisii ayey ahayd, farxadna waa ay siisey in uu magaceeda xusay, waana sababta uu la muunsooday.“Xoolo baan ku dhaqan jirey,” ayuu sii raaciyay.“Wallee?” Ayaan ku iri aniga oo aan aad u fahmin hadalkiisa. “Haa, halkaas ayaan ku nagaa, oo mayeeraan ku dhaqan jirey. Aniga ayuu ahaa qofkii ugu danbeeyey ee tuulada Saan Kaarloos ka soo baxa, ma i fahantey?” ayuu yiri.Aniga iilama ekayn nin ari iyo lo’ toona raaca. Waxa aan dhugtay maryihiisa wasaqda ah iyo wajigiisa boorka leh ee xiran ookiyaalaha, markaas ayaan iri: “Xoolo noocee ah ayey ahaayeen?”“Xoolo kala duwan.” Ayuu yiri isaga oo madaxa ruxaya, “in aan ka tago ayay ahayd.” Waxa aan daymoonayay dhanka buundada iyo oogada gobalka aan Afrika laga garan ee Ibro Delta.
Waxa aan isweyddiinayay muddada ay qaadan doonto in aan is aragno cadowga. Waxa aan sidoo kale, u dhegraaricinayay inta odaygu meeshaas fadhiyay cod walba oo noqon kara jabaq colaadeed.“Xoolo noocee ah ayey ahaayeen?” Ayaan waydiiyey.“Wadar ahaan, saddex nooc ayay ahaayeen,” wuu sii waday, “laba riyood, afar jaad oo qoollay ah iyo bisad ayay ahaayeen.” “Oo ma in aad ka soo dhaqaajiso ayaad ku qasbanaatay?” ayaan waydiiyey. “Haa. Duqaynta darteed. Kabtankaa ii sheegay inaan ka tago meesha, waayo, duqayn baa socotay meesha.”
“Ma reer baad leedahay?” ayaan weyddiiyay, anigoo fiirinaya dhanka kale ee buundada halkaas oo gaarifarasyadii ugu dambeeyay ay si degdeg ah uga soo hoobanayaan buundada dhinaceeda.“Maya.” Ayuu yiri, “keliya xayawaannada aan sheegay ayaan leeyahay. Bisada waxba kama xumaan doonaan. Way is bixin kartaa. Laakiin ilama ahan kuwa kale in ay sidaa yeeli doonaan.”“Maxaa kuu xal ah marka?” Ayaan waydiiyey.“Waxba,” inta uu yiri ayuu sii watay hadalka, “toddobaatan iyo lix jir baan ahay, 12 km baan ka imid. Sida ay ila tahayna, in ka badan ma sii socon karo.”“Meel wanaagsan oo lagu hakado ma ahan halkani?” Ayaan ku iri, “Haddii aadan socon karin, baabuurta xammuulka raac, halka ay wadadu kaga leexato Tortoosa ayey taagan yihiin e.”“Xoogaa ayaan sugi doonaa, dabadeedna waa aan socon doonaa. Xaggee ayey tagayaan baabuurta xammuulku?” Ayuu yiri.“Baarsiloona ayaa ay tagayaan,” ayaan ku iri.“War cidba kama aqaanno dhankaas.”Ayuu yiri, “laakiin marlayba mahadsanid, aad baad u mahadsan tahay mar kale.”Indho quus ah oo daallan ayuu igu eegay, dabadeed wuxuu yiri, isaga oo u baahan cid uu la wadaago walaaciisa, “Bisadda waxba kama xumaan doonaan. Way is bixin doontaa. Waan hubaa. Ma ahan in iyada laga murugoodo, laakiin kuwa kale, maxaa ay kula tahay in xaalkoodu noqon doono? “Waayo? Iyaguba waa ay badbaadi doonaan.”“Ma sidaas ayey kula tahay?”“Oo maxaa diiday?” Ayaan iri aniga oo meel fog ka halacsanaya daanta shishe ee wabiga oo aysan hadda wax gaarifarasyo ahi oollin.“Laakiin maxaa ay ka yeeli doonaan duqaymihii aniga la igu yiri naftaada kala baxso?“Horta qafiskii ma ka furtay qoollayda?” ayaan waydiiyey.“Haa.”“Haddaa way duuli doonaan.” “Waan hubaa taas. Waa ay duuli doonaan. Laakiin kuwa kalena waxa la qaataa in aadan ka fikirin.” Ayuu yiri.“Haddii aad nasatey waan jeclaan lahaa in aad halkan ka kacdo oo aad socoto.” Ayaan ku dhiirriyey. “Kac oo socod isku day hadda.”“Mahadsanid.” Inta uu yiri, oo si qumaati ah cagaha ugu istaagay, oo dhinacyada u ciirciiray ayuu haddana, halkiisa habaaska hawaarsaday.“Xayawaankaas ayaan dhaqanayey,” ayuu u yiri si quus ah oo bilaa dareen ah, laakiin, markan aniga iima sheegayn. “Keliya waxaan dhaqan jirey xayawaankaas.”
Gacan talo nooguma jirin. Waxa ay ahayd iidda Iistarka, Faashistayaashiina waxa ay ku soo siqayeen Ibro. Maalin caad badan oo ay daruuruhu cirka ku gudban yihiin ayay ahayd, diyaaradahuna ma duuli karin. Sababtaas iyo xaqiiqada ah in ay bisaduhu yaqaannaan sida naftooda loo maareeyo ayaa noqon ahaan doona sareedada ugu fiican ee odaygaas waayeelka ahi waligiis ku ledo.
