Loollan Guun ah: Soomaalida iyo Xabashida Geeska Afrika

Loollan Guun ah: Soomaalida iyo Xabashida Geeska Afrika

Waxaa qoray: Cabdirisaaq Muxumed Xaaji, Email: xaji2020@gmail.com

Qarnigii 9’aad waxaa deegaanada Shawa ka dhismay boqortooyo ay aasaaseen niman Carbeed oo loo bixiyay Awfaat, taas oo markii danbe u xuubsiibatay Adal, sida uu qorayo buugga Futuuxul xabash, Shihaabudiin Axmed. Markii boqortooyadii Awfaat ay balaadhatay ee ay gaadhay Saylac ayay boqortooyadii Xabashida ee buuralayda xukunkooduna ku dhisnaa dhul-goosigu bilawday weerarro iyo duullaan ay ku rabaan in ay ku qabsadaan dhulka Muslimiinta. Wixii ka horreeyay 1270 Taariikhda Miilaadiga Boqortooyada Xabashidu waxa ay ahayd mid si nabadoon kula noolayd boqortooyooyinkii Muslimka ee la dariska ahaa, hase ahaatee wixii ka danbeeyay 1270kii oo xukunka boqortooyada Xabashida ay qabsadeen niman isku sheegaya in ay kasoo jeedaan Nebi Sulaymaan (Solomonic dynast).

Boqortooyadii Xabashida (Tigree iyo Axmaaro) ee buuralayda sare waxa ay bilaabeen dagaalo si ay xukunkooda iyo diinta ay haystaan cid walba u hoos keenaan. Halkaas waxa ka bilowday dagaal diineed hardan u dhexeeya labada garab ee kala ah: Xabashida oo horkacaysa boqortooyo Kiristaan ah iyo dowladihii Muslimka ee la dariska ahaa.

Xabashidu waxa ay ahayd qoladii bilowday colaadda aan joogsan ee ilaa hadda—qarniga ka socda Geeska Afrika. Dagaaladaas ay boqortooyadii Xabashidu bilowday waxa ay ku qabsatay dhul badan oo ay Muslimiintu lahaayeen balse dagaaladii ma aysan dhammaan oo Muslimiintu waxa ay la galeen dagaal ay sharaftooda iyo karaamadooda ku difaacanayaan kuna xajisanayaan dhulkoodii, waxaa dib loo habeeyay dowladdii iyo ciidankii Muslimiinta, inta diyaar garowgani socday waxaa 1508dii la wareegay xukunkii boqortooyada Xabashida libna Dengal. Halka dhanka Muslimka uu ka jiray gadood, Xabashida oo dagaalkan si joogto ah u wada ayuu soo baxay nin dagaalyahay ah oo la odhan jiray Garaad Abboon.

Markii Garaad Aboon dhintay waxaa taladii wareegay nin dhallinyaro ah oo magaciisa taariikhdu xustay— Imaam Axmed Ibraahim Al-Gaazhi waxa uu ahaa nin dhalinyaro ah. Firfircoon, geesi ah oo feejigan. iyada oo wiilkani dhulka joogo ayaa boqorkii Xabashidu soo diray ciidan, kuwaas oo gaystay gumaad, bililiqo iyo qafaalasho. Imaam Axmed iyo raggiisii ayaa markii ay warka maqleen ka daba duulay waxa ayna Xabashidii u gaysteen jab aad u xun waxa ayna ka soo celiyeen wixii ay xoolo bililiqayteen iyo dadkii ay qafaasheen ba.

Dagaalkan waxa uu noqday kii ugu danbeeyay ee ay boqortooyadii Xabashidu soo qaado, Imaam Axmed iyo raggiisuna waxa ay diyaarsadeen in ay cagta-cagta u saaraan Xabashida ilaa ay gaadheen Harada Taana ee uu wabiga Nile ka bilowdo. Imaam Axmed oo lagu garan ogaa duullaan badane waxa uu dilay boqorkii Xabashida. Xabashidu dhankeeda ma hadhin taa cagsigeeda waxa u soo gurmaday Burtaqiis. ciidanka Burtiqiis waxaa hoggaaminayay Stephano Da gama oo uu dhalay Christopher Da Gama, mar walba oo Xabashida la jabiyo waxaa Yurub uga imanayay gurmad, markii ay dowladii Cusmaaniyadu maqashay jabka Burtiqiiska waxa boqortooyadii Cusmaaniyiintu u soo dirtay dhanka Imaam Axmed ciidan iyo hub. Cusmaaniyiintu kol dambe waa ay iska laabteen isfahanwaa dhex maray iyaga iyo Imaamka awgeed. Ugu dambayn 1543 ayay Xabashidu Harada Taana agteeda ku dhaawaceen Imaam Axmed falaadh ay si gaadmo ah ugu soo ganeen, aakhirkii dhaawacaas ayuu Imaamku u dhintay. Haddaba, Siraacii xilligaas ka bilowday Geeska oo wali oogan ayay dhulalkii Muslimka oo kan Soomaalidu ugu horreeyo isku balaadhiyeen guumaystihii Yurub.

Geesta kale, 21 January, 1872dii ayaa Yohaniskii 4’aad loo caleemo saaray waxa uuna saldhigtay Cadwa. Boqortooyadii Xabashidu waxa ay isugu soo hadhay Yohaniskii 4’aad iyo Minilik 2’aad oo haysta Shawa. Minilik 2’aad waxa uu dhex galay guumaystihii Yurub ee ku loollamayay Geeska Afrika; Talyaani, Ingiriis iyo Faransiis. Minilik wuxuu helay taageero door ah oo hub ugu mudanyahay, isagoo ka faa’iidaysanaya loolanka ka dhaxeeya Yurub.

Xabashidu waxa ay caan ku tahay isbihin-bihinta, waa kii Minilik 2’aad uu lahaa: waxa aannu nahay awood Kiristaan ah oo ay badwayn cawaan ahi ku hareeraysan tahay. Taageerada hub iyo dhaqaale ee Xabashidu heleen xooggiisa waxay ka helayeen Faransiiska.

Sida uu qorayo Maxamed Ibraahim Liiqliiqato buuggiisa Taariikhda Soomaaliya (Dhulkii Filka weynaa ee Punt): bishii Maarso 1886dii ayuu sahamiye Talyaani ah oo la odhan jiray Pietro Porro oo ka wakiil ahaa shirkad Talyaani ah uu isku dayay inuu sahmiyo dhulka Soomaalida. Ninkaas Talyaani waxa uu sahankiisa ka bilaabay Saylac, isagoo u sii socda Harar ayay Soomaalidii aaggaa deganayd weerartay oo halkaaa ku cidhib-tirtay sahankiisii guumaysi. Sida uu leeyahay Maxamed-Liiqliiqato waxa halkaas marmarsiinyo uu Harar ku weeraro ka helay Minilik oo markan u cumaamadan boqortooyada Xabashida oo dhan.

Waxa uu diyaariyey duullaan uu Harar ku qaado isaga oo garabsanaya Faransiiska oo loollan kula jiray Ingiriis iyo Talyaani oo dhammaantood heshiis ku ahaa burburinta iyo qabsashada dhulalka Soomaalida iyo hantidooda ba. Minilik waxa uu soo diray ciidan uu hoggaaminayo Raas Walde Gabriyeel, isagoo Amiirka Harar ku eedaynaya inuu laayay sahankii Talyaaniga.

Hase ahaatee ciidankii Xabashida jab xun ayaa loo gaystay. Minilik markuu arkay in aysan Harar si fudud ku qabsan karin ayuu soo hoggaamiyay ciidan 30kun ah ugu dambayn waxa uu qabsaday Harar 1887dii. Minilik marna ma uu ilaawin colaaddii guunka ahayd ee u dhaxaysay Sooomaalida iyo Xabashida, waxa uuna ka aarsaday duullamadii Imaam Axmed qarnigii 16’aad ku qabsaday badi dhulka Xabashida. Taasi waxa ay ku caddahay farriintii uu u diray wakiilkii guumaysiga Ingiriis Cadan u joogay. Waxa uu Minilik yidhi sida uu qoray Maxamed Liiqliiqato: “Sida ay tahay ba, Xamdiga Eebbe waan ladanahay. Amiir Cabdillaahi uma oggoleen dalkiisa Masiixiga. Wuxuu ahaa Gurey kale, haseyeeshee Ilaah mahadii waan la dagaallamay waanna baabi’iyay waxa uuna ku cararay faras dushii. Waxaan calankeyga saaray xaruntiisa, ciidamadayduna waxay qabsadeen magaaladiisii. Gurey wuu dhintay Cabdillaahi na wuxuu ahaa kii waayeheena Gurey dhaxlay. Nin walba wuu ogyahay kani—inuusan ahayn dal Muslim.” (Minilik halkaa dambe been buu ka sheegay, Harar waxa ay ahayd dal Muslim walina tahay, balse gacan Xabashi ayay in muddo ah ku jirtaa.)

Harar waxa ay ahaan jirtay magaalada ugu qanisan Geeska, waxa ayayd xarunta ganacsiga iyo diinta ee Geeska Afrika. Isku soo wada duub oo halkaa waxa aad ka fahmaysaa in aysan Xabashidu marna kaligeed duulaan ay dhul Soomaaliyeed ku qabsato ku guulaysan hase ahaatee ay mar walba caawinaadda quwadaha reer Yurub ku tiirsanayd.

Markii ay rumowday riyadii Xabashida ee ahayd qabsashada Harar waxa uu isku sii balaadhiyay dhulkii kale ee Soomaalida, waxa uuna yimid aagga Jigjiga waxa uuna bilaabay inuu dadka xasuuqo xoolahana ka dhaco, taas oo ahayd dhaqan ay Xabashidu caan ku ahayd. Geesta kale waxa wiiqmay ama meesha ka baxay hogaankii, maamulkii iyo ciidankii dhulka difaacayay. waxaana gacan sare yeeshay Xabashidii.

Qarnigii 19’aad kolkii uu bilowday waxaa curtay kacaankii Daraawiish oo halgan adag la galay guumaystihii kala duwanaa ee Talyaani, Ingiriis iyo Xabashi. Bishii Maarso 1900 ayay ciidan daraawiish ah weerar ku qaadeen Xabashidii deganayd aagga JigJiga waxa ayna dib ugu celiyeen Harar. Weerarkaas kadib Xabashidu waxa ay Ingiriis xulafo kula noqotay la dagaallanka Sayid Maxammed. dagaalkii u horreeyay ee ay Xabashi, Ingiriis iyo Talyaani si wadajir ah ugu qaadaan Daraawiish waxa uu ka dhacay Gumbure, 17 Abriil,1903dii, waxaana halkaa jab xun loogu gaystay ciidankii guumaysiga. kobtaa daraawiish waxa ka raacay guulwayn taas oo markii dambe keentay in Boqortooyadii Ingiriisku beddesho sarreeye-guuto W.Manning oo duulaankaas hogaaminayay, waxa lagu baddaley Egartton.

Quwadihii reer Yurub ee guumaysata ahaa waxa ay qaybsadeen dhulkii Soomaaliyeed oo ay kala qabsadeen Ingiriis, Talyaani iyo Faransiis. Kadib qabsashadii Harar waxaa heshiis galay Xabashida iyo Ingiriis. Ingiriisku 14 May, 1897 waxaa dhacay heshiiskii Xabashida iyo Ingiriis waxaa dhanka Ingiriis u saxeexay qunsulkii guud ee joogay Qaahira, James Rennel Rodd. dhanka Xabashida waxaa u saxeexay Minilik. Heshiiska Ingiriis ugu ballanqaaday dhulka Soomaaliyeed inuu Xabashi siiyo waxa uu dib u cusboonaysiiyay 1944 iyo 1954 oo tan danbe ay ahayd waqtigii ay Soomaalidu ku baraarugtay in dhulkoodii Xabashi la siiyay.

23 September, 1948dii ayuu Ingiriis ku wareejiyay badi dhulkii Soomaalida taliska naxariista daran ee Xabashida. Qaybtii kale waxa uu xabashi ku wareejiyay 29 November, 1954. Wareejinta kacmaha shisheeye isku garabsadeen dadka Soomaali-Galbeed waa ay diideen, kadib taliskii Xdabashidu waxa ay ku baddashay gumaad aad u daran. Kadib waxa ay cuqaashii dhulka Soomaalida oo 38oday dhan waxa ay saxeexeen waraaq ay u summad uga dhigeen “dhulka nooga guur”. (Wehelka Waddaniga: Cabdikariim M. Haaddi B: 37-38.)

Dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaalida iyo Falcelintii Itoobiya

Kahor madaxbannaanidii iyo dhalashadii Jamhuuriyadda, dhulkii Soomaaliyeed ee Xabashida lagu wareejiyay waxaa ka timid diidmo lagu diidan yahay hoosjoogga Xabashida, diidmadaa waxaay Xabashidu kaga jawaabeen gumaad door ah oo ay gaysteen.

Tusaale: xasuuqii Qalaafo (1957), xasuuqii Qabridahar (1959), xasuuqii Dannood (1960), Xasuuqii Ayshaca (1960) iyo xasuuqii Dhagaxbuur, gobolka Jarar.

Suugaantu waa dhaxal ummaddeed, abwaan Maxamed Cabdillaahi Ciise (Singub) ayaa xasuuqyadaa qaybtood ku xusay maansooyinkiisa middood. Waxa uuna yidhi:

Hanqadh baa Dannood lagu dhuftooy, hamug ku siiyeene
Dhagaxbuur halaaggii ka dhacay, hadiba maysaane
Aqalkiinna hoostiisa yaa, la isku haystaaye|
Hubka qaata Soomaaliyeey, waydun huruddaane.

Maamulka Xabashidu markii ay Jamhuuriyada Soomaalidu dhalatay ba waxa ay kala hortageen diidmo. Xabashidu waa dad aad u neceb Soomaalida, in ay dal yeeshaana ma aysan oggolayn—waa kii Minilik lahaa: dadka xeebaha ku nool (Soomaalida) waxa ay hoos tagaan boqortooyadayda. Boqor Xayle Salaase waa fahansanaa in Soomaalida qaybtood oo xorriyad qaadatay ay khatar ku yihiin awooddiisa maadaama ay dhul soomaaliyeed haystaan. Haddaba dhulkii Xabashidu haysatay oo la hiyi kacay sidii ay walaalahood u la midoobi lahaayeen ayaa xorriyadda qaatay 1960kii, Soomaalidii Xabashida ku hoos jirtay waxa la qummanaan wayday in ay ka geeddi hadhaan ummaddoodi, kadib waxa ay samaysteen urur u dhaqdhaqaaqa halgan hubaysan oo laga ga dhaqaaqay Xodayo, Gobolka Wardheer, Soomaaligalbeed sanadkii 1963dii. Madaxwayne Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan-Cadde) AHUN waxa uu diiday inuu saxeexo qaraarkii Midowga Afrika lagu aasaasay oo ahaa in sidoodii loo daayo xuduudihii uu gumaystuhu kaga tagay qaaradda. 

Xabashidu si ay u carqaladayso halganka hubaysan ee ka bilowday dhulka Soomaali-galbeed waxa ay weerar ku qaaday xuduudaha jamhuuriyadda Soomaaliyeed, ciidankii Jabhadda, Geeshkii Nasrullaah iyo ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka hortageen guuldarrooyina bidden xabashidii oo hungo kala kulantay qarankii cusbaa ee 3sanno oo kali ah jiray. Markii ay xabashidu soo weerartay si ay isugu dayaan in ay jabiyaan hanka Soomaalida waxa ay jamhuuriyaddii xorta ahayd ee Soomaaliyeed ka socotay doorasho xor iyo xalaal ah, xabashida oo uu u talinayay boqor dhul-goosad ah oo dhulka iyo beeraha dadkiisa ka dhaca wax ay dhagihiisu maqlaan waxa uu ugu necbaa doorasho. Waxa uu ku guuldarraystay inuu dhul qabsado iyo in doorashii carqaladeeyo labadaba. waa kii Raysal Wasaare Cabdirashiid lahaa: “gacan waa lagu codaynayaa, gacanna dalka ayaa lagu difaaci”.

