Nuxurka buugga: ماذا خسر العالم بانحطاط المسلمين

Raadreeb

Soo koobidda buugga: Maxay dunida ku weyday dib u dhacii muslimiinta; ماذا خسر العالم بانحطاط المسلمين

Waxaa qoray: Abul xasan Alnadawi

Bogagga: 262 bog

Soo koobid: Cabdiraxmaan Caqiil

Waa kuma Abul Xasan al-Nadawi

Waa Abul Xasan Cali bin Cabdixayi bin fakhradiin Alxasani Alnadawi. Waxa uu kamid ahaa mufakiriintii iyo ducaadii ugu miisaanka cuslayd muslimiinta ee soo maray qarnigii tegay. Suugaanyahan aan laga daba oran hibo iyo hal-abuurna u dheer ayuu ahaa Alnadawi.

Waxa uu 5 tii diisambar 1914 kii ku dhashay tuulo hoos tagta degmada Raebareli gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya. Waxa uu kasoo jeedaa qoys ku suntan aqoon iyo diinba, aabbihii Sayid Cabdalxayi waxa uu ahaa taariikhyahan allifay buugaag diiwaanka sooyaalka kaalin ka galay, hooyadiina kama aysan liidan oo waxa ay ahayd qoraa, abwaanad, iyo barbaariso xifdisan kalaamka Alle weyne SW. Markii uu jiray sagaal sanno ayaa waalidkii la oofsaday, waxaana barbaarintiisa dhexda u xirtay hooyadii iyo walaalkii ka weyn Dr Cabdi Cali Alxasan oo kaalin mug leh ka qaatay in uu u diyaariyo barashada diinta, suugaanta, afafka iyo in uu dhiso himmadiisa iyo hankiisa.

Alnadawi isaga oo da’yar ayuu u qalab qaatay barashada Quraanka kariimka, kaddib waxa uu ku biiray arday baranaysay luuqadaha Urduuga iyo Faarisiga. Sannadkii 1924kii waxa uu bilaabay in uu barto Carabiga oo macallin uga ahaa Sheekh khaliil bin Maxamed Al-yamaani, muddo kooban ayuuna kaga mid noqday dhallintii afka carbeed iyo suugaantiisa lagaga dambeeyay, isla xilligaasi waxa uu xoogga saaray in uu dhiso aqoontiisa luuqadda ingiriisiga oo si weyn uga caawisay in uu wax badan ka akhriyo buugta taariikhda iyo suugaanta ee ku qoran luuqadda af Ingiriiska.

Bilowgii soddomaadka waxa uu maqaallo luuqadda carabiga ahi ku qori jiray wargeyska Almanaar, dhowr iyo afartankiina waxa uu xoogga saaray qorista buugta loogu talagalay da’yarta. Sannadkii 1944kii waxa uu qallinka u qaatay buug lagu tiriyo safka buugta ugu mudan ee la qoray qarnigii labaatanaad, waana buugga aynu u soconno.

Horraantii 1956 kii waxaa loo doortay madaxa kulliyada shareecada jaamacadda Dimishiq isaga oo halkaa ka jeediyay muxaadarooyin dhowr ah oo maanka dhallinta raadeeyay, waxa uuna ku uruuriyay muxaadarooyinkiisaas buug uu u bixiyay “Rag dacwada iyo fekerka islaamiga kaalin ka geystay”. Alnadawi waxa uu soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin gudoomiyaha midowga culimada dalka Hindiya, Guddoonka suugaanleyda muslimiinta adduunka, Golaha raabidada islaamka.

Buugta uu qoray waxaa kamid ah: [  روائع إقبال، روائع من أدب الدعوة في القرآن والسيرة.السيرة النبوية، الصراع بين الفكرة الإسلامية والفكرة الغربية،العقيدة والعبادة والسلوك، النبوة والأنبياء في ضوء القرآن الكريم  ]. Eebbe ha u naxriistee Abul xasan Alnadawi waxa uu geeriyooday 31 kii Disember 1999kii isaga oo 85 jir ah ayuuna dunida macsalaameeyay.

MAXAA LAGA YIRI BUUGGAN?

Ustaad Sayid Qudub oo kamid ahaa cilmibaarayaashii dunida muslimka wax ka qortay, waxa uu tilmaamay in buuggan uu yahay kii ugu mudnaa ee uu akhriyo kaa oo ka hadlaya arrin taagan oo mudan in laga hadlo. Sidoo kale isaga oo tilmaamaya ahmiyadda buuggan uu u leeyahay ummada waxa uu yiri:

Waayadii hore taariikhda ay reer Yurub inoo qorayeen waxa ay u werinayeen hadba aragtida reer galbeed sida ay qabto, iyaga oo ku laraya aqoontooda maadiga ah, falsafadooda walaxowga ku dhisan iyo caadifad galbeedeysan, taas oo keentay in ay isu arkaan in ay yihiin ummad taariikhda dunida oo idil ay hoos timaado. Buuggan waxa uu taariikhda inoogaga warramayaa si ka geddisan sida ay reer Yurub taariikhda u weriyaan.

Sayyid Qudub

Ustaad Axmed Sharbaat oo isna dhowr goor la kulmay Alnadawi waxa uu ka warramay shakhsiyadda qoraaga isaga oo farta ku goday in Sheekh Nadawi uu ahaa caalim mar la arag ah oo waqtigiisa dhallintu aad u jeclayd muxaadarooyinka uu qabanayay, isla markaana dadaal ku bixiyay sidii uu buuggan ummada hurdada kaga toosin lahaa.

HORDHAC

Guud ahaan buugga waxa uu ka koobanyahay shan qaybood iyo shan iyo toban cutub, qayb kasta waxaa hoos imaanaya dhowr cutub, waxaan kasoo qaadnaynaa cutubyada ugu muhiimsan ee buugga.

Si guud buugga shan arrimood ayuu aad u iftiimin doonaa: 1)Aduunka sida uu ahaa gaar ahaan carabtii uu nabiga SCW laga soo dhexsaaray ayuu xaalkeeda nooga warramayaa. 2) Islaamka iyo saamaynta ilbaxnimadiisa. 3) Muslimiinta iyo sidii ay ku dumeen iyo sababihii keenay dib u dhaca. 4) Ilbaxnimada Yurub iyo tiirarka ay ku taagantahay maanta oo ay dunida ku xukunto. 5) Muslimiinta iyo hoggaaminta dunida mar 2aad.

Waxa uu ararta hore ee buugga uu soo bandhigay qoraaga su’aasha ah;”Maxay dunida ku weyday dib u dhacii muslimiinta”

Waxa uu qoraagu ku furfuranayaa in ummada muslimka ahi ay gabtay kaalinteedii hoggaamineed ee dunida, islamarkaana ay ka gurteen saamayntii ay dunida ku lahaayeen.

Dhacdadani (Dib u dhaca muslimiinta) lama mid aha dowladihii iyo xadaaradihii burburi jiray ee magacooda sidaa looga waayey saaxadda, mana ahayn arrin carab kaliya khuseysa ama bulsho kale oo islaamka dhulkooda mar ka taliyay, se waa dhibaato guud oo aadanaha lasoo gudboonaatay.

Qaybta 1aad: Waayihii dhoohanaanta العصر الجاهلي

Waxa uu qoraagu qaybtan ibbo-fur uga dhigayaa sooyaalka dunida iyo halkii ay dunida waqtigaas taagnayd, waxa uu si gaar ah u soo qaadanayaa labada qarni ee 6aad iyo 7aad oo uu qoraagu u arkay in dunidu ay taagnayd halkii ugu liitay ee aadanaha markaa noolaa. Insaanku waxa uu iska indhatiray khaaliqii abuuray, saamayntii nabiyada oo yaraatay, iftiinkii diimeed ayaa sii yaraanayay waayadaasi, wadaadadii oo noloshii ka gurmay, waxayna ku kaliyoobeen kaniisadihii iyo macbadyadii, waxay ku fashilmeen inay cusboonaysiiyaan ruuxdii dadka, in ay fidiyaan diinta, kuwii kale oo soo haray waxay adeegayaal u noqdeen boqoradii waqtigaa jiray, diintiina waxa ay ka dhigteen wax lagu ciyaaro ama lagu macaasho ilaa ay diintii noqotay wax bilaa ruux ah oo dhadhankii oo idil ka tirmay.

Sheekh Nadawi waxa uu tooshka la dultagayaa diimihii waayadaas jiray oo ay masiixiyadda ugu horraysa, waxa uuna tilmaamay in si weyn loo beddelay diintii masiixiyadda gaar ahaan kolkii uu yimid ninkii Boolis la dhihi jiray, dhowr kooxood ayay u kala jabeen dadkii haystay, waxaa ugu weynaa Roomaanka iyo Masaarida oo isku haystay cidda haysata diinta saxda ah. Qoraagu waxaa uu halkaa ku soo bandhigayaa kala jabkii bulshadaasi ee dhinaca dhaqaale, bulsho iyo akhlaaqba ay soo dedejisay in masiixiyadda ay kala dhantaalanto.

Dhowr dowladood oo xilligaasi dunida laga yaqaanay ayuu xaalkooda kaga warramay halkaas sida: Masar, Xabashida, iyo dalalka woqooyi galbeed Yurub oo masiixiyad iyo wathaniyad u dhaxeeyay. Faaris ayuu sidoo kale ka warramay iyo raadka ay ku reebtay dab-caabudkii iyo in ay ahaayeen bulsho qiyamkii ka dhamaaday oo boqoradana u dhega-nugul oo taqdiisiya. Bulshada Yuhuuda ayuu qayb kaga warramay qoraagu isaga oo ku tilmaamay in ay la daaladhacayeen fasaad bulsheed iyo mid akhlaaqeedba iyaga oo dhowr goor isku dhac dhexmaray masiixiyiinta. Ummadaha Eeshiya gaar ahaan shiinaha, turkida, mangooliska ayuu sidoo kale ka warramay iyo xaalkooda waqtigaasi.

Bulshadii carbayd ee jasiiradda carabta deegaanka u ahaa waxa uu qoraagu tilmaamay in ay ku jireen xilli jahli iyo dulmi tiro badan, si guud casirigan waxa uu ku sifaysnaa kaligii talis maamul oo Ruum iyo Faaris ayaa madaxa kaga fadhiyay ummadihii kale.

Isla qaybtan waxa uu qoraagu ku faaqiday nidaamkii siyaasadeed iyo dhaqaale ee waayihii jaahiliyada, waxa uu si aan mugdi ku jirin uga warramayaa xaalkii bulshada ee xilligaasi gaar ahaan Faaris iyo Ruum oo boqorradii talin jiray si gaar ah u muudsadeen wixii bulshadu ka dhaxeeyay oo idil.

Qaybta 2aad: Dhammaadkii Waayihii jaahiliyada

Nabi Muxammad SCW waxa uu waajahay bulsho xume iyo dulmi isku raacday kuna qanacsanayd. Kolkii ay Quraysh ka warheshay dacwadii nabiga SCW, waxa ay dareemeen in uu warran ku habsaday wadnaha jaahiliyada, waxayna u kaceen in ay difaacaan. Nabiga SCW waxa uu yagleelay mujtamac uu ruuxdooda Quraan ku quudiyay, nafahoodana iimaan biya dhigay. Waxa uu soo saaray bulsho qalbiyadooda isku fiican oo waxyaabihii jaahiliyada meel iska dhigay, waxaa halkaa ku jabay jaahiliyaddii, islaamkana ku guuleysatey, waxa ay ahayd afgembigii ugu cajiibsanaa ee taariikhda aadanaha ka dhaca.

Dugsigii nabi muxammad SCW jiilkii ka qallin beddeshay waxa ay hoggaanka u qabteen maamulkii dunida gaar ahaan kolkii la furtay dhulkii Faaris iyo Ruum ku amartaaglayn jireen bulshadana madaxa loogaga fadhiyay, waxa ay ka dhabeeyeen weedhii ahayd ” waxa aan u soo baxnay in aan dadka ka xorrayno addoonsiga boqorrada iyo talisyada” .

Waxyaabihii ay saxaabadu ka barteen madrasaddii nabi muxammad SCW waxaa kamid ahaa in meel la iska dhigo Tollaysiga (casabiyada/reernimo) iyada oo bulshadu ku walaalowday islaam, waxaa sidoo kale meesha ka baxay waxyaabihii burburka ku hayay dhaqaalaha bulshada sida dulsaarka(ribada), xatooyada, iyada oo si weyn loo adkeeyay daynta iyo amaahda. Dadkii hayay hoggaanka muslimiinta waxa ay inta badan ka duulayeen in amaannada iyo cadaaladda sideeda loo guto.

Qaybta 3aad: Waayaha islaamiga العصر الإسلامي

Waxa uu halkan kaga warramay waayihii kala duwanaa ee hoggaanka muslimiinta, isaga oo aad u xusay khulafadii afarta ahaa ee ka dambeeyay waqtigii nabiga SCW

Ma jiro casri ka qurux badnaa oo soo maray sooyaalka mislimka waqtigii khulafada, waxa ay ku dadaaleen in la dhiso insaan u dhammaystiran dhinacyada ruuxda, akhlaqda, diinta, iyo culuunnta kala duwan.

Qoraaga

Gunaanadka qaybtan waxa uu qoraagu tilmaamay sababihii keenay koboca hoggaaminta bulshada muslimka ah, iyo sababihii soo dedejiyay dib u dhacooda, waxa uu qirayaa in jahliga uu ummada ku dhex faafay, iyo bulshadii oo wax danayn ahi aanay siin culuunta ay qayb ka ahayd hoobashadii ummada, taas baddalkeeda reer Yurub waxa ay si aan kala joogsi lahayn ugu dhaadhaceen culuunta iyo sayniska ay muslimiintu dayaceen.

Qarnigii lixaad ee hijriga ayuu tooshka la dul yimiyd Alnadawi iyo duullaanadii reer Yurub(crusaders), ayada oo Salaaxudiin oo kamid ahaa hoggaamiyeyaashii muslimka kolkii uu geeriyooday waxaa adkaatay in la helo qof booskiisii gala, waxaana sii bilowday dib u dhacii muslimiinta.

Cusmaaniyiinta iyo masraxa taariikhda

Cusmaaniyiintu waxa ay si weyn u soo muuqdeen kaddib furashadii Qustantiiniya(Constantinople) oo cusboonaysiin u ahayd rajadii islaamka iyo hiigsigooda hoggaamineed, ayada oo reer Cusmaan ay isku darsadeen maamulkii berriga iyo badda, iyo talis siyaasad iyo ruuxba daneeya.

Casrigooda waxay la kowsadeen dhaadhacii muslimiinta ee xagga cilmiga, aqoonyahankii dani kama galin culuunta cusub, bulshadiina wax soo dhawayn ahi ma siin dadka hibo iyo nashaad cilmi la imanayay. Sida taariikhda ku cad bulshada muslimka ahi dhowr qarni ayay ka maqanyihiin hoggaanka dunida, waxaana mar labaad hoggaanka dunida sida ummada reer Yurub.

Dhanka kale qarniyadii 16aad iyo 17aad waxa ay ahaayeen laba qarni oo reer Yurub u roonaa, waxa ay ka tooseen hurdadii ay ku jireen, waxa ayna dadaal u galeen sidii ay waxsoosaar cusub u keeni lahaayeen.

Qaybta 4aad: Casriga reer Yurub

Xadaaradda reer Yurub waxaa laga soo dheegtay xadaaraddii Giriigga ee hore iyo tii Roomaanka, waxa ayna ka dhaxleen wixii caqli iyo aqoon ahaa.

Qoraagu waxa uu qaybtan inbadan kaga warramay in bulshada galbeedka ay danayso maaddo kaliya oo diintiina lagu soo koobay astaan iyo sawiro maalmo la xuso. Tusaalayaal badan ayuu soo qaadanayaa oo ay ku jiraan sababihii keenay diin ka cararka galbeedka, kaniisaddu waxa ay inbadan hortaagnayd kana soo horjeeday in wax cusub la keeno, kolkii dambe waxaa la soo jeediyay in laga xoroobo.

Kolkii Yurub ay hoggaanka u qabatay xadaaradda dunida waxa ay isku fidisay dalalka dunida oo idil si ay u gumeysato, raadkii uu isticmaarku ka tegay oo ay kamid tahay dhaqanka bulshada oo wax iska baddalay iyo hab-fakarka ummada oo sidiisii aan ahayn ayuu sidoo kale cabbaar iftiinshay.

Qaybta 5aad: Dib u hanashada hoggaanka

Qaybtan waxa uu qoraagu ku tilmaamaa sababihii dhaliyay dib u dhaca iyo sida looga soo kaban karo, isaga oo dhowr qodob u taxay.

Koowaad; Haddii ummadu doonayso in ay ka toosto hurdada waxaa lagama maarmaan ah diyaargarow xagga ruuxda ah, taas oo ah arrinta ugu muhiimsan ee xadaaradda galbeedka ka maqan. Diinta waxa ay qabtaa in aan xoojino ruuxda iyo maadadaba, siyaabaha loo xoojin karana waxaa kamid ah in waxbarashadu naga go’antahay, aqoontana loo baratamo.

Tan labaad: in laga kaaftoomo galbeedka. Suurtogal ma aha in ummad wax kasta soo dhoofsata ay dunida hoggaamiso, haddii la doonayo in hurdada laga tooso waa in laga kaaftoomo waxsoosaarka ummad kale ay leedahay, taas baddalkeeda ummada u kacdo horumarinta waxbarashada, warshadaha, iyo waxsoosaarka qaybihiisa kala duwan; ka maarmitaankaas kuma jirto wixii cilmi iyo aqoon la isku dhaamo in la kala faa’idaysto. Qodobkan waxa uu aad u khuseeyaa bulshadeenna soomaaliyeed ee maanta wax kasta soo dhoofsata iyadoo beeraheeda ay abuuran karaan.

Ugu dambayn shaqo iyo hawl adag ayaa laga maraa in ummad hurdaysa ay hurdada ka toosto; ayada oo qodobka ugu weyn ee aan buuggan ka qaatay ayaa ah in haddii ummadu ay hoggaanka u qabato aqoonta dunida aanay shaki ku jirin in hoggaanka dunida dib ugu soo laaban doono.

4 thoughts on “Nuxurka buugga: ماذا خسر العالم بانحطاط المسلمين

  1. Nuxur iyo qayb cajiiba. Runtii dunida islaamka ilaa hada ma aha duni si dhamastiran u taagan ee xaqiiqda marka la eego waxay u muuqata mid hoosaysa oo hada iyo uba furanka nolosha ku taagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *