Luulkii Lumey

Intii uu ku maqnaa Ruushka, waxa ugu weyn ee uu taransadey ayaa ah in uu akhriska bartey. Furihii ugu weynaa ee ka saari lahaa cilmi dhagoodka ayuu gacanta u galiyey Ibraahim oo ahaa wiil Marookaan ah. In kasta oo uu akhriska bartey hadana wuxuu sii jeclaadaa wax akhrinta markii fikrad uu qabey arko rag iyo dumar aan shuqul iyo shaqo isku lahayn oo si kala duwan ama isku mid ah u naqdinaya, u lafa guraya oo u haadinaya. Gabyaagii Ruushka ahaa ee Alexander Pushkin ayuu dhowr goor ku arkey buugaagta lagu barto luuqadda Ruushka, wuxuu la yaabey sida uu cabqariga u ahaa, dabadeed ayuu uga sii gudbayhaldooraddii kale ee Leo Tolstoy, Fyodor Dostoevsky, Vladimir Nabokovz, Anton Chekhov iyo Ivan Bunin suugaantii ay calanka u sideen. Ibraahim wuxuu sidoo kale barey Dalmar luuqadda Carabiga, halkaas oo Dalmar u noqotey dhinac kale oo uu ka galo duniddii ku meerneyd, haddii uu awal yaqaanney Ingiriisiga, waxa hadda u dheer tii Ruushka iyo Carabi oo uu bartey.

Maalin ka dib dabbaaldega ciidda Kirismiska ayuu warqad ka helay boostada, warqad uga timid Moosko oo ay soo dirtey Raxmo. Qoraalka oo af Ruush ku qorna ayey Raxmi ugu sheegtay Dalmar in ay dalkii ku noqoneyso, halkaasna shaqo iyo hawlo ka bilaabeyso maadama ay Lix sano joogtey dalka Ruushka. Dalmar, wuxuu dareemay cidlo iyo qalo uusan waligiis dareemin, magaaladaan sidaa u weyn ee Volgograd wuxuu ka waayey meel qaadda, xittaa jaalkiisii ayuu ku dareemay cidlo. Saddex sano ayaa laga jooga markii ay tartan loo qabtey ardeyda ajnabiga ah ee dalka Ruuska wax ka barata ay Raxma iyo isagu uga qaybgaleen ardeyda Soomaalida ah, guulo la mahdiyey na keeneen. Bayd qaraam ah oo ayuu ku celceshan jirey mar walba oo uu xasuustaas dib u milicsado;
“Cishqugu waa dabeyl duufaan wada oo,
Dibnaha iyo saaran deymada eeey!”. Wuxuu dareensan yahay galabtii uu tareenka kasoo raacay Moosko uu ka ladi waayey wixii kasoo raacay goobti tartarka ee ahaa quruxdii iyo qosolkii Raxmo. Daacadnimaddii iyo xilkasnimaddii ay hawsha loo idmadey ku dhammeeyeen ayuu la ashqaraara kol kale. Fudad baraf ah ilmo la’eg ayaa dhabankiisa kasoo dhacay, dabadeed waxay ku dul tifiq tiri warqaddii! Markaas ayuu dunida caadiga ah kusoo noqdey, duniddii ay ka qafaasheen xasuusaha Raxmo.

Raxmo, dalkii ay ka tagtey isaga oo dawlad iyo dastuur leh, waxay usoo noqotey isaga oo danbas noqdeen rejo walba oo la qabey. Duul qawleysato ah ayaa kala dumiyey daris-wannaagii iyo dadnimaddii. Bahalnimo ayaa qof walba caadeystey, dadkuna siddii si ka daran ayey u kala durkeen. Raxma abtigeed Xasan-Dheere ayaa u sheegay in dalka xaaladdiisa sii xumaaneyso, warkii ku dhex faafey bulshadana ay runnimaddiisa jirto. In ay dalka dib uga noqoto Raxmo, oo ugu yaraan waxbarasho dheeri ahna u doonato Ingiriiska ayuu soo jeediyey, inta xal la helayana reerku sii deganaan doonaan Nayroobi.
Dhowr toddobaad markii ay xaafadda Islii deganayd ayey warqad kale u dirtey Ruushka iyo halkii au ku ogayd Dalmar. Koox ardey ah oo sidooda heshay deeq waxbarasho ayey dhiibtey farriintii…

“Gacaliye Dalmar….

Xaaladdaada iyo noloshaada waxaa iigu danbeysay maalintii aan kasoo duuley Ruushka, sida aan uga walwalsanahay dalkii gubanayey si ka daran ayaan kaaga cabsi qabaa in aad ku quustey waadiga nolosha ee haddii qofka uusan helin garab uu ku hafanayo. Aniga, hooyo Khadro iyo ciyaalkii abti waxa aan ku sugannahay Islii, Nayroobi, waxa aan qorsheynnaynaa in aan halkan sii joogno, inta nalooga dhammeynayo anbaxeenna, markii hore in aniga kaliya aan Ingiriiska waxbarsho u tago ayuu qorshuhu ahaa, laakiin waxaasi waa is badaleen, dalka dib uguma noqoneynoo oo waxaan u dhoofeyna dhammaan qoyskayagu dalka Mareykanka, halkaas ayaan ku danbeyn doonaa. Waxaan u xiisey wax walba oo dhankaaga iga soo jira, wax kasta oo igu kaa soo jiidayana waan sii jeclaanaya……

Gacaliye, warqadda dhinaca kale waxa aan kuugu qorey Iimaylkayga iyo numberkayga, halkaas aynu ku wada xiriirno.

Nooli kulantee….
Gacalisadaadiii Raxmo…”

Farriintaas iyo hadiyadu lagu qurxiyey ayey ugu dhiibtey ardeydii u baxaysay Ruushka. Barqo Isniin ah ayey Dalmar gaartey warqaddii, dareenkii uu maalintii ay Moosko ka tagaysay ku akhriyey mid la mid ah, ama xagga hilowga ka badan ayuu ku akhriyey. Dabadeedna wuxuu warqaddii ku ridey galkii dahabiga ahaa ee ay warqaduhu ugu jireen, wuxuuna ku hubdadey khaanadda.

Noloshii falsafadda ayuu ku dhex libdhey, wuxuu ku war helay isaga oo aan isagii ahayn. Dalmar, in kasta oo uu ahaa magaca uu awowgiis ka dhaxley imika waa Dalmar macnawi ah, wuxuu ka warrami karaa dhacdooyin uusan goor iyo goobjoog u ahayn. Wuxuu ka sheekayn karaa magaalooyin uusan habeen u hoyan, wuxuu sidoo kale u micneyn karaa dhowr nuuc dhacdooyinka hor yimaada. Jaamacaddii ayuu dhammeeyey, habeenkii xafladda qalinjabinta ayuu farriin ugu direy Iimaylkii, ka dib markii uu dhowr mar wacay taleefankii ay ugu soo qortey, laakiin uu ku hungoobey oo uu dansanaa…

“Gacalo,

Raxmooy, jacaylkii aan ka qaaddey weedhahaaga ayaan ku nagaadey mudada intaa le’eg, muddo ruuxdu ku dhiman karto ayaan ku qaatey qolkaygan, waxa i nooleeyey waa weedhahaaga. Dharaartii aad tagaysay, waxaan rajeeyey inaan ahaado gorgor, ama xayawaan kale oo dhakhsi ku iman kara Moosko, mar baan rajeeyey inaan malag suuro aadmi leh noqdo, si aan dhakhso ugu fariisto agtaada. Hilowga qofku u qabo dhulkiisa hooyo, in ka badan ayaan u qabaa hammuun dhankaaga ah. Jaamacaddii waxaan dhameynayaa berri, hoolka waxaan tagaya aniga oo aan qofna ku lahayn dadkaas, qof inta aan u farxayo muggeed farxaya. Qof muusoonaya marka uu maqlo aniga oo magacayga la yeerinayo, marka uu muuqayga arkana alalaas bilaabaya. Qofkaas aan jeclaan lahaa in uu hoolka jaamacadda joogo waa adiga, qofkaas aan anigu kaligiis dadkaas cidda le’eg ka dhex garan lahaa , dabadeed aan ugu heesi lahaa farxad darteed:
“Siddii baxrasaaf ku yaalla bustaan,
ayunbaad hadba ii bidhaantaaye” waa adiga. Jaamacadda marka ay dhammaato waxaan aadeyna fasax gaaban oo aan Mareykanka ku tagayno, bilowga gobalka Taxes ayaan saldhiganeynaa, kadib ayaan meelaha kale tagaynaa.. Waxaan jeclaan lahaa inaan codkaaga maqlo, isaga oo si dabacsan u dhahaya “Hambaliyo gacaliye Dalmar.”

Gacalo, safarka iyo nolosha ka danbeysa ee halganka u baahan Rabbigu ha idinla garab galo, aad na ha idinkaga caawiyo.

Nabad ahoow, nooli kulantee….

Dookhaagii Dalmar.”

Siddii ay dhowr cisho ugu noqonayeen xaruunta UN-ka ayey galabta soo dhammeeyeen, daal iyo itaal darro isku raacdey ayey u seexatey xilli hore, sidaas ayeyna farriintii u arkin xilli hore. Dhambaal ku wacnaa in ay xilligiisa aragto ayuu ahaa, laakiin maqaadiirta ayaa isa-seejisey labadooda. Subaxdii ayey aragtey, waxay isku canaanatey doqonnimaddii ay ku kacdey, doqonnimaddii aysan dooran!

Farriin kale ayey ugu jawaabtey, farriin ay ku cudur daaraneyso qaladkeeda, uguna hambaliyeyneyso guushiisa, xaalkeedana uga ay warramayso, ayuu ku arkey Iimaylka markii uu guriga kusoo noqdey. Siddii farxaddii kaga dhex luntey dunida, dib loogu soo hadiyadeeyey ayuu dareemay. In maalinta Arbacada ay Kenyatta International Airport ka duuleyso diyaaradda sidda Raxmaddii kusoo rejo beeshay halkii riximkeedu yaalley ayey u sheegtay, isla gobalka ay degayaanna uu yahay isla gobalka ay iyaguna degayaan, Taxes ayaan isku arkeynaa gacaliye ayey kusoo af meertay farriinteedii..

Farxad waynaa, mar wuu kacaa, kol kale wuu jilba-jabsadaa oo gacmaha kor u taagaa, mar isaga oo farxad la ilmaynaya ayuu laabta iskaga qabtaa barkinta, mar kale wuxuu si qaylo gacanta ugu garaaca darbiga… Waa la aqblaya ducaddeydiii. Haa Ilaahay waan ogaa in aysan waxba la ahayn la kulankeenna. Oo ma wax ayaa xag Alle ka cuslaada? Maya, waa siduu doono yeele. Waa Rabbiga weyn.
In uu ka horreeyo ayuu ku ducaystey, si dhakhso ah ayaana ducadaas loo aqbaley, oo subaxdii Arbacada waxa uu ku waaberistey Austin, Taxes. Dhowr cisho in uu magaalada meel ku habboon ee uu kula kulmi karo Raxma raadiyo ayuu go’aansadey, isaga iyo widaaygiis Ibraahiim ayaa u baxay magaalada. Maqaaxiyo magaalada ku yaalla ayuu dhowr habeen ku qaatey wakhti. Habeenkii Sabtida ayuu helay farriin, in ay nabad timid ayey u sheegtay khamiistii, intaasna ay kansho wayday ayey u raacisey, waxayna kusoo gunaanadey in habeen dambe ay iskugu yimaadaan maqaaxida Austin’s Habibi, numberka uu kasoo wici karana way usoo raacisey. Dharkii ay usoo dhiibtey markii uu joogay Ruushka ayuu soo qaatey, ubaxyo, cadarro ay ka hesho iyo dhowr buug ayuu isna soo qaadey. Wuxuu qabaa isla fikirkii ay iyaduna qabtey ee ahaa “In jacaylku yahay in qofka buug loo hadiyadeeyo, bogga kowaadna loogu qoro erayado uu jeclaysanayo oo qalbiga guntiisa kasoo go’a. “

Meel dhinac ah ayuu ka fadhiistey, wuxuu soo qabsadey taleefankiisii, wuxuu dib galay xasuusihii iyo halkii xaalku kasoo bilowdey…. Sacadda ayuu eegaa, si turriinsho la’aan ah ayey u ordeysaa…. mar kale ayuu haddana eegaa mise waa tobankii habeennimo, wuxuu eegaa albaabka, cidna kama soo socoto, taleefankii ayuu marba wacaa, Iimaylkii ayuu eegaa, intaa wuu dhacaa taleefanku, cidna ma qabayo… Cidna masoo dirto farriin, cidna ma soo wacdo. Siddii isaga oo u fadhiya goobtii ayaa la gaaray xilligii salaad subax la addimi jirey.. Wuu ka niyad jabay, isaga oo xubnihiisii jinka ka fududaa markii uu imanayey goobtan la moodo qof meyd ah oo naxash saaran culeyskiis ayuu iska soo luudey, waxa uu furey taleefankiisa dabadeed ka shidey Cabdulqaadir Bagaag oo qaadaya heestii axaddii……
“Waa la ii addimay
Axaddii sidaan
Kuu eegayee….

Arageeda taan
Ku il doogsadaay
Ma illowsan tahay
Axdigaad martiyo
Meeshaad i tiri
Waan imaanayaa…

Imisaad farriin
Ergo soo dirtoo
Oontiyo biyaha
Curto aawadey
Uga soomaneyd…..

Eed layga keeniyo
Midna amar Ilaahay
Kuma aad maqnaanine
Adigayska baaqdey….

Haddaad i tiraahdo
Iman maayo
Ma aadeen
Halkaad ogsooneyd….

Indhaha habeenkii
Ku ilaalinaayoo
Dhammideed aduunyada
Afarteeda waaxood
Hadba gees u eegoo…

Anigays la hadloo
Mar waxaan iraahdaa
Ku illaabi maysee
Way imane sii joog;
Mar waxaan i dhaahdaa
Axdigaydun dhigateen
Kolley oofin maysee
Samir Eebbe qaadoo
Ka fogow agteedaan
Uurkeyga galiyaa…..

Arimida jacaylbaa
I hoogamineysoo
Misna kama adkeystee
Kama hoydo aydee
Naftu olol ma deysee

Aamusnow habeenkii
Ugbaadka iyo dooggaa
Tiiraanyo ooyoo
Afar qaadey socodkee….

Ubax baan guroo
Soo ururiyee
Armanoow golihii
Oddii xidhneyd
Ku ilaxidhoo
Ku ag daadiyoo
Weheshada idhe…..

Eedaanka diiggoo
Oogsaday saaladdiyo
Waagoo iftiimaan
Kaligay inaan ahay
Asaraar ka saaroo
Addimada cuskadayoo
Dib usoo arooree….

Bal sidey ahaataba
Laba eeftay caawee

Qof aamaano lumiyoo
Iibsadey xilkeedee
Samo ugama aayee

Aan kala war haynnaan
Ku afgooyee heestee
Maxay adiga kula tahay?…….”

Sidaas ayuu uga tagay, halkaasna ku waayey habeenkii ugu wanaagsanaa noloshiisii……

W/Q: Abdishakur Qodax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *