Waxaa qoray: Cali M. Diini
Soo Koobid buugga: Geeridii Ivan Ilyich by Leo Tolstoy
……………………………………………………..
Sida qof walba oo qoraallada Leo Tolstoy akhriyay og yahay, geerida ama dhimashadu waxa ay ahayd mas’alo uu Leo Tolstoy wax ka qoristeeda ku qaryamaanay, gaar ahaan buugaagtiisa ee Geeridii Ivan Ilyich (The Death of Ivan Ilyich, 1886), Dhul Intee Le’eg Baa Qofka Deeqa? (How Much Land DoesaManNeed?,1886) iyo Qirashooyin (A Confession, 1882) waxa uu Tolstoy waydiin wayn dul dhigay macnaha ay nolosha adduunyadu leedahay marba haddii lamahurtadu (geeridu) ka dambaynayso oo ay wax walba burburinayso? Iyo xiriirka ka dhexeeyay nolosha iyo geerida.
Tolstoy ma geerida ayuu ka baqi jiray? Waa su’aalaha la is waydiiyo. Waxaa la sheegaa in sababaha mas’alada geeridu ugu badnayd qalinka Tolstoy ay ugu wacnayd geeridii waalidkii iyo walaalkii oo Tolstoy oo yar dhintay, shan ubadkiisa ka mid ahaa oo dhallaanimo ku geeriyooday, Paris oo uu ku soo daawaday dad farabadan oo qudha seef laga ga goynayo, iyo sidii silaca iyo saxiirta ahayd ee ay u le’anayeen askartii ka dagaallamaysay Crimea oo Tolstoy qudhiisu ka soo dagaallamay.
Ka dib dhammaystirkii buugga Anna Karenina (1877), Leo Tolstoy waxa uu dhexmaquurtay mawjado hubanti la’aan iyo iswaayid ah. Waxa uu dhabarka u jeediyay noloshiisi magaca sare iyo maalka badani ku lammaansanaayeen. Waxa kale oo uu ka xarigfurtay aragtidii diineed ee Kirishtaanka (mad’habta oortodhokiska), waxa uu na galay socdaal-ruuxeed dheer oo uu qofnimadiisa iyo nafsaddiisa ku baadigoobayo. Socdaalkaas israadinta-nafeed ah waxa uu ku haltebiyay xusuustebyadiisa (memoir) “A Confession”, kaas oo uu ku xusay in uu gaaray heer uu ku fekeray in uu is dilo.
Si la mid ah “A Confession” xiriirka nolosha iyo geerida ayaa ah maxaddada (platform) ay ka duulayso sheekada buugga “Geeridii Ivan Ilyich” oo ka mid ah buugaagta tusaalaha loo soo qaato marka laga hadlayo habka loo qoro nooca sheekafaneedda loo yaqaanno “NOVELLA” oo ah nooc u dhexeeya sheekada gaaban (short story) iyo sheekada dheer (novel).
Sheekadu waxa ay ku bilaabanaysaa qol gaar ah oo ka mid ah dhismaha maxkamad ay ka socoto dacwad’oogis wayn. Waxaa qolka ku sheekaysanaya rag isugu jira garsoorayaasha iyo dacwad’oogayaasha maxkamadda kuwaas oo ka doodaya kiis wayn oo Mr. Krasovski lagu soo oogay. Peter Ivanovich oo ragga meesha fadhiya ka mid ah ase aan sheekada qayb ka ahayn baa wargeys markaa loo dhiibay isha marinaya dabadeedna inta uu raggii ku soo jeesto ayuu ku oranayaa “Jaallayaal, Ivan Ilyich waa geeriyooday.” Ragga qolka fadhiya dhammaantood waa saaxiibbo ay isku shaqo yihiin Ivan Ilyich oo muddooyinkii dambe la ildarnaa cudur noociisa iyo dawadiisaba dhakhaatiirtu ur u bixinwaayeen.
Warkaa naxdinta leh waxa uu raggii qolka fadhiyay ku dhalinayaa su’aalo badan oo ay ka mid yihiin: yaa lagu beddali doonaa Ivan Ilyich oo booskiisi la gelin doonaa? Yaa se la dallacsiin doonaa? Mid walba oo ragga ka mid ahi waxa uu niyadda ka jeclaanayaa in geerida Ivan Ilyich u furto albaab cusub iyo dallacaad derajo oo mushaar badani wehliyo. Dabadeed waxa ay si cagajiid ah – maadaama guriga Ivan Ilyich ka fog yahay waxa ay dhibsanayaan socdaalka – ku aadayaan gurigii saaxiibkoodi galbaday si ay aaskiisa uga qaybgalaan, laakiin markii ay guriga irridda ka galaan waxa ay la kulmayaan xaaskii saaxiibkood oo ka doonaysa in ay talo ka siiyaan sida ugu wacan ee ay dawladda ugu heli karto lacag ka badan middii hawlgabka (pension) ee ninkeedi dhintay dawladda ku lahaa.
Intaa ka dib waxa ay sheekadu dib kuugu celinaysa carruurnimadii iyo hanaqaadkii Ivan Ilyich, kulliyaddii qanuunka ee uu jaamacadda ka galay, jaamacadda ka dib sidii uu wasaaradda caddaaladda shaqo uga helay asaga oo u sii maray saamaynta aabbihii oo sarkaal sare ahaa uu dawladda ku dhex lahaa darteed. Dabadeedna Ivan Ilyich waxa uu kor u fananayaa jaranjarada derajooyinka wasaaradda caddaaladda ilaa uu gaaro derajada Dacwad’ooge Guud.
Ivan Ilyich waxa uu ku milmayaa dabaqadda dhexe ee Af Faransiiska ku sheekaysata, heer nololeed iyo heer fekerba. Waxa uu guursanayaa Praskovya Fedorovna Golovina oo ay isku dabaqad yihiin. Waxa uu galayaa nolol farxad leh oo uu raalli ku yahay taa oo u dhexaysa shaqo, qoys iyo caways. Waxa uu degayaa guri qasri ah oo uu aad u sii naashnaashay. Laakiin marka ilmihii koowaad u dhashaan baa wax walba isbeddalayaan. Marwo Praskovya waxa ay la soo baxaysaa dabeecad cusub, xanaaq, kakanaan iyo qaylo joogto ah arrintaa oo Ivan Ilyich ku qasbaysa in uu yareeyo joogitaankii guriga waqtiga inta badanna waxa ku bixinayaa shaqada iyo ku cawaynta baararka oo uu saaxiibbadii turubka kula ciyaaro.
Mar kale ayaa wax walbaa haddana isbeddalayaan. Maalin maalmaha ka mid ah Ivan Ilyich oo sidii caadada u ahayd naashnaashaya qasrigiisi, asaga daah ku xiraya qol ka mid ah qolalka qasriga ayaa tallaabadu u sidbanaysaa (simbiririxanayaa) dabadeed madaxa ayaa jug culusi ka gaaraysaa balse asagu jugtaa wax wayn u ma arkayo. Ayaamo yar dabadeed xanuun iyo qandho ayuu dareemayaa dhadhankiisuna waa isbeddalayaa. Marba marka ka dambaysa Ivan xanuunku waa ku soo badanayaa muuqiisuna waa sii doorsoomayaa ilaa uu indho geeriyaad yeesho. Waxa ku kedinaya, si isbadajoog ah, welwel iyo walbahaar, iyo cabsida geerida, laakiin Ivan taa waa uu isdiidsiinayaa oo ismoogaysiinayaa lamahuraanka geerida waxa uu na naftiisa ugu laabqaboojinayaa in geeridu tahay wax aan asaga qabanayn. Yacni waxaa ka dhaadhacsan in dadka noociisa ah ee magaca iyo aqoonta leh ayan u qalmin geerida. “Oo haddii aan dhimanayo noloshuba maxay macne leedahay?” Ayuu naftiisa waydiinayaa asaga oo ay ka daadegi la’dahay in qof jaadkiisa ahi dhiman karo.
Yeelkeed’e, ismoogaysiintiisa waxaa gaashaanka u daruuraya xaqiiqda laabtiiisa taalla waxaa na fool-ka-fool u horimaanaya dhabta ah in waxa hayaahi aysan xanuun keli ah ahayn balse noloshiisu u dhaxayso geeri iyo nolol. Waxa uu ku riyoonayaa asaga oo inta la duuduubay lagu cacaminayo qariirad (kiish/jawaan) aad ciriiri u ah aad na mugdi u ah. Waxa uu wehel u noqonayaa cabsi iyo argagax uu ka qabo geerida iyo qariiradka ciriirga ah ee lagu kakabinayo ilaa silic iyo xanuun dartiis uu jeclaado in mar un uu gudaha u galo qariiradka cabsida badan ilaa ugu dambayn qariiradkii dalaq lagu siiyo, ka dib na uu furdug ka yiraahdo dhanka kale ee qariiradkii mugdiga ahaa oo iftiin ka daaran yahay. Dabadeed waxa uu maqlayaa qof dultaagan oo oranaya “waa uu go’ay.”
“Dhimashadii waa dhammaatay” Ivan baa oranaya. “Mar dambe maya!” Hiinraaggii u dambeeyay baa ka soo kudaya. Waa uu iskala bixiyay dabadeedna galbaday. Sidaa ayaa noloshii qurxoonayd iyo hammigii waynaa ee Ivan Ilyich iyo duni jacaylkiisi ku gunaanadmayaan.
Intii Ivan Ilyich sakaraadayay oo dhan qofka keliya ee damqasho iyo jidhnax u muujiyaa waxa uu ahaa shaqaalihiisi (addoonkiisi) Mr. Gerasim oo intii uu sakaraadayay aan ka duldhaqaaqin.
Tolstoy waxa uu buuggan ku gudbinayaa farriin ah in ismoogaysiinta dadku geerida isku moogaysiiyaan ay dadka u horseeddo dhalanteed ka indhasaaba xaqiiqada qaraar (dhimashada) taa oo dhaxalsiisa marnaan nololeed oo argagax leh. Halka geesta kale aqbalidda geeridu qofka ku hoggaamiso degganaan iyo farxad ilaa godka qarkiisa la socota.
Qormadan sannadkii hore ayaan qoray, imminkana tifaftir iyo ballaarin baan ku sameeyay.
