Wareysigan waxaa baahiyay mareegta AlSuumaal aljadiid
Waxaa tarjumay: Cabdiraxmaan Caqiil
WAREYSI: BARAFASOOR MAXAMED XAAJI MUKHTAAR
Barafasoor Maxamed Xaaji waxa uu wareysigan siiyay isaga oo ku sugan Hoteelka safaari ee Muqdisho Cabdinuur macallin iyo maxamed Rashiid oo ka socda Xarunta Horumarinta iyo cilmibaarista ee Suumaal Aljadiid bishii Luulyo ee sannadkii 2022. Wareysiga oo ku qoran afka carabiga, waxaa Soomaaliyeeyay Cabdiraxmaan Caqiil.
Wareysigan waxa uu barafasoorku kaga warramay waxyaabo badan oo ku saabsan bulshada Soomaaliyeed sida: isirka Soomaalida, deegaanka geeska Afrika iyo ahmiyadda taariikheed ee uu leeyahay, afka Soomaaliga iyo hodantinimadiisa, Cilmibaarista taariikhda Soomaalida iyo ilaha ugu waaweyn eelaga helo taariikhda Soomaalida.
Taariikh nololeedka Digtoor maxamed Xaaji [Kooban]
Digtoor Maxamed Xaaji Mukhtaar, waa qoraa iyo cilmibaare soomaali ah oo ku takhasusay taariikhda muddana kusoo jiray diraasaynteeda.
Waxa uu sannadkii 1947kii ku dhashay tuulo ka tirsan gobolka Bakool. Waxaa lagu tiriyaa in uu kamid yahay baarayaasha ugu mudan uguna caansan gayiga soomaalida, waxa uu 1974 kii kasoo shaqeeyay akadeemiyadda soomaaliyeed ee cilmiga, fanka iyo suugaanta, sidoo kale 1975 kii waxa uu barre ka ahaa kulliyadii Lafoole ee jaamacadda Ummadda soomaaliyeed, shahaadada sare ee Doktooraat ayuu helay 1983kii.
Waxa uu waqti badan ku noolaa qurbaha, isagoo wax kasoo dhigay jaamacado ku kala yaalla ingiriiska, Malaysia, iyo Jaamacadda Savannah state university ee dalka Maraykanka oo uu barre ka yahay tan iyo 1991kii. Waxa uu leeyahay dhiganayaal iyo cilmibaarisyo ay kamid yihiin ” Taariikhda gumeystaha Taliyaaniga ilaa 1908″ sidoo kale waxa uu diyaariyay diraasad ku saabsan Soomaalida Taliyaaniga laga soo bilaabo xilligii wisaayada(gobbanimo-gaarsiin) ilaa gobbanimada (1950-1960).
Kusoo dhawaada wareysi xiiso leh:
Sacaadat Barafasoor Maxamed waxaad inbadan diraasaysay kuna takhasustay taariikhda, waxaan jeclahay inaan ku weydiiyo Asalka soomaalida halka uu ka yimid iyo halka ay galaanba, ma hal meel ayay galaan soomaalidu? Ama meelo kala duwan ayay ku abtirsadaan sida ay qoraan riwaayadaha taariikheed qaarkood?
Su’aashan waxaad mooddaa in ay yara adagtahay, waxaa wax laga xumaado ah in dhammaanteen aynu ku cusubnahay waxa loo yaqaano baarista taariikheed, yeelkeed’e waxaan jeclaystay in billowga diraasadaha aan sameeyay aan ku daro buuggayga Doktooraat aan ku diyaariyay Taariikhda hore ee soomaalida, toddobaatanaadkii qarnigii tegay waxaa geeska Afrika laga sameeyay baaritaano taariikheed.
Natiijadii ka dhalatay baaritaannadaasina waxay noqotay in geeska Afrika uu yahay halka asal ahaan Insaanku ka yimid, xilli ay soo badanayeen qarniyadii 19aad iyo kan 20aad werinta ah in geeska Afrika ay tahay meesha uu aadanuhu asal ahaan ka yimid ,taa waxay ii lahayd xiise gaar ah inaan shahaadada Doktooraat ka diyaariyo Taariikhda hore ee soomaalida, se macallimiintayda ayaan igu dhiirigelin inaan mowduucaas faraha la galo, waxayna sabab uga dhigeen in ay adagtahay baaristeeda loona baahanyahay in si qotodheer loo baaro, waxay igu la taliyeen: waxaa kuu habboon in aad doorato cinwaan kaas ka sahlan oo loo heli karo maraajic iyo ilo ugu yaraan aad ku diyaarin karto Diktooraat, kaddib ayaad mowduucaas gali kartaa, maadaama hawsha cilmibaaristu ay tahay mid markasta furan, waana sidii aan sameeyay.
Annaga soomaalideenna ma haysanno Dukumentiyo iyo buugaag la isku hallayn karo si ka duwan ummadaha kale ee intaaba haysta, annagu waxaan ka bilaabaynaa meel eber ah iyo in dib loogu laabto werinta afka ee bulshadeenna oo qaarkood dood ka jirto in lagu kalsoonaado; sidaa awgeed jawaabta su’aashaada ee ahayd asalka soomaalida waxay u baahantahay diraaso xeeldheer, waxaana rajaynayaa in aan ka gungaaro arrintaas.
Qofku marka uu baaris samaynayo waxaa jira su’aal uu jawaabteeda uu baadigoobayo, kolkii aan dhammaystay buugga qalinjebinta waxaa la isoo hordhigay su’aalo aan jawaab u helin qaarkood, waxaana kamid ahaa Maadaama geeska Afrika uu yahay halka asal ahaan insaanku kasoo jeedo mala dhihi karaa soomaalidu waa halka aadanaha kale ay ka soo farcameen, Wax lagu faano ayay noo tahay haddii dadka kale ay nagu abtirsadaan, aragtidaasi meelo badan oo dunida ah ayay ku faaftay, waxayse u baahantahay baaritaano iyo diraasayn kale.
Suaasha labaad, halkee ayuu ka yimid afka soomaaliga? Bahdee se uu ku abtirsadaa marka loo eego bahda afafka kala duwan ee maanta jira?
Su’aashani waxa ay la xiriirtaa isla su’aashii hore, sida aynu ka warqabno diraasaynta iyo barashada cilmi afeedka waa arrin muhiim u ah taariikhda, sababtoo ah waxa ay gacan ka geysataa baaritaannada taariikheed.
Sida caadiga ah afka soomaaliga waxaa la sheegaa in uu galo bahda afafka kushitiga bari oo inta badan looga hadlo geeska afrika, koonfurta suudaan iyo bartamaha Afrika, waxaa bahdaas kula jira afafka Oromada, , Saaxo, Cafar iyo kuwo kale. Afkeenna soomaaliga waxa uu ku abtirsadaa bahdaas aadka u ballaaran ee ka kooban in ka badan 20 luuqadood.
Tan kale bahdan waxaa ku kulman afafka ugu da’da weyn Afrika iyo dunidaba gaar ahaan afafka ay soomaalidu ku hadasho, tusaale afka jiidaha oo reero soomaalida kamid ahi ay ku hadlaan waxaa la qiyaasaa in uu soo jiray 4 kun o9 sanno kahor, sidaa awgeed in daaha laga rogo asalka afafka soomaalidu ay ku hadasho waxa ay u baahantahay diraasayn iyo baaris qoto-dheer.
Miyay jirtaa saamayn afafka kale ay ku reebeen afka soomaaliga maadaama uu waqti fog soo jiray? Haddii jawaabtaadu tahay mid togan, halkee saamaynta ugu badan ay uga timid afka soomaaliga?
Haa, kolka aan leenahay afka soomaaliga waxa uu galaa bah-afeedka kushitiga bari, halkaa waxaa ka dhalanaya saamayn luuqadahan 20 ka ah ay isku leeyihiin, tani waxa ay u baahantahay baaris qoto-dheer in lagu sameeyo.
Luuqadahani waxa ay saamayn ku leeyihiin afka soomaaliga, taas caksigeedana way jirtaa, si kastaba ha ahaato e saamaynta ka dhaxaysa afafka bad iyo berri juqraafiyeed dadkoodu wadaago waa arrin jirta oo aan shaki ku jirin, dalalka deriskeenna ah saamayn bay nagu leeyihiin, innaguna si baan ugu leenahay saamayn, hadday yihiin dowladaha Afrika ee ku hadla afafka kushitiga ama kuwa carbeed ee ku hadla luuqadaha semitik la yiraahdo, waxaas helaysaa dowlado Eeshiya dhaca oo indanuusiya iyo kuwo koonfur bari Eeshiya ku yaalla oo reer Yurub si uun u saameeyay.Kolkaa waxaa kuu soo baxaya in soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee gumeystuhu si foolxun u kala qaybiyay, Afrika kama helaysid dowlad sida soomaalida dhib intaa la eg loo geystay, sidaa awgeed Afka soomaaliga waxaa saamayn ku reebay afafka Taliyaaniga, Faransiiska, iyo Englishka.
Sida la ogyahay, Soomaaliya waxa ay leedahay taariikh aad u fog, balse waxay dhibaatadu ka jirtaa in aan la heli karin maraajic badan oo la cuskan karo, Maxaa sababay in uu lumo ama la waayo dhaxalkii aqooneed, kii saqaafo iyo sooyaalka fog ee soomaaliya?
Waa su’aal aad u wanaagsan, mar kale haddaan dib u laabano, Soomaalidu waa ummad aan wax qorin, haddii aadan wax qorin waxna diiwaanka kuugu jirin oo aad isku hallayso hadal afka laga yiri oo aan caddayn la socon, yaa warkaaga sugaya saxanaanshihiisa, taariikhdaada waxaa ku hareeraysan madmadow aad u badan, taas oo sii adkaynaysa in la helo ilo sugan oo sooyaalka soomaalida werisa.Haddana diraasaynta taariikhda dowladaha deriska ah waxaa ku jira faa’ido ah, in la helo ugu yaraan qayb taariikhda naga luntay kamid ah, ilaha taariikhda waxa ay sugayaan in soomaalida iyo faraacinada xiriir soo jireen ahi ka dhaxeeyay, dhanka kale waxaa inbadan laga warramay “islaamka oo soomaaliya soo gaaray” haddana macluumaad badan lagama hayo arrintaasi, sidaa awgeed diraasaynta taariikhda dalalka deriska ah marxaladdan oo kale waxa ay daaha ka rogtaa qayb kamid ah taariikhda soomaaliyeed ee luntay, sidoo kale sheekooyinka afka laga sheego, baarista taariikhda dalalka deriska ah, iyo in dib loogu laabto arrimaha bulshada dhexdeeda ku baahsan, sheekooyinka caruurta, murtida, maahmaahda, iyo gabayada waxay sees u noqon karaan uruurinta ilaha taariikhda.
Tusaalaha ugu mudan waa sooyaalka carabta marka laga warramayo waayihii jaahiliyada iyo wixii ka horreeyay ma jiro wax sugan oo la qoray, haddana waxay taariikhdooda ku sugeen gabayada, sida mucalaqaatka, murtida iyo maahmaahda carbeed ayaa iyana kaalin ku leh sooyaalka bulshada carbeed. Sidoo kale reer Yurub taariikhdooda wixii ka horreeyay Giriigga iyo Roomaanka waxaa ku badan madmadow aan si dhab ah loo xaqiijin karin, waxayse xoogga saareen sheekooyinka bulshadu ku warranto, waxaa lamid ah Hindida oo iyagana farsamadaas adeegsaday, waxaa halkaas laga ogaan karaa in dadyow badan ay adeegsadeen sheekooyinka in ay helaan taariikhda duugga ah ee ay leeyihiin.
Innaga tusaale ahaan waayihii caruurnimo ayeeyo waxa ay nooga sheekayn jirtay sheekooyin u badan xayawaannada oo haddii la dhugto wax badan laga qaadan karo. Sidoo kale marka laga hadlayo islaamka iyo soomaaliya waxaad inbadan arki kartaa ilo/masaadir carabi u badan oo ka warramaya taariikhda soomaaliyeed, waxa ay ka warramayaan socdaalladii juqraafi-yahanno badan ay ku yimaadeen dhulka soomaalida, kaddibna wax badan ka qoray kolkii ay ku laabteen halka markii hore ay kasoo baqooleen. Yaaquut Alxamawi waxa uu leeyahay: ” Soomaalidu luuqaddooda madaxa ayay ku sitaan” taas oo micnaheeda ah in soomaalidu ictimaadaan werin-afeed halkii ay isticmaali lahaayeen waxyaabo qoran oo la diiwaangeliyo.
Tusaale kale: cabdinuur oo deggan muqdisho, waa cilmibaare ka tirsan xarunta Alsuumaal Aljadiid, waxa uu uruurinayay macluumaad badan, waxa uu u safray kiinya, adiguna waxaad u baahnayd macluumaadka uu cabdinuur uruurinayay, dhibaatada jirta ayaa ah macluumaadkaasi ma qorna, kolkaa waxa aad ku khasbantahay in aad u safarto halka uu joogo sidii ay samayn jireen raggii soo wariyey axaadiista nabiga (NNKH), sida Bukhaari iyo Muslim – imaamu muslim oo kale waxaa laga sheegaa in uu helay qayb xadiis kamid ah, qaybta kalena uu yaqaano hebel kale oo meel kale deggan, kolkaas ayuu inta faraskiisa soo raaco u jihaysan jiray halkii loogu tilmaamay, taasi waxa ay ku tusinaysaa go’aanka iyo hal-adayga bulshada carbeed. Waxaynu la soconaa in dalka ay yimaadeen socoto badan oo ay ku jiraan Almascuudi, iyo Ibnu Batuuta oo aan kaga hadli doono masaadirta carbeed ee buuggayga cusub hadduu Alle idmo, waxaa kaloo jira masaadir/ilo taariikheed oo ay reer Yurub hayaan, sida: Taliyaaniga, Faransiiska iyo Jarmalka, dalkan meel aan looga iman ma jirto, waxaase adag in la helo macluumaadka ay uruuriyeen, waxaanse aaminsanahay in masaadirta carbeed ay muhiimad weyn u leeyihiin taariikhda soomaalida, waxaase xaalka sii xumeeyay aqoonyahannadii nooga horreeyay qorista taariikhda soomaalida ay adeegsadeen masaadir reer Yurub ah gaar ahaan wixii uu qoray ingiriiska oo waxbadan oo kamid ah aan hubaal loo haynin, waxaa lagama maarmaan ah in dib loogu laabto masaadirta carbeed iyo luuqadda carabiga oo sees u ah. Waxa ay ahayd luuqadda ay soomaalida u adeegsan jireen dhaqdhaqaaqyada ganacsiga iyo arrimaha diintaba, sidoo kale masaadirta Taliyaaniga loogama maarmo baarista taariikhda soomaalida. Aqoonyahannadii nooga horreeyay qorista taariikhda soomaalida ma aanay samayn isku dayga ah in ay cuskadaan masaadirta Taliyaaniga iyo sidoo kale Jarmalka oo waxbadan lagaga qoray taariikhdeenna. Marka waxaa muhiim ah in lagu dhiirigeliyo bulshadeenna, gaar ahaan jiilasha yaryar in ay bartaan luuqad cayiman si ay u gartaan, una diraaseeyaan dhacdooyinka taariikheed ee bulshada soomaalidu lahayd waqti gaar ah.
Barafasoore waxaa jira baqdin iyo cabsi laga qabo in luuqadaha qaar ay dunida ka dabargo’aan, luuqadda soomaaliga miyay kamid tahay afafkaa qarka u saaran in ay tirtirmaan?
Maya, afka soomaaliga waxa uu leeyahay waxyaabo badan oo ka saacidaya in uu sii jiro, afsoomaaligu waa luuqad gees adag ku taagan oo awood u leh in aanu raadayn ama saamayn ku yeelan afafka kale ee deriska, gaar ahaan kolka aad u sii socoto dhanka koonfur waa mar kasta oo uu sii yaraado saamaynta si ka duwan qaybaha woqooyi oo laga heli karayo raadka afafka carbeed ama ingiriisiga, haddana luuqadda Soomaaliga wali tiirarkeedu way taaganyihiin oo way sugmeen waxaana in badan lagu dadaalay in laga ilaaliyo saamaynta afafka qalaad, tusaale: kolkii la qorayay farta soomaaliga (maxaatiri) waxaa la adeegsaday xarfaha laatiinka waliba si ka duwan luuqadaha kale ee Afrika looga hadlo oo kalmado badan oo aanu luuqadahaasi lahayn ayay yeelatay, taasi waxa ay ka dhigantahay in afsoomaaligu yahay af meel adag ku taagan oo sawraceeda iyo jiritaankeeda ilaashatay, sidaa awgeed waxa aynu oran karnaa luuqaddani waa luuqad ka adag oo waligeeda sii jiraysa haddii loo helo xarfo iyo qaab-qoraal ku habboon, habkan laatiiniga ah ee la rogay isagu laftiisa wax badan ayuu ka tarayaa, haddii uu gaabis yimaado waxaa la arkaa in xaalku adkaado, waxaase aan ka baqayaa in ay dabargo’aan luuqado kale oo dalka looga hadlo oo aan wali xarfahooda la qorin sida Maayga, Jiidaha, iyo Garraha, waxaan hadda kahor idinku sheegay in afka Garraha uu gabaabsi ka yahay Qoryooley iyo nawaaxigeeda, waxaana suuragal ah in aayar loo waayo.
Ma jirtaa xiriiro ka dhaxeeya afka soomaaliga maxaatiriga iyo afafka kale sida Maayga, jiidaha, iyo Garraha, muxuu yahay nooca xiriir ee ka dhaxeeya? Maxayse wadaagan gebigooda?
Haa, waxaa jira waxyaabo ay wadaagan, horta waa afaf ollog ah oo haddana is kaabaya dhammaantood, waxaa aad u habboonaan lahayd in la raadiyo habab la isugu dhammaystiro oo midba meesha ay ku roontahay wax laga qaato, balse ma dhicin oo waxaa in kabadan 40 sanno la isugu dayay in soomaalidu afkooda la mideeyo, waa hawl bogaadin mudan in habqoraal loo helay afsoomaaliga(maxaatiri) waxaase lagu guuldarraystay in fartaasi lagu qoro Maayga iyo jiidaha oo watay dhawaq iyo codad ka geddisan kan maxaaga, anigu waxa ay ila tahay in ay jirto mas’uuliyad wadareed innaga saaran in aynu helno habkii lagu qori lahaa inta dhiman si aanu u dabargo’in. Marka aynu tusaalayno afsoomaaliga(maxaatiri) waxaa lagu qoray xarfaha laatiiniga ah iyadoo wax laga baddalay hab adeegsiga xarfaha qaar sida xarafka (C) oo u taagan xarafka Caynka ( ع ), sidoo kale xarafka X ee laatiiniga oo isaguna u taagan xarafka Xa’da(ح ), waxaan qabaa in aynu raad-raacno afafka iyo lahjadaha kale ee dalka oo aynu ka soo helno codad ay la gaar yihiin sidaasna loogu soo daro haddii ay suuragal tahay, waxaa dhab ah in guddidii habkan u dejisay afka aanu marin habka caalamiga ah ee dhawaqa alifbeetada (IPA), habkani waxa uu bixiyaa waddooyinka loo maro qoridda codadka iyo dhawaaqyada kala duwan ee afafku ay leeyihiin, haddii dib loogu laabto waxaa la heli lahaa calaamado summad u ah codadka qaar ee daahsoon kuwaas oo qoriddoodu ay adagtahay, sidaa awgeed waxaan marnaba laga maarmayn in codadkaa la uruuriyo oo la saxo wixii ina habaabay, waxaa kaloo xusid mudan in ay yarayd diraasaad la sameeyay xilligaasi, oo waxay ahayd in wax badan la baarbaaro dhawaaqyada kale, dadkii afka qoriddiisa u ololaynayay waxaa si weyn u riixayay qowminimada oo kaliya, taas oo keentay in la iska indhatiro baaritaanno ay sameeyeen guddidii afka afartameeyadii iyo lixdamaadkii, xamaasaddii badnayd ayaa qaadday dadka, waxaan aaminsanahay haddii afafka kale loo helo xarfo iyaga ka turjuma in ay afafku is dhammaystiri karaan.
Hagaag, marka laga warramaya afafkani ma hal meel ayay ka soo farcameen oo ay ka yimaadeen, mise waa lahjado hal af ka farcamay markoodii hore, sida maayga iyo Maxaaga ma waxa aad u aragtaa in ay yihiin laba af oo kala madaxbannaan mise lahjado hal af ka wada tirsan baad u aragtaa?
Afafka kushitiga la isku yiraahdo hal meel ayay ka yimaadeen, tan labaad Maayga, Maxaaga iyo Jiidaha waxa ay wadaagaan asalka ay ka yimaadeen oo ay wada galaan, arrinta la xiriirta maayga iyo Maxaaga in ay afaf yihiin ama lahjadoba waxa ay u baahantahay in lagu sameeyo diraasad iyo baaritaanno badan oo xeeldheer, waxaa xusid mudan in shirarka soomaalida inta badan xoogga lagu saaro dhinaca siyaasadda oo kaliya laga soo bilaabo 1991kii, aragtidayda ku aaddan arrintan waxa ay tahay in burburkii soomaalida uusan ku koobnayan dhinaca siyaasadda oo kaliya, se ay jiraan burbur soo gaaray nolosha bulshada iyo waxbarashada soomaaliya, taasi waxa ay saamaysay in cilmibaarayaasha dunida ay dalka yimaadaan, waxaa muhiim ah in soomaalidu ay dib ugu laabtaan waaqaca ay maanta ku suganyihiin, sidoo kalena ay gartaan sababihii keenay burburka oo ay ku jirto in bulshada qayb kamid ah afkooda iyo dhaqankooda la dafiro, halkaasna waxaa ka dhashay gadood bulsheed, tusaale ahaan haddii lagu amro qof ku halaya afka jiiddaha in kuu afsoomaali ku hadlo waxa uu isweydiin karaa luuqadda soomaaliga waxa looga jeedo iyo waxa ay tahay luuqadda uu isagu ku hadlo… Waxa aynu la soconnaa in dhinaca cilmibaarista ay nagu yartahay wali, waxyaabaha la ogaaday dhawaan waxaa kamid ah in dastuurka soomaaliyeed ee 2003dii uu qorayay qodobkiisa toddobaad in afka soomaaliga uu ka koobanyahay Maay iyo Maxaatiri iyadoon la caddayn in ay afaf kala duwan yihiin iyo in ay lahjado yihiinba, sidaa awgeed waxaa ii muuqda billow cusub oo ah in aynu wax kala saari karno, waxaa kaliya ee inaga maqan ayaa ah in aynu samayno baaritaan cilmiyeed qotodheer oo laga dheefi karo natiijo wanaagsan, muhiim ma aha cidda natiijada gaaraysa iyo cidda wax soo saartayba, walina ma aynan gaarin heer aynu kala saari karno waxa ay tahay luuqad gaar u taagan iyo lahjad raacsiisan af kale, balse waxa aynu tilmaami karnaa in ay jiraan kala duwanaan luuqadeed oo muuqda.
Marar badan waxa aynu maqalnaa luuqad heblaayo waa hodan ama waa luuqad buuxda, haddaba maxaa loogu qiyaas qaataa hodantinimada afka, ma la dhihi karaa afka soomaaligu waa af hodan ah oo isku filan?
Mar kale waxa aynu dib ugu laabanaynaa billowga, iyadoo la ogyahay in aan wali la xaddidin qaybaha uu afka soomaaliga u qaybsamo, in luuqaddu ay hal tahay oo lahjado ay jiraan ama dhowr af oo isu dhow ay jiraan wali ma cadda, sidoo kale waxa badan lagama hayo buugaag eray bixinno iyo qaamuusyo mid mid u dhigi lahaa erayada afka si looga qiyaas qaato in afku hodan yahay iyo in kale, qaamuuska uu qoray Dr Yaasiin Cismaan Keenadiid (AHUN) waxa uu ku jiraa qaamuusyadii ugu horreeyay ee afka soomaaliga laga diyaariyo, xog fiicanna wuu kaydiyay, waxaa xigay qaamuus kale oo Jabuuti lagu diyaariyay, sidaa darteed waxaa la dhihi karaa tirokoob rasmi ah oo erayada afka soomaaliga ka turjuma wali lama samayn, haddana waxaan in badan dareemayaa in afka soomaaliga uu yahay af hodan ah oo hal-adag marka loo eego in uu isaga filnaaday loollanka luuqadeed ee gobolka ka jira.
Waxaad horay u tilmaantay in qodobka shanaad ee dastuurka soomaaliya uu qorayo in afka rasmiga ah ee dalka uu yahay Afsoomaali(Maay iyo Maxaa) luuqadda labaadna ay tahay carabi, taasi miyay ka dhigantahay in maayga iyo maxaatiriga ay laba lahjadood oo afsoomaaliga ka farcamay ay yihiin? Tan xigta maxay tahay dabeecadda luuqadaha ama lahjadaha kale ee lagaga hadlo qaybo dalka kamid ah? Ma lahjado Maayga iyo Maxaaga la jaal ahbaa mise waa lahjado ay suuragal tahay in ay afaf kale wax u galaan?
Marka hore waxaan baraarujinayaa in dastuurka aan sheegay uu ahaa kii 2003 dii la dejiyay, qodobkaas toddobaadna waxa uu uga hadlay sida qodob shanaad ee dastuurkan qaybada ah, isla mas’aladdii baa soo laabanaysa, waxaa sidoo kale loo baahanyahay iftiimin, tusaale marka la yiri luuqadda labaad ee dalka waa carabi, su’aasha dadka qaar isweydiiyaan waxa ay tahay miyuu jiraa gobol soomaaliya kamid ah ooga hadlo afka carabiga, ama reer soomaaliyeed oo afka carbeed ku wada xiriira? Uma malaynayo in ay taasi jirto, su’aashan iyo kuwo kale ayaa iman kara, haddana guddigii ka shaqeeyay dastuurka waxaa la oran karaa xaaladda dhabta ah kuma dabaqin dastuurka, sababtoo ah kolka la go’aaminayo luuqadda labaad ee dalka waxaa lagama maarmaan ah in ay jirto bulsho ballaaran oo afkaas ku hadla kuwaas oo dalka deggan, tusaale yar bulshada soomaaliyeed ka soo qaad in tiradoodu 10 milyan ay tahay, haddii nus milyan kamid ah tiradaas ay ugu yaraan carabiga ku hadli lahaayeen, waxaa loo tixgelin lahaa luuqadda labaad ee dalka, laakiin wali dastuurku waa qabyo oo lama dhammaystirin, arrintanina waxa ay safka hore kaga jirtaa arrimaha in dib loo eego u baahan…!
Marka la eego dhaqanka iyo hab-nololeedka kala duwan ee reeraha iyo deegaannada soomaalidu ay degto, miyay jirtaa saamayn ay ku leedahay arrimaha siyaasadda, nabadaynta iyo dadaallada dowladdhiska arrintaasi?
Taasi waan qabaa oo horay baan u sheegay in burburka dowladnimo ee dhacay laga eego meel kale oo aan siyaasad ahayn, arrimo badan oo caqabad ku noqday in nabad lagu soo dabbaalo dalka, haddii arrinta laga soo bilaabo in aynu isla garanno halka uu burburku ka soo billowday, soomaalida qaar baa aaminsan in burburka uu soo billowday kolkii uu meesha ka baxay nidaamkii militariga, haddii la sii raacraaco waxaa soo baxaya in aad loogu kala aragti duwanyahay waana arrin aan horay u soo tijaabiyay, dadka qaar baa qaba in dagaalkii 77 kaddib uu soo billowday burburka, halka qaar kalena ay ku doodaan in madaxbannaanida kahorba 1956 uu soo billowday, taasi oo ka dhigaysa in aan si buuxda la isugu waafaqin goortii uu dalka la kowsaday burburka, balse haddii aan aragtidayda ka hadlo waxaan u arkaa in burburka uu soo billowday 1991 kii, burburkaana waxaa keenay natiijo ka dhalatay xad-gudub iyo tixgelin la’aan lagu hayay qayb bulshada kamid ah, haddii aan la helin xalkaasna dulmiga waa uu socon, waxaase wax aad looga naxo ah in burburka uu weli sii socdo oo dagaalladii ahliga weli ma aanay joogsan, sannado kooban gudahooda ayaa looga gudbi karaa, dhanka kale waxaa muuqata in xaqiiqooyiin door ah la is dhaafsiinayo taas oo dhibta sii fogayn karta, waxaase muuqato waxyaabo togan (positive) oo ka dhashay shirarkii nabadaynta soomaalida, tusaale sannadkii 1997 soomaalidii shirka sodera ka qaybgashay waxa ay isku raaceen in dalka soomaaliya wax lagu qaybsado qaab shan qabiil oo waaweyn ah, taasi waxa ay xal roon u noqotay mashaakilka siyaasadeed ee dalka ka jiray, sidoo kale 2003 dii waxaa lagu daray dastuurkii qabyada ahaa in afka rasmiga ah ee dalka uu yahay af soomaali (Maay iyo Maxaatiri), taasi oo tilmaamaysa billowga garashada dhibaatada keentay burburka, heshiiskii Sodera waxaa lagu gartay in ay jiraan reero iyo qabiilo ka maqan awood qaybsiga siyaasadeed, halka dastuurka 2003 dii uu bidhaamiyay in ay jirto kala duwanaansho luuqadeed iyadoo luuqaddu ay tahay seeska aqoonta iyo saqaafadda, sidoo kale sannadkii 2000 waxaa shirka Carta ee Jabuuti lagu ogaaday in ay maqantahay kaalinta haweenka ee ka qaybgalka siyaasadeed, tani waxa ay ka dhigantahay in aayar loo fahmayo dhinacyada sababay burburka, hadal iyo dhammaantii kala duwanaansho dhaqan iyo mid af waxa ay kamid ahaayeen sababihii burburka, walina waxaa maqan in la aqoonsado arrintaasi… Waxaan u arkaa in haddii la helo bay’ad munaasib ku ah is qaddarinta kala duwanaanshaha dhaqaan ee bulshada soomaaliyeed, in la gaari lahaa xal waara oo soomaalidu dan u ah.
Haddii aynu sii raacno hadalkaaga, soomaaliya waxa ay raacdaa nidaamka awood qaybsiga beelaha — sax iyo khalad kuu doono ha ahaadee —nidaamkani waxa uu bulshada u qaybiyay 5 qabiil oo waaweyn, qaab samaysanka reeraha shanta ah ma ku la tahay mid sax ah, oo jilib-hoosaadka iyo lafaha beelaha hal meel miyay wada galaan, mise arrimo kale ayaa jira?
Waxaan filayaa in arrintaasi tahay nooc kamid ah isu soo dhawaanshaha, waan arrin togan sida ay ila tahay, in waqti la galiyo sidii wax loogu qaybin lahaa boqolaal reerood waa hawl adag, tan xigta in qabiilada Soomaalida lagu koobo 5 qabiil waa arrin fududaynaysa awood qaybsiga, waxaase dhibtu ka taagantahay fulintii oo heshiiskani warqad iyo qalinba Kuma qorna, waana waxa sii haya jiridda dhibaatada, waxaan dhanka kale arkaa in laga tallaabsaday arrimo bulsheed, iyo dhaqaale kolkii la go’aansaday in soomaalidu wax ku qaybsato 5 qabiil sida bulsho xoolaley, beeraley, iyo kalluumaysataba, haddii ay isbahaysi ku midoobaan micnaheedu ma aha in ay isku reer yihiin balse waxaa jira wax ay wadaagaan, tan kale nidaamkani uma arko in uu yahay xal Kama dambays ah oo nabad u horseeda dalka, sidaa awgeed waxaa mahuraan ah in marxaladdani laga gudbo, waxaad moodaa in soomaalidu ay weli ku dheganyihiin nidaamkan qabaliga ah oo la sheego in uu yahay marxalad taariikheed ay soo mareen bulshooyin kala duwan oo dunida ku nool, waxaa kaloo jirta in gudaha Soomaaliya meelaha qaar laga tallaabay nidaamka qabiilka ku dhisan, ni aad deegaan ku abtirsato wax badan ayay ka duwantahay qabiilka lagu abtirsado, tusaale bulshooyinka “shabeelle” oo dega jiinka webiga shabeelle iyo ” Shiidle” oo iyana ah bulsho ku tiirsan waxsoosaarka dhagaxaanta iyo “reer maanyo” ama “reer xeebeed” waxaan filayaa in ay ka gudbeen marxaladdii ku tiirsanaanta qabiilka haba soo maraane, waxa ay gaareen marxalad ay Ku abtirsadaan deegaan, xirfad iyo shaqo ay jecelyihiin, waa muhiim in nidaamka qabaliga ah laga gudbo si aynu u samaysano dowlad dalka dhista, qabiilka dal nooma dhiso, waxaana muuqata in aan weli laga gudbin marxaladdii reer miyiga ee tolaysiga, wayse jiraan dad ay u soo bidhaamayso in marxaladdani ay sii dhammaanayso.
Intii u dhaxaysay 2003–2004 tii Soomaaliya waxa ay isku dayday in ay hirgeliso nidaam Federaal ah, ma kula tahay in nidaamka Federaaliga ah uu xal u noqon karo dhibaatada Soomaaliya?
Si guud, nidaamka federaalka ah waa nidaam walaagaany haddii la isku afgarto sida loo dabaqo, dowlado badan ayaana qaatay nidaamkan, laakin marka loo eego xaaladda Soomaaliya nidaamka waxa uu uga dhiganyahay billowga isku day looga baxayo nidaamka qabiilka ku dhisan loona guuro nidaam goboleedyo, waana marxalad kumeel-gaar ah oo looga baxayo dhibaatada Soomaaliya, laaakin waxaan aad u qariibsadaa sababta dhinaca siyaasadda xoog loo saaro iyadoo dhinacyo kale ay jiraan, maxay tahay sababta loo eegi waayey dhinacyada kale si nabad loogu soo dabbaalo Soomaaliya? Aragti ahaan waxaan aaminsanahay in nidaamkan uu dhashay kaddib markii la arkay suurtagalnimada in soomaalidu wax ku qaybsato shan reerood oo waaweyn, waxaa intaa dheer, nidaamkan federaalka ah waxa uu ku habboonyahay dal dhaqaalihiisu dhismay, haddii la waayo dhaqaalihii hawsha fududayn lahaa way adagtahay in nidaamkan uu sii jiro, dhanka kale haddii la eego heerka uu marayo dhaqaalaha Soomaaliya waxaa soo baxaya in meel hoose aynu kaga jirno dalalka dhaqaalahoodu kobcay, sidaa awgeed waa arrin iska hor imanysa in bulsho dhaqaalahoodu hooseeyo ay ka mirodhaliyaan nidaamka federaalka ah! Waxaa isweydiin mudan halka laga keenayo dhaqaalaha ku baxa shaqada maamul-goboleedyo 5 ama 6 ah, sida loo bixiyo mushaaraadka mas’uuliyiinta maamulada oo madaxweynayaal leh, xildhinbaano leh, wasiiro leh, iyo shaqaalaha dowladda hoose oo intuba mushaar u baahan, waxaa suuragal ah in ay noqoto xal kumeelgaar ah oo ay ku qancaan reeraha gobollada dega, balse aragtidayda ilama aha in arrintani xal kama dabys ah u noqon karto dhibta soomaalida haysata, tan kale waxaa lagama maarmaan ah in la helo nidaam kale, nidaamkani waxaan u arkaa in uu noqon karo marxalad kamid ah maraxaladaha gobollada soomaalidu ku samaysmaan.
Sidaa darteed Soomaaliya waxay noqon kartaa aragtidayda shan gobol oo waaweyn, gobol kastana uu yeesho maamul hoosaad, dhib weyn uma arko in nidaamkani hab kumeelgaar ah loo adeegsado si xal loogu helo dhibaatada, Cabdinuurow waxaad ogaataa in haddii la isku afgarto in qabyaaladdu kamid tahay sababaha ugu weyn ee burburka, haddana dhisidda maamul-goboleedyo ku dhisan nidaamka qabiil waxa ay sii xoojinaysaa dhibaatadii taagnayd qabyaaladduna way sii jiraysaa, sidaa awgeed waxaan aaminsanahay in Federaalismka uusan ahayn dhabbo siyaasadeed oo lagu xalliyo dhibaatada Soomaaliya.
Marka la eego sooyaalka islaamiga ee Soomaaliya, ilaha taariikhda qaarkood waxa ay tilmaamaan in islaamku uu soo gaaray Soomaaliya hijradii koowaad ee tii madiina ka horraysay, waxaa kaloo la tilmaamaa in Soomaalida lagu yaqaanay ilbaxnimo fog iyo saqaafo diineed taa oo soo saartay culimo waaweyn, haddaba maxaa keenay in dhaxalkii diineed iyo sooyaalka bulshada Soomaaliyeed la waayo?
Aragti ahaan Waxaan aaminsanahay in diraasad la xusi karo in laga samayn soo galitaanka Islaamka ee Soomaaliya waana qayb weyn oo ka maqan taariikhdeenna. Haa way jiraan safarro badan oo geeska Afrika lagu iman jiray sida hijradii saxaabada ee dhulka xabashida, haddii la eego taariikhyahannada carbeed wixii ay ka qoreen socdaalladani waxaad ugu tagaysaa in aan aad loo xusin magacyada shakhsiyaadka, muddada ay joogeen iyo magacyada goobihii ay tegeen, waxaanse marnaba shaki ku jirin in islaamka uu geeska Afrika soo garay waqti hore, waxaana taa caddaynaya raadadka islaamiga ee la helay, islaamku hababka uu ku faafay waxaa kamid ahaa ganacsiga waxaana suuragal ah in la helo magacyada ganacsatada timid iyo goobihii ay ku soo hirteen. Waxaa kaloo isweydiin mudan halka uu markii hore ka billowday fidinta diinta islaamka kolka loo eego dhulka soomaalida, aragtiyaha qaar waxa ay sheegaan in woqooyiga uu ku soo horumaray islaamka, aragti kale baa iyaduna sheegaysa in koonfur ay ahayd goob uu islaamkuku soo horreeyay waxaan ku soo koobayaa warka, Islaamka kolkii uu soo gaaray dhulka soomaalida waxaa gacan weyn ka gaystay fidintiisa culimadii soomaaliyeed, waxa ayna dhiseen xarumo diineed iyo kuwo lagu barto tacliinta kala duwan, waana arrin lagu ammaano culimadii soomaaliyeed ee isaga dambeeyay hawshaa weyn, waxaa jiray culimo bartay oo sugay luuqadda, diinta iyo cilmul xadiiska kuwaas oo diinta gaarsiiyay meelo ka baxsan dhulka Soomaalida, marka laga warramayo barashada iyo xifdinta Qur’aanka waxaa si weyn loo xusuustaa sheekhii weynaa Aw barkhadle oo sidoo kale loo yaqaanay Yuusuf Alkowneyn oo kaalin weyn ka qaatay in Soomaalidu si fudud u xifdido Qur’aanka isaga oo hab fudud oo Soomaaliyeysan u dhigay higaadda lagu qaban karo taasina waxa ay ilmaha yaryar u sahahashay in ay qaab fudud u bartaan higaadda carabiga, sidoo kale waxa uu soo kordhiyay shay cusub oo lagu magacaabo Laqbo oo u dhignayd turjumid iyaga oo kalmadaha carabiga u rogaya Afsoomaali waana arrin miisaankeeda leh in qofka Soomaaliga uu akhrin karo qoraal aan Soomaali ahayn haddana si wacan u fahma. Waa muhiim in aynu ku faanno culimadii dalka wax badan u taray kuwaa oo qayb weyn ka qaatay in diinta loo turjumo afka hooyo si ay u fahmaan dadka jooga miyi iyo magaalo, waxaan ka xusi karnaa culimadaasi Sheekh Uweys Albaraawi, Sheekh Cabdille Isaaq, Sheekh Axmed gabyow, Sheekh Cali majeerteen waxa ay culimadni soo saareen gabayo ka turjumaya usuusha diinta iyo fahamkeeda ballaaran waana dhaxal ay ummada uga tageen culimadaasi.
Waxaan ku talinayaa in la baadigoobo wax kasta oo taariikhdeenna iyo jiritaankeenna qayb ka ah, waana in gacan ammaan ah oo xifdinaysa lagu wareejiyaa.
Su’aasha ugu dambaysa, burburkii dowladdii Soomaaliyeed kaddib dad badan ayaa qurbaha tegay oo caruur ku dhalay halkaa, taa oo ka dhigan in ay jiraan jiil soomaaliyeed oo aan waxbadan ka aqoon dhaqanka aabbayaashood iyo luuqaddooda, haddaba Saamayn intee le eg bay ku reebaysaa marka ay ku laabtaan dalkii?
Markasta way jiraysaa saamayn togan iyo mid taban, dadka qurbaha ku dhashay waxaa caqabad ku noqon kara Marka ay soo laabtaan luuqaddii oo aysan aqoon iyo qayb dhaqankii Soomaaliyeed oo aanay waxbadan uga baxsanayn, dhinaca kale ee togan waa in ay bulshada baraan aqoon iyo khibrad wixii ay la yimaadeen, waxa ay dadka ka qaban karaan wixii khaldan ee ka hor imanaya horumarka dalka, taasina waa in il gaar ah lagu eegaa, arrinta la xiriirta caqabadaha ay la kulmaan waa arrin muddaysan haddii ay muddo sii joogaan waxa ay noqon karaan jiil ka duwan kii hore, ilmaha ku dhashay qurbaha waxa daah ka yara saaran qaarkood abtirsiintooda, iyo sooyaalkooda waana arrin loo baahanyahay in lagu baraarugo, waxaan waalidka qurbaha jooga kula talin lahaa in ay gurigooda keenaan wax uun raad ah oo ilmuhu ku garto awowyaashii, si kooban saamaynta togan (positive) ayaa markasta ka xooggan kan taban (negative).
Waad mahadsantahay barafasoore.
Waxaa turjumay: Cabdiraxmaan Caqiil
