W/Q: Maxamed Jaarlees
Sahayda Guusha
Qofka aadanaha ah ee raba in uu wax ku guuleysto waxa uu u baahan yahay sahay ama wax ka saacidaya gaaritaanka yoolkiisa. Ka hadlimayo istaraatiijiyad balse waa qaacido guud oo kala shaxaynaysa sahayda guusha. Sahaydaasi waxaa loo qaybiyaa saddex; maanhag (mindset), xirfado (skillset), iyo qalab (toolset).
Maanhag (mindset) – waa aaminaado togan in aad yeelato oo dhanka guusha kuu jiheynaya. Maskaxdaada waxa aad u sheegto ayaa dhacaya, noloshaadu sida ay hadda tahay waxaa sabab u ah aaminaado maskaxdaada kujira, ama ka maqan. Aaminaadaha taban dib ayay kuu dhigayaan, kuwa toganna horey ayay kuu wadayaan. Aaminaadaha togan ee aad u baahan tahay waxaa kamid ah; is-aaminidda, is-aqbalidda, masuuliyad qaadashada, is-ogaanta, aqbalidda kufkaca, aqbalidda kala duwanaanshaha, in aad gudahaaga dhagaysato, isa-saamixidda, iwm. Way badan yihiin oo maqaal gaar ah bay u baahanaysaa, balse hordhacaas baan uga tagaynaa. Laakiin muhiimaddu waxaa weeye, inta maanhag ee aad u baahan tahay waxay ku xiran tahay yoolkaaga, balse inta badan dadka raba inay guuleystaan way ka siman yihiin kuwo badan, iyaga oo yoolashoodu kala duwan yihiin.
Xirfado (skillset) – xirfaddu waa sida hawl loo fuliyo, hawshaasi ha ahaato mid gacmaha laga qabanayo ama mid af iyo maskax la adeegsanayo. Tusaale ahaan timajariddu waa xirfad, naqshadeyntuna waa xirfad, sidoo kale fagaare ka hadalka iyo sida loo hormariyo waa xirfad, qoraannimadu waa xirfad, borograamintu waa xirfad. iwm. Way jirtaa qofku in uu xirfado gaar ah uu hibo u leeyahay – taas oo ka dhigan wuxuu uga fiicnaan doonaa dadka aan hibada u lahayn, balse waa mawduuc kale.
Khasab ma ahan in aad hibadaada hesho balse haddii aad hesho waxaad heshay qayb kamid ah adigaagii ugu fiicnaa. Haddaba mawduuca marka aan ku soo noqonno, su’aasha ay tahay in aad iswayddiiso waxaa weeye; ma leeyahay xirfadihii looga baahnaa waxa aan doonayo in aan gaaro. Sidoo kale waxaa jira xirfado guud oo si toos ah aan yoolkaaga ula xiriirin, balse noloshaada kale aad isaga baahan tahay si aad qof heer sare ah u noqoto. Haddii aadan lahayn xirfadihii aad doonaysay ama qayb kaa dhimman yihiin, waxaa la joogaa xilligii ay ugu fududayd in aad xirfad barato.
Qalab (toolset) – qalabku waa shay farsamo ahaan kaa caawinaya in aad xirfaddaada hawl ku fuliso. Wuxuu noqon karaa mashiin gacan qabsi ah, ama “tool website” ku caawinaya, iwm. Labo qof oo isku xirfad ah ayaa waxaa isdhaafin kara qalabka saxda ah uguna casrisan ee loo adeegsado xirfaddaas. Tusaale ahaan timajaraha maqaska kaliya haysta oo sakiinta oo kaligeed ah gacanta inta ku soo qabta kuugu qoordiiraya; iyo timajaraha cagafta adeegsanaya, maqaskana ku simaya, sakiintana ku soo laabaya bir daba dheer oo uu salka hayo, shanlada iyo naashnaashka kalana wata, ee qoorta kuugu duubaya soofti, iwm – labadaas timajare isku tayo ma ahan jaritaankoodu.
Tusaale kale, xisaabiyaha qalin iyo warqad isdaba wada; iyo kan sooftiweer xisaabeed adeegsanaya, isku waxsoosaar ma ahan, isku wakhtina shaqada kuma qabanayaan, kan sooftiweerka isticmaalaya ayaa ka dheereynaya kan qalabka duugga ah adeegsanaya. Tusaale kale, borograamarka inta qol isku soo xira oo internet-ka dansada waxa oo dhan isagu soo bilaabaya ilaa dhammaad; iyo kan indha-indhaynaya sida hadda wax loo sameeyo (inspirations), adeegsanaya “frameworks”-kii saxda ahaa, “libraries”-kii saxda ahaa, ee inta “code”-kiisa isku darsada awoodda saaraya ka shaqaysiintiisa iyo tijaabintiisa – labadaas borograamar isku wakhti shaqadu ku qaadan mayso isku tayana noqon mayaan. Wad uun. Muhiimaddu waxaa weeye qalabkii saxda ahaa ee ugu casrisanaa ma u adeegsanaysaa xirfaddaada. Taas macnaheedu ma ahan xirfadda marka kuugu horreysa ee aad baranayso qalabka ugu fudud ku bilow, saas ma ahan. Adiga waxaa kuu fiican in aad dhanka adag ka soo bilawdo, balse marka aadan xirfadda baranayn ee aad ku shaqaynayso, sida ugu fudud iyo qalabka ugu fudud adeegso.
Gebogebadii haddii aan isku soo xoorinno, sahayda koowaad waa aaminaadaha togan ee maskaxdaada ku jira. Tan labaad waa xirfadihii saxda ahaa ma leedahay si aad yool hebel u gaarto. Tan u danbaysa waa qalabkii saxda ahaa ee ugu casrisanaa ma adeegsanaysaa. Qaacidadaan waxaa lagu jaangoyn karaa hadaf kasta oo aad nolosha ka rabto, iyo xirfad kasta oo aad adeegsanayso.
Haddaba akhriste maxaa dib kuu dhigaya baad isleedahay? Ma dhanka maanhagga ayaad ka liidaysaa? Mise xirfadihii saxda ahaa baadan ku hubaysnayn? Mise qalabkii saxda ahaa baadan kilkisha ku wadan?

mahadi hakaa gaadho ustaad Jaarlees