W/Q: Ascad Daaha
W/T: Maxamuud Yuusuf
|1|
Ku dhawaad lixdan sano hortood, hooyaday waxa ay karisay “bariis caana leh” oo alla bari ah, waxa ay ii xidhay dirayska iskuulka cusub ee aan aadayo, aabbahay ayaa ii ka xeeyey iskuulka imaamu shaafici oo ku yaalley shaarica “Nahda ” ee noo dhawaa. Inkasta oo aan si fiican u diyaar garoobay haddana cabsi badan baa iga haysay iskuulkan cusub ee aan dhigan doono waayo waa duni aan cid xaafaddayada ahi joogin. Daabuurka aroortii, buuqa caruurta, qaylada mucallimiinta, dayrka wayn ee nagu xeeran, waardiyaha taagan albaabka iyo wax kasta oo igu hareeraysnaa waxa ay igu abuurayeen cabsi. Maalintii koobaad khayr bay ku dhammaatay laakiin waxa aan xasuusnaa in aan barri u soo noqon doono halkan. Dhibmaleh waan kuu sheegay, laakiin waxa aanan kuu sheegin baa ah in cabsida bilawgu aanay ka dhammaandoonin noloshayda.
|2|
Cabsida bilawyadu ma dhammaato kolkasta aan rabno in aad wax cusub samayo waa ina gees ordaysaa. Magaalo aad u guurayso, waddan aad u dhoofayso, shaqo aad bilaabayso, mashruuc aad rabto in aad ka gungaadho ama xitaa guur aad rabto in aad ruux kale noloshaada ku soo darto. Markasta iyo barbilow kasta waxa aynu iska indho tirraa khibradeheenii hore, waynow ama yaroow Waxa aynu malaysanaa -tii oo aynu tallaabadii koowaad ee arrinka taaganahay- in aynu meel baas aadayno ama geeddi sahan xun aynu guurayno. Waxa aan malaynaa in aynu wax cusub oo aynan aqoon waxa uu yahay faraha la gallay. Waxa aynu ka cabsanaa in aan dhexgalno in aynaan kari karin in dadku inagu jeesjeesaan doonaan in aan hadhow canaan nafteena ku haaraamno waxa aynu samaynay daraadeed, dabadeed waxa aynu bilownaa in aan hoos isu waraysano “xoogaa u kaadi hadda habilaabin arrinka”. Dhab ahaan waxani waa wacdi shaydaan. Ukaadsigu waa magaca xarakiga ah ee fikradda dib-u-dhigasha, taas oo keenta ugu danbayn in aad fekraddii iska dayno oo aan qashinka ku darro.
|3|
Xikmad baa tiraahda: waxa waajib ah in aad xisaabtanto inta aadan wax bilaabin. Laakiin xisaabaadku ma dhammaadaan, waxa aan raadinaa bal wax uun innaga khaldan ama kaa khaldami kara in ay jiraan dabadeedna waxa aad galaysaa heer aad uu ku galo shaki iyo walaac.Fariidnimadu waa in aad bilowda shayga dabeedna wixii khaldama aad dib ka saxdo Laakiin sidan waxa sameeya ruux dareensan in aanay jirin tajribo faashilanta. waa in aad ku guulaysato wixii aad doonaysay iyo in aad ka dhaxasho khibrado badan oo aad wax cusub ku bilaabi karto. Muhiimadu waa in aad caynka u jarto cabsida oo aad dabadeed socoto.Haa oo bilawyadu waa adag yihiin. Qorayaasha ayaa arrinkaa si wacan u garan kara. Waxa uu wakhti badan kaga baxaa in ay helaan kalmad ay ku bilowdaan buugga ay qorayaan waxa ay aaminsan yihiin haddii ay arrintani u sahlanaato in uu buugga qoristiisu ay hadadac noqon doonto. Qoraagii maraykanka ahaa ee maaykal shabon ayaa yiri ” kaliya in aan ku guulaystay in aad helay kalmaddii koobaad ee aan ku bilaabay riwaayaddayda hebla ayaa ka dhigtay intii kale ee buugga sidii xiisad yeedhis ah”. Haa kaliya haddii aad ku guulaysato bilaabidda waxa aad u baxaysaa ooga sare oo banaan.
|4|
Waad cabsanaysaa, miyaanay saa ahayn? Xaq baad u leedahay laakiin fashilkan aad ka cabsanayso waxa uu noqon doonaa masiirkaaga haddii aadan ku dhaqaaqin. Haddii aynaan isku tuurin holoca bilaabidda taasi waxa ay ka dhigan tahay in aad ku sugan tahay xaalad hor-iyo -dabadiidnimo ah ama xaalad dib u dhac ah. Dhulku waa uu wareegaa, qudhaadu waad wareegtaa ama horumar baad ku dhaqaaqdaa ama gadaal baad isaga laabantaa laakiin suura gal maaha in aad halkaaga taagnaato. Kuwa xarakada la yimaadda baa guulaysta kuwa halkooda ku dhega waa dib u socod masaladu waa intaa. Waxa la sheegaa in xalka ugu muhiimsan ee aad cabsida kaga gudbi kartaa uu yahay in aad waajahdo qudhiisa, maaha xal fudud haddana maaha mustaxiil waan in aad ku waa jahdaa xoog iyo xeelad.
|5|
Bilowyada, maxaa ka macaan bilowyada! Kolka aad ka guulaysato inta aad meel fadhiisato baad u yeedhin doontaa xasuusahaagii hore waxa aad ku jeesjeesi doontaa cabsiyihii ku soo waajahay ee aad ka adkaatay waxa aad jeclaan in ay soonqocdaan bilawyadii si aad mar kale uga guulaysato caqabadaha, waxa aad sida xoolaha u cananaqsan doontaa wax kasta oo uu lahaa barbilowgu macaankeedii khadhaadhkdedii, guushii, fashilkii, turunturooyinkii iyo guushii ka danbaysay. Haddaba istaag oo karso “bariis caana leh” dabadeedna bilow waxa aad ka ceegataalaynaso.

I need to to thank you for this fantastic read!! I absolutely enjoyed every bit of it. Ive got you bookmarked to check out new stuff you postÖ
مع مجموعة واسعة من التركيبات ، بما في ذلك الأكواع ، المحملات ، الوصلات ، وأكثر من ذلك ، يقدم مصنع إيليت بايب Elite Pipe حلولًا شاملة لأنظمة وتركيبات الأنابيب المختلفة.
The factory’s commitment to innovation is reflected in their continuous research and development efforts to enhance the design and functionality of their HDPE and uPVC fittings. Elitepipe Plastic Factory