Mar kale ayay Soomaalida iyo xabashidu wada galeen dagaal 1977/1978 oo ahaa dagaal ay bilowgiisa lahayd Jabhadii Xoraynta Soomaali-galbeed (WSLF) gadaalna ay kaga biireen ciidankii xoogga dalku. bilawgii Itoobbiya si aad u xun baa loo jabiyay, waxaana laga saaray gabi ahaan dhulkii Soomaaliyeed oo la wada xoreeyay, balse xorriyadaasi dib ayey ka fashilantay siyaasadxumo ka timid maamulkii askartii kacaankii October. Xabashidu waxa ay hiil ka heshay dawladaha Cuba, Midowgii Soofiyeet, Liibiya iyo Yementii Koonfureed.

Dalalkaa dhowrka ah oo isgarabsanaya ayaa dib u qabsaday dhulwaynihii Soomaali-galbeed ee la xoreeyay. Xabashidu waxa ay ku faantaa in ay dagaalkii 77 ku guulaysatay waana kuwa weli xusa guusha dagaalkaas, dhab ahaan se ma jirin guul ay Xabashidu gaadhay iyo ciidan xabashiyeed; iska dhaaf ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed e waxa ay Xabashidu iska dhicin waayeen WSLF, balse gurmad kala duwan oo ka yimid Yurub, Laatin Ameerika iyo jasiiradda Carbeed ayaa u hiiliyay Xabashida, horena Yurubta Galbeed aya u soo hiilin jiray.

Geesta kale, qaran-jabkii iyo burburkii dowladii Soomaaliyeed 1991 kadib, inta badan madaxda Soomaalidu waxa ay isku dayeen in ay raalligaliyaan Itoobiya, damiinnimada taariikhda ka haysata ayaana kallifaysa in aysan dhaadin colaadda guunka ah ee Xabashida.

Dagaalkii sokeeye kadib waxa ay xabashidu bilowday faragallin qaawan iyo kala qaybin bulsho. Heer ay gaadhay ninka ay ka shakido in ay ka horkeento kuwo kale, Tusaale: Gen Cumar Xaaji Masale oo ahaa guddoomiyaha Jabhadii SNF isla markaana xabashida soo galiyay gobolka Gedo si ay ula dagaalamaan Al-Itixaad; waxa uu dhintay isaga oo aan imaan karin gobolkiisi Gedo in Xabashi ay dishana ka cabsiqaba. Geesta kale ururkii uu samaystay nin kale ayeey hoggaan uga dhigeen. Raggii Xabashida isku dhiibay qaybtood waxa ay dhigeen xabsi, halka kuwo kale sida Shaati-guduud ay ku dhaheen daacad noo ma tihid ugu dambaynna ay ka horkeeneen Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Sida caamka ah Soomaalidu taariikhda waxba kama barato, Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan faham buuran ka haysan colaadda fog ee Xabashida waa kii 2016 isagoo raalligalinaya maamulkii Xabashida ee Tigree-gu hormuud ka ahaayeen Jigjiga tagay, ka dhaanteeyay—kuna aflagaadeeyay halgamayaal Soomaaliyeed ONLF oo u taagnaa difaaca iyo xoraynta dhulkooda. Xasan kolkaa waxa uu ka fakarayay in ay Xabashidu kala shaqayso dib-u-doorashadiisa, waxa uu dalka ku soo celiyay Xabashida oo uu kala shaqeeyay in AMISON lagu daro kadib markii ay ee madaxwaynaha Xasan Sheekh shukaansadeen.

Mar kale waa kii Madaxwaynuhu lahaa: Xabashida, Kenyaanka iyo Jabbuutiyaanku waxa ay soo diri karaan ciidamo aan ku jirin AMISON oo dheeraad ah si ay nooga caawiyaan la dagaallanka uruka Al-Shabaab. Madaxwayne Xasan wuxuu ilaaway xikmaddii ahayd: haddii aad dagaal ku jirto deriskaaga ha u kaashan cadow, haddii uu guul kula keeno waxa uu kula yeelanayaa talada iyo dhulka. waana tii ku dhacday Madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf Axmed.

Madaxwayne Farmaajo oo Xasan Sheekh ka danbeeyay ayaa isna si uu Xabashida u qanciyo ayuu isu dhiibay Itoobiya, halgamaa Cabdikariim Sheekh Muuse oo ahaa askari Soomaaliyeed oo ku soo dhaawacmay dagaal ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed la galleen xabashida ayuu Xabashi u gacangashay. Intaa kuma ekaan e sidoo kale waxa ay golihiisii wasiiradu soo saareen in ururka ONLF ay argagixiso tahay— taas oo dawladda  Itoobbiya qabtay. Isku dar falalkaasi waxa ay ahaayeen nasiibxumooyin hor leh.

Geesta kale maalmo kahor Taliyaha Ciidanka Xabashida Gen. Burhanu Jula oo ah Orom ahi waxa uu fagaare ka yidhi: “ciidanka Itoobbiya ayaa jabiyay Soomaaliya 1977/1978dii.” Aqoonyahan Faysal Rooble oo u jawaabayay isna waxa uu yidhi: uma malaynayo in Berhanu akhriyay xogihii dagaalka laga qoray, waxaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Jabhadii xoraynta Soomaali-Galbeed dhulkooda ka saaray 20,000 Cuban ah, 10,000 Yemeni ah iyo ciidan aan tiradooda la aqoon la xulafo ahaa Soofiyeetka iyo khubaradii Midawga.

Guntii iyo gunaanadkii: Carab oo Masar iyo Sucuudigu ugu horreeyaan dagaaladii Soomaalidu ay la gashay Xabashida wax caawimaad ah oo la taaban karo laga ma hedlin. Mar kale Masar waxa ay ahayd dalalkii saddexda ahaa ee Cumar Carte Qaalib seejiyay xoghayaha OAU (Afrikan Union) dalalkaas oo kala ahaa: Nayjeeriya, Masar iyo Itoobbiya. (Buugga Dagaalkii Ogaadeenya, Qaybtii Koowaad: Dr. Saadiq Eenow. bogga 62.).

Geesta kale xogo ay CIA-du sii daysay oo ah kuwa laga maarmay ee kontonkii sanno ba mar la sii daayo waxaa ku jirta; in Maraykanku Sacuudiga waydiiyay markii uu socday dagaalkii Ogaadeeniya 1977/78 qolada Sucuudigu la rabo in ay xukunto dhulkaas, dawladda Sucuudigu waxa ay ku jawaabtay barraad la’aan: ciddii doontaa ha xukunto, annaga waxa muhiim noo ah in Soofeetka la dhaafiyo gacanka-cadmeed. Waxa xusid mudan dalka kaliya ee Carbeed ee si cad u taageeray halgankii xoraynta dhulka Soomaal-galbeed inay ahayd dawladda Suuriya.

Siraaca Soomaalida iyo Xabashidu oo aad qodan waxa uu dabo socdaa dagaaladii qarnigii 15’aad iyo 16’aad ka socday gobolka Geeska Afrika ee ay Xabashidu bilowday walina wado. Dagaalkaas oo aysan Xabashidu kaligeed galin waxa ay mar walba garab ka helashaa quwado shisheeye. Xabashida iyo hogaankoodu waqood ma ilaawaan hardanka oogan— halka hogaanka Soomaalidu hurdo qaran-jabkii kadib na cadawgii soojireenka ahaa isu dhiibay.

Xabashidu marna ma ogola jiritaanka qaran Soomaaliyeed oo xor ah, hoggaamiye kasta oo maamulka Xabashida ka taliyaana waxa uu aaminsanyahay meelmarinteedana u taagan yahay hirgalinta aragtidii Minilik ee ahayd qabsashada dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

Tixraacyo dheeri ah.

1. Taariikhda Soomaalida (Dalkii filka waynaa ee Punt): Maxamed Ibraahim Liiqliiqato.

2. ⁠Futuuxul Al-Xabasha: Shihaabud-diin Axmad (Fiqi Carab)

3. ⁠Wehelka Waddaniga: Cabdixakiin Maxamed Haaddi.

4. ⁠Halgankii gunimmodoonka: Ibraahim Aadan Shire

5. Dagaalkii Ogadeenya: Dr. Saadiq Eenow.

***

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *