Jun Fosse iyo abaalmarinta Nobel ee Suugaanta

Jun Fosse iyo abaalmarinta Nopel ee Suugaanta[ Awoodda aamusnaanta]

Waxaa qoray: Cabdiraxmaan Caqiil

Shanta bishan aan ku gudajirno waxaa dunida loo dhegraaricanayay ku dhawaaqista abaalmarinta Nopel ee suugaanta sannadkan, suugaanyahanno badan oo soomaali iyo carab ku jiraan ayaa loo saadaalinayay in ay ku guuleysan karaan abaalmarinta. Warkii kasoo baxay akadermiyadda iswiidhan ayaa noqday in abaalmarintan sannadkan uu ku guuleystay qoraaga reer Norway ee Jun Fosse.

Hayaankiisii dheeraa ee guuleystay ayaa soo billowday muddo haatan laga joogo afartan sanno, waa kolkii uu soo saaray sheekafaneeddii ugu horraysay ee uu qoro 1983 kii, taas oo lagu magacaabo Casaan madoobaad (Rødt, svart), waxa uuna sheekadaasi ku mutaystay qoraagan reer Norway abaalmarinno iyo billado qaali ah, buugaagta uu qoray waxaa loo turjumay in ka badan 40 luuqadood, masraxiyadiisana waxaa lasoo bandhigay ku dhawaad 900 oo jeer, waxa uuna noqday qoraaga kaliya ee isaga oo nool intaas oo jeer masraxiyadiisa lasoo bandhiga.

Waxa uu sannadkan gudihiisa ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee suugaanta, taas oo uu ku mutaystay qormooyinkiisa Halabuurka leh iyo dhigaalladiisa codka u noqday kuwa aan codka lahayn. Jun Fosse waxa uu 29 kii Sibtambar 1959 kii ku dhashay degmada Haugesund ee ka tirsan ismaamulka Rogland ee dalka Norway.

Fosse waxa uu caan ku ahaa u ololeynta nabadda isagoo lagu tilmaamo in uu yahay qof aan hadal badnayn. Tan iyo markii ay da’diisu ahayd 12 sanno, waxa uu Joon soo bilaabay in uu qoro gabayada iyo sheekooyinka jacburka ah, wax qoriddu waxa ay u ahayd waddo uu gabbaad ka dhigto caruurnimadiisa ilaa iyo haddaba sidaas ayuu u arkaa wax qoridda.

“Xusuustayda caruurnimo waxaan marnaba ka go’ayn, markii aan aabbahay isla raacno doon yar oo kalluumaysi duhuradii kaddib iyo habeenkiiba, gaar ahaan xilliyada jiilaalka iyo billowga dayrta.. bal qiyaas tijaabada adigoo saaran doontaa mugdiguna uu hareeyay dhinacyadaada, bal suurayso muuqaalkaa dabiiciga ah.”

Waayihiisa suugaanta

Billowgiisii hore waxa uu suugaanta ka bartay jaamacadda Bergen, waxa uu kasoo shaqeeyay saxaafadda, sidoo kale waxa uu macallin ka ahaa akadeemiyadda qoraalka ee Hordland, ardadii uu gacantiisa wax kusoo baray waxaa kamid ah qoraaga caanka ah ee reer Norway Karl ove, markii ugu horraysay waxa uu kasoo muuqday jariido ay wax ku qori jireen ardada oo uu ku bilaabay sheeko gaaban 1981kii, labo sanno kaddibna waxa uu faafiyay sheekafaneeddiisii koowaad ee “Casaan madoobaad”( Rødt svart), isla siddeetamaadkii waxa uu soo saaray 8 sheeko oo kale, oo u dheer buugaag gabayo ah, buug caruureed, iyo maqaallo.

Waxa uu qorayaasha kale dheeryahay

Luuqadda Norwijiga si guud laba qaab ayaa wax loogu qoraa, ta koowaad waa (Bokmol) oo looga jeedo luuqadda qoraalka taas oo asalkeeda hore ka timid Denishka waxaana adeegsada 80-85% dadka Norwijiyaanka ah, qaabka labaad waa Ninorisk (Nynorsk) oo iyana la micna ah Norwijiga cusub, waxay asal ahaan gashaa iyaduna lahjado Norway looga hadlo iyo luuqadihii hore ee iskandaneefiyanka.

Fosse waxa uu doortay in uu wax ku qoro Luuqadda Ninorisk oo dad farokutiris ahi isticmaalaan, sababtoo ah looma adeegsado shaqooyinka iyo xayaysiinta ganacsiba, taas oo uu Fosse u arko in uu kaga soocanyahay qorayaasha kale.

Waxa uu sidoo kale aaminsanahay in nasiibka uu saaciday isaga oo wax ku qora luuqad aan loo badnayn oo dadka ku hadla oo idil nus malyuun qof oo Norway deggan ka yar, haddana intaas oo af loo turjumay sheekooyinkiisa iyo hawlihiisa masraxeedba.

Buugaagta uu qoray ee la turjumay waxaa ugu mudan:

  1. A Shining
  2. Septology
  3. Morning and Evening
  4. Aliss at the Fire
  5. Melancholy A new name

Tixraac:

▪A Second, Silent Language: A Conversation with Jon Fosse.

▪Jon Fosse: ‘The idea of writing another play doesn’t give me pleasure’.

▪يون فوسه ونوبيل الأدب( كاميليا حسين)

▪ الشرق الأوسط النرويجي يون فوسه «كاتب الصمت» يفوز بنوبل الأدب

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *