Kakanaanta Raacatada iyo Roomaansiyadda Banaadiriga

Kakanaanta Raacatada iyo Roomaansiyadda Banaadiriga

W/Q: W.W. Beyle

“Fannaaniinta reer Banaadirigu asal ahaan waxa ay ka soo jeedeen beelo deggan oo dhaqankoodu qarniyo magaalaysnaa. Sidaa awgeed masraxa Banaadiri ilaa dhalashadiisii saldhigga dhaqaneed ee uu cuskanyahay waa kaas magaalada. Waa astaanta ugu wayn ee uu fanka Banaadirigu uga duwanyahay fan-soomaaliga kale ee sal iyo baar reer guuraaga ku abtirsada.”

Sidaas ayuu Maxammed Daahir Afrax ku sifeeyey meelka-soo-jeedka fanka Banaadiriga qaybta uu kaga hadlayo buugiisa Fan-Masraxeedka Soomaalida. Haddaba weedha uu Afrax adeegsaday ee ah (“beelo deggan”) oo uu macne ahaan isagu uga jeeday – dad aan guur-guurin – macnaha kale ee lagala soo bixi karo waa mid Saykoloojiyadeed, waayo Banaadirigu waa dad ilbax ah oo nafsad ahaan qabow/deggan.

Middaas waxa aynu fahmi karnaa marka aynu barbardhigno bulshada raacatada ah ee iyagu – wax ugu wacanba – nafsad ahaan iyo nolol ahaanba aan degganayn! Haddaba kala duwanaanshahaas isaga oo ka hadlaya Qoraaga soomaaliyeed ee Cabdiqaaddir Oromo buuggiisa “Sooyaalka Soomaaliyeed”, waxa uu ku doodayaa in bulshada Banaadiriga iyo Geelleydu ay nafsad ahaan kala fogyihiin farqigoodana waxa uu ku qeexayaa; bulsho kakan oo bukaan ah “Geellayda” iyo bulsho-fayoow “Banaadiriga”! Qodobka ugu wayn ee uu cuskanayo Oromo waa fanka oo Banaadiriga ayuu ku sheegay fankooda in ay sees u tahay “ciyaaro dhaqameeddu”, halka booska ciyaarta ay Geelleyda ugu jirto maansadu gaar ahaan Gabaygu. Si kastaba ha ahaatee Oromo sida uu qabo: qofku marka uu faraxsanyahay waa uu ciyaaraa, halka marka uu uurkutaallaysanyahay na uu gabyo!

Ra’yiga Oromo xagjirnimo ha u muuqdo balse si kale haddii loo dhigo dooddiisan waa maangal! Waayo maansada Geelleyda inteeda waaqiciga ee bulshada ka warranta badankeedu waa maanso dhiillasideen ah, oo qofkaas reer guuraaga ah ee (“kulul”) si walba ugu eg. Gabayada kalaasiga ah  marka la fiiriyo mawduucyada ay xambaarsansanyihiin kuwooda ugu xiisaha badan ee macnaha u sameeya nafsadda Geelleyda waxa ugu horreeya gabayada; dira-diraha, xifaalaha, digashada I.W.M. Haddaba gabaygu sida uu ugu noqday Geelleyda diiwaan-afeed “oral history” ay ku kaydiyaan sooyaalka siiba dhacdooyinka waawayn, haddana dhanka kale saamaynta gudeed ee uu gabaygu ku yeeshay nafsadda Geelleydu waa mid taban waayo waa doog ku taalla — barta uu u dhinto qofka raacatada ahi — waa qabiilka e! Haddaan si kale u dhaho qofka bulshada Geelleyda ah ka soo jeeda meelkasta iyo markasta oo uu joogo, kolka uu maqlo meeris gabay ah oo goldaloollada tolkii sheegaya waxa ku yaraada adeegsiga Garaadka Sababaynta “Logical Reasoning”, waxa uuna u dhurtaa caadifad sidaas awgeed ayuu Gabaygu u unkaa (“Wacyi Reereed”) ama saykoloojiyad qabiil oo intii isku reer ahiba isku boog u yihiin.

Gabyaayada dhifta ah ee ka baydhay hannaankaas (“Saamaynta bulsheed”)  waxa kamid ah Raage Ugaas oo maansadiisu – haddaysan idilkeed ahayn badankeedu— ku salaysantahay dareen-hadal. Sababtaas awgeed waxaan orankaraa Raage maansadiisu feker ahaan waxa ay ahayd Roomaansiyadda Soomaalida, maaddaamma ay la xilli iyo dulucba ahayd Roomaansiyaddii Yurub “Romanticism Era”. Qodobadda midaynayana waxaa kamid ah fikirka kalitooyo “Individualism” oo Raage dareenkiisa gudeed ayuu ku godlin jiray curintiisa isaga oo baan-nafsadeed “Therapy” ka dhigtay ereyada, meeris walba oo kamid ah gabayada “Alleyl dumay” iyo “Sida Koorta-Yucub” waa isku day uu doonayo inuu ku sawirayo duunkiisa waxa ku hugmaya. Sidoo kale Raage waxa uu ahaa aydhiyaalisti (Idealist) sidii Roomaansiyiinta, sababtoo ah isaga oo ku nool caalam raggu ku ceebaysanyahay catawga iyo ka hadlidda jacaylka, kuna amaananyahay kakanaanta ayuu isagu u noolaa una gabyayey cagsiga bulshadiisa, taasina waa waxa Raage ka gaaryeelaya suugaanyahannadii la xilliga ahaa.

Su’aasha is waydiinta mudani waa isbadal intee le’eg ayuu ku sameeyey fanku nafsaddii raacatada ee kakanayd? Ugu horrayn fanku waxa uu ku soo beegmay xilli gabaygii soojireenka ahaa uu nuxuusay sababo la xiriira magaalowga – taasina waxay fursad u noqotay in uu fanka heesuhu ama Fan-masraxeedku dool inoogu yimaaddo, hees-hawleeddiina isu badasho hees-bulsheed nolosha lagu gorfeeyo. Marka Taariikhda laga fiiriyo fanku waxa uu noqday marjac loogu laaban karo sooyaalka umadeed, gaar ahaanna isbadalladii ugu waawaynaa ee gobolka Geeska soo maray; Min halgankii gumaystaha la la galay, oo uu noqday caroog la iskaga yureeyo cadaawadaha, xorriyaddii labadii gobol iyo Jabuuti, Dhalashada dowladii rayidka oo iyadana loogu dabbaaldegay, Kacaankii oo loogu alalaasay billowgiisii – gadaashii markii habmaamulkiisa la salluugayna isagu ka dhigtay hub macnawi oo uu kula dagaallamo cidkasta oo ajandihiisa ka soo horjeesata. Saamaynta dhaqan marka aynu fiirinona dabarro badan oo bulsheed ha jebiyo fanku oo ay ugu horrayso in jacaylka laga heeso weliba nin iyo naag aan xilo isu ahayn ay isu heesaan! Taas oo jirta haddana nafsad ahaan magaalowga iyo fan-masraxeedku waxba kama badalin ruuxdii kakanayd (raacatanimada) ee qariisada “Instinct” noqotay. Middaas waxa aynu ka arkaynaa haasaawahan ku jira heesta “Cibaaro” — Digfeer oo sidii Raage Ugaas jacayl ka-sayid-caleeyey ka cabanaya ayaa waydiinaya Sahro Ileeye:

“Dawada lay cabsiiyiyo

Cirbadda laygu mudayaa

Caashaqa ma bi’iyaan?”

Sahra uma garaabayso e, iyada oo xiganaysa dhaqankii raacatada iyo sidii uu u qeexi jiray raganimada ayey ugu caqlicelinaysa Digfeer:

“Rag inuu cataabaa

Ceebtiisa weeyee

Waa inuu sidii cadow

U calool adkaadaa!”

Mar kale aynu ku noqonno Afartannadii heellooyinkii qaraamka ee Gobanimadoonka ahaa, waa Cabdilaahi Qarshe oo sawir ka bixinaya xaaladdii Soomaalidu ku jirtay waagaas, dareenkiisa ayuu ku cabbirayaa sida nin si walba u ciillan meeriska inaga quseeya waa intan:

“Nimaan  hadalkiisu hadhqoodaalkiyo Haweenkaba dhaafin baan ahay!”

Wallow dulucda Cabdillaahi intaas ka durugsantahay haddana runtii waa tusaalaha ugu qumman ee aynu u cuskan karno farqiga u dhexeeya Fanka Banaadiriga iyo midka raacatada. Dabcan haweenka iyo hadhqoodaalku waa meelo uu ka gaagaabsado ninka xilasaamadka ah ee reer guuraaga ahi sidaas awgeed ayuu Cabdillaahi uga soo qaaday  (“hadal aamusku dhaamo”). Dhanka kale  waxaan oran karaa; fanka Banaadirigu waxa ugu wayn ee uu ka hadloba waa intan uu Cabdillaahi ka cawday! Maaddaama oo uu wajigiisii koowaad Banaadirigu ku soo ifbaxay cawaysyo dhallinyaro iyo majaajillooyin xaafadeed oo Muqdisho ka dhici jiray horraantii 30-nnada. Sida muuqatana ilaa iyo  maanta tubtaas ay jiilkii koowaad u jeexeen Banaadirigu kama uusan baydhin oo sidii buu madadaaliye u yahay; nolosha u gorfeeyaa, ahmiyad waynna u siiyaa sawiridda caadifada dadnimo  (hilowga, catowga, iswaaga, is-helidda iyo dareenkasta oo ka dhex jiri kara labada jinsi ee labka iyo dheddiga).

*****

Hagaag. haddaba labadaas qaybood  ee aynu bulsho ahaan iyo fan ahaan ba u kala qaybsannahay, qolo walba nafsaddooda waxa macnaha u sameeya ayaa fankoodana ka soo mudha oo hees baa calanka u sidda, kolkaa sida ay fanka Geelleyda dhaabad ugu tahay heesta “Beledweyn” ee uu Hadraawi ereyadeeda lahaa, Xasan Aaddanna qaado, ama ay reer Maaygu ugu dhaataan heesta “Hakaba banaanshee” ee isla Xasan uu ku luuqeeyo — si lamid ah ayey fanka Banaadiriga baarsare ugaga jirtaa heesta “Aw Geeddi-shaamboow”! Heestani waxa ay ka tarjumaysa duunka qofka Banaadiriga ah marka uu aashii hadlayo isaga oo hadalkiisa u dhigaya sida ugu maangadsan uguna duluc fog! Dhawr xaglood ba way taabanaysa heestu sida aynu gadaal ugu tegi doonno, balse mucdeedu waa in ay tahay fan-dhaqameed “folk-art/فن الشعبي”. Middaasi waxa ay ku caddahay dulucdeeda oo ah darsi dhan oo ku baraya midka mid ah suugaanta bulsheed ee Banaadiriga ku dhex faafsan. Waxa ay si dul-kaxaadis ah – oo ujeeddo leh – uga warramaysaa sheeko-xariiro deegaanka Baydhabo caanka ah, dad badanina rumaysanyihiin inay dhab u jirtay, wallow aysan runnimadeedu sugnaansho lahayn. Waa sheekada Geeddi-Baabow loona garan ogyahay “Geeddi-shaamboow” oo hoggaaminaysa sheeko-xariirada galmada “Errotic Mythology” oo dhif ku ah suugaanta soomaaliyeed.

Asalka bannaanba sheekadani ma aha sheeko-caruureeddii ubadka lagu bari jiray afkooda iyo dhaqankooda ee loo falkiyey in duunka ilmuhu qabatimo xeerarka akhlaaqiga ah iyo qayosoorrada bulsheed, sida sheekada Dhegdheer (ikl), ee sharka iyo khayrka lagu loollansiiyo ugu dambaynna khayr ku libaysto. Si kooban Geeddi Baabow sheekadiisu waa sheeko-bulsheed qofwayn uun uu fahmi karo, waxa ayna sawir ka bixinaysa anshaxii Soomaaliya meelo kamid ah ka jiray ka hor curfiga islaamnimo inta uu san gasiiradda caravta ka soo doolin. Geeddi oo ah arbaha sheekada “Main character” dhulkii uu ka talinayey waxa uu ka dhaqangeliyey qiyam-bulsheed isaga u gaar ah! Waxa uu ahaa nin keligii-telis xukunkiisuna fidsanaa ilaa heer qoys! Sida sheekadiisu tibaaxayso waxa uu ahaa nin aan gabar ugub oo aan duntu ku xirnayn u hawoon, oo malaha iskala hanwaynaa inuu xeraysto gabar qoyskeeda dhex joogta, balse taas cagsigeeda waxa uu ahaa nin aan waxba iskaga-tirin Ina-rag, si kale haddaan u dhaho waxa uu tajsiidiyey fikraddii guurka maaddaama oo uu isu dhigay isagu halbeegga anshax ee isu xalaaleeya labada qof (ninka iyo naagta) gayaankooda iska xusha. Shuruudda guurka uu ku xidhay ayaa ahayd; in naag kasta oo la guursanayo uu la sii seexdo, galmadiisa kaddibna guurkeedu ansaxayo!

Si kastaba ha ahaatee Hakaba oo lagu sheego deegaanka uu ka talin jiray wax ay degsiimadii u qafaalnayd hiilka nabsiga dhawraanba ugu dambayn Geeddi-baaboow waxa u soo hullaabtay nin isu soo ekaysiiyey haweenay — marna la sheego in ay u doonanayd, marka kalena lagu sheego walaashii — oo uu Geeddi falxumadiisii la maagganaa.  Halkaas ayuu ku iishay Geeddi isaga oo si walba ugu eg Afxakamihii uu Ismaaciil Mire meerisyadan ku tilmaamay:

“Afxakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye

Ka dambee Caluu yidhi intuu Kaaha guursadaye

Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabey’e

Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa’ halla ogaado.”

 

Wallow aynu gadaal ka gorfayndoonno ujeeddada sheekadan haddana sida xarfiga ah (literally) ee ay heesta Geeddi-shaamboow u werinayso  sheekada waa sidan hoose:

Cabdillaahi Sulfa oo aad mooddid in lagu yiri “qasab ku balwee!” ayaa taagan Masrax laga matalayo galbiskii Aw-geeddi, ereyo ammaan ah oo aan uurkiisa jirin, balse afkiisu ku xukumanyahay ayuu is daba dhigayaa. Hormada koowaad ba, sida qof baqaya lagu yaqaanno ayuu ku halqabsanayaa  awoodda duqa Geeddi ah ee aan loo babac dhigi karin, fallaadha Geeddi-shaamboow gano jidhka ay haleesho ayuu u dardaarwerinayaa oo is waydiinayaa; isaga oo awoodda duqa og ninka u bareera colaadda Aw-geeddi cirib-dambeedkiisa! Isaga oo aan  qof kale hadal ka sugin ayuu isu jawaabayaa, oo weliba si ismaqashiis leh oo aad mooddid in uu ugu roonaanayo dhegaha Aw-geeddi guuldarro ugu rajaynayaa qofkaas Geeddi isku soo taagay. Intaas kaddib ayuu sawir ka bixinayaa halka uu taaganyahay iyo jawiga uu ku jiro. Sidii qof dhega-barjaysan ayuu si yaab leh isu waydiinaya alalaas iyo durbaan uu kaligii maqlayo waxa uu ka dhiganyahay?! Isla sidii oo kale ayuu isu jawaabayaa oo leeyahay — haa, illeen duqii Aw-Geeddi ayaa la galbinayaa, oo dadabgalkiisii ayaan joogaa! Jiibtii iyo jaantii galbiska ayuu sii raacayaa!

Hormada middaas xigta oo ah isla baydadka ay ku dhammaanayso heestu waa hadal sogordohan oo  tilmaamaya tabaha iyo xeeladaha Aw-geeddi — kuwaas oo laba macneba noqon kara: B), in uu yahay nin soo-loodiya naagiba naagta ay ka dheg wacantahay. T), Ama uu yahay ninkasta oo wax is bida ninka muquuniya ee madiga ku ah kartidaas. Haddii macnaha (B) la raaco oo meeriska xigana lagu xiriiriyo, waxa lagu ammaanayaa duqu inuu yahay nin gabdhaha bikrooyinka ah marka uu u galo ee fara saaro kaga qaylisiiya oo aysan xamilin! Haddii se macnaha (T) la raaco qaylada iyo gariirku waxa ay tilmaamayaan dagaalyahannimadiisa. Ereyada heesta oo sarbeeban qof walbana dhan ula kacayo sidanaa loogu heesay:

Gammuuntaad soo gantidaa

Gibilkii ay gaartaba

Gaddoomaayee

Geesiyow nin kuu gefay

Maa guulaysahaayee?

Guulaysahaa!

[Kooris]

Gabayga yeeraayo

Guuxaan baxaaya

Iyo gurbaankaan

Ma Geeddi-shaamboowaa

Lagu guurihaayee?

Lagu guurihaa!

Geedba geedka ka wayn

Sida loo gandoobo

Adaa garanaaye

Goshaa minaad gashid

Goofaha waa gariiraa,

Alla waa gariiraa!

Gabayga yeeraayo

Iyo guuxaan baxaaya

Iyo gurbaankaan

Ma Geeddi-shaamboowaa

Lagu guurihaa?

Lagu guurihaa!

Heestan “Awgeeddi-Shaamboow” taariikh ahaan xilliga la qaaday oo ku beegan bartamaha siddeetamaadkii (1986),  ayaa ujeedkeeda laga tixraaci karaa. Waqtigaas (Siddeetannadu) haddii aynu kor istaagno waa xilligii uu nuxuusay codkii jamaahiirta ee Kacaanka la safnaa, Maxammed Daahir Afrax oo naqdinaya tayada waxqabadyadii faneed ee xilligaas soo baxay, gaar ahaan kuwii dawladda ku-dhan ahaa waxa uu ku tilmaamay (Masraxa madadaalada iyo xafladaha kacaanka). Sababta waxa uu ku sheegay inay ka arradnaayeen Masrixiyadaha iyo heesahaasi falsafad ka dambaysa iyo muc la gunto, kaliya maad iyo jacayl aan wadciga bulshada ka turjumayn ayey ku saabsanaayeen ayuu dhaliil uga dhigay, isaga oo ku soo koobay weedhiisii caanka noqotay ee ahayd: “Masraxeenna jacaylka hallaga cuudiyo.”

Hase yeesho e, sida uu u nuxuusay fankii  ku-dhanka ah dawladda ayuu dhinaca kale u xoogaystay fankii ka-dhanka ahaa kacaanka, waayo xilligaasi waa waqti lagu tilmaami karo – waayihii keenaddiidnimada Fanka soomaalida! Waxa uu ahaa xilli kala-guur ah oo xukunkii Askartu gabaabsi sii ahaa, Waa xilligii hal’abuurrada intoodii foolaadka ahaa ay sir iyo caadba isugu dayeen inay u bayaamiyaan goldaloolooyinka ay gadaashii u qudhbaxday dawladdaasi; waa isla waqtigii ay bullaashay hibadii la caburiyey ee Hal’abuurradu tusaalaha ugu mudan ee waayahaas laga xusi karaana waa Cabdi Muxummed Aammiin oo hadalkii la dadi jiray – isaga oo aan daah saarnayn – Saado Cali u soo dhiibay, iyaduna ay madal loo dhanyahay si fanaysan uga sheegtay, waa heestii  “Laanguruusal”.  Waayahaasi waa markii ninka aan sida Cabdi Muxummed u dhiirranayni uu sarbeeb doqoni-magaratay ah u adeegsaday dhalliishiisa. Waa waqtigii faafreebkii Askartu uu ku cirraystay fahanka iyo ujeeddada ka dambaysa heesihii wada sogordohnaa ee magaca “Anti” ku caanbaxay. Waa xilligii uu jacaylku laba macne yeeshay, afsoomaaligiina iyada oo lagu wada hadlayo la isku fahmi waayey. Haddaba xilligaas isaga ah maaddaama ay heestani soo baxday waxa caddaanaysa in “Awgeeddi-Shaambow” ay leedahay waji siyaasi ah uuna yahay Aw-geeddi shareere “metaphor” u taagan Kacaanka gaar ahaanna shaqsiyaddii Maxammed Siyaad Barre Waxaase weli su’aali ka taagantahay oo aan caddayn in ay qayb ka tahay heesihii dhalliisha ama “Anti-ga” ahaa ee Kacaanka ka dhanka ahaa, iyo in ay dhankiisa jirto?! Maaddaama ay ammaanayso ciddii loo fili karayey in ay dhaliilayso!

****

Haddii aynu heestaas u tixgalinno in ay ka turjumayso mawqifka siyaasadeeed ee Bulshada Bannaadiriga, haddana dhanka kale su’aasha iswaydiinta mudan waa; sidee ayey u weriyeen Geellaydu sheekadaa (Geeddi), iyaga oo isla ujeedkii hore ee siyaasiga ahayd u adeegsanaya? Maansada Cabdi-Qays ee “Geeddi-Baabuu” haddii aynu ku hormarno waa maanso qaabka loo tidcay  iyo dhiskeedu ka dhiganyahay barnaamsh taariikheed “Documentary” uu wariye  rug-caddaa ahi ku nuuxnuusanayo min billow ilaa dhammaad sooyaalka Geeddi. Sida iska cad waa maanso naqdi toos ah xambaarsan, waxay se maangad ku tahay hummaaga ay sawirayso  oo laba nuxur oo kala duwan samaynaya “parallel Plot”. Cabdi-Qays waxa uu si farshaxannimo leh isugu sidkay sooyaalkii Geeddi-Shaambow iyo sooyaalkii kacaankii uu Maxammed Siyaad gar-wadeenka ahaa. Maansadiisanina sawirkasta oo ay ka bixiso deegaankii sheekadu dhacday waxa uu si qaawan inooga muuqanayaa waaqacii askarta (1969-1991), sida uu ahaa ama uu ula muuqday Cabdi-Qays. sidaas si lamid ah inta ay shaqsiyadda  Geeddi-shaambow ka hadlayso labadeed waxa ay si shaqsi ah u sifaynaysaa Maxammed Siyaad Barre — dhaqankiisii iyo halhaysyadiisii ayaa ku idil.

Sidan ayey maansadiisu sheekada u warinaysaa:

Tuducan koowaad waxa uu ku sawirayaa;  berisamaadkii ay ku noolaayeen dadkii Geeddi muquuniyey awooddoodii iyo qiyamkoodii toosnaa ka hor inta uusan taladooda maroorsan, iyo sidii taladu ugu gacangashay Geeddi iyo diranayaashiisa! Dhanka kale dulucda sida laga fahmi karo waxa uu ujeedaa wadcigii ay u taallay Soomaalidu ka hor askarta, iyo sidii uu u dhacay inqilaabkii askartu  (1969), oo uu hoog iyo ba’ ku sifaynayo. Waxa uu ku bilaaabayaa:

Umad yahay guyaal hore

Boqor gaal ah baa jiray

Waa GEEDDI-BAABUU

Geyiguu xukumi jiray

Guunyo dhaqato weeyaan

Isagaa gumeeyaye

Dad gobay ahaayeen

Gaashaanka warankiyo

Garab way lahaayeen

Haddii loo abaal galo

Dad guday ahaayeen

Cadowgoodu gulufiyo

 Hadduu gaas ku weeraro

Guul kalama hoyan jirin

Iyagoon gadaafiyo

Qabin godob sokeeya ah

Waa kii guul ha seegee

Garba-diinle kuu dhalay

Oo weliba magaca guudiyo

Abtirsiinta ugu gala

Guddoonkii arlada iyo

Garqaadkii maroorsaday

Guudka buur-xakaba iyo

Gebi buu la koray dheer!

Tuduca xiga waxa uu kaga warbixinayaa siyaasaddi Geeddi, go’aankiisii iyo xeerarkii khasabka ahaa ee uu yeedhshaagu “Dictator” soo jeediyey, oo siyaasad ahaan ku salaysan muquunin toos ah, “Absolute Authoritarian” Nolosha dadka oo dhan isaga iyo diranayaashiisu ha isku koobaan, (se arrinta xiisaha leh ee uu Cabdiqays sida dadban ugu sheegayo halkan waa golayaashii Askarta, mabaada’iidoodii oo uu ilaa Hantiwadaaggii ay ku dhaqmayeen Geeddi-Baabow sii dhex marsanayo. Waxa uu leeyahay:

Guddi buu abaabulay

Gasaasacato weeyaan

Gundhiggiyo dastuurkana

Garba duuba buu yidhi

Go’aaan kiisi koowaad

Wuxuu yidhi haddaan gubo,

Ama aan gambiyo shay,

Gurracaygu waa toos!

Ninka gaabsadee baqa

Kurka gooya buu yidhi

Ka hadlaa gef weeyee

Gawrac mariya buu yidhi

Goldalooladaydiyo

Raadkayga kii gura

Badhka geeya buu yidhi!

Ciidankayga gaadhka ah

Dirayskiisa gaarka ah

Badhan kii ka gooyoow

Adna geeri baa tahay

Anuunbaa gargaariyo

Qolo gacan u fidin kara

Gacal iyo xigtiyo ehel

Ka gartoow dil baa tahay

Maxaa waxay gobbaan ahay!?

Xero geel u hoydaa

Geyiga waa ka xaaraan

Maxaa wacay gobbaan ahay!?

[Bulsho ganacsi barataa

Guul keeni maysee

Gooni wax u lahaanshaha

Halla gaasiruu yidhi!]

Tuducan hoose ayuu haddaba si qiire leh ugu sifaynayaa natiijadii laga dhaxlay xeerarkii Geeddi — oo sidoo kale loo fili karo xukunkii Askarta iyo wixii laga dhaxlay oo macaluul iyo dawarsi ah! Waxa uu leeyahay:

Durba shicibkii guuxiyo

Dareen iyo sas baa galay

Guul guul dadwaynuhu

Hadba gees isula ciir

Xoolihii gafane iyo

Gendi baa candhada tiray

Galoofoobe naasuhu

Gaaggaxoo ma dhiiqaan

Reerihii gadaannaa

Gorofkoodii caydhoow

Guulaamo roobiyo

Onkod iyo gariir maleh

Cirkii waa horuu gudhay

Beerihii guraysnaa

Sida gegida weeyaan!

Isagaa gesiinkiyo

Gellaydii ka maanacay

“Gaajadu sed weeyee

Halla golongoluu yidhi!”

Intuu geesi naga dilay

Intuu gaari sey tiray

Intii gaban la dhali laa

Gugiisii ka baaqsaday

Gudurigu intuu cunay

Tiro laguma gaadho e,

Maydkii galdogobyiil

Laftaad galayax mooddaa!

Guray habartii gawrace

Gacalkii middiyo iyo

Gaalleef isugu dhiib!

Guul guul dadweynuhu

Hadba gees isula ciir

Bari guurti loo diray

Galbeed sahanka loo diray

Koonfur iyo u kace guban

Afartaba garaacoo

Midna guul kamay helin

Geyigii dad qalatow

Inaad adigu goysiyo

In qudhaada lagu gado

Arrin kula gudboonaa!

***

Isku soo duub oo kala duwanaanshaha werineed ee sheekadan Aw-Geeddi kuma koobna suugaanta Banaadiriga iyo Geelleyda oo kaliya balse farqiga labada bulsho kala sooca ayaan isna meesha ka maqnayn. Halka ay ku kala baydhayaanna waa in Maansada Cabdiqays ay u warramayso sida ugu kakan “Seriously” halka heestu Sulfa ay u warramayso qaab maad ah “Satire”. Taas waxa laga dhex arki karo werinta “Narrative” qofka raacatada ah ee dhiigga kulul ee—sida uu wax u ogyahay u sheega; qofkaas aabiga neceb ee dabuubtiisu “Motto” ku kooba maahmaahdan, “Rag ciil cadaab ka dooray!” Sidaas si ka duwan dhinaca kale Banaadiriga iyo qaabka buunbuuninta ah ee ay u sawireen Geeddi waa hadal laga fili karo insaanka xaddaariga ah ee reer Banaadiri; qofkaas deggan (“qabow”) ee markasta go’aanka noloshiisa ku saleeya fikir ishii-qaatenimo “Pragmatic”, si kasta oo uu dhibaato ka-wayn faraqa ugu haystona rajeeya nolol fudud oo dabuubteedu tahay; “adi lee dubo adi lee daangayso”. Hagaag, haddaba labadaas qof iyaga oo sarbeebta iyo cidda ay u sarbeebanayaanba ka midaysan in mid walba xagashiisa wax u tebiyo “Narative point of view” waxa ay ka imaanaysa falsafadda nololeed oo ay ku kala tagsanyihiin oo Banaadirigu waa bulsho roomaansiyaddu ku wayntahay, Geelleyduna waa bulsho halganka noloshu ku waynyahay. Wallow aan orankaro heestan  ereyada ayaa la sogordahay “Wordplay/تلاعب الألفاظ” balse dareenkeeda marka maangalka lagu fiiriyo waa naqdi, kolkaa waa heesta luuq ahaan ugu luxdan, ujeeddo ahaanna ugu maangadsan, kacdoon ahaanna ugu wayn ee fanka Banaadirigu kaga qaybqaatay qaadhaanka naqdiga ahaa ee dawladdii xilligaa lagu dhaliilay. 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *