W/Q: Abdiweli S. Abdulahi
Maxay yihiin caadooyinka ay Bilyaneerada Caalamka ay qireen inay fure u noqdeen guulaha ay xaqiijiyeen?
Qormadaan kooban waxaan kugula wadaagi doonaa siro ay Bilyaneerada Caalamka ay qireen inay yihiin unugyada furaha u ah guulaha ay xaqiijineen. Waxayna qofkasta oo raba inuu xaqiijiyo guul ganacsi kula dardaarmeen inuu caadooyinkaa joogteeyo. Caadooyinkaan waa kuwo ay lagama maarmaan u tahay inuu ku baraarugsanaado qof kasta oo doonaya inuu ganacsiga soo galo ama ku guda jira. Sidoo kale waa kuwo indhaha u furaya qofkasta oo raba inuu maalin iska tuuro reeryada faqriga.
Bil Gates oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu qanisan Koonkaa wuxuu leeyahay “Intii aan ku guda jiray shaqadayda waxaan booqday goobo kala duwan oo aduunkaa, sidoo kale waxaan la kulmay dadyaw kala duwan, wali ma arkin waxa ka wanaagsan akhriska buugta. Sidoo kale isaga oo waraysisiinaya Jariirada “TIME” wuxuu Bil Gates sheegay in cunsurka aas-aaska u ah guulaha uu xaqiijiyay ay tahay in uu maalin walba wax akhriyo wax ka badan hal saac. Wuxuu intaa ku daray “Buug kasta oo aan akhriyo waxaan ka bartaa ayuu leeyahay wax cusub, wuxuuna ii suuragaliyaa inaad shaqadayda sidaan u qaban jiray si kaduwan aan u qabto”
Sida ay daabacday majalada “Pew Research” qofka caadigaa Maraykankankaa sanadkii celcelis ahaan waxa uu akhriyaa Afar Buug, halka dadka guulaha waawayn xaqiijiyay ay sanadkii akhriyaan celcelis ahaan 17 Buug. Balse Bill Gates waxa uu leeyahay caado ka duwan dadka kale ee Maraykanka waxa uuna Sanadkii akhriyaa celcelis ahaan 50 Buug. Waxaana lagu qiyaasay Bill Gates inuu celcelis ahaan isbuucii akhriyo hal Buug.
Bill Gates ma ahan Bilyoneerka kaliya ee wax akhriya balse Bilyaneerada kale sida Elon Musk, Mark Cuban, Mark Suckerberg iyo kuwo kale oo badan waxay leeyihiin caado akhris oo joogtaa.
Elon Musk oo ah mulkiila Lix shirkadood oo waawayn, sodoo kalana 2022 noqday shaqsiyaga ugu hantida badan Aadanaha nool, mar la waydiiyay sida uu ku awooday inuu sameeyo Gantaalada qaada Dayax Gacmeedyada waxa uu ku jawaabay “Way fududahay, Kaliya aan akhriyay” taas waxay natusaysaa in hadii aad shaqo qabanayso aadna rabto inaad guul wayn aad ka xaqiijiso, waa inaad akhrisaa wax walba oo mawduucaa la xiriira.
Akhrisku wuxuu ku siinayaa kumanaan qaab oo aad u qaban karto shaqada aad qabanayso, sidoo kale wax akhrisku wuxuu kuu suuragaliyaa inaad ka feejignaato ama aad yarayso qaladaadka aad galayso, si kalana hadii aan u dhigo marka aad hal abuur cusub isku dayayso waxaad lamid tahay qof gudcur dam ah ku dhex socda, hadaba si aad u hesho iftiin aad uga leexato godadka, dhagaxda iyo boholaha waa inaad wax akhrisaa. Akhriska ayaa iftiin kuu noqon kara.
Maxaa dhiirigaliya Bilyaneerada?
Qaybtaan waxaan kugula wadaagaya waxyaabaha dhiirigaliya Bilyaneerada inay joogteeyaan shaqada ay hayaan, inaysan quusan oo is dhiibin marka ay wajahaan guuldaro. Bilyaneerada shayga ugu wayn ee dhiirigaliya ma ahan lacag sida ay dadka badan u haystaan. Bilyaneerada waxay na leeyihiin lacag ma ahan waxa aan sida adag ugu shaqaynayno ee waxaa jira wax yaabe kale oo nadhiirigaliya nagana dhiga inaan si adag u shaqayno, waxaan kula wadaagi doonaa Sagaal wax yaabood oo ay Bilyaneerada sheegeen inay yihiin waxa dhiirigaliya iyaga.
1) Sidii ay naftooda iyo qoysaskooda uga saari lahaayeen nolosha faqrigaa.
Rafael Badziag oo Majalada “CNBC” ku daabacay maqaal uu uga waramayo maal qabeeno kala duwan oo uu la kulmay waxa uu leeyahay “Waxaan waraysatay tobaneeyo Maalqabeen oo ku nool daafaha Caalamka aniga oo waydiinaya waxa u suuragaliyay inay Bilyaneero noqdaan, balse waxaan ogaaday ayuu leeyahay in shaqsi kasta oo iyaga kamid ah uu leeyahay shay uu dhiirinaan ku dareemo” yacni Bilyaneerada aan arkayno hal shay ma dhiirigaliyo ayuu naleeyahay.
Rafael Badziag waxa uu leeyahay shagay iga yaabiyay ee kadiska igu noqday waxaa weeye marka ay badankood ii sheegeen in waxa dhiirigaliya aysan hayn lacag, kaliyana ay lacagta u arkaan maxsuulka ka dhashay shaqadii adkayd ee ay qabteen.
Tusaale Stete Jobs oo hantidiisu gaarayso 7 Bilyan oo doolar, Marka loo eego sida ay daabacday Majalada “Forbes” Wuxuu leeyahay markii aan jiray da,da 23 sano waxaan haystay $1 Milyan, markii aan 24 sano jirayna waxaan hayatay $10 Milyan, Markii aan 25 sano jirayna waxaan haystay wax ka badan $100 Milyan hadana wax muhiimad ah iima lahayn oo kaliya waxaan u arkaayay inay tahay lacag.
Naveen Jain oo kamid aas-aasayaashii “Moon Express” kuna dhashay baadiyaha dalka Hindiya mar la waydiiyay wixii yaraantiisii dhiirigalin jiray waxa uu ku sheegay ” inay ahayd sidii uu uga bixilahaa noloshii faqriga ahayd ee ay ku jireen isaga iyo qoyskiisii iyo sidii uu nolosha aadanaha ugu soo kordhin lahaa wax waxtar u leh aadanaha”
Jain waxay leedahay waxyaabaha igu dhiirigaliyay inaan kamid noqdo Hantiilayaasha waxay ahayd “Noloshii adkayd ee ay hooyaday la hardamaysay” taas ayaa waxay igu riixday inaan ku biiro waxbarashada si aan qoyskayga uga saaro noloshii adkayd ee ay ku jireen.
Winfrey oo iyadana ka dhalatay qoys faqiir ah waxay leedahay waxyaabaha igu dhiirigaliyay inaan maal qabeen noqdo “Waa xaaladii faqiirnio ee qoyskayga uu ku sugnaa” maanta waa Bilyaneerad haysta hanti lacageed oo gaaraysa 2.5 Bilyan oo doolar. 1998 waxay aas-aastay hay,ad ka shaqaysa caawinta dadka Lixaadka la, Haweenka iyo Caruurta.
Dhamaan shaqsiyaadka aan kor ku soo xusnay waxaa shaqada adag ee ay hayaan ku dhiirigalinayay waxay ahaayeen sidii ay uga biixi lahaayeen xaaladii saboolnimo ee ay la noolaayeen qoysaskooda.
2) Sidii xal loogu heli lahaa caqabada ku horgudban nolosha Aadanaha iyo sidii loo hormarin lahaa nolosha dadka.
Michał Sołowow oo ah aas-aasaha shirkada dhismaha ee “Mitex” mar la waydiiyay waxa dhiirigaliya waxa uu ku sheegay “Inay dhiirigaliyaan caqabada uu maalin walba la kulmo sidii uu xal ugu heli lahaa”
Sidaa si lamid ah waxaa qaba Bill Gates oo mid ka mid ah aas-aasayaasha Shirkada Microsoft wuxuuna ku dooday in waxa dhiirigaliya naftiisa ay yihiin sidii xal loogu heli lahaa qabadaha haysta nolosha aadanaha, isaga oo tusaale u soo qaatay inuu ku dadaalayo sidii xal loogu heli lahaa Cudurada ay ka midka yihiin Malaariyada iyo obesity iyo sidii loo hormarin lahaa nolosha Aadanaha.
Markale waxaan arkaynaa Bill Gates iyo raga la,artidaa in waxa dhiirigaliyaa inay yihiin sida ay wax uun micne leh ugu soo kordhin lahaayeen nolosha Aadanaha.
3)Sidii ay u hormarin lahaayeen waxsoosaarkooda iyo adeegyadooda.
Jeff Bezos oo ah aas-aasaha Shirkada Amazon, sidoo kalana ka mid ah maal qabeenada caalamka kuwa ugu hantida badan wuxuu sheegay inay dhiirigaliyaan sidii u xaqiijin lahaa inuu soo saaro badeeco iyo adeegyo tayo sare leh. Si sidaa lamid ah waxaa qaba Solowow wuxuuna leeyahay “waxaan qaneeco ku dareemaa markaa arko badeecadahayga iyo adeegyadayda oo sara u kac samaynaya”
Waxaan markale arkaynaa raga ay ka midka yihiin Jeff Bezos iyo Solowow inay dhiiranaan ku dareemaan markay arkaan wixii ay waqtiga galiyeen oo hor mar samaynaya.
4) Inay wax cusub daahqaadaan.
Bilyaneerada waxaa dhiirigaliya inay daahrogaan wax cusub iyo inay kororsadaan aqoon cusub.
Manny Stul, Maamulaha shirkada Moose Toys, Wuxuu leeyahay “Aniga ka shaqsi ahaan dhiiranaan ku dareemo joogtaynta hal shay” wuxuu leeyahay waxaan ka helaa inaan marwalba aan isku dayo wax ka gadisan wixii aan horay u samayn jiray. Wuxuu intaa ku sii daray inuu booren (caajis) ku dareemo joogtaynta hal shay, balse u oomanyahay inuu wax cusub isku dayo iyo inuu aqoon sucub korarsado.
Mulkiilaha shirkada SpaceX iyo Tesla, Elon Musk waxa uu leeyahay waxaan u oomanahay inaan wax cusub daahqaado yacni inaan wax cusub isku dayo dabadeedna aan guul ka gaaro.
Waxaan halkaan ka baranaynaa in Bilyaneerada qaar ay ka mid yihiin Elon Musk iyo Manny Stul ay waxa ay u halgamayaan ay tahay inay daah rogaan wax cusub oo nolosha Aadanaha waxtar u leh.
5) inay guul xaqiijiyaan.
Sergey Galitskiy oo ah aas-aasaha Magnit oo ah Supermarket silsiladaa iyo sidoo kalana ka ganacsada Kosmatikiska wuxuu leeyahay wixii iigu waynaa ee iriixayay waxay ahaayeen sidii aan qoyskayga wax uun dhaqaalaa ugu taageeri lahaa balse wax walba waxay isbadaleen markii ragii aan suuqa iskula jirnay aan tartan adag kala kulmay. Wuxuuna leeyahay tartanka suuqa ka jira ayaa wuxuu iga dhigay inaan noqdo qof guul u ooman.
Waxaan arkaynaa raga uu ka midka yahay Sergey Galitskiy inaysan lacag u oomanayn ee ay u oomanyihiin inay loolanada suuqyada ka jira ay ku guulaystaan.
6) hal abuur.
Bilyaneerada waa dad hal abuur leh, waxayna ku mashquulsanyihiin sidii ay waxa maskaxdooda ka guuxaya ay dhab ugu badali lahaayeen. Tony Tan Caktiong oo ah aas-aasaha iyo maamulaha Jollibee Foods Corporation oo ah maqaayado ku yaalo meelo badan oo kamid ah Qaarada Aasiya wuxuu leeyahay waxaa I dhiirigaliya labo shay. 1)In waxa aan waqigayga iyo xoogayga galinaayo ay noqdaan wax wayn oo saamayn leh. 2) inaan ku riyoodo riyo wayn, yacni waxa aan ku haminaayo inay ahaadaan wax wayn oo maalinka aan hirgaliyo ay dadka dhan dareemaan.
Frank Hasenfratz oo ah aas-aasaha shirkada auto parts manufacturer Linamar, waxa uu leeyahay waxaa aniga shaqsi ahaan I dhiirigaliya waa sidii aan u yagleeli lahaa Ganacsi laysku halayn karo. Siga oo sii hadlaaya wuxuu yiri “lacag in igu filan waan haystaa, walina waan sii shaqaynayaa” wuxuu qiray inay lacagtu tahay shay dhiirinaan laga helo, balse wuxuu sheegay in lacagta ay uga muhiimsantahay sidii uu u hirgalin lahaa shay waqti dheer sii jiraaya.
Halkaana waxaan ku arkaynaa in raga ay kamidka yihiin Tony Tan Caktiong iyo Frank Hasenfratz waxa shidaalka u ah ee ay ku socdaan ay tahay sidii ay u hal abuurilahaayeen wax wayn oo Aadanaha wax taraaya. Inay ku riyoodaan riyo wayn, waxaana ka baranaynaa in aad riyadaada xidiga ku xirto.
7) Sidii ay saamayn ugu yeelan lahaayeen bulshada.
N. R. Narayana Murthy oo kamid ah aas-aasaha shirkada Tech giant Infosys oo ah shirkad fadhigeedu yahay dalka hindiya wuxuu leeyahay “Waxaan dhiirinaan ku dareemaa inaan subaxkasta aan 6:00 Am aan xaafiiskayga tago” Murthy waxa u aaminsanyahay in tani tahay wada kaliya ee qofku uu u tuuri karo furka faqriga, wuxuu yiri “Marka aad aroor hore shaqada gasho waxaad awoodaysaa inaad shaqooyin badan qabato, taasna waxay dhalaysaa in dakhligaagu kobco.
Tim Draper oo ah maalgashade caan ah wuxuu leeyhahay “Si aad saamayn u yeelato bulshada dhexdeeda ugu yaraan waxaad u baahantahay 80 sano, ee hadii aad doonayso horay u soco” siga oo ula jeeda in hadii aad u baahantahay in aad bulshada dhexdeeda aad samayn ku yeelato ay ugu yaraan kugu qaadan doonto 80 sano, hadaba hadii ay tahay waxa aad qanaaco ku dareemayso inaad noqoto qof saamayn leh waxayn kaaga baahantahay waqti iyo dulqaad ee dhexda marada ku xiro.
8)Inuu sii jiro ganacsigooda.
Mid kamid ah qodobada ku dhiirigaliya Bilyaneerada inay sii shaqeeyaan waa inuu sii jiro ganacsigooda. Jack Cowin oo ah aas-aasaha fast-food mogul, waxa uu leeyahay “Qofku marka uu ganacsi bilaabo shayga koowaad ee uu is waydiinaayo waa ganacsigaaga ma sii jiri doonaa” waana qodob kale oo ina tusinaya Bilyaneerada hadafkooda ugu wayn uusan ahayn lacag, ee waxa ay u shaqaynayaan habeen iyo maalin ay yihiin inay xaqiijiyaan waxa ay qanaaco ku dareemayaan. Inay ku dhabar adaygayaan sidii uu usii jiri lahaa ganacsigooda.
9) Si ay ugaaraan madaxbanaani.
Bilyaneerada waxay u shaqeeyaan inay noqdaan kuwo madaxbanaan oo cidna aan ku tiirsanayn oo maamulka noloshooda iyagu gacmahooda ku haaya. Frank Stronach oo ah aas-aasaha shirkada Magna International waxa uu aaminsanyahay in qofku hadii uusan dhaqaale ahaan madaxbanaanayn uusan ahayn qof xor ah. Wuxuuna leeyahay waxaan u shaqeeyaa inaan noqdo qof xor ah.
Ugu danbayn: Hadii aad doonayso inaad noqoto qof ganacsiga guul ka gaara waa inuusan hadafkaaga koowaad noqon lacag, sida ay sameeyaan badanka Soomalida qurbaha aada, waxay dalka ka tagaan iyaga oo hadafkooda koowaad ee ay qurbaha u tagayaan ay tahay lacag, marka ay xogaa lacag ah oo nolol maalmeedkooda ku filan helaana ay barkiinta dheeraystaan ama fadhi kudirir waqtigooda fuuqsado. Waana sababta loo la,yahay qof Soomali ah Shirkad wayn oo maanta magac leh qurbaha ka hirgaliya.
Waa inaad aqoonsataa waxa ay naftaadu qaneeco ku daraymayso, taas ayaa ku riixayso kuguna dhiirigalinaysa inaad ganacsigaaga guul ka gaarto oo aadan niyad jabin.
Hadii aad faahfaahin intaa ka dheeri ah rabtana raac link-yadaan.
1)https://incafrica.com/library/carmine-gallo-bill-gates-other-billionaires-say-this-1-habit-is-secret-to-their-sucess
2)https://www.cnbc.com/2019/06/25/author-studies-self-made-billionaires-on-9-things-that-motivate-ultra-rich-to-succeed.html
