Beryo tegay xasuustood: Maalmo aan la soo nooleen farxaddooda iyo murugadooda

Waxaa qoray: Cabdiraxmaan Guure
Waxaa turjumay: Guryasame
Cabdi Maxamed

Beryo tegay xasuustood: Maalmo aan la soo nooleen farxaddooda iyo murugadooda.

______

Diidnaa ama yeelnaaba, xilligii Xukunkii Afgembiga ama Tawradii Barakaysneed– siduu u bixiyay weriyihii madaxtooyada ee caanka ahaa Cabdi Xaaji Goobdoon – wuxuu ahaa xilli ka tilmaaman taariikhda Soomaalida, oo aan u soo joognay wax badan oo xun iyo wax badan oo wanaagsan.

Waxaan u soo joognay Jaalle Siyaad iyo Golihii Sare oo talada dalka kula wareegay afgembi aan dhiig ku daadan. Waxaan marqaanti ka soo ahayn raggii Octoobar iyo go’aamadii ay qaadan jireen ee saameynta weyn ku lahaa noloshii siyaasadeed, dhaqaale iyo tii bulsho ee dalka.

Waxaan u soo joognay markii dalka looga dhawaaqay nidaamkii Hantiwadaagga Cilmiyaysan iyo qarameyntii bangiyadii iyo shirkadihii dalka.

Weli waxaa xasuustayada ka go’in safafkii dhaadheeraa ee loo geli jiray marka suuqa laga soo adeeganayo ayadoo la isticmaalayo kaar.Kacaanka ayaa waagaa xaddidi jiray inta uu qoys kasta quudan karo, isagoo hadba ku jaangoynaya tirada ay ka kooban yihiin ciddu. Balaayo se waxay qabsan jirtay qofkii isku daya in uu suuqa madoow wax ka soo iibsado kaar la’aan!

Waxaan u soo joognay, go’aamadii Tawrada, gaar ahaan xeerarkii quseeyay arimaha qoyska iyo sinnaanta ragga iyo dumarka, iyo dhibaatadii ka dhalatay sida: xiritaankii qaar kamid ah culamaa’uddiinkii ka hor yimid xeerarkaas, taasoo ugu dambeyn sababtay in wadaadaas dil toogasho ah lagu xukumo.

Waxaan u soo joognay qoritaankii farta Soomaaliga iyo iyadoo loo aqoonsaday luuqadda rasmiga ah ee lagu qoro diiwaanada xukumadda iyo manaahijta waxbarashada.

Sidoo kale waxaan joognay aasaaskii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaaanka Soomaaliyeed oo ay taladiisa hayeen Guddiga Siyaasadda ee Xisbiga oo ka koobnaa shan xubnood oo arimaha dalka maamula.

Waxaan sidoo kale soo joognay dagaalkii 1977 ee xoraynta Soomaali Galbeed, iskuulladii, guddiyadii Kacaanka iyo xaafadihii Muqdisho, waxaan ka wada qaadaynay heeso wadani ah oo nala qaybsiiyay, laakin nasiibdarro waxba ma tarin heesihii, xamaasaddii iyo qar-iskaxoornimadii hoggaamiyihii Kacaanka ee Jaalle Siyaad.

Dhab ahaantii ciidamada Soomaaliya dagaalkii waa lagu jebiyay oo hubkoodii ayay kaga firxadeen furiimihii dagaalka, intaa kadibna waa la maxkamadeeyay saraakiil iyo saraakiil ku xigeenno xul ah ayadoo tobaneeyo kamid ah loo daldalay sababa aanan ilaa iyo hadda la garaneyn.

Waxaan goobjoog u soo ahayn iskudaygii afgembigii dhicisoobay ee Abriil 1978, iyo dilkii lagu fuliyay raggii hoggoominayay inqilaabka, halka qaar kale na u baxsadeen Itoobiya halkaas oo ay ka soo aasaaseen jabhaddii ugu horreysay ee ka hor timaadda Jaalle Siyaad.

Waxaa na soo jiidan jiray riwaayaddii raadiyaha iyo heesihii iyo barnaamijyadii ka bixi jiray Raadiyoow Muqdisho.
Waxaan dhageysan jirnay hobolladii caanka ahaa waqtigaas oo ay foolaadka u ahaayeen: Maxamed Sulaymaan, Maxamed Axmed Kuluc, labadii Mooge, Xaliima-Magool, Sahro Axmed iyo Shankaroon.

Waxaan daawannay riwaayadihii ay kooxdii Waaberi ku soo bandhigi jirtay masraxii Tiyaatarka Qaranka, waxaana kamid ahaa riwaayadihii ugu magaca dheeraa: Waraf iyo Shimbiro oo uu lahaa Cismaan Aadan Askari, Hablayahow hadmaa guursan doontaan, oo uu sameeyay Maxamuud Tukaale Cismaan iyo seddexlaydii Abwaan Singub ee Xuud baa liqay Jaceylkii. Qabrigii jaceylka iyo Xuskii jaceylka.

Sidoo kale waxaan dhegeysan jirnay tebintii iyo falanqeyntii wararka oo aan ku dhageysan jirnay codadkii weriyayaashii ugu caansanaa berigaas, sida: Axmed Xasan Cawke, Maxamed Dalmar , Maxamed Cumar Haydara, Ducaale, Yoonis Cali Nuur, Maxamed Bulbul, Maxamed Carab Falax Falax, Cabdiqaadir Mursal, Maxamed Teera, Luul Xasan (Luula) iyo Sacdiya Salaad.

