
Baraaruggii Midgaanka
Nuur Ileeye
03.Mar.2024
Fallaag Shirwac waa soddonjir talaqabeen ah. Waa shibbane aammusan oo higilka bulshada ka gooni ah. ‘Magac waa la noqdaa’ ee waa nin dabcigiisa qofeed iyo macnaha magaciisu isqaateen oo harjad aan hakasho lahayn ayuu kula haliiley haftada nolosha. In uu dunida gudihiisa xulo oo qalbiga iyo maankaba la hadlo, marna abuurta fidsan ee dabiicadda ku dhaygago ayuu ka doorbiday in uu dadka la googaaleysto. Fekerka maskaxdiisu waa seetagoys, xawaaraha suuraha hiyigiisuna kan ilayska kama uu gaabiyo. Islahadal dheer ka dib nuxurka cusub ee arrinkii uu cugtay uga soo baxa iyo fahanka daaha uga roga oo ah iftiin nafsadeed iyo cosobsi maskaxeed ayuu la dhacaa, si amakaag ah inta ugu bogo ayuu farax la muunsoodaa, waayo waa baadi uu inta doonay soo helay, haddiise uu baadidoonka ku hungoobo kal, kansho kale ayuu halkii ka sii anbaqaadaa halgankii baadidoonka.
Nasiibwanaag, isaga oo da’yar ayaa waxbarashada lagu daray oo waa uu ka bogtey aqoontii nidaamsanayd ee dalka inkastoo markii uu soo qaatay shahaadadii uu ku taamayey halgankiisii waxbarasho la mid noqday buurtii foolatay ee irbadda dhashay. Ha yeeshee isagu macne uma uu yeelin isdiiddadaas ku dhacday oo waxa uu dibnaha ku qabtay dabuubtii laga maqlay ninkii shaxdu isku rogtey “taan u dhigtayba ma aha!” Isla jeerkaasna waxa uu cagta saaray jid kale oo ku carceera dunida farsamada iyo farakuhaynta, halkaas oo cadowga danta lagaga libeysto xoogsi joogto ah. Markii uu kadinka ka sii gelayey waxa la maqlayey isaga oo cod wanaagsan ku qaadaya heestii Axmed S. Bidde:
“Dantu waa ha nicin hawl
Iyadaa nin kaabtee,
Ama waa naruuriyo
Haba filan nimciyo rays.”
Haybihiisa dhalanka ah ee uusan isagu summaddooda isku dhigin waxaa ka mid ah: in uu nin yahay, in uu madoow yahay, in uu Midgaan yahay… summadahaas dhibaato isaga u gooni ah kuma uu qabo marka laga reebo tan ‘Midgaannimada’ oo iyadu canbaar guudkiisa ku taal ahayd intii uu jirey. In badan baa haybtaas darteed loo aflagaaddeeyey, wax badan baa summaddaas awgeed loo faquuqay, muddo aan yarayn baa aqoonsigiisaas hoos loogu dhigey, dhaaxaa xiniinyataabasho lagu fanteeyey, qajeeluu ku danseegay firkiisa qudha. Marar badan waxa uu arkay iyada oo dad qalaadi haybtiisa isku caayayaan! Kureynimadiisii waxa uu fahanka bulshada kala baxay haybtiisu in ay tahay summad xun; in ay tahay calaamo Alle ka ifiyey isaga iyo wixii la halmaala; in ay tahay boog aan laga bogsan karin; iyo in ay tahay waxa ugu xun ee dad isnecebi isku maagi karaan.
Waxa kale oo uu arkay dadka haybtan lagu ximaariyaa in ay ka dhabargodaan oo jidhdiidaan in lagu xariiro shaabbaddaas ceebeed, tiro ma leh inta jeer ee dhegihiisu maqleen qoladiisa oo dhenged lagu haylhayley looga dhigayo “aammus Midgaanyohow Midgaanku dhalay” iyo iyagii oo inta gan ku jabay ku cataabaya “ninkii Jannada laga waayo ayaa Midgaan ah!” In uu arko haybtiisa oo xumaan lagu dhoobayo, dadkiisa oo dacwoonaya iyo kuwa la dareen ah mooyee weligiis il ma saarin doodo maangal ah oo ku saabsan abbaarta haybsooca lagu tilmaansaday iyo gaboodfalka lagu hayo ahaanshihiisa. Maanku waa kayn mugdi ah, iftiinka keliya ee lagu arkaana waxa uu ka soo galaa dawga sababaynta. Halka qalbigu yahay sar afarta jiho nalal waaweyn ku leh. Dhab ahaan wax hiyigu wareerkiisa la sulaaqmo ayuu maanku si arxanli’i ah ugu jeesjeesaa, taasna waxaa inagaga filan maahmaahda “agoon nimaan waxba u tarayn baa indhaheeda ilmo ka dhammeeya!” Ogoobeey diirnaxaas iyo la-dareen-noqoshadaasi waxa ay baan niyadeed u yihiin agoonka hase ahaatee isbihinbihintu kaalin kuma laha doorarka maanka.
Maadaama isagu weligiisba naftiisa la shawri jirey oo uusan abidkiis ku kicin fal uusan maskaxda soo marin, haba yaraatee kama falcelin jirin oo kama gilgilan jirin aflagaaddada, takoorka, quudhsiga, faanka iyo kibirka loola yimaaddo, waayo maba uu garanayn sabab uu uga falceliyo hawraar uusan salkeeda ogeyn, waxa uuna hubey in gacanqaadka iyo ficiladu aysan xal u ahayn haybsooca dirkiisa lagu calaamadiyey. Intii uusan baraarugin mar kasta oo huubada gudihiisu qasanto waxa uu ku dejin jirey xuska dabuubtii Gaarriye: “nin muraayad daawaday*foolxumo isdiidsiin*kuma doorin karayee*ma inuu dillaacaa!” Aalaaba, dadku habdhaqanka ay qofka ka arkaan ayey kula macaamilaan oo isaga alabkiisan waa lagu bartay, waayadii danbena xurmo iyo qaddarin bey dadku u hayeen. Nolol ahaan in aysan waxba isdhaamin dadka wax yasa iyo kuwa la yaso waa ay iska muuqataa oo ifafaalahaas yaraantii buu ogaadey markii uu arki waayey wax astaamo guud ah oo ay ku kala soocan yihiin labada kooxood, maalmahaas waxa uu niyadda iska yidhi “waxa aan dhibbane u ahay dhibbane ila mid ah, sababtana ma aqaan!”
Toban gu baa laga joogaa habeenkii uu calaamooyinka loo nuuriyey ka cabbir qaatay, waa ammintii uu sida maangalnimada ah u goobay eelka foolxumada haybtiisa iyo halka uu ku salaysan yahay takoorkiisu. Waa maxay haybtu? Muxuu yahay macnaha magaca Midgo? Waa maxay ahaanshuhu? Sidee hayb loo gumeeyaa? Ma waxa jira magac abuur ahaan u xun yahay mise waxa jira macne lagu shubo magaca? Miyey jirtaa hayb sideedaba xuni mase tilmaamo xunxun marka ay la timaaddo ayey foolxumaataa? Waa maxay xumaanta lafteedu? Halkee buu salka ku hayaa takoorka haybtani, waase tuma haybta ay lidka isku yihiin? Midguhu maxay kaga soocan yihiin bulshada ay ka mid ka yihiin?… weyddiimahaas fiiqfiiqan iyo tobannaan kale ayuu dubaaqiisa ku tummaatiyey sidii geesi liishaan yaqaan, dhiiggii ka soo duulayna waxa uu ahaa baraaruggii uu ku bogsadey. Tallankiisii naflahadal oo duud iyo duunba mayracayey si kooban waxa uu dalmaray dunidan:
“Horta, qofka nooli waxa uu ka kooban yahay qayb muuqata iyo qayb qarsoon. Labadaas qaybood waxaa lagu sheegaa gudo iyo dibad, sida ay u kala hooseeyaan ayey u kala sitaan oo doorku waa unugga laga seesmay oo gudaha ah. Iskudarka labadaas adduun waa habdhisyo hannaansan oo wada hawlgala, hawlgalka iyo wadashaqayntaas joogtada ah ayaana ‘naf’ loo yaqaan. Haybtu waa summad cid ku taal, summaddaasi waxa ay ka muuqataa korkeeda ama waxa ay ugu dahsoon tahay gudeheeda. Summaddaasi waa waxa ay ciddaasi dhab ahaan tahay oo wax waliba waxa ay ka samaysan yihiin haybo isu tegey, waana lagu aqoonsadaa isna waa uu isku aqoonsadaa, ahaanshuhu waa unuggu jiraalka ee lumintiisa qabka lagu ilaaliyo. Haybuhu kala culus ee kuwo waa abuur dhalan ah oo waanada iyo ababka waa ay ka sarreeyaan, midda aan caawa ku foog nahayna waxa ay ku jirtaa taxa kuwa dabiiciga ah.
Haybtu haddii ay gacantayda ka baxday oo aysan ahayn summad aan anigu habdhaqankayga ku toshay, waxaa lamahuraan ah in aan sideeda ku iimaansado. Sideedu waa sima? Ma sida dadku ka dhigeen mise sidii ay asal u ahayd? Dabcan, sidii ay u dhalatay. Horta ma beddelan kartaa haybtaada dhalanka ah? Taasi waa madhacdo, miyaadan maqal “mutul ninkii dhisay baa ka weyn?” Haybtaada dhalanka ah adiga ayaa ah ee iyadu adiga kuma aha. Haddii aad isku daydo in aad ka baxsato haybtaada, surin walba waa ay kaaga soo boodi doontaa iyada oo sidii aar kuugu hamaansanaysa, adigana waqaa indhaha ayaa dabayshu kaaga dhici doontaa. Ma u fiirsatay dadka madoow ee damcay in ay iscaddeeyaan sida haybtoodii madoobaantu u soo hesho mar walba oo ay isku hawlaan in ay ka fakadaan? Wax kale ma aha sababtu ee madoowgu waa hidde iyo dhaxal duunkooda ku jira, waana seeska ahaanshahooda, haybtuna waa wax aan biri goyn karin biyana maydhi karin. Si aadan khaladfahanka iyo marinhaboowga duulkaas oo kale ugu dhicin waa in aad raadcaysaa macnaha dhabta ah ee haybtaada ‘Midgaannimada’ si ay iyadu kuula qurux badnaato ka dib marka aad ku kalsoonaato asiilinimadeeda.
Suugaanta waad jeceshahay oo aad baad ugu faruurxidhan tahay hase ahaatee abtirsiinta magacyada iyo sirta ereygu marar badan waa ay kaa taf dheeraataa oo kama geyootid guntooda asalka ah, yeelkeede, bal caawa heensaha ku day macnaha dhabta ah ee haybtaada Midgaannimo. Aadkaba, magacani(Midgo) waa wadar oo waxa uu ka samaysmay ereyga ‘midig’ oo ah dhanka mudan. Habwadaraynta qaabbaddan ah waxa ay bahwadaag ka yihiin dhiggiisa: sidig, ilig, milix… idilkood waxa ay u bataan tabta ‘midgo’ oo waa sidko, ilko, milxo. ‘Midgaan’ waa kelida ‘Midgo’ oo waa qof xoogga, mudan, qumman ama si uun dhanka midig u la xidhiidha, waana dhigga magaca Carbeed ee ‘Ayman’ kaas oo habbooni tilmaan u ah.
Dhankaasi waa xididka ereyga ee dhaqan ahaan maxaa loo adeegsadey intee macnese ayuu xanbaaray? Abuurta dabeecadda dadku waa in ay awoodda jecel yihiin, ciddii awood lehina waa ay isbiddaa oo maahmaah baad ku maqashay “nin kaa xoog weyni hortaa buu xanaaqaa,” labada gacmood ee midigta iyo bidixda dhalan ahaan waxaa xoog badan midigta, taasi waxa ay jideysey in midigta mudan ahaan loo majeerto halka bidixda la yar quudhsado. Dadka asalraaca ah ee hiddahooda iyo dhaqankooda ku dheggan waxaa dunida oo dhan looga aqoonsan yahay Midgo–Rightists– sidoo kale diinta Islaamka waxaa ku sugan in qolyaha Jannooyinka Eebbe ka hirqan doonaa yihiin Midgaha–أصحاب اليمين– oo looga jeedo kuwa kitaabkooda gacanta midig looga dhiibi doono. Yaab! Magaca asalkiisu ma sidan oo dhan ayuu u qurux badan yahay oo milgo iyo barwaaqo u hagoogan yahay? Waaya’aragnima-la’aaneey ba’!
Malaha intaasi magaca macnihiisa guud kaaga filan ee ka warbixi waxa magacii quruxda badnaa fool xumeeyey markii uu idinka hayb idiin noqday? Taasi waa ay fududdahay oo haybta waa la qurxin karaa, waana la foolxumeyn karaa, haybuhu waa summado lagu kala duwan yahay oo u kala taagan dhaqammo kala duwan, hayb waliba waxa ay dagaal kula jirtaa lidkeeda, si ay u sii jirto. Dadku waxa ay haybahooda ugu dheggan yihiin in aan dartood loo dhibaatayn oo iyagu haddii ay haybtooda xooraan waxa aysan ka nabadgeli doonin kuwo kale oo haybtoodii wata iyagana u beegsanaya keliya haybtooda awgeed! Jidka qudha ee haybaha gunnimada looga ilaalin karaa waa in iyaga la isku difaaco, ma jirto hab kale oo jiritaanka hayb looga badbaadin karo, waa sandulle in ay iyadu gaashaanka mayalka la hayo ahaato, waxa lagugu weeraro haddii aadan isku difaacin si kale wax isaga ma dhicin kartid oo warkaagu waxa uu noqon doonaa cabasho, ogoobeey, cabashadana lagama dhegeysto goobaha dagaalka. Tabta ugu fudud ee wax loo gumeeyaa waa in haybtiisa la foolxumeeyo oo taasi halgan dheer uma baahna, waxa ay ku siman tahay in haybta la maaggan yahay cay la isku dhaleeceeyo laga dhigo dabadeedna ciddii haybta lahayd iyada isku difaaci weydo oo ay damacdo in ay hab kale isu beri yeesho.
Bal garwaaqso immisa summadood oo qurux-u-dhalan ahaa baa la suuradxumeeyey oo kuwo gunnimada qaayibeen kuwo kalena halis ku jiraan: haybtii ‘naagnimada’ ayaa la foolxumeeyey heer ay gaadhey in dadkii lahaa ka xanaaqaan in loogu waco; haybtii madoobeyd sida oo kale oo waxa ay maraysaa in saancaddaantii la isu dhalanrogo; haybtii Muslinnimada ayaa meelo badan laga ufoodaa ka dib markii argagixisanimo dhalada loo saaray; magacii quruxda badnaa ee ‘maanshiil’ oo lagu tilmaami jirey qof maanka dubey oo inta solay ka soo saaray aragtiyo shiilan oo in la liqo geya, waxaa dacaayad ku furay qolyo dhegaxidhan, dabadeedna halkaas ayuu ku saqiiray oo waxa uu u egaaday wax laga maadsado. Ulajeeddada foolxumaynta haybuhu waa anshi dhalan ah oo hayb waliba waxa ay rabtaa in iyada la ahaado, diyaarna uma aha aqbalka kaladuwanaanshaha iyo in cid walba sideeda loo daayo. Jirtoo, haybtii hayb kale isu dhiibtaana waa baadi irmaan oo jiritaan ah ma leh, xitaa haybta ay sheegatay qolyaha leh ayaa ka wiswisa.
Waa kobtan halka sartu ka qudhuntay oo Midgihii markii loo beegsaday haybtooda dartood ayey isku difaaci waayeen iyadii oo waxa ay goobta la yimaaddeen “dad idin la mid ah baannu nahay ee maxaad noo sheeganaysaan?” Guuldarro maalintaas ayey dushooda ahaatay oo waxa ay qaayibeen aabigii loo la yimid. Haddana xalku waxa uu ku jiraa in ay ku kalsoonaadaan haybtooda bes, dabadeedna fagaare walba ka sheegaan in ay Midgo yihiin. Waxaa jira arrin kale oo weyn, kaasi waa mid dhaqan-dhaqaale oo waayaha ku sidkan, waa doorka ay ku leeyihiin nolosha iyo bulshadooda, aad buu lakabkoodu u hooseeyaa, ha yeeshee lama caddayn karo in jabku ka yimid guuldarro hore oo sooyaaleed iyo in ahaansha-xoorku keenay oo waxa la hubaa jidka ay hadda hayaan in aysan ku higsan doonin gobanimo, saa waaba kuwan ahaanshahoodii ka yaqyaqsanaya e! Dadnimo, feker iyo farsamo cidina far ma dheera ee waxa ay dadkani tebayaan hadda waa haybtoodii oo waa ay isla’ yihiin, dad iyagu isla’na cid kale ma ay heli karto.
Waxaa jirta hayb dhaqan oo ciddaada lagu sheego, waa ‘Gabooye’ iyadu waxa ay ka soo raacday agabka fallaadhaha ugaadhsiga lagu gurto ayaa magacan leh –waa kiish calool u eg– waana hayb shaqo oo sharfan. Sidoo kale waxaa iyaduna jirta haybta ‘Tumaalnimada’ oo ah tabta Injineeriyadda iyo qaabinta walxaha adag ee nolosha lagu muraadsado. Inkastoo magaalowgu hoos u dhigay haybsoocii la idin ku hayey, haddana marka ay runi run gaadho waxaa ku-milanka Midgaha looga gabbadaa sidii cadow dhufays hortaada ah kuugu soo jira. Ogoobeey taasina waa gar oo bukaanka waa lala qiiroon karaa se xanuunka lala ma dareemi karo. Dad baa ku dooda “Gabooyaha gabdhahooda ha la guursado hana loo guuriyo kuweenna.” Malaha waxa ay hilmaansan yihiin in aan milil dushiis la dhayin oo guurku ma daweyn karo dad ahaanshahooda Rabbaaniga ah loo diiddan yahay. Maaradu waxa ay igaga eg tahay in aan milgaha haybtayda garwaaqsado anigu, dadkaygana –intii taagtay ah– aan garawsiiyo haybtooda wanaagsan oo weliba ku boorriyo in ay ka qaadaan goobta ceebeed ee ay muddada dheer tiil, ka dibna inta ay boodhka jafaan ku xarragoodaan, ayna iskaga waantoobaan ceebaalka cabashada iyo maandhibbanaanta ay saxariirkan ka dhaxleen.”
Ina Shirwac waxa uu garwaaqsaday in ay godobtiisu ku maqan tahay isla naftiisa oo aysan jirin meel kale oo uu ka soo magaa; waxa uu ka waantoobey in uu cid kale u saariyo masiibada ku gandoodda oo waxa uu xilka u xanbaariyey qudhiisa; waxa uu ka bogtey in aan dhib mooyee dheef laga maalin baryada iyo eersiga dadka; waxa uu gunta ka dareemay in isbarbardhiggu yahay waddada naarta loo maro oo waxa uu ka hawlyaraystay in uu haybtiisa hayb kale ku dhereriyo si uu u ogaado in uu qof jira yahay; waxa uu quudhsaday ilmadii xunbada ahayd ee dad faquuqiisa diiddani ku qubi jireen; waxa uu ka maydhay cuqdaddii hoosaynta; waxa uu ku hagoogtey haybtiisii oo ma uusan yeelin in la kala irdheeyo isaga iyo haybtiisa; gebagebadii, waa uu bogsadey. Roobkii saxalbaxu waxa uu ka onkodey uurkiisa, hillaaciisuna waxa uu ka muuqday oogadiisa. Waxa uu maarada u helay waa aqoonsigii ahaanshihiisa oo isagu ah kabasho gudeed oo uu kaga raystay karkii laabtiisa ka hulaaqayey, dibadse moog. Nin Ilaah leh oodda looma rogo, ifkana nasiibkiisa ayuu qabaa.
Haatan milgaha iyo macnaha haybtiisu waa ay u widhwidhayaan oo isaga oo caafimaad qaba ayuu muunsoonayaa. Midgaannimadu mar waa u awood iyo itaal, mar waa u qummanaan iyo gar-lahaan, mar waa u asalraac iyo hiddadhawr, marna waa u bishaaro Eebbe iyo guryo raaxo. Miyeysan mudnayn marka in uu majeerto haybtiisa Midgaannimo? Allaa i lehe haa.
Gunaanadka baaxaaddeggii iyo fekerkiisii is hor iyo daba marayey waxa uu ku sugay halhaysyadan suugaaneed: dhaqanka iskudhererinta ciddii isaga arki weyda waxaa xeer uga ah “ninkii aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho!” Qodobka mayalka iyo isxejinta waxa uu sees uga dhigtay “wallee nin aan isqabannoow wanaag iga ma sii qaaddid!” Dhaadashada iyo hayb-ku-faankana waxa uu u tiir uga yeeshay “Allihii Midgaan iga dhigaan mahadinaayaa!” Habeenkii u dumey isaga oo baraad la’ waxaa waagiisii u beryey isaga oo baraarugsan.
Waa casar gaaban. Galabta isaga iyo rag door ahi waxa ay ku hor casariyeynayaan meheraddiisa fanka timajarista lagu suubbiyo, waxa ay ku taal aagga Calibarre, Laascaanood. Wax ka mid ah aragtiyihiisii dhaadashada haybta Midgaannimada markii uu la wadaagey xerta ayaa oday sayncaddaa ahi uga warramay sheekasuugaaneed qosol badan taas oo qabkiisa quudisay, qanaacadii uu ahaanshihiisa ku qabeyna sii horumarisay. Dubbad Gurxan waxa uu sheekadii u bilaabay sidan:
“Degmadayadu waxa ay taal Hawd. Waa waagii Kacaankii Bolshofiiq, muunaddiisii Soomaaliya hiraalladiisii bulshada lagu hagayey. Dadka ayaa ahaanshahooda laga siibayey oo waxa lagu beerayey xanuunka haybwareerka kaas oo ilaa hadda ay ragaadkiisii la heetinayaan. Waa markii uu gabayaagii Qaasin Qaasin lahaa ‘nin qabiilka diidoow anigu Qaasin baan ahay!’
Nin Midgaan ah oo wax karbaash la saaro hal awr lahaa–magaciisii ma xusuusto– ayaa awrkii oo foofay libaax ka cunay. Hoggaankii ayuu dib u la soo hulleelay markii uu hubsaday raqda ratigiisii keli ahaa. Qorigiisii buu sanduuqa kala soo baxay, wuu safaystay, dabadeedna raadkii libaaxa ayuu ku dherersaday. In ka dib, waaba kan geed hadh weyn dheregtii la jiifa. Shiishka ayuu ku sugay, isla kobtii ayuuna ku ruuxtogey. Inta kor yimid buu gabay garwaaqsi ah ka dulmariyey. Nuxurka gabaygu waxa uu ahaa ‘libaaxyohow dilkaygu waa kugu gar, dadkii awraha badnaa ee in la boobo mudnaa ayaad ka soo gudubtey, markaasaad aniga oo awrku igu keli yahay iga saanyatey!’
Waxa aan uga socdaa abbaarta ku-dhaadashada haybta Midgaannimada ee gabayga waxa ku jirey meeriskan oo halhays noqday: ‘marti ma laha awr uu Midgaan meel ku foofsaday!’ Markii gabaygii degmada ku baahey ayaa qolyo Midgaha haybtooda cuqdadda nafsadeed ka qabaa dhibsadeen in gabyaagu carrabka ku dhufto haybta Midgaannimada, isla markiiba waxa ay u rogeen meeriskii ‘marti ma laha awr uu miskiin meel ku soofsaday.‘ Ha yeeshee waxa jirey rag ka biya-diidey nuxurdilka gabayga oo dirkiisa ku rabey, halkaas ayaa dood adagi ka dhalatay ilaa shir la wacay gabyaagii lagaga meersanayo asalnimada meeriska. Markii hadalkii lagu soo simay ayuu furay in meerisku ahaa ‘marti ma laha awr uu Midgaan meel ku foofsaday.’ Markaas ayaa kuwa aan samrini ka toydeen in meeriska loo rogi karo ‘marti ma laha awr uu miskiin meel ku foofsaday?’ Isaguna inta uu muunsooday ayuu si fudud u yidhi ‘oo miskiin libaax ma dilaa?’ Hadal kama danbayn ee qosol baa lagu jaameeyey darkii malaha xumaa.”
Caynka sheekadaas kore u dhammaatay ayaa kulankoodii galbeedna u soo gebageboobey, bogsashadii Midgaannimada ka dib waxaa la arkayey rag badan oo qosol gawsku muuqdo la dhacay, sababtuna waxa ay ahayd helitaanka ahaanshahooda iyo dhaadashada milgaha haybtooda. Salaaddii Makhrib ayaa la addimey. Fallaag, weysaqaadasho ka dib, Masjidka Calibarre ayuu Ilaahey kula shiray.
