Rwanda: Dab ilaa Dayax

W/Q: Maxmuud al-Cadam
W/T: Cabdiraxmaan Caqiil

Dambas dagaal ilaa Dayax gacmeed; Casharo laga baran karo Rwanda

___________

Gobolka Harooyinka badan ee bartamaha Afrika waxaa ku yaalla dal yar oo dagaallo iyo gabood-fallo ay hareeyeen, waa dalka lagu magacaabo Ruwaandha (Rwanda). Qalabka jiheeyaha ah waxa uu toos kuu dulgeynayaa qisada guusha dalkaas ee ku dayashada mudan, mucjiso dhaqaale oo soo ifbaxday, naftuna ay xiiso u qabto in looga warramo.

Rwanda oo goob dagaal oo aan waxba la isu la harin ahayd sannado kooban, waxay ku guuleysatay in muddo kooban ay ka kabsato cagaheedana isku taagto, ayada oo cagahana la heshay dhabbihii horumarka ee qayrkeed qaaday. Maalmo kahor waxa uu dalkan ku tallaabsaday in uu hawada sare u diro dayax-gacmeed sidoo kale dugsiyada iyo goobaha muhiimka ah in la gaarsiiyo internet bilaash ah.

DAGAAL LAGU BAABA’AY

Intii u dhaxaysay sannadihii 1993-1995kii, dalka Rwanda waxa uu martigaliyay dagaal ahli ah oo u dhaxeeyay reerka Huutuu la yiraahdo oo ah 80% bulshada dalkaasi, iyo qabaa’ilka Tuutsi oo iyana ahaa inta soo hartay. Billowgii dagaalka waxaa ku adkaaday qolada tirada badan, laakiin nin la yiraahdo Paul Kagame(magac taariikhda gali doona) ayaa sameeyay koox waddani ah oo hoggaamiye kooxeedyada la dirirta, dagaallo dhowr ah oo uu galay kaddib, waxa uu qabsaday caasmiadda Kigali sannadkii 1995kii.

Tirada dadkii dagaalladaas ku geeriyooday waxay gaartay 1 milyan oo kamid ahayd 11 milyan oo waqtigaa dalka ku noolaa, aanooyinkii reeraha ayaa saamayn weyn ku lahaa dagaalka, markii xaalladu yara degtay waxaa xabsiyada loo dhaadhiciyay in ka badan 120,000(boqol iyo labaatan kun) oo qof oo lagu tuhmayay in ay qayb ka ahaayeen dembiyo dagaal iyo xasuuq.

Inyar kadib markii dalka oo idil la wareegeen kooxihii wadaniyiinta ee uu Baawl kagaame kamid ahaa, waxaa madaxweynaha dalka laga dhigay BisiMongo (Pasteur Bizimungo )halka Baawl Kagaame madaxweyne ku xigeen laga dhigay. Waxaa markale isqabsaday rabshado iyo fowdo socotay shantii sanno ee dagaalka xigay, xukuumaddii cusbaydna waa ay u taag heli wayday in ay xal u hesho rabshadahaa socday.

Rwanda, waxay soo martay xilligii ugu hooseysay heerka maciishada dhaqaale, mid bulsho iyo mid siyaasadeedba, Moongo iyo xukuumaddiisa oo xaalku kusii xumaanayay waayadaas ayaa ugu dambayn xilkii baneeyay sanadkii 2000, waxaana talada qabtay Baawl Kagaame.

Kagame: Aabbaha horumarka Rwanda

Markii uu Kagaame qabtay talada dalka, waxa uu Baawl calaamadaystay in uu wax ka qabto labo shay oo kala ahaa: midaynta shacabka, iyo in saboolnimada laga ciribtiro dalka. Waxa uu Baawl dejiyay qorshayaal dhowr ah oo dalka lagu hagaajinayo, waxaana kow ka ahaa qorshayaashaasi, in la sameeyo dib u heshiisiin guud, iyo dhaqangelinta xeer dembi ka dhigaya adeegsiga hadallo khuseeya reer ama qabiil oo ay ugu horreeyaan Tutsi iyo Huutuu.

Xukuumadii Kagaame waxay ku guuleysatay in ay samayso dib u heshiisiin guud oo loo dhanyahay, waxaana dalka dib ugu soo laabtay dadkii dagaallada ka barakacay, waxaa sidoo kale la sameeyay maxkamado maxalli ah oo ka shaqeeya in wixii dulmi lagu kala haysta la kala celiyo, iyo in la tirtiro wixii dulmi ah.

Markii horumar wanaagsan laga gaaray arrimaha bulshada, waxay Xukuumadda tamarteeda isugu geysay horumarinta iyo Kobcinta dhaqaalaaha, khubarada iyo dhaqaalayahannada waxay soo gudbiyeen diraasado iyo qorshayaal isu beddelay Himilo, ” Hiigsiga dhaqaale 2020″ hiigsigaasi waxaa ku jiray 44 yool oo meelo kala duwan lagu horumarinayo.

Yoolashaas intooda badan waxay dhaliyeen aragti la la tacajubay, waxaa sare u kacay dakhliga muwaadinka sannadkii 2015 kii oo gaaray 30 laab inta uu ahaa labaatan sanno kahor.

KHIBRADDA DADKA KALE

Dhaqaalayahanka reer Rwanda Klet niyeksa uma arko arrinkan wax mucjiso ah, waxa uu leeyahay: “Si loo dhiso dowlad guuleysata, uma baahnin in dib loo ikhtiraaco taayer horay loo sameeyay, waxaaba nagu filan tijaabada dadka kale”, iyadoo arrinkaa laga duulayo waxay Xukuumadda dirtay tiro arday ah dowladaha kale, si looga faa’idaysto tibaabadooda.

Mar uu wareysi siiyay warbaahinta Aljasiira waxa uu yiri;”Haddii aad ku guuleysato in aad garoonkaaga ka dhigto meel ka maran laaluush iyo musuq, internet xawaare sarena aad la timaado, soona bandhigto fursado maalgelineed, dhallintaaduna Luuqadda Englishku bartaan, waxaad helaysaa dowlad la taaban karo oo soo jiidata indhaha shirkadaha iyo maalgashato dunida oo dhan ah”.

Waxay xukuumaddu daaha ka rogtay nidaam maalgashi oo lagu magacaabo “Hal daaqad” kaas oo ah in qofka wax maalgashanaya adduunka ay ku qaadato toddobaadyo iyo bilooyin si uu u helo shati maalgashi, balse sheekada halkan way ka duwantahay, qofka wax maalgashanaya waxa uu hawshiisa oo dhan ku dhamaysan karaa hal meel, waxaana suuragal ah in uu shirkad ku sameeyo hal maalin ama dhowr sannadood gudahooda.

DHAQAALAHA UGU KORITAANKA BADAN

Waddanka Rwanda waxa uu noqday dalka ugu koritaanka badan dhinaca dhaqaalaha qaaradda Afrika sannadihii u dambe. Intii u dhaxaysay sannadihii 2000-2015 waxa dhaqaalaha gudaha dalka xaqiijiyay koror gaaraya 9% sannad kasta, waxa uu dalka isu beddelay mid kamid ah meelaha ay isha ku hayaan maalgashatada iyo dalxiisayaasha caalamka.


Waxaa hoos u dhac ku yimid heerka saboolnimo ee dalka 39%-60%, sidoo kale waxaa is dhimay heerka dadka aan wax qori karin wax qoranna akhrin karin 25%-50%, warbixinnada qaar ee laga qoro Afrika waxay tibaaxeen in Rwanda ay xaqiijisay horumar dhaqaale oo la taaban karo sannadkii 2005, waxaa sare u kacay qiimaha dakhliga waxsoosaarka gudaha dalka oo gaaray 8.5 Bilyan oo doolar sannadkii 2016, halka 2.6 Bilyan oo doolar ka ahayd 2005 tii.

Rwanda waxay noqotay goobta ugu horraysa ee loo dalxiiso dalalka bartamaha Afrika, caasmiadda Kigaali ayaana lagu tiriyaa goobaha ugu amniga badan qaaradda, waxay ku jirtaa meelaha ugu mudan xagga nadaafadda iyo bilicda qaaradda, dakhliga dalxiiska kasoo gala dalka waxa uu gaaray 400 milyan oo doolar sannadkii 2016kii.

DAL HAWADA SARE TEGAY

Si looga dhabeeyo qorshayaashii la dejiyay, waxay Rwanda hawada sare u dirtay dayax-gacameedkii ugu horreeyay ee iyadu ay leedahay 27kii bisha febraayo 2019, sidoo kale waxay ka dhabbaysay qorshaheedii horumarinta waxbarashada iyo la dagaallanka jahliga, muddo yar gudaheeda waxay ku guuleysatay in hoos u dhigto heerka jahliga dadkeeda, waxayna safka hore ka gashay dowladaha jahligu ku yaryahay.

Warbaahinta ayaa si weyn u soo xigtay hadalka wasiiradda wasaaradda tignoolajiyadda iyo isgaarsiinta oo tiri: dayaxgacameedku waxa uu kaalin ka geysan doonaa iskuxirka bulshada.
Waxay intaas ku dartay” in aan maalgashanno tignoolajiyadda hawada sare waa shaqadeena koowaad, si meesha looga saaro baagamuundada loona helo fursado shaqo oo isle eg mujtamaca miyi iyo magaalaba u siman.

Tixraac
https://aja.me/a9zcs

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *