SAAMAYNTA DEEGAANKA IYO SAMAYSANKA CAQLIGA
Marka laga soo tago hiddesidaha noolaha ku samyasan ee is-badbaadinta (survival gene) kaas oo uunka siiya garasho ku kooban sida noloshooda u sii jiri lahayd iyo fahan ku aaddan hababka ugu fudud oo ay duruufaha adag kaga samatabbixi lahaayeen, ma jiro wax “caqli” la yirhaado oo meel maran ku dhagan ama ruuxu uu ku dhasho.
Caqliga aadanaha waa wax ka unkama deegaanka uu qofku ku barbaaray oo ay guriga, dugsiga iyo saaxiibbadu ugu horreeyaan. Intaas waxaa dheer oo ugu muhiimsan dhacdooyinka uu sida maalinlaha ah ula kulmo ama aan dhahnaba xogta uu deegaankiisa guud ka helo. Xogta aad qaadanayso ama aad maankaaga ku shubayso ee kuu soo marta kudareemayaasha (senses) ayaa ah tan jaangoysa ama qaabaysa hab fekerkaaga, maya e waaba tan samaysa caqligaaga.
Deegaanka kaliya ma ahan meesha uu qofka ku nool yahay, ee waa wax walba ee uu qofka isku hareereeyo ama ku hareeraysan. Xogta ay maskaxdu kaydiso ee caqliga wax kala basaraynta, qorshaynta, isbarbardhigga, kala shaandhaynta, sababaynta, go’aan qaadashada iwm uu ka abuurmana waa mid uun ka timaada deengaanka gaarka ah ee qofka una soo marta kudareemayaashiisa sida; sida aragga, maqalka, urta, taabashada iyo dhadhanka. Caqli kasta deegaankiisa iyo duruuftiisa ayaa sameeya oo saamayn ku leh, sidaa darteed ma jiro qof meel eber ah ka fekeri kara xitaa haddii uu qofka sidaa u maleeyo waa wax miyirka qarsoon ka soo fufaya.
Marnaba meel maran feker kama abuuri kartid, tusaale ahaan qofka ku nool deegaan caqiiddo gaar ah laga rumaysan yahay haddana intii uu noolaa maqlayay ama arkayay kaliya xogta sheegaysa saxnaanshaha caqiiddadiisa, sinaba suurgal uma aha in uu inta iskiis u fekero mid kale doorto ama qalad uu u arko caqiiddadaa, sababta oo ah wax kasta oo maanka ruuxa ku soo dhaca waa wax uu markaa arakayo ama miyirkiisa qarsoon ku kaydsan.
Qofka waxa uu wax ku qiimeeyo waxna ku kala saaro waa waxii soo maray intii uu noolaa ama uu soo arkay, maqlay ama looga sheekeeyay.
Qofna si xor ah uma fekero, qofkasta caqligiisa waxaa sameeya dhaqanka iyo bulshada uu ku soo dhex barbaaray, ma jiro qof ka fekeri kara wax uusan horay u arag ama uusan maqal, qofkasta waxa uu ka fekerayo ama maankiisa ku soo dhacaya waa wax uu aragti hore ka haysto taas ayuuna ku saleeyaa fekerkan dambe isaga oo u akraya in uu yahay mid cusub. Sidaas darteed qofna wax loo ma sheegi karo isaga oo aan tusaale la siin, tusaalaha waa waxa qofka uu yaqaanay oo loo barbardhigaya waxan cusub si uu fahan uga qaato.
Qof boqolkiiba boqol si xor u ah u fekeri kara ma jiro, qofka isaga oo caqli sheeganaya ayaad arkaysaa isaga oo soo gudbinaya wax aan adiga caqli gal ku la ahayn, isaga ma qaldana waayo? Caqligiisa ayaa intaa u soo saaray, adna sidoo kale oo caqligaaga ayaa intaa kuu soo saaray. Sidiisaba caqliga waa wax samaysmay qofka inta uu noolaa, waa dhacdooyinkii noloshiisa soo maray, waayo aragnimadiisa gaarka ah iwm.
Fekerka xor ah waa la heli karaa balse ma ahan mid dhammaystiran, oo waxaa lagu kala badan yahay saamiga qofka uu si xor u fekeri karo, taasna waxa ay ku xiran tahay in qofka uu arko wax ka duwan waxii uu ku soo dhex barbaaray.
Qofka in uu si xor u fekero waxa ay ku dhacdaa in uu arko wax cusub oo aan ahayn waxii uu yaqaanay, tanna waxa ay ku dhacdaa in qofka uu tago deegaan cusub oo aragtiyahiisa kuwa aan ahayn ay ka jiraan ama uu akhriyo aragtiyo aan ahayn kuwiisa, qofka markasta uu wax cusub la kulmo waxaa sii kordha saamiga uu si xor ah uga fekeri karo, isbarbadhigna ugu samayn karo, balse ma jirayso in uu si buuxda xor u noqdo.
Qofka waa uu kala dooran karaa xogta uu rabo in ay maskaxdiisa kaydiso isaga oo ku dadaalaya in uu deegaan wanagasan isku hareereeyo, inkasta oo ay jirto saamaynta aan la dhayalsan karin ee deegaanka rasmiga ah ee uu qofka ku nool yahay, haddana kiisa gaarka waa uu hagaajisan karaa isaga xulanaya waxa uu maankiisa u gudbinayo, sida waxa uu dhagaysanayo, waxa uu akhrinayo, muuqaalada uu daawanayo, dadka uu la saaxiibayo iwm.
Dhacda kasta oo uu qofka la kulmay intii uu noolaa waa mid miyirka qarsoon ku kaydsan kaliya waxaa la soo bandhigaa marka mid iyada la xiriirta uu qofka kulmo, banaase lamaba soo bandhigo, balse falalkaada ayay maamushaa, tusaale ahaan wax walba oo aad neceb tahay xog xumihiisa muujinaysa ayaa miyirkaaga ku kaydsan, wax kasta oo aad jeceshahayna xog samihiisa muujinaysa ayaa miyirkaaga ku kaydsan, xogtaa maalin uun ayaa la kaydiyay ogow mise ha ogaan, sow ma arag qof ku leh “Hebel waan iska necbahay: haddii aad “sabab” tiraahdana inta uu jeesjeesto ku dhahaya “War ma garanayo, malaha jinnikaygaa iska neceb”? Jinnikyagaa iska neceb wax la yiraahdo ma jiraan, ee waa xog xumaha qofkaa muujinaysa mid qaldan ama saxqn tii ay ahaataba oo miyrikiisa qarsoon ku kaydsan.
Sida culimada KASMO-NAFEEDDU ay qabaan 95% nolosha qofka waxaa maamula xogta ku kaydsan miyirka qarsoon. Si kasta oo aad isugu haysato in aad si xor ah u fekerayso waxaa xaqiiq ah in fekerkaaga uu ku dabran yahay deegaanka kugu xeeran. Si aad caqligaaga u kobciso, qaabka aad u fekerayso u xulato, go’aan qaadashadaadana aad u wanaajiso waxaa qasab kugu ah in marka hore aad ka taxaddarto xogta aad maankaaga u gudbinayso.
Si aad xog waxgal ah maanakaga ugu gudbiso waxaa lamahuraan ah in deegaankaaga hagaajiso, si deegaankaaga u hagaajisana waa in aad xulataa waxa aad akhrinayso, waxa aad dhagaysanayo iwm, waa in aad xulataa saaxiibo wanaagsan waa tii ay ay soomaalidu lahayd “Qofka aad sirtiisa bixin wayso saaxiibkiisaa la eegaa”, sidaas oo kale waa in aad si feejigan u xulataa deriskaaga hoyga, shaqada iwm illeen derkiskaaga kuma caddeeyo kumana madoobeeyo siduu yahay uun buu kaa dhigaa e.
Isku soo xoori, caqliga iyo hab fekerkaaga waxaa sameeya xogta miyirkaaga qarsoon ku kaydsan, xogtana deegaankaaga ayay timaaddaa, deegaankaagana waa mid aad samaysan karto iyo mid aad ku qasban tahay, haddii aad hagaajisato deenkaaga gaarka ah, saamaynta kan guudna aad iska yarayso, xogta aad kaydsanayso mid wax ku ool ayay noqon doontaa, sidaa darteed waxaa kobcaya caqligaaga, waxaana kordhaya suurogalnimada aad si xor ah ugu fekeri karto, go’aanno suubban oo noloshaada wax tarana aad ku qaadan karto.
Tixraacyo
1. McLeod, S. A. (2015). Unconscious mind. Simply Psychology.
2. Freud, S. (1915). The Unconscious (Standard Edition, vol. 14, pp. 159-190). London: Hogarth.
3. Zheng Y, Rijsdijk F, Arden R. Differential environmental influences on the development of cognitive abilities during childhood. Intelligence. 2018;66:72-78. doi:10.1016/j.intell.2017.11.005
W/Q:Cabdifitaax Ashraf
