Jigjigaan Tagay: Mar Hore iyo Hadda
W/Q: Axmed Cabdiraxmaan Cismaan “Sanwilwilo”
Julaay, 2024
“Dun jowhara bay degaan u tahoo Jigjiga danyariyo dad way korisaa”
— Abdinasir Shukri
Hordhac:
Jigjiga, waa magaalo Soomaaliyeed. Waxa ay caasimad u tahay Deegaanka Soomaalida, waxa ay magaala madaxda noqotay 1994-tii, markii Goday laga soo wareejiyay caasimadda. Waa magaalo ku taala saxaraxigeenka Geeska Afrika, waxa ay Soomaalida ugu astaysan tahay magaca Soomaali Galbeed. Waa magaalo taariikheed, diimeed iyo ganacsiyeedba, waxa ay caan ku tahay isku xidhka Soomaalida iyo Shucuubta kale ee Itoobiya. Kadib isbeddelkii 2018 ee Itoobiya, waxaa ka socday kabasho weyn oo ku saabsan dhibaatooyinkii iyo culaysyadii ay ka dhaxleen dadkaasi dawladdii hore.
Socdaalkii Hore:
Laba gu’ ayaa ka soo wareegtay isbedelkii Atoobiya. Heeryadii culayska way ka degtay dusha sare ee qowmiyadaha kala jaadka ah ee ku wada nool dalka uu duni u yaqaan Itoobiya, odayaasha Soomaaliyeedna ugu wacaan Atoobiya. Sannadkan waa mid khayraad, waxaase xiga mid ay ka cabanayso dunida oo dhan, haa, waa sannadkii Karoonaha midka aan sheegayo. Waxa aan xilli ay barqo tahay ka soo raacay Hargaysa bas weyn oo loo yaqaano Jaamac Jiis, waanu badannahay, sida aanu u badanahay ayay badankayona ay markoodii koowaad ka soo tallaabayaan xuduudda uu dhigay Ingiriisku. Safar aan dheerayn, kadib, waxa aanu soo dhaafnay xariga kala qaybiya Tog Wajaale, qof aan hore u marin wuu dareemayaa in uu soo galay dal kale, wuxuu dareemayaa in uu dareemayaashiisu ay mid walba baranayso dareen cusub. Indhuhu waxay arkayaan wadooyin dhisan haddana aan lahayn arag lagu ammaano, waxay arkayaan dadyow fara badan oo aan Soomaali ahayn, indhaha ayaa sidaa sheegaya, dhab ahaanse magaranayo wax ay ku cabireen, dhaguhuna waxa ay maqlayaan dhawaaqyo kala duwan oo markaas ii ah hadal shinbireed uun, sankuna waxa uu urinayaa khakhamka ka soo baxayaa dadyowgan tirada badan oo xoogsatadu u weyn tahay, waxay urinayaan bullaacadaha waddooyinka dhinacyadooda maraya iyo urta cunnada kala duwan ee mid walba metelayo dhaladka iyo doolka. Waxani waxay ka bilaabayanayaan Wajaale, daanta loo asteeyay Atoobiya, maysan joogsan oo waxa aan la soo galnay Jigjiga.
Jigjiga, magaalo uu ku hanwayn yahay qof walba oo Soomaali ah, waa mid ka mida caasimadaha astaanta u ah Soomaalida. Miyaad garanaysaa waxa xiisaha u yeelaya araggeeda? Waxaa u yeelaya taariikhda la soo maray, mid sii horraysay iyo mid dhowba, waxa kale oo u yeelaya suuraddii uu ka bixiyay Cabdi Ilay, madaxweynaha la taxaabay ee muddada dheer ka talinayay deegaanka Soomaalida. Waxa xiisaha u yeelaya waa gaboodfalladdii ka socday meelaha ay ka mid ahayd Jeel Ogaadeeniya, quweyntii
qoomiyadaha kale iyo halgankii ONLF ee loogu wici jiray magacii dhiigooda lagu bannaystay ee UBBO. Muddadaas oo laba sanno ka soo wareegtay dhicitaankii dawladdii ka horaysay Abiy Ahmed ee Cabdi Ilay ku tiirsanaa, waxa soo baxday nolosha dhabta ah ee deegaanka, umana baahna in aan ku dheeraado. Qofkii haya xogtaa, wuu ku farxayaa Jigjiga oo aan la cabudhinayn.
Waxa aan soo galnay magaalada, waxa aanuna ku degnayn hoolka Qaryaan Dhoodaan oo ku yaala meel aan ka fogayn taalada Sayidka. Waa hool ka duwan araga magaalada, waxaa kuu muuqanaysa in loo diyaariyay godka madow ee kaameradu ka toogato cidda ay sawirayso. Magaaladu way arag xun tahay, meesha aad qof Soomaali ah ka aragto waxaa kuu xigaya dhawr kale oo qoomiyadaha kale ah, ma xuma deeganaanshaha dadyow kala duwan waxaase kuu dhadhamaysa in dhaladkii Soomaalidu ay ka hayaameen. Cunnada iyo jawiga guudba kama duwana adoo jooga tuulooyinka Oromada iyo Amxaarada. Faras magaalaha iyo inta ka dhow waxaa u badan sandaqado, sida aan xooraamis ku helayna waxaaba dhulka badidiis degnaa dhaladka Abaysiiniya. Ma jiraan hoteello badan oo casriya, inta jirtaa waa faro ku tiris, dhismayaasha guudna waxaa ka muuqda gaabis iyo in aanu socon wax dhaqdhaqaaq ah. Korontada iyo Biyuhu waa laba caqabood oo haysta magaalada, markay doonaan ayay tagaan markay doonaanna way timaada, guryuhuna badidood maba laha biyo galin. Markan, Jigjiga waxa ay caan ku tahay laba shay; Iibka Suuqa Madow iyo Jaadka ama Qaadka. Qaadku waa suuxiyaha ugu weyn ee laga isticmaalo, tan waxay kala siman tahay Soomaalida sheegata Jamhuuriyadda Xorta ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti, waa sun ay dadka cunaa u samayn karaan wax walba. Qaadku waxa uu ka soo go’aa dhulka Oromada, wuxuuna u yahay il-dhaqaale oo weyn, waxaana dhacda mararka qaar haddii Soomaalida iyo Oromadu isku dhacdo, dawladda lagu cadaajiyo in ay heshiiska soo dhaweeyaan si aan qaadku uga maqnaan muddo badan. Qodobka labaad waa Kontarabaanka ama Iibka Suuqa Madow, alaab Addisababa laga siiyo lacag aad u badan ayaa Jigjiga ama Wajaale lagaga helaa qiimaa ka yar afar jeer, waxa ay u muuqataa in dhankaas ay faa’iido ka lee dahay, waxa ayse dhashaa in baaritaannada iyo cunaqabataynu ay ku badato iyo in aan magaalada ku soo bataan dadyow kala duwan oo badidood diyaar u ah in ay wax kala dilaalaan, dhacaan ama khayaaneeyaan.
Jidadku waa basteed. Marka laga reebo dhawr waddo, badi magaaladu malaha wax waddooyin ah. Jidadka u mudan ee aan dhisnayn waa baddaa, waxaa ka mid ah; Aayar Dega, Sheekh Nurali, CMC, iqk. Kirada guryuhu waa qaali marka loo eego Itoobiyada shishe, kaliya in ay qaaliyihiin maahee waxaa u dheer yaraansho. Ma jiro adeeg wanaagsan oo meheradaha laga bixiyo, kaliya waxbaa lakala iibsadaa. Wax walbana waxay kuula muuqanayaan, baar loo shiday nalka cas oo qudcurka hortay aragga ah kaliya lagu dhex soconaya.
Si walba oo ay Jigjiga u aradan tahay ama ay u hoosayso dhaqaale iyo dhismeba, haddana waxaan ugu tagnay dad dun wanaagsan oo weli ay nooshahay Soomaalinimadu, dad u dhibaatoobay magacaa, dad ka duwan kuwa ay sida dhabta ah u yaqaanaan Soomaalida aan deegaanka daganayn.
Safarkii Danbe:
Safarkaasi, waa kii aan ku tagay Jigjigadii hore, ka danbow waxa aan sii dhexmaray in ka badan 10 jeer, balse, wax badan kuma aanan negaan. Muddadaas aan dhex marayay wax badan kama sheegi karo. Waxa aanse doonayaa in aan idiinka waramo Jigjiga cusub ee aan soo arkay Juun-Julaay, 2024: si lamid ah sidii hore waxa aan magaalada Jigjiga ka soo galay dhanka Wajaale, dhab ahaan, safarkaygu wuu ka duwanaa kuwii hore, waxa aan si faduuli ku jirto u eegayay wax walba, waxa aan dhadhansanayay hadalka dadka, waxa aanna dhuganayay ficil walba oo agtayda ka dhaca. Markii aan magaalada soo galay, waxa koowaad ee indhaygu qabanayeen ayaa ahaa koboc dhaqaale, waxaa socday dhismayaal tirabeel ah oo guryo u badan, iyo in waddooyin badan oo qaarkood aan qabyo ku ogaa ay hadda yihiin laami madow. Waxa aan gaariga kaga degay xarun ku taal jid yar oo raf ah, iskuna xira wadada ka tagta Sayidka ee aadda Jibriga iyo kan Aayar Dega. Bajaaj ayaan halkaa ka raacay, bajaajtu waa gaadiidka dadweynaha ee ugu weyn oo u kala goosha magaalada, waxa uu ila maray wadada Aayar Dega oo dhisan, quruxna badan, dhismaha wadada waxaa u dheer in goobihii ay dhex maraysaynay ay la dhismayaan. Waxaan kaga dagay guri saaran wadada oo aan ka fogayn Markaska Tabliiqa.
Qofka hore u arkay Jigjiga, oo hadda dib u yimaada ama dhexmara uun, waxa uu hore ka dareemayaa laba isbedel oo waa weyn; midda koowaad waa dhismaha waddooyinka oo aad u batay marka la barbardhigo waqtigii hore iyo dhismayaasha dabaqyada dhaadheer ee sida xawliga ah u socda, wadada halbawlaha ah waxa ay noqotay dhisme cusub oo xariga laga jaray iyo dhisme cusub oo la wado. Jigjiga la hadlaysa cirka ayaa kuu muuqanaysa.
Isbedelkii dhacay 2018, maxay Jigjiga ka bedeshay? Waa su’aasha ugu mudan ee layska weydiin karo isbedelkii dhacay, laguna furi karo dawga isla xisaabtanka. Waxa ugu weyn ee isbedelkii ka dhacay Atoobiya ay Jigjiga iyo deegaankuba ka faa’ideen waa in ay meesha ka baxday ugaarsigii qayral xadka ahaa ee lagu hayay dadka, in uu yaraado ama meesha ka baxo Soomaali ka cararkii iyo culaysyadii ka dhalan jiray, in dadku heleen xorriyad ay ku cabiri karaan waxa ay rabaan iyo xorriyadii lahaanshiyaha hantiyeed iyo maalgashiga. Weli way jiraan dhibaatooyin badan oo ay dadku tirsanayaan, balse, marka loo eego dawladdii dhacday, qof walba waxa uu dareemayaa isbeddel baaxad leh.
Farouk Warfaa, ayaa ku xusay qoraal yar oo uu ka sameeyay furitaanka mid ka mida hoyga jiifafka Jigjiga (Hotel) oo markaa xadhiga laga jaray 2023, wuxuu ka waramay sida uu deegaanku ama Jigjiga ahayd afar sanno ka hor, oo ku aadaysa safarkaygii hore ee jigjiga, waxa uu yidhi; “Afar sanno iyo badh kahor waxaa magaalada Jigjiga lagu qabanayay munaasabadda magaalooyinka Itoobiya. Nasiib darro, huteelada ku yaalay markaas tiro ahaanna way yaraayeen, tayo ahaanna way liiteen. Waxayna dantu nagu khasabtay inaan martida seexino kulliyadaha iyo goobaha kale ee waxbarasho oo ay Jigjiga University kamid tahay. Nasiib wanaag, intaan xusuusto, 12 huteel oo standard ah baa la furay muddadaas kadib, taasoo ka makhraati kacaysa koboca dhaqaale ee deegaanka. Waana ku faraxsanahay inaan ka qaybgalo daah-furka huteel ka Yusra oo si heer caalami ah oo tayadeedu sarayso loo
dhisay. Hambalyo Nimco Xaaji Geesdiir mulkiilaha huteelka.” Warfaa, waxa uu tilmaamay sida xawaaraha sarraysa leh ee ay u korayso Jigjiga, maalgashiga dheeraynaya ee ku socda magaalada iyo danaynta sarraysa ee dadka Soomaaliyeed ka gashay.
Intii ka danbaysay 2019, waxaa dhismay kaabayashii dhaqaaliha, magaaladu waxa ay yeelatay waddooyin waaweyn oo isku xiraya magaalada, waxaa si aad ah u dhismay masaajiddadii oo markii hore tartan kala dhexeeyay kaniisadaha, waxaa dib u dhis lagu sameeyay goobaha dawladda, iyada oo dhismayaal casriya loo dhisay; tusaale; kan baarlamaanka, waxaa ganacsatada fursad loo siiyay in ay halbawlaha magaalada ka taagan fooqyada lagu taxayo cirka. Intaasi waa waxa aad ka garan karto magaalada, waxaase jira mid kale oo iyaduna u gaar ah Jigjiga, waa qodob u baahan in ay Soomaalida kale kaga dayato, in dawladaha kale ee Soomaalidu yagleelatay ay ku khasban yihiin in ay wax ka bartaan tan Jigjiga, qodobkani waa midka khuseeya af Soomaaliga, marka aad Jigjiga timaado waxaad ka nasanaysaa meheradaha, xafiisyada iyo goobaha ganacsiga ee ku qoran afka qalaad, waxa aad dareemaysaa afkaagii iyo in afkeenu qaadi karo erybixinada dhammaan goobaha ganacsiga; tusaale; Hotel: Hoyga Jiifka. In ummadda afkeeda la xoojiyaa waxa ay qayb ka qaadataa dhismaheeda, waxa ay qayb ka qaadataa kalsoonida ummadeed iyo in dadkaasi dareemaan lahaanshiyohoodu ama yagleelidda wax ay lee yihiin. Isbedelkan xoojinta afka waxa uu la jaanqaadayaa isbedelkii 2018 ee tagista dawladdii hore, waa isbedelkii dib ugu soo celiyay calanka deegaanka in ay ka soo dhex muuqato astaanta Soomaalida ee buluugga ah dhexdana ku leh xidigta.
Dhanka siyaasiyiinta, waxa aad dareemaysaa in ay aad ugu duwan tahay kuwa Soomaaliya, si gaar ahna; Waqooyi Bari, Bartamaha Soomaaliya iyo Koonfur. Aniga iyo wiil aan saaxiib nahay oo si wacan iigu soo dhaweeyay Jigjiga, Saddaam Axmed, oo wada fadhina meherad bunka laga cabo, waxaa noo soo wada galay wasiirka caafimaadka deegaanka iyo ninkale oo xisbiga Barwaaqo xil muhiim ah ka hayay, ma jirin cid ilaalinaysay iyo caruur daba ordaysay si ay tiktok uga duubaan! Sidoo kale, Wasiirka Maaliya iyo kan Ciyaaraha ayaan siyaabo kala duwan u arkay, si lamida kuwii hore dadkooda kama duwanayn. Laba arrinba way ina tusinaysaa tani, waa midda hore e; waxay dhiirigalinaysaa amniga Jigjiga. Tan labaadna; in ragga xukunka joogaa aanu soo gaarin dhaqandoorsan ka jira Soomaaliya ee ah, xukun ku xarakoodka. Waa dhaqan bogaadin mudan, inkastoo meelaha qaar oo Soomaaliya ka mid ah ay xaaladda amni khasbayso, haddana, waxaa ka badan meelaha aanay khasbayn. Sidaas oo jirta haddana siyaasiyiinta deegaanku kama madhna caqabadda guud ee haysata siyaasiyiinta Soomaalida, taas oo ah in aanay wax danayn ah ka gelin shacabka ama aanayba dhagaysan, in ay iska gadaan dadyow kale iyo la hadlidda shacbiyad aan jirin.
Waxaa jirta laba arrimood oo Jigjiga ku wanaagsan tahay; midda koowaad, waa in Jigjiga ay tahay xarun culimo, kadib isbeddelkii dhacay culimada deegaanku waxa ay xor u noqdeen in ay arrimaha diinta uga shaqeeyaan si xorriyad ah, waxa aad ka dareemaysaa magaalada in aanu soo gaarin isqabqabsigii ururada diinta ee Soomaalida kala qaybiyay, waxa aad dareemaysaa in ay ku xoogaysanyihiin wadaadada ay Soomaalidu badankeed u taqaano Xer (Ashaacirro), waxa aadan qariibsanayn in aad magaalada ku dhex aragto qabriyo loi sameeyay mawlacyo ama dhinacyadiisa la taagay, sidoo kale, waxaa jira meelo dhawra oo
lagu maamuusay culimada kuwaas oo ay ka mid tahay Cisbutaalka Magaalada oo loogu yeedho Sheekh Xasan Yabarre Hosputal. Sidoo kale, waxaa hadda saamayn ku leh culimada Tabliiqa oo iyagu soo dhexmaray qaadairiyada, dhanka diinta aad ayay reer Jigjiga ugu firfircoon yihiin, xilli walbana masaajidadu waa camiran yihiin. Tan labaad, waa in Jigjiga u muuqato in ay u wanaagsanaan doonto arrimaha akhriska iyo qoraalka, waxaa ka dhex socda kacaan xawaare ku socda oo ku saabsan akhriska, waxaa yagleelmay maktabado, tukaamo buugaag iyo madalo martigalinaya akhriska iyo wixii la xidhiidha. Inkastoo, markii hore ay jireen goobo astaamo akhris leh oo ay ugu horreyso Jaamacadda Jigjiga, haddana ma muuqan akhriskan isdirka ah ee uu qofku si iskii ah oo aan shahaado raadis ahayn wax u akhrisanayo. Madalaha waa weyn ee sanadkan lagu qabtay waxaa ka mid ah Bandhigga Buugagga Jigjiga oo markii labaad la qabtay; waxay kulmisay haldoor kala duwan oo Soomaaliyeed, waxa ayna door ka qaadatay kacaanka socda ee akhriska.
Jugjiga, waxa ay u adeegtaa laba dadyow; midi waa dadka ka yimaada Soomaaliya; haba ugu badnaadeen Soomaalilaan (maamul ku dhawaaqay gooni isu taag), midka kale waa shacab weynaha Atoobiya. Kuwa hore, waxa ay dalxiis, caafimaad iyo arrimo kaleba u yimaadaan Jigjiga, halkaana waxaa ka soo baxda fursadda u adeegiddooda, waxaa loo fududeeyaa sharciyadda ay ku soo galayaan, goobaha ay degayaan, haddii ay tarjumaad u baahdaan iyo qaarka tumashada u socda hagidooda. Kuwa danbe, maadaama oo cashuurta Atoobiya ay aad u badan tahay, waxaa looga faa’idaystaa sidii loogu iibgayn lahaa alaab suuqa madow ah oo aanay dawladdu cashuurin, waana suuq aad xaami u ah, qof walba oo diyaarad ama gaadhi ka raacay Jigjiga ama suuqeeda tagayna wuu dareemayo, sababtoo ah, waxa uu la kulmay dadyow ka baryaya in ay alaab u qaadaan oo ka dhigaan wax uu sito, si uu u dhaafiyo cashuurta dawladda. Shaqada labadan kooxoodba waa kuwo u muuqda in ay yihiin alaab taala suuqa madow, Jigjigana waa ku caan, waxayna lee dahay suuq la dhoho Suuqa Madow.
Gunaanadkii, magaaladani waxa ay cagta saartay wadadii korriimada, waxa ugu weyn ee ka qaybqaadanayana waa furfurnaanteeda iyo qaabilista dadyowga kala duwan. Markii uu dhacay dagaalkii u dhexeeyay Soomaalilaan iyo Khaatumo (Sool), Jigjiga waxa ay qaabishay dadyow kala duwan oo ka kala yimi labada maamulba. Dadkii soo galay magaalada ayaa qayb ka noqday korriinka, waxa ayna la jaanqaadeen ama qayb lixaad leh galiyeen dhisidda iyo yagleelidda ganacsiyo taaba gala. Jigjiga, waa koriso, waxa ay hayn kartaa qof walba, heerkuu doonaba dhaqaalihiisu ha joogee, xilligan la taagan yahayna waa magaalo fursado, waxa ayna si weyn u qaabilaysaa maalgalino tirobeel ah. Sidoo kale, weli waxaa ka dhex jira deegaanka dhibaatooyinka aan ku tilmaamay qaybta hore ee qoraalka, waxa ayse u muuqataa in ay la xalismayo koritaanka.
Dhammaad.
