Xalka qadiyadda Falastiin; Waa joogtaynta iska-caabinta
Waa wareysi telafashinka TRT Arabia uu la yeeshay: Dr. Fowzi al-Badwi
Waxaa tarjumay: Sayid Maxmed

Waa maxay sahyuuniyadu? Sidee ayay ku bilaabatay? Maxuu yahay xiriirka sahyuuniyadda kala dhexeeya diinta yahuudiyada?
Sahyuuniyadu waa falcelinta saddexaad ee ka dhalatay is-weydiinta “Weydiinta Yahuudeed ee gudaha Yurub” المسألة اليهودية في أوروبا. Waxaa weydiintan laga qoray in badan waxaana ugu caansan erayga Karl Marx ee marka lajoogo dhigaallada suugaaneed ee jarmalka eray-cilmiyeed ahaan loo yaqaano “judenfrage” oo micneheedu yahay; sidee ayey yahuudu suurtagal ugu tahay in ay ku dhex milmaan bulshooyinkaa reer yurub, isku milankuse mayahay arrin suurtagal ah?
Marka la eego sooyaalka yahuuda ee gudaha Yurub waxaa horay ujiray sadex xaaladood. Dhinac wuxuu u arkayay in isku milanku uu yahay wax suurtagal ah, Kacaankii France-na wuxuu soo bandhigay jawaabo. Halka Yahuudii reer Yurubna ay ku baaqeen in loo xoroobo qof qof ahaan ee aan loo xoroobin bulsho ahaan. Intaa kadin waxaa qarnigii 18aad imid Maanfurkii reer yurub gaar ahaan qeybta maanfurkii yahuudeed, kaas oo yahuuda reer yurub ugu baaqayay in ay ahaadaan muwaadiniin leh xuquuq dhamaystiran, iyada oo la fiirinaayo in qarniga sideed iyo tobnaad uu la yimid aragtida muwaadinnimada iyo aragtida heshiiska bulsheed (العقد الإجتماعي), gaar ahaan falsafadiisa siyaasiga.
Qeyb kamid ah Yahuudii Yurub waxay faraha la galeen hawsha is-ku-milanka, halka qaar kale ay doorteen in ay noloshooda usii wataan hanaankooda ab ka soo gaarka ah “الغيتو Ghetto”, hannaankaas oo tixnaa lagasoo bilaabo qarniyadii dhexe, waxaana ay ka biya-diideen hawl kasta oo ku milan ah nooc ay tahayba.
Markaa waxaa jiray labadaas xal uun: midka koowaad oo ah in lagu dhex milmo bulshada yurbiyaanka ah, iyo kan labaad oo ah in lagu sii dhex noolaado gudaha xayndaabka qadiimiga ah ee “Ghetto” iyo in aan xiriir lala yeelan lana dhex galin dunidan casriga ah. Mashaqadu waxay ahayd in isku milanku ay soo foodsaareen caqabado waaweyn oo ay kamid tahay aragtida colaadinta reer Saam (المعاداة السامية/ Anti-Semitism), taas oo ahayd mid kudhex baahsan yurub islamarkaana yurub ay awoodi weyday in ay cirib tirto oo halkeedii ugu sarreysay gaartay inta lagu jiray dagaalkii labaad, waxaana dhacay wixii loo yaqaanay goob-gubashadii naasiga المحرقة النازية.
Waxaa soo ifbaxay bartamihii qarnigii 19aad “fahanka colaadinta reer saam”. Soo ifbaxaani waa natiijada sooyaalka fog ee colaadinta yahuudda taas oo tixneyd waayo badan iyada oo leh sababo diineed, waxaana iba-furay fahankan mustashriqa (orientalist) yahuudiga ee Murex Teichneider fahankan la ibba furay ayaa wixii markaa ka danbeeyay ka dhignaa colaadinta iyo nacaybka yahuuda.
Haddaba waxaa uu “Yahuud nacaybku” hor istaagay is-ku-milanka waxaana uu ka dhigay hawl cakiran, waxaana arinkan cadeeyay oo daaha ka rogay dhacdadii “Drayfus” قضية دريفوس ee ka dhacday France. Waa markii Janaraal faransiis oo asal ahaanna yahuudi ah lagu eedeeyay in uu qaranka khiyaanay uuna la tacaamulay Jarmalka. Waxaa intii la maxakamadeynayay meesha joogay Theodor Herzl si uu xogta maxkamadeynta ugu tebiyo jariirad Austria-aan ah, waxaana Herzl u cadaatay intii uu ku guda jiray tabinta dhacdada in yahuudu aanay usuurtagaleynin in ay noqdaan muwaadiniin xuquuq dhameynstiran ku dhex leh yurub, ayna suurtagal aheyn in ay ku dhex milmaan bulshada reer Yurub. Tan kale, marka loo fiiriyo Herzl, is ku milanku waa dhalanteed iyo fashal, waxaana haray uun xalka sadexaad oo kaliya waana “dhaq-dhaqaaqa sahyuuniyada”.
Sida uu Herzl ku qoray buuggiisa “دولة اليهود” waxa uu ku talinayaa, in xalka mashaqada yahuudda haysata aanu ku jirin; ku-milanka iyo xerxernaanta, balse xalka uu kaliya ku jiro in gabi ahaanba ay Yahuudda iskaga baxaan Yurub, ayna dhistaan dowlad u gaar ah.
Sidaas ayuu dhaqdhaqaaqa Sahyuuniyadda uu ku noqday jawaabta sadexaad, isaga oo ku dhex qarsan xayndaabka aragtida qowmiga ah ee yurub ka jirtay taas oo rumaysnayd in yahuudda laga saaro yurub loona dhiso dal qowmi ah oo ay iyagu leeyihiin, iyada oo aysan markii hore lama huraan ahayn in uu dalkooda ahaado dhulka Falastiin.
Waxaa xusid mudan in mashruuca Herzl uu yahay mashruuc cilmaani ah siyaasina ah, waliba heerka koowaad xiriirka uu mashruucaasi diinta la leeyahayna aanu cago badan ku taagnayn. waxaa uu Herzl u hanqal taagayay bilowga horeba xal u helida mushkilo siyaasadeed, sidaa daraadeed waxaa tiro dhowr ah noqday aragtiyaha iyo qorshayaasha ku aadan doorashada dalkan ay yahuudu yeelaneyso, waxayna sahmintaasi iyo isku dayada loogu jiro helida dal ay Yahuudu leedahay ay tilmaamayeen dhulal dhowr ah; laga bilaabo Afrika, dhankaa iyo laatiin Ameerika ilaa Liibiya.
Haddaba maxaa dhulka Falastiin loogu doortay in laga dhiso dowlad ay Yahuudu leedahay?
Labo sababood ayaa loo tiirin karaa. Tan koowaad gudaha dhaqdhaqaaqa sahyuuniga (Zionism) waxaa ka dhex jira dhaqdhaqaaq taagdaran oo ay matalayaan qolyaha “Masraaxiyiinta/Mizrahi Jews/يهود مزراحيون”. Waa yahuuda asal-raaca ah ee ab-kasoo gaarka ku dhagan, waxayna iyagu ogolaadeen aragtida mashruuca Sahyuuniyadda, si ka duwan yahuuda Orthodox-ka ah kuwaa oo iyagu diiday in dhulka falastiin loo laabto waxayna rumaysnaayeen in ay ku haraan yurub islamarkaana ay sugaan inta uu ka imaanayo Ciise Masiix si uu iyaga ugu soo celiyo jiraalkooda siyaasiga, iyaga oo rumaysan in unoqoshada dhulkaa uu yahay mid aan wax la xiriir ah la laheyn hawl aadane ee uu yahay amar xagga Eebbe laga sugayo.
Qeyb yar oo kamid ah yahuuda mataleysa dhaqdhaqaaqa Masraaxiyiinta ayaa iyagu aqbalay aragtida sahyuuniyada, iyada oo ay waliba ay jirto in qolyadani la gacan bidixeeyo. Waa kuwa ku baaqay in dowladda ay yahuudu yeelaneyso laga dhiso dhulka Falastiin.
Balse dhab ahaan qolyahan maaha sababta kaliya ee keenayay in falastiin loo arko amaba loo qorsheeyo halka dowladda laga dhisayo, ayada oo loo tixgalinaayo in waayahaasi ay ku hoos jirtay xukunkii ingiriiska si xorriyad gaarsiin ah ama maxmiyad ee hesheeskii Sykes Picot iyo saami qeybsigii boqortooyada Ingiriiska iyo Faransiiska ee bariga dhexe. Boqortooyada ingiriiska ayaa garwadeen ka ahayd mashruucan amaba heshiiska, umana ay muuqan sabab ay udiido amaba ay u hor istaagto in kooxahan yahuudda ah ee yurub ku nool ay uwareegaan Falastiin, heer ay kooxahani noqdeen kuwa ku dhex nool xayndaabka mashruuca imbiryaaliga guud ahaan, iyo imbiryaaliga dhaqaale iyo kan siyaasadeed gaar ahaan, una taagnaadaan dowlad ilaalineysa dadnaha Ingiriiska ee bariga dhexe
Waxaa mashruuca gacan ka geystay qaar kamida qeybaha diineed laakin falastiin iyadu ma ahayn bilowga qorshaha mana ahayn xalka ugu horreeya, waxaa sidoo kale dhaqdhaqaaqyada yahuuda ka dhex jiray dhaqdhaqaaq kale oo taag daran oo lagu magacaabay “المشيحانية Messianism” kaas oo ay matalayaan qaar kamid ah wadaadada yahuuda, waxaa ay dhaqdhaqaaqani kamid ahaayeen kuwa ku baaqaya in ay lamahuraan tahay in loo laabto lana dego dhulka Falastiin si loo diyaariyo duruuf ogolaaneyso soo-degida Ciise Masiix waana kuwa uu matali jiray wadaadkii suhyuuniga ahaa ee Juda AL kalai.
Marka doorasha Falastiin waxay ahayd arrin ay qeybo kala duwan wadaagaan. Qeyb waxaa yeelanaya dhaqdhaqaaqa “Messianism” qeyb kale waxaa yeelanaya dhaqdhaqaaqa “Misraaxiyiinta/Mizrahi Jews” halka kaalinta kalena ay yeelaneyaan Ingiriiska oo daneynayay in ay Falastiin gacanta ugasho xukunkiisa, si madaxbannaani gaarsiin ah (wasaayad/maxmiyad).
Dhamaystirka mashruuca ah in dhulka falastiin ee sooyaalka fog leh laga dhiso dawladda Israel, ma waxa uu la xiriiraa duminta masjidka Beytal Maqdis?
Marka la joogo dhanka hawlaha siyaasadeed iyo qodobada tixan ee ay dawladuhu ku taaganyihiin, mararka qaarkood xaqiiqooyinka sooyaalka ah malahan wax macno ah ee kaliya waa sheeko xariir “Mythology”. Shardina ma ahan in raadadka haykalkuna هيكل سليمان laga dhex waayo “Masaajidka Saqra مسجد الصخرة” iyo “xaramka ibraahim الحرم الإبراهيمي” hoostooda. Laakin cadawga Sahyuuniyadda sidaa kuma joojinayo ka hadalka soo celinta dhismaha haykalka.
Hanaan-tixa diineed ee Yahuudu wuxuu ku taaganyahay rumeynta dhabnimada arinkaan, taas oo ay jirto suuragalnimada in ay soo wajahdo dhaliil dhanka taariikhda ah amaba dhanka aqoonta raadadka “Archeology”.
Dhaqdhaqaaqa Sahyuuniyadda marka la’eego aragtiyihiisa soo gaaray Falastiin ee halkaa saldhigtay waxa uu Beytal Maqdis u arkaa in lagu dul dhisay burburkii haykalkii Sulaymaan kaas oo burburay waayihii roomaanka marka la raaco “Hanaan-tixa Diineed ee yahuuda السردة اليهودية ”. Tan xigtana qeyb weyn oo kamida nuqullada diineed, tusaale ahaan nuqullo ku qoran Tulmuudka “Talmud” iyo ishaarooyin kala duwan oo kasoo jeeda dhigaalladii nebiyada oo uu bixinayo Towreedka, ayaa ku baaqaysa soo celinta dhismaha haykalka, waxaana ay nuqulladani u arkaan in halka lagu qasbanyahay in haykalka laga dhiso ay tahay isla meesha uu hada ku yaal dhismaha Qubatu Rakhraa (Aqalka ku yaal saqafka masaajidka) amaba Xaramka Ibraahim, sidaa daraadeed waxaa ay Israel udadaaleysaa dadajinta in uu Ciise Masiix kusoo noqdo dhulkii uu kolkii hore kasoo ifbaxay, si loo helo Heylalkaas.
Hawlaha dhulka lagu qodayo ee raadadka lagaga baarayo waxay socdeen tan iyo waaya-fog, waxaana jira qeyb ka mid ah sahyuuniyadda diineed ee qowmiga ah oo xiran shaarka ururo kala duwan sida ururka جبل الهيكل. Waxaa sidoo kale jira shakhsiyaad wadaado ah oo waaweyn oo aan kuwaa ka hawl yareyn oo qabanaya tartan sanadeed lagu mala’awaalayo haykalka iyo halka ay maxkamadu kaga taalo gudaha haykalka.
Ruclaynta uu dhaqdhaqaaqa sahyuuniga ah ugu jiro duminta Beytal-Maqdis kama dhigna in dumintiisu ay tahay arrin dhicistiisu ay daruuri tahay, balse arinku wuxuu la xiriiraa heerka ay le’egtahay iska caabinta Carabta ee ku aadan hawlahan, iyo fahanka ay Carabtu uleeyihiin heerka ay gaarsiisantahay ahmiyadda Beytal-Maqdis iyo in la difaaco. Sidoo kalena in la xoojiya hawl gallada lagaga hortagayo in aanu dhaboobin mashruucan.
Laakin dhaqdhaqaaqa sahyuuniyadda waa uu joogteynayaa arinkaas, wuxuuna sugayaa astaamo cayiman oo laga helayo dhigaallada diineed si loo guda galo hawsha duminta Beytal-Mqdis taas oo loogu gogol-xaarayo soo noqoshada Ciise Masiix.
Weydiintu waa mid la xiriirta Hanaan-tixa diineed ee yahuuda ee kaliya maaha yadadiillo waxaana qasab qhin fikraddani la iska-caabiya oo la hor-istaago. Israel ma istaageyso, guud ahaan dhaqdhaqaaqyada diineed ee sahyuuniyaddana ma istaagayaan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan ururka أمناء الهيكل )kuwa haykalka lagu aaminay) iyo qaar kaleba. Tani waa arinka ay ka shanqarinayaan qormooyinka suugaaneed ee kooxahan waxaana ugu horeeyo midigta diineed ee qowmiga, caana ku ah deegaameysiga.
Sidee ayuu hardanka Israel iyo falastiin uga qeyb qaatay daganaan la’aanta mandiqadda?
In ay Israel, ku taallo dhulka falastiin arintaasi waxay tashwiish ku furtay dhamaan dhaqdhaqaaqyada hormarineed ee mandiqada Carabta, dunida Carabtuna waxay dabaalatay dagaallo daba-dheer sanadihii 1948, 1956, 1967 iyo 1973, ilaa lagasoo gaaro waxa aynu maanta arkeyno. Natiijada mashruuca sahyuuniyadda ma aysan noqon in gobolka uu deganaado ee waxa ay galisay fowdo, waxay dawladaha Carbeed diideen in ay ka faa’idaystaan xasiloonida, mashaariic hormarineed iyo hawlo dhaqaale waxayna qayb tamartooda kamid ah, ku bixiyeen iska-caabinta mashruucan.
Israel waxay inta badan sooyaalkeedu aheyd mid ka shaqeysa xasilooni la’aanta dunida Carabta iyo in ay ruxdo, waxaana Israel gumaystaha galbeedka, kuwaas oo isku dayayay tan iyo waayihii Maxamed Cali Baashaa in uu joojiyo baraatuga Carabta, u ahayd qalab fudud oo la hago.
Israel waxay hureysaa nafteeda, galbeedkuna wuxuu hurayaa in Israel ay tahay xaruun teknoolojiyadeed oo ku taal bartamaha dunida Carabta, taas oo aanan wali arag wax xasilooni ah ilaa maanta; sababtuna ay tahay jiraalka jirkaan amakaaga badan ee degan kuna asteysan sooyaalka mandiqadda, gaar ahaan riyooyinkiisa dhul balaarsiga ah ee xitaa gudbaya soohdinta Falastiin.
Sidee ayaad u akhrinaysaa mowqifka dunida Carabta ee ay maanta ka taagantahay qadiyadda Falastiin?
Ma jiro maanta mowqif Carbeed oo mideysan, dunida Carbeed maanta waa mid kala furfuran marka la fiiriyo sida ay ugu muuqato qadiyadda Falastiin, waa qadiyad aan ka mid ahayn danohooda ugu horreeyo, waxaa arinkaani uu leeyahay fasiraado sooyaaleed iyo sababo kale waxaana kamid ah in bulshada Falastiin ay yihiin dad kala qeybsan taasna ay keentay in qeyb weyn oo Carabta kamid ah ay ka fogaadaan qadiyadda Falastiin, waxayna ku dhiirradeen dawladahaani in ay gacmaha ka laabtaan arimaha ka socda gudaha falastiin.
Sidoo kale qeyb weyn oo dunida carabta kamid ah waxaa ay doorteen in ay maraan waddo gaar ah oo cayiman umana ay arkaan Israel caqabad marka iyaga loo eego. Dunida carbeed maaha mid mideysan marka loo fiiriyo qadiyadda falastiin, waxaana madax maray firka goboleed ama qarameed, taasna waa waxa keenay in danta qadiyadaani ay gadaal ulaabato kana dib dhacdo danaha Carabeed ee kaalmaha hore.
Balse wixii dhacay maalinkii 7 Oktoobar ee tagtay wuxuu horseeday hurinta dabka qadiyadda Falastiin, kadib waayo ay qarka usaarneyd in la ilaawo ayna dhimato.
Dunida Carbeed waa mid ka taag-dhigtay in wax uun laga qabto qadiyadan, waxaana taagdarrida ay salka ku heysaa in qeyb kamida dunida carbeed lagu garba duubay amaba lagu jilba xeray heshiisyo. Waxa ay qeyb kalena dhibane uyihiin natiijadii cirbisay wixii loogu yeeray Guga Carabta kaas oo horseeday burburka qeyb weyn oo kamid ah xadaaraddii Carbeed. Waxaa saaxadda hardanka is kaga baxay dowlado miisaan ku lahaa sooyaalka mandiqada sida Ciraaq iyo Suuriya, waxaana uu saldhiga miisaanka Carbeed uu ka wareegay Ciraaq, dhulka Shaam iyo Masar, una uwareegay dhulalka dhinacyada iyo dowladaha cusub, ayada oo sababtu tahay saamaynta horumarka shidaalka.
Waxaa markaasi aad u adag in laga hadlo duni Carbeed oo leh mowqif mideysan awoodana in ay Israa’il uwajahdo sida urur mideysan. Dunida Carbeed, inaga oo ka xun, waa duni kala furfuran oo kala qeybsan waana iska gar inay dib uga gurato qadiyada Falastiin.
Waa maxay sirta ku jirta sida naf hurnimada leh ee uu Mareykanku ugarab taaganyahay mashruuca Sahyuuniyadda?
Maraykanka iyo Yurub waa urur ka mideysan dhanka aragtida iyo fikirka, waxaana ay isu arkaan garbaha sida dhabta ah kaalmada ula garab taagan Israel. Yurubta ay kasoo jeeda “Sahyuuniyada Kirishtanka ah” waa mida gacan ka geysatay in uu cagihiisa ku istaago mashruuca sahyuuniyada. Waxaa sidoo kale aanan la ilaawi karin kaalinta Faransiiska iyo Ingiriiska ay ku lahaayeen arinkaas, balse kadib dagaalkii labaad waxa uu culayska miisaanku uwareegay Mareykanka.
Sahyuuniyadda iyo bulshada Yahuuduba waxay saameyn xoog leh ku leeyihiin go’aamada Maraykanka. Waxaa intaas dheer in “Sahyuuniyada Kirishtanka ah” ay isu aragto -Israel na ay u aragto- in ay tahay qeyb kamid ah waxa loogu yeero “المسيهودية Kirishtan-Yahuudiga” oo loogala jeedo Kirishtanka isir ahaan yahuudda ah ee haysta masiixiyadii hore. Waxay sidoo kale isu aragtaa in iyada uu waajib ku yahay kaalmada Israel sababo dhaqaale oo iyada quseeya xiriirna laleh nidaamka hanti-goosadka, waxaana uuna arinkaan Falastiin kadhigay dhagax dhiga mashruuca hantigoosadka ee mandiqadda.
Waxaa sidoo kale halkaan ka jira isku dhawaasho ruuxeed iyo mid fikradeed oo fasiraya gargaarka degdegga ah ee ay Yurub iyo Maraykanku la garab taagan yihiin Israel, inta lagu jiro mashaqadan bilaabatay todobada oktoobar, iyaga oo u eegaya in Israel ay sameysay naf hurnimo iyada oo matalaysa dhaqdhaqaaqa “Kirishtan-yahuudiga” islamarkaana ah ilaaliyaha mashruuca Gumaysi Balaarinta Dhaqaaleed ee uu galbeedku ka wado mandiqada (الإمبريالي الاقتصادي).
Waxa loogu yeero xalka labada dowladood (Two state solution) ma waxaa wali loo arkaa arin suurtagal ah?
Wuxuu ku xiranyahay kolka horeba in DaantaGalbeed laga soo saaro dhamaan yahuudda deegaameysatay. Waxaa hadda dagan nus malyan oo ah kuwa deegaameystay waxay uqeybiyeen mandiqado ay xarfo ku asteeyeen A, W, B, W, iyo J, waxayna gobolka ubadaleen meel aysan noloshu suurtagal ka ahayn, aniga aragtideyda waa in uu dhamaaday dhaqangalinta waxa loogu yeero xalka labada dowladood.
Qof kasta oo garanaya waaqica ka jira Daanta-Galbeed iyo meelaha ladeegaameystay iyo magaalada Qudus aad ayuu udareensan yahay in aysan halkaa suurtagal ka ahayn waxa loogu yeero xalka labada dowladood.
Waxa loogu yeero xalka labada dowladood waxaa in badan dalbanayay Qaramada Midoobay (UN), waxaa sidoo kale doonayay oo dalbaneysay Norway, waxaana ku dhaganaa oo xal u’rkayay qeyb kamida bulshada reer Falastiin. Waxaa soo jeedinayay qaar kamid ah hogaannada siyaasadeed, laakiin sida kaliya ee uu ku suurtagalayo xalka labada dowladood waa in la helo qof awood u leh in uu joojiyo deegaameysiga ay Israel ka waddo deegaankaa, islamarkaana soo gacan maroojista dhulalka la deegaameeyay inta hartayna gacanta ugeliya maamulka dowlada ee Falastiin. Arrintaasina waa mid aan suurtagal ahayn lana aqbali karin marka la raaco sheekooyinka suugaaneed ee la xiriira sahyuuniyadda qowmiga ah ee uu matalayo xisbiga mucaaradka ah ee Likud. In sahyuuniyadda aysan arinkaasi aqbalin waa arrin caadi ah oo la garan karo.
Si yoolkan loo xaqiijiyana waxaa lama huraan ah in la helo cid awood iyo sharciyad u heysata in ay soo gacan maroojisato dhulkaa la deegaameeyay si loo maro waddo nabadeed.
Qofkii ugu danbeeyay ee go’aansaday in uu marinkaa qaadana wuxuu ahaa Isaaq Raabiin “Yitzhak Rabin”. Aragtida waxaa qabay hogaamiyayaasha iyo qaar kamida dadka caanka ah ee garabka bidix ee Israel, garabka bidixna hadda waa dhamaaday waana ognahay dhamaanteen sida uu ugeeriyooday Isaaq iyo sida ay ushirqooleen garabka midig kuwaas oo ah garan diini iyo qowmiga ah. Waayo isagu wuxuu doonayay in qeyb kamid ah dhulka Israel, waa sida ay hadalka udhigeene, uu siiyo bulshada Falastiin.
Suurtagal matahay in nabad la dhexdhigo Israa’il iyo reer Falastiin?
Marka la eego gudaha qaar kamid ah qeybaha bulshada ee Israel waxyaabaha ay soo jeedinayaan waxaa kamid ah; in reer Falastiin ay ogalaadaan in ay ku hoos noolaadaan maamulka Israel ayna iska ilaawaan dhammaan xuquuqdooda, haddii ay ahaan laheyd xaq siyaasadeed, doorasho iyo xaquuq kasta oo ay leeyihiin.
Mushkiladda intaa waa kasii ballaaran tahay marka loo eego Carabtii 1948 (Carab 48). Sababtuna waa in diinta Yahuudda iyo mabada’ dowladda Yahuuddu uu qabo in dadkaan loo aqoonsado dad liito marka loo bar bardhigo isirka Yuhuudda. Sidaa darteedna aysan Israel aqbali doonin in ay dadkaan liita ee carabta ah ay ku midoobaan hal dowlad ama kala maamulaan labo dowlaadood oo kala madax banaan.
Israel waxa ay rabto waa in ay isir ahaan ay noqoto Yahuud barax la’ cid kalena aysan wax ku darsan, oo leh dowlad dimuquraadi ah kuna taagan caqiido. Laakiin marna ma noqon karto isir yahuudeed oo keli ah, hadiise Carab lagu soo daro waxaa meesha imaanaya dowlad ay wada leeyihiin Yahuud iyo Carab. Dhanka kale, Israel ma noqon karto dowlad dimuquuraadi ah ayada oo ay Carab maqan tahay, oo maqnaashaha Carab waxa ay dowladnimada ka dhigaysaa mid ku kooban hal qoys. In Israel ay labadaasi mid ka tanaasusho, isir yahuud oo kali iyo dowlad dimuquraadi, waa arrin aad u adag.
Marxalada ay maanta ku nolyihiin “Carabta 48”, taas oo ay u raacday ciriiri lagu lamaaniyay inta badan qeybaha noloshooda, waxaa ay Israel u baddaleysaa dowlad ku tilmaaman isir-sooc “Apartheid” oo ay astaameheedu cadcadyihiin, waana qeexidda la isku waafaqsanyahay ee Israel lasiiyo marka la dhex joogo qeybaha siyaasadeed ee caalamiga ah kuwaas oo xiriirka la leh mowduucan. Sidaas darteed, Israa’iil waa dowlad isir-sooc ka dhan ah gudaha. Dhanka debeddana waa dowlad gumeysi iyo deegaameysi ah. Marka xalka labada dowladood ma ahan wax suurtagal ah, xalka ah halka dowlad ee leh labada qowmiyadood waxaa aqbalaya kakiya garabka midig ee diiniga ah.
Waxaynu hadda ku sugannahay waayihii uu dagaalka dhinac udhici lahaa iyo xilli adag, Carabtu waa kuwa kala furfuran reer falastiinna waa kuwa qeybsan. Qeyb kamid ah Carabta waxaa ay iska caabinayaan mashruucaan, qaarna waxay ogalyihiin in ay Israa’il ka dhex jirto gobolka oo lala dhaqmo. Waxa ayna Falastiin ku xisaabiyeen qaddiyadaha danbe ee aan la joogin waqtigooda.
Aniga aragtidayda majiro xal aan ahayn in la iska caabiyo mashruucan ilaa ay imaanayso maalin ay is badashay miisaanka awoodeed ee gudaha bulshada Yahuuda, taas oo ku timid iska caabinta. Islaweynida iyo awoodda ay Israel adeegsaneyso marna suurtagal maaha in ay xal horseedaan, marma uma horseedeysa inay hesho xasilooni aqoonsi iyo deganaan, inta ay jirta dhul la qaatay oo la deegaameeystay. Waxa uu xalka ku jiraa joogteynta iska-caabinta mashruucaan, la mideeyo awoodda iyo wax-kasta oo suurtagal ah, sidoo kalena inay Carabtu u dhaqmaan sida dowlado gadaal ka taagan kooxda iska-caabinta ee reer Falastiin.