Waxaan ku soo raaxaysannay dhegeysiga tilaawaadkii Quraanka ee maalmaha Ramadaanka, qasiidooyinkii iyo nebi ammaannadii rasuulka (NNKH).
Culumadii dadka wacdin jirtay ee caanka ahaa waxaa kamid ahaa: Shiikh Aadan Cabdullaahi Cali Mufasirkii Quraanka, Shiikh Aadan Cali Xasan, Shiikh Maxamed Kulmiye iyo Shiikh Daahir Xaaji Maxamed.

Waxaan akhrisan jirnay sheekooyinkii caan baxay sida: Ayaandaran oo uu qoray Cabdullaahi X. Hantiwadaag. Maanafaay oo uu lahaa Maxamed Daahir Afrax. Adeegto oo uu lahaa Maxamed Xaaji Cismaan. Halganka Nolosha oo uu qoray Shire Jaamac. Diiwaanka gabayada Timacadde ee Boobe Ducaale iyo Diiwaanka gabayada Sayid Maxamed ee Shiikh Jaamac Cumar Ciise.

Waxaan daalacan jirnay wargeyskii Xidigta Octoobar oo ahaa wargeyska keliya ee maalinle ah ee waqtigaas soo bixi jjray. Sawirka Jaalle Siyaad iyo hadalladiisii jiheynta dadweynaha ayaa marwalba boggga hore ku daabacnaan jiray. Sidoo kale bogga u dambeeyana waxaa lagu daabici jiray kaartoonada Amiin Caamir iyo sawir-gacameed lagu weynaynayo Kacaanka iyo wax-qabadkiisa, oo aan la mid ahayn kuwa uu walalkeen Amiin, hadda ku baahiyo bartiisa bulshada.

Aan u leexanno dhanka shineemada, oo aan is leeyahay waxaa ugu caansanaa shineemo Xamar, Shantaraale, Banaadir, Super, Afrika, Ceelgaab iyo shineema Nasri. Waxaan daawan jirnay filimaanta cowboy-ga iyo booliisiga, sidooo kale maadaama ay jirtay hay’addii faabreebka, mamnuuc ayay ahayd in la soo bandhigo muuqaallo anshaxa ka baxsan oo laga xishoodo. Luuqadda filimadu ku baxayeen darteed waxaan u moodi jirnay in jilaayaashu Talyaani yihiin, laakin dib ayaan ka ogaannay in filimada Talyaani loo turjumay.

Hiwaayaddeenu waxay ahayd in aan ku ciyaarno waddooyinka iyo luuqyada gaar ahaan habeennada cadada.
Cayaarta Dhuumashowga ayaa ahayd mid ay caan ku ahaayeen ciyaal Xamarku, waxaan dheeli jirnay Taraqa oo beryahaa caan ahaa.

Waxaan sidoo kale dheeli jirnay Imbili oo ahayd cayaar lagu dheelo furka dhalada Kookada ama Faantada, mana aynaan aqoon waagaas playstation iyo noocyada kale ee video games-ka, sidoo kale ma aynaan aqoon Facebook, What’sApp iyo mobile, xataa Telefoonka guryaha la dhigto dadku ma ay wada haysan, keliya waxaa laga heli jiray xafiisyada dowladda iyo guryaha qoysaska ladan.

Xeebta Liido ayaan dhuumasho ku tegi jirnay maxaayeelay waalidiintu ilmahooda u ma ay oggolayn in ay badda aadaan, cabsi ay ka qabeen Libaaxbadeedka darteed, laakiin siddeetameeyadii ayaa silig lagu xiray xeebta labaad laga soo bilaabo Dekeddii hore ilaa Kawaan Bari si looga hor tago in Libaaxbadeedku uu waxyeello gaarsiiyo dadka jacel dabaasha.

Dhanka kale maadaama aynaan heli karin kaararka lagu galo garoonka Koonis oo markii dambe loo bixiyay Banaadir Istaadiyoom, waxaan sugi jirnay inta ay ka dhammaanayso kaambiyada hore ee cayaartu, markaas oo ay yaraan jirtay ilaaladu, xarfaantana loo fasaxi jiray in ay garoonka gudaha u galaan si ay u daawadaan kulumadii Horyaalka koowaad ee dalka iyo koobkii Janaraal Daa’uud.

Kooxihii xilligaas ugu tunka weynaa waxaa kamid ahaa: Horseed (Ciidamada xoogga) , Jeenyo (Wasaaradda Shaqaalaha), Weged (Gaadiidka), Madbacadda (Warfaafinta) iyo kooxdii Minishiibiyo ee (Dowladda Hoose).

Run ahaantii waxaan ahayn jiil nolol aan shiddo lahayn, waa dhab duruufo jiray darteed in aysan noqon sidaan ku riyoonaynay. Dhanka gawaarida waxaan raaci jirnay Siteey, Ootobas, taksiyadii jaallaha ama casaanka ahaa, billoowgii sideetamaadkiina waxaa soo baxay Toyoota Xaajiyo Khamsiin iyo basaskii yaryaraa ee Caasiga.

Hayeeshee Gaaridameerku wuxuu ahaa gadiidka ugu caansan ee alaabaha lagu rarto. Ka sheekee dhib ma laha Dameerkii afar tanaglaha ahaa ee biyaha dhaamin jiray intii aanay fuustadu imaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *