Akhriska iyo Aadanaha
WQ: Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir
WT: Ilhaam Buuxo
—
Akhriska iyo Aadanaha
“اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ”
Akhrisku ma aha mid ka mid ah baahiyaha dadka, sida ay innoogu sheegaan aqoonyahannadu; ma aha wax la isaga raaxaysto, sida ay ardaydu u haystaan; mana aha madaddaalo ama wax uu qofku isku mashquuliyo, sida ay dadka qaar taariikhaha innoogu wariyaan. Beddelka, akhrisku waa nolol dhammaystiran. Qofkii dhaha waxa aan noolaanayaa nolol aan akhris ku lammaannayn, waxa uu nool yahay nolol haba-yaraato ee aan wax waayo’aragnimo ah lahayn! Qofka asagu wax yar uun akhriyaa, waxa uu waayo’aragnimo u haystaa in yar uun; ka aqoontaa baaxadda weyn dhaha hal nooc ah uun baan ka darsayaa/akhrinayaa, waaya’aragnimada nololeed ee uu haystaa waa uun halkaa wax ee uu akhriyay. Ruuxa asagu akhriya ama u dhuundaloola wixii laga wariyay raggii fakaray ee maankooda tuujiyay (mufakiriintii) iyo aqoonyahannadii qarniyada tagay, waxa uu caqligiisu ku wareegayaa halkaa uu eegayay ee ah muddadaa dheer!
Daaciga/wadaadka aan waxba akhrin,hadalkiisu waxa uu noqdaa mid la dhibsado, caajis badan, waqtigu ku dheeraado, dhegaystayaashiisuna waxa ay oddorosi karaan waxa uu dhihi doono ama si guud mawduucu sida uu ku socdo! Arrinka la yaabka leh ayaa ah in wadaaddada qaar ayba ku dhib qabaan kitaabka; in badan ayaa ay hadlaan, in yar baanay wax akhriyaan —ama aragtiyaha qaar ayay sida ay yihiin kitaabbada uga soo guuriyaan, ayaga oo aan wax baaris ah ku samayn, ama fakar guud ka haysan. Waxaa la soo helayaa wadaaddada qaarkood oo aan khudbadahooda cusboonaysiin muddo tobannaan sanno ah, sababta ugu weynina waa akhris la’aanta!
Wariyaha aan waxba akhrin, waxaa u fudud su’aalo-waydiinta, laakiin su’aaalihiisu waxa ay noqonayaan hal mid uun oo ayadaa lagu celceliyo. Su’aalihii uu shalay aqoonyahanka uu waydiiyay, ayuu berri siyaasiga waydiinayaa oo uma kala saarna, waayo waxa uu aaminsan yahay doorkiisa wariyennimo in uu ku kooban yahay su’aalo-waydiinta oo keli ah, wax kaste oo ay tahayba. Halkaana, waxaa ka soo baxaya khaladaadka istiraatiijiyadeed ee aynu ku dhacno. Barkeen baa aaminsan in saxaafaddu ay iska hadal-hadal tahay, ayna tahay in uu wariyuhu iska hadlo sida mihnaddiisuba ay u shaqayso. Haddaba, arrintu ma daarna awoodda dhuunta/carrabka oo halkaa la isku ma kala saarayee, waa awoodda caqliga iyo inta uu suxufiba kan kale ka garaad badan yahay, caqliguna haddee dabcan wax aan akhris ahayn kuma siyaado!
Saxaafaddu waxa ay faafisaa aqoon/ilbaxnimo. Waxa ay ka dooddaa xaaladaha siyaasadeed, kuwa horumar iyo bulsheed; waxana ay la dagaallantaa afkaaraha qalloocan, ayada oo uga hortagaysa kuwa hagaya. Haddaba, sidee ayuu doorkaa u cayaarayaa weriye aanan waxba akhrin?
Jilaaga/fannaanka aan wax akhrin, waxa uu ku soo celceliyaa habab aan iskhusayn. Ninka aan wax yarna ka akhrin riwaayadaha Shakespeare, Tolstoy, ama buugaagtii Voltaire iyo Najiib Maxfuud, oo aan soo indho-indhayn fakradaha qoraayaashii waaweynaa ee dunida, muxuu dadka u sheegayaa? Waa nin uu fanku u xisaabsan yahay keli ah in la heeso ama dadka laga qosliyo oo sidaa la isaga noolaado. Sidaa awgeed, ayaa uu maanta fanku u yahay mid qalloocan oo aan wax nuxur ah lahayn, halka ay jirtay maalin uu wax hagi jiray, waayo fannaaniinta ayaa fankaa horumarinayay.
Hoggaamiyaha aan asagu wax akhrin, sidee ayuu bulsho dhan ugu hoggaamin karaa horumar iyo ilbaxnimo? Sidee ayuu ku garan karaa dhibaatooyinka ku geedaaman? Sidee se ayuu u kala saari karaa aragtida siyaasadeed iyo xirfadda siyaasadeed?
Waxa aynu maanta la jaal nahay madax badankoodu ka cabanayaan aqoondarro siyaasadeed, mana aha dabcan in aysan haysan shahaadooyin sarsare ee waa wax-akhriskii tayada iyo istiraatiijiyadda lahaa oo noloshooda ka maqan. Halkaan, waxaa isu ekaanayaa siyaasiga jaahilka ah ee aan waxba baran iyo kan aqoonyahanka ah, waxana aad halkaa ka garannaysaa sababta siyaasiga guulaystay ee waddamada horumaray uu aroortiisa ugu bilaabo akhriska saxaafadda maalinlaha ah, ka dibna uu ugu xijiyo warbixinnada qoraalka ah iyo kafeegiisa subaxeed, oo intaa dabadeed uu u shaqo tago, ayada oo marmarka qaar laga yaabo in uu waqtiyada xasaasiga ah uu u joojiyo shaqadiisa keli ah si uu u akhriyo sheekooyin ay ka qoreen raggii aqoonyahannada ahaa buugaagta qaar oo muhiim u ah asaga. Waa hoggaamiyeyaal tayo leh, oo la nool wax-akhris tayo leh!
Waddankeenna, siyaasigu waxa uu subaxiisa ku bilaabaa hadal, waxana uu ku dhammaystaa hadal, in yar ayaa uu wax dhagaystaa, in badan ayaanu hadlaa. Muhiimaddu waxa ay tahay, in uusan wax-akhris jirin, waxa noogu weynina ay hadalka yihiin!
Akhrisku waa nolol. Isbeddel dhici maayo wax-akhris la’aantii, horumarna lama gaarayo. Waayo Eebbe gacaliye ayaa innagu leh, “اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ”. Karaamada iyo deeqsinnimada Alle waxa ay u sugnaatay kuwa in badan wax akhriya, mana aha keli ah kuwa in badan wax fala. Kuwa aan wax akhrini waxa ay nool yihiin nolol qura, waana nolosha asalka ah ee laga siman yahay, adduunyadana lagu ilbilowdo; waa nolosha aan isbeddelin inta aad doonto noolow oo meesha aad deggan tahayba intaad ka guurto dunida cirifkeeda deg’e, mar walba, waqtiga iyo meeshu waa isku mid. Sidaa awgeed, ayaa ay tahay in aanu wax akhrinno, oo wax-akhris uun ma aha’e, aan ku foogganaanno kan tayada iyo istiraatiijiyaddaba leh.

Masha Allah waa Qormo aan marnaba laga caajiseen!! Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan wax badan ka faa’iiday, Qoraaga aad ayaan ugu mahadcelinaa.
Maashaallaah bogaadin baad mudan tihiin bahda Raad-reeb, qoraaga iyo tarjubaankuba.