Go’iddii Diiriye: Sheeko Gaaban

Go’iddii Diiriye
Sheeko Gaaban
W.Q: Barkhadle Wardoon


Magaalada oo dagaal ka socda ayuu Diiriye soo galay. Waxaa lala dagaallamaya kaligiitaliyaha dalka ka taliyo, sababta loola dagaallamayana, waxa ay ugu sheegeen inuu yahay kaligiitaliye ku soo duulay tolkiisa ayna habboon tahay, in uu ka difaaco oo dagaalka uu qoddiisa ka galo. Diiriye wuxuu safka hore ee dagaalka u la saftay ina-adeeradiisa. Diiriye ma garanayo wuxuu u dagaalamayo. Waxa ay iyagu u sheeggeen ma hubin runnimadooda iyo beentooda, midna.
Yeelkadiise’ waxaa laga lib helay kalitaskii, waxaa la boobay oo la bililaqaysatay hantiddii ummada, waxaa la kufsaday haweenkii iyo gabdhihii ugubka ahaa, waxaana la kala garan waayay ma kaligiitaliskaa lala dagaalamayay mise boobka iyo kufsiga dumarka la bannaysanayay?! Sida (waddaado diimeedka) u bannaysteen dhiigga dadka?!


Diiriye, si fiican ayuu dhexda ugu gelay kabtiisa iyo tolkiisa. Wuxuu na bartay balwad waxaana har iyo habeen garabka bidix u surnaa qori, gacanta midigna, wuxuu ku heysan jiray sigaar. Wuxuuna la qayili jiray tolka iyo qofkii u qaado qaadka. Diiriye wuxuu noloshiisa magaalada ku billaabay: balwad, tumasho, dagaallo-beeleed, kufsi, dac iyo dhigasho isbaaro-qabiileed.
Diiriye, muuqiisa waa nin dheer, oo feera weyn leh. Tin weyn iyo weji (o) leh, lugo dhuudhuuban iyo cago ballaaran leh. Wuxuu aad u xiiseyn jiray qaadasha qoriga. Wuxuu ahaa nin aad u jacel lebbiska iyo xarragada.
Diiriye, intuu magaalada joogo way tirsan tahay, haddana waxa uu noqday qof magac iyo sumcad ku dhex leh. Magacaa iyo sharaftaa wuxuu ka helay ama uu ka soo hooyay goobaha dagaalka iyo boobka danyarta. Wax qura ee uu magaaladda u soo gelay ayaad moodaysaa in ay tahay inuu boobo danyarta; uu na kufsado dumarka.

Dagaalkii waa lagu guuleystay. Waxaana lagu danbeeyay nolol aakhiro iyo mid adduun u dhexeyso. Diiriye, wuxuu ku noolaa noloshaas. Wuxuu la joogay tolkiisa. Wax uuna iska dhistay reer wax uuna guursaday tii uu qaadka ka soo dhici jiray duhur waliba ee Duniyo.
Duniyo, waa gashaanti qurux iyo joog u dhalatay waxayna aad u jaceylayd inay shaqeysato. Diiriyana waxa ay ku baratay dagaalkii uu ku soo magaalo gelay, danta ugu weyni ee guurka Diiriye ugu aqbashayna waa inay nafteeda iyo hantideeda ku ilaashato. Diiriyena waxaa uu ka heli jiray qaad iyo gogol raaxo ah!


Diiriye, wuxuu hadda magaalada joogaa gu’yaal badan, wax isbeddel ahna, kuma imaan wax tacab iyo shaqo kale ahna weli ma gelin. Waxaa xukunkii la wareegay ninman dhallinyaro ah oo diintii baan soo celineynaa ku tookhaya. “Diinta ay soo celinayaan, waa maxay? Sow hadda diin ma heysanno?” ayuu yidhi, Diiriye marka uu maqalay, warkaas.
Diiriye, wuxuu iska tuuray qorigii u surnaa garabka siday isaga tuureen saaxiibbadiisa. Wuxuu ku soo aruray balwadiisa iyo saaxiibbaddiisa uu la qayilo. Habeenkii oo dhan qayilaad ayuu waqtigiisa ku qaataa, maalinta gelinkeeda hore oo dhan wuu hurdaa.
Wuxuu maalin ka waayay qaadkii uu ka heli jiray xaaskiisa Duniyo, dabadeedna intuu magaalada hoose u degay ayuu raadiyay cid maanta u qaadda qaad, balse waa uu waayay. Waxaa la gaaray salaaddii Casir, waxaa loo dareeray masjidka. Diiriye, ma garanaayo salaad la tukado. Wuu arkaa in la foorarsado balse sababta loo foorarsado ma garanayo! Diiriye wuu iska soo hoyday, wuxuu caawa ku qayilana gacanta kuma hayo.


Nimankii dhallinyarada ahaa, waxa ay la yimaadeen mad’habka Wahaabiga. Waxayna dhaheen: “Waxa aan hadda idin baraynaa diinta saxda ah!” Wixii lagu soo dhaqmey oo dhan waxa ay ku sheegeen bidco iyo kufri. Dhallintii oo dhan waxa ay qorteen askarnimo iyo dagaal. Waxa ay burburiyeen qabuurihii, taalayaashii lagu weynayn jiray geesiyaashii dalkaan u soo dagaalamay. Waxa ay xirxireen waddaadadii kale waxa ayna xoog kula wareegeen dalkii. Dumarkii waxa ay u xidheen dhar aad u waa weyni. Waxaa la muslimiyay dadkii asalkaba muslinka ahaa, waxaa la furay malcaamado lagu baranayo Qur’aanka, hab ka duwan habkii hore. Waxaa hadda lagu baranayaa tadwiij. Waxaana kutubo laga keenay dalalka Carbeed, gaar ahaan Sucuudiga.


Dad badan baa dalka ka baxey. Diiriye wuxuu ka mid ahaa dadkii dalka ka baxey, wax uuna aadey Sood-Afrika, waxa uuna mSood-Afrika ka billaabay shaqo, dukaan ah, oo ay u soo heleen ina-adeertii. Inta uu dukaanka ku howllan yahay mooyee inta kale wax buu bartaa. Haba ugu muhiimsanaato luqadiisa iyo dalka uu shaqada u joogo luqada ay ku tiraabaan. Waxbarashada wax ay ku siisaa baraarug iyo ogaal. Mar kasta oo aad ogaal heshidna waa mar kasta aad niyadsami noolatid. Wax uu hiifiye warmoognimada uu miyiga kala imide e uu ku soo magaalo galiye in ay aheed aafo.
Diiriye, wuu iska dhaafay balwadii iyo wax kasta uu bilaa ogaal u sameyni jirey. Waxa uuna noloshiisa u qaabey si ka duwan sidii uu u nool. Waxa aad u malaynaysaa xanuunkaaga, qalbijabkaaga iyo murugadaadu in ay yihiin kuwa aan taariikhda dunida horay uga dhicin oo lagama-kacaan ah; illaa aad wax akhrido.


Wax uu wax ka ogaaday sooyaalka dadka ku nool dalkan uu joogo, waxa uu la yaabyay; dadkaan kala isirka ah, kala midibka ah, ka soo kala jeedo dal iyo wadamo kala duwan oo; aan isku dileyn aano qabiil iyo inagaa mudan. Wax uu su’aal weydiinayaa naftiisan yar; Sababta uu u dagaallamey? Ujeeddo mise ujeedo la’aan? Mooji! Balse waxa uu laabta ka leeyahay: “Nabadgelyo la’aan lama ledo.”
Diiriye waayo kaddib waxa uu ku soo laabtey dalkiisa. Wuxuuna iska furtay dukaan yar oo ku yaalo suuqa, xaaskiisa Duniyana wax ay iska furatay miis yar oo khudaarta lagu iibiyo. Diiriye iyo Duniyo, hadda waxaa ka dhaxeeyo kalgacal iyo jaceyl maba aha dadkii danta isku guursaday, waxa ay hadda iska waheshadaan nolosha waayo, wax carruur ah laguma irsaaqin iyaguna uma dhuni jirin!


Diiriye oo galab iska xiray dukaankii iskuna diyaarinaya salaad, oo iska weysaqadanaya ayaa waxaa soo kor istaagay barbaar ka tirsan dhallinyarada dalka xoogga ku qabsatay oo ul wata. Wuxuuna ku billaabay inuu garaaco oo ku qayliyo, Diiriye. Diiriyana intuu iska qabtay ushii uu barbaarka ku garaacayay ayuu dhahay ”Maxaad igu garaacaysaa?”.
Barbaarkii baa ku qaylinaya amar iyo canaan: ”Aad salaada”.
Diiriye waxa uu qeyladii iyo canaantii barbaarka ugu jawaabey: “Aadi maayo salaad.”
Barbaarkii baa la soo baxay, bistoolad, wuxuna ku dhahay: ”Ku soo celi, waxa aad hadda lahayd.”
Diiriye wax uu dhahay: ”Haddii aan doono maba tukanayo.” waxaana uu iska fadhiistay kursi u dhowaa.
Barbaarkii intuu cabeystay bistooladdii ayuu Diiriye ku dhahay: “Ashahaado!”
Diiriye waa uu ku qoslay barbaarkii, waana uu ka istaagay halkii uu fadhiyay, wax uuna u howladay in uu salaada la aqimayo uu soo tukado.
Barbaarkii wax uu ka dababooday, Diiriye oo ii jeestay, wuxuuna wajiga kaga hubsaday hal xabbad, DAM!
Diiriye nafba dhulka kuma gaarin!
Barbaarkiina wuu iska dhaqaaqay.
Diiriye waxaa laga qaaday halkuu ku go’ay. Maxaa uu u go’ay? Kan nafta dhaafinayo, maxaa ka gelay salaadda Diiriye? Salaada yaa loo tukudaa? Ma xoog baa lugu tukadaa?
Duniyo, waxaa loo keenay ninkeedda oo go’ay. Waxaana loo sheegay in ninkeeddu salaad in uu tukado uu diidiyay, sidaas awgeedna loo dilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *