The battle of Algiers/Dagaalkii Al-Jazaa’ir : Faallo filin
W/Q: Issa Haji Ali
“Dadka reer Aljeeriyoow, dagaalkeennu waxa uu ku wajahan yahay gumeystaha, ujeedkeenunna waa soo celinta madaxbannaanida Aljeeriya, iyada oo la raacayo mabaadi’da Islaamiga ah iyo ixtiraamka xorriyadda aasaasigaa, iyada oo aan la eegin jinsi iyo diin midna, si loo ga fogaado dhiig qubta. Waxaan soo jeedinaynnaa in maamulka gumeystuhu na ga la xaajoodaan xaqa aynu u leennahay aaya ka tashigeenna. Reer Aljeeriyoow waxaa waajib idinka saaran yahay in aad dalkiinna badbaadisaan, xorriyaddiisanna soo celisaan, libintiisa idinkaa leh, walaalayaal horo u socda! midooba!” Hadalkan kacdoon abuurka, gadoodka iyo guubaabada ah waa baaqa uu ku furmayo filimka The battle of Algeries .
Filimkan waxaa si wada jir ah u wada qoray Franco Solinas, iyo Gillo waxaana agaasimay Gillo Pontecorvo. Filimka waxa uu ku qotommaa “Memoirs of the battle/xusuus-qorradii dagaalka” kuwaas oo uu qoray Saadi Yacef. Si la mid ah Gillo waxaa uu filimkiisaan ka dheegannayaa is la xusuus qorkaa uu Saadi Yacef ka qoray dagaalkii Aljeeriya ee u dhaxeeyay Faransiiska iyo Jabhaddii xoreynta Aljeeriya/National liberation front, dagaalkaas oo socday intii u dhexeysay sannadihii 1954-1962. Dagaalkan Aljeeriyaanku waxa ay si kama dambaysa ah isaga kicinayeen heeryadii gumeestaha Faransiiska oo qarni iyo rubuc gummaad, xasuuq, jirdil, addoonsi, silic, hoog iyo xabsi intaba ku haayay dadyowga reer Aljeeriya.
Fanon oo ahaa dhaqtar dhimir, faylasoof siyaasadeed, ayaa waxa uu qabay habka kaliya ee bulshooyinka Afrika rarada gumeystaha isaga ridi kareen in ay tahay Kacdoon ku dhisan xad-gudub, waxa uu na dhahay; “Xad-gudubku waa awood nadiifineed taa oo dhaladka ka xoreysa isla-yarida (inferior complexity) quusta, iyo fashilka, kana dhigta ma ganbade, dibna u hanta sharaftiisa.” Mar kale, Frantz waa kan leh;”kacdoonka Aljeeriya waxa uu dhabba cusub u jeexay halganka xoreynta, qaab halgankaa ku dhisan xadgudubkuna wuxuu sameyn weyn ku yeelan doonaa ….halganka mustaqbalka”(Fanon 1988 )
Waa halkii abwaan Cabdi-Qeys ku lahaa maansadii Darmaan iyo Dalxiis
“Dulmigiyo gumaystuhu
Adoo diida mooyee
I daa kuma dawoobee”
Halganka Aljeeriya waxaa shidaal u ahaa aragtidi Feylasoofkii reer Talyaani ee Niccolo’ Machiavelli ee laheyd; “Danta ayaa xalaaleysa wadiiqa kasta oo la gu gaari karayo/The end justifies means”, Sidaas darteed tab iyo xeelad kasto oo Aljeeriyaanku ku gaari karayeen xorriyaddooda iyana waxa aheyd biya ka ma dhibcaan. Tubta ay raaceen kacdoon wadayaashuna waxaa ay noqotay in kacdoonkooda ay ka dhigaan mid ku dhisan xad-gudub, kolkaa ayey mareen dhabbe kasta oo ay gumaystuhu ka ga eryi karayeen dhulkooda; Sida in ay qarxiyaan goobaha ay gumeestuhu ku noolyihiin, maqaaxiyadahooda, baararkooda, iyo sidoo kale in ay bartilmaameed ka dhigataan askartooda, afduubtaanna muwaadiniinta gumeestaha, iyo in ay dagaallo ku dhufoo ka dhaqaaq ah/Guerilla warfare ku qaadaan xarumaha la ga maamul gummeystaha .
Gobannimmada si bilaash ah la gu ma hanto, se waxa ay u baahan tahay in dhiig iyo nafaf qaali ah la dhaafsado si miraheeda loo gurto, waa kan abwaan Maxamed Nuur Fadal uu leeyahay;
“ Nin naftiisa biime u gelshiyo bohol xun mooyaane
Bawdada nimay kaga dhacdiyo boqonta mooyaane
Gobannimo bilaash looma helo ban iska taaltaale.”
Reer Aljeeriya dagaal toddobo sanno socday oo carruur iyo cirroole, dumar iyo rag ba aysan u ka la harin ayey la galeen Imbiriyaaliyaddii faransiiska, dagaalkaa gumeestuhu waxaa uu ku dilay ku dhawaad hal milyan oo muwaaddiniin reer Aljeeriya ah, balse mar waliba xaqa iyo baaddilku haddii ay lagdamaan waxaa la legdaa baadilka. Toddobo saano kiddib, bishii Luulyo 5-dii, 1962, waxaa guulaystay halgankii, waxaa adkaaday dulmanihii waxaa na curtay gugii xorriyadda, Aljeeriyana waxa ay noqotay dal madaxbannaan, oo dunida la ga aqoonsan yahay.
The Battle of Algiers waxa uu ifka yimi 1966, waxaa na lala xariiriya filimaantii soo baxday casrigii dahabiga ahaa ee sineemada Talyaaniga(Golden age of Italian Cinema, or Italian neorealismo/neorealism ). Waqtigaan waxaa uu soo ifbaxay kadib dagaalkii labaad ee adduunka waxa uu na socday illaa 1950-kii. Hirkaa wuxuu ahaa dhaqdhaqaaq qaran oo ay sineemadu Talyaanigu la kowsatay, badanaa filimaantii la sameeyayna waxa ay ahaayeen filimaanta goobta (location shooting), waxaa na jili jiray jilaayaal aan xirfad jilid laheyn. Xilligaa filimaanta la sameeyay waxa ay diiradda saari jireen dhibaatooyinka dhaqaale iyo kuwii akhlaaqeed ee ka dhacay Talyaaniga kadib dagaalkii labaad. Docda kale, filimaanti waagaas soo baxday waxaa ay matalayeen kala-guurkii maskaxeed iyo midkii nolol maalmeed ee dadyowga reer Talyaani, oo ay ku jiraan faqriga, dulmiga, caddaalad-darrada, iyo quusta ee ay wajahayeen Talyaaniga iyo guud ahaan Yurub oo idil.
Filimka The battle of Algiers waa jaad Siyaasadeed oo tooshka ku ifinaya mahadhooyinkii Faransiisku ka geystay Aljeeriya. Filinku waxaa uu is ku dayayaa in qaab maad ah dunida u tuso tacaddiyadii dhabta ahaa ee ay ciidamada Faransiisku ku la kaceen dulmanayaashii Aljeeriya, sido kale na waxaa uu soo bandhigayaa qaabka geesinnimada leh ee ay dadka reer Aljeeriya dulmiga isaga diideen iyaga oo aan itaal ku gaareyn gumeestaha.
Geesta kale, Gillo waxa uu is ku dayayaa in uu soo bandhigo kaalinta haweenka Aljeeriya ku lahaayeen halgankii gobannimaddoonka Aljeeriya. Waxa uuna qeyb ka mid ah filimkiisa innagu tusinnayaa doorka laxaadka leh ee ay dumarku ka qaateen kacdoonkii guulaystay ee Aljeeriya. Waxaa jira muuqaal-yar oo muujinnaya seddex dumar ah oo u labbisanaya habka ay u labistaan bilista reer Yurub, waxa ay is ka tuurayaan xijaabka, waxa ayna xirannayaan dharka gaagaaban ee ay dumarka Yurubiyaanku ku xashaashaan, kolkaa ayey si fudud ka ga gudbayaan baraha maamul ee ay ciidamada gumeystuhu joogaan, waxa ayna bambooyin ku abqaalayaan maqaaxiyo iyo baarar ay muwaadiniin Faransiis ah ku suganyihiin.
Mar kale inta aad ku foogan tahay daawashada filimkaan waxa ay ishaadu qabanneysa Larbi Ben M’hidi, oo ahaa kacdooniiste ka mid ah raggii aas-aasay jabhadda xoreynta qaran ee uu wariye beershiyaan ah weydiinnayo su’aal ah; “Miyaadan nacasnimo u arag in aad dirtaan dumarkiinna oo ku hubeysan banbooyin, si ay u qarxiyaan dad shacab ah/do you not consider it cowardly to send your women carrying bombs in their handbags, to blow up civilians?”, markaa ayuu Ben M’hidi ku jawaabayaa, su’aal taa u dhiganta oo ah; “Idinku miyaadan fulaynnimo u arag in aad dadkeenna ku xasuuqdaan hubka Naabalmaha/Napalm?, na siiya diyaaradihiinna dagaalka innaguna waxaa idinkugu beddelaynnaa dumarkeenna iyo boorsooyinkoode”, taas uu Labari u la jeedo haweenkeennu waxa ay innoogu dhiganyihiin waxa hubka nabaalmuhu idinkaaga dhiganyahay.
Waxaa soo idlaanaya dagaalkii u dhexeeyay jabhadda xoraynta iyo ciidamada gumeestaha oo socday muddo ku simman saddex sano, waxaa na la ga adkaannayaa Jabhadda FLN. Waxaa la qaqabannayaa horjoogihii jabhadda, waxa sidookale la dilayaa Cali La Bonti oo ahaa xubin firfircoon oo jabhadda ka tirsan. Marka uu xaalku halkaa marayo ayaad waxaad is weyddiinneysaa su’aasha ah; “Jabhaddii la ga adkaadaye, miyuu soo idlaaday kacdoonkii gobannimaddoonka?” balse filinka ayaa waxaa uu ku gu jawaab celinnayaa oraahdii laheyd; “Waad dili kartaa kacdoon-wadaha, se kacdoonka maya.”
Daqiiqdaha filimka ugu danbeeya waxaa magaalada oo idil is qabsannaya dibbad baxyo, iyo dad ku qeylinnaya; “ Madaxbannaani, Xorriyad! Nolol waarta Ajeeriya” kolkaas ayuu Col. Mathieu oo ah taliyaha ciidanka faransiiska waxaa uu dibbad-baxayaashi ku leeyahay; “I dhageysta, ku laabta guryihiinna, maxaad doonneysaan?”, Qof dibbad-baxayaasha ka mid ah ayaana u gu jawaabaya; “madaxbannaani! Qabkeenna! Waxa aan doonneynnaa xorriyadeenna!, dhammaanteen waxaanu u soo baxnay xorriyad”
Gunti iyo gabagabadii, The battle of Algiers waa filin mug weyn, saamayn fogna ku yeeshay dunida kacdoonka, waxa uu na ka mid yahay filimaanta baarka sare ka ga jira filimaanta la ga sameeyay, halganka, dagaalka iyo siyaasadda.

Wlh waxabadan ba ka fa’iiday wana sheeko guubaanin ah oo qofkasta uu ah dhiirigalin.