Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed: Casriyaynta iyo Waafajinta Shareecada Islaamka

ARAAR

Caddaaladdu waa qiyamka ugu sarreeya ee bulsho kasta ku tiirsan tahay jiritaankeeda.

Sharciga waa nidaam lagu hirgeliyo caddaaladda, balse wuxuu waxtar leeyahay oo keliya haddii uu la jaanqaado qiyamka, dhaqanka, iyo xaaladda bulshada. Soomaaliya waxa ay ku dhaqantaa Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, Xeer Lambar 5, oo barlamaanka ansixiyay 16kii Diseember 1962, kaas oo in ka badan nus qarni laga soo qaatay nidaamka gumeeysigii Talyaaniga (Italian Penal Code).

Sharcigan duugoobay waxaa jira dhaliilo badan uu leeyahay, maadaama uu la jaanqaadi jiray duruufo iyo bulsho ka duwan midda maanta jirta, isla markaana uu ka hor imanaaya qodobada qaar qiyamka shareecada Islaamka. Taaso sinaba suurogal ku ahayn inuu la jaanqaado bulshadda soomaaliyeed.

Maqaalkan kooban waxaan ku falanqeeyay ceebaha uu xeerkan leeyahay, isbarbardhig xeerar caalami ah, iyo baahida weyn ee loo qabo dib-u-habeynta sharcigan.

Dhibaatooyinka Xeerarka Duugoobay

  • Duugowga waqtiga

Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed waxaa la ansixiyay 1962-dii, iyadoo la waafajiyay xiligaas xaalado bulsho iyo kuwa siyaasadeed oo xilligaas ka jiray dalkeenna oo ugu horeeyo nidaamkii kaligii taliska militaryga.

Maanta waxa soo baxay dambiyo cusub sida dambiyada tignoolajiyada (cybercrimes), argagixisada, dambiyada deegaanka iyo xeelado musuqmaasuq nidaamsan.

Sharcigan ma ugu hadlaayo si cad oo ku saabsan dambiyadaas, taasoo keentay in garsoorka Soomaaliya marar badan ku adkaata inay go’aan ka gaaran dambiyadda qaar ee dhaca ileeyn garsoorka waxa kaliya uu fuliyo waa xeerarka dalka u degasan oo golaha sharci dejinta ansixiyaan ( Barlamaanka ).

  • Qaab ciqaabeed adag

Xeerka wuxuu ku dhisan yahay ciqaab u kala saaran xabsi iyo ganaax oo kaliya.

Caalamka casriga ah, waxaa bulshada lagu ciqaaba hab dib-u-habeyn dambiile (dhaqan celin) iyo mid lagu badalaayo gabi ahaanba qofka sida hadda laga arki karo wadamada qaar waxay maxaabista intabadan ku xukuman dhowr sanadood waxaana waqtigaas dheer usoo gaabin kara maxbuuska inuu aqriyo buuggag badan iyo in uusan wax dhibaato ama buuq kale ka geeysanin xabsiyadda ay ku xiran yihiin oo ku sifoobo anshax wanaag, waxaa sidoo kale jirta in loo diro maxbuuska shaqooyin dan guud.

Waxaa jirta oraah ku qoran buugga Concept of law ee uu qoray  H.L.A. Hart, “sharcigu waa in uu noqdaa hab lagu hago bulshada, ee uusan noqon keliya aalad lagu ciqaabo”.

  • Ka hor imaatinka shareecada Islaamka

Qodobo badan oo waxaa jira si cad ugu hor imaanaya qiyamka shareecadda islaamka sida kuwa ka hadla sinada, kufsiga, dhileysiga iyo qamriga toos si toos uga hor imanaya shareecada Islaamka:

  • Sinada (zina): Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu caadi ka dhigay sinada oo haddii labada dhinac raalli isaga yihiin oo aysan jirin cid dhibane  ah falkaasi inaysan muteysanin wax ciqaab ama danbi ah ee Qodobka. 426 XCS, halka shareecadu si cad u mamnuucday oo ciqaab adagne uu muteesanaya cida ku kacda fallkaas sida ku cad (Qur’aanka, Suurat An-Noor: 2).
  • Dhilaysiga: Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu ka dhigay ciqaabtiisa ugu sareeysa 2 sano taaso ka hor imaanaya shareecadda islaamka, halka qofka guursaday ciqaabtiisa la kordhin karo Qodobka.405 XCS.
  • Kufsiga: Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed ciqaabtiisu waa mid aan u qalmin dhibaatada la gaarsiiyay dhibbanaha falkaas loo geestay 398 XCS, halka shareecadu u aragto fal culus oo ku saabsan ilaalinta nafta iyo karaamada, oo ay gaarsiinaysa mararka qaar ciqaabtiisa dil.
  • Galmadda dadka isku jinsiga ah: Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu ku sifeeyay galmada dadka isku jinsiga ah fal denbiyeed, laakiin ciqaabta wuxuu ka dhigay ‘qofkii lagu helo galmo noocaas ah lagu xukumi karo xarig muddo kooban 3 sano ama ka yar.’ Qodobka 409 XCS. Dhanka kale, Shareecada Islaamka si cad ayay u mamnuucday galmada dadka isku jinsiga ah, iyadoo loo arko dambi aad u weyn oo ka mid ah kuwa ugu foosha xun ee la diiday. (Suurat Al-Cumara, 165–166).
  • Qamriga: Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu mamnuucayaa keliya cabitaanka qamriga goob fagaare ah Qodobka 413 XCS, halka ay caadi tahay qofka haddii uu ku cabo goobo gaar ah aysan ka dhalanaynin ciqaab, laakiin shareecada Islaamka gabi ahaanba waa xaaraam sida ku cad (Qur’aanka, Suurat Al-Maa’ida: 90).

Bulshada Soomaaliyeed oo ah Bulsho 100% muslim ah, hadane u nugul in afkaar qaldan laga dhaadhiciyo oo ugu horeeya afkaarta xaqjirnimada, taaso lid ku ah dawladnimada waxaa loogu faa’ideysan karaa bulshadda in la tuso in dowladda aysan ahayn kuwa muslim ah, maadama xeerar gaalo laga soo miinguuriyay ku dhaqaan dalka.

Si arimahaasi aysan u dhicin oo laga hortago, waxaa haboon in bulshadeena lagu xukumo sharciyo waafaqsan qiyamka diinteenna suuban.

Sida uu sheegay Cumar bin Khaddaab (RC): “Quruun kasta waxaa sharaf u ah shareecada Ilaahay haddii ay ku dhaqmaan.”

  • Kala fogaanshaha bulshada iyo sharciga

Sharcigan ciqaabta ee asal ahaan laga soo min-guuriyay Talyaaniga, wuxuu noqday mid aan ku habboonayn bulshada Soomaaliyeed. Sababta oo ah, xeerkan ma tixgelinayo dhaqanka, diinta, iyo hab nololeedka bulshada. Taasi waxay keentay in dad badan kalsooni ku qabin maxkamadaha rasmiga ah oo lagu xukumo sharcigan, sidaas darteedna ay u jeestaan nidaamyo kale oo ay ku helaan garsoor.

Nidaamyadaas kale waxaa ka mid ah Xeer dhaqameedka beelaha, oo weli si xoog leh uga shaqeeya Soomaaliya, iyo Maxkamado aan rasmi ahayn oo mararka qaar bulshada dhexdeeda lagu dhiso si ay dadka u kala garnaqdaan. Taa oo keeni kara in kala fogaansho weyn ka dhex abuurma bulshada iyo sharuucda dowladdu isticmaasho, midaas oo hadhow dhaawacaysa kalsoonida shacabka ay ku qabaan ee nidaamka caddaaladda.

Isbarbardhig: Soomaaliya iyo Caalamka

  • Caalamka: Dalalka casriga ah waxay shuruucdooda si joogto ah ugu cusbooneysiiyaan si ay ula jaanqaadaan isbeddelka bulshada iyo tignoolajiyada. Waxaa si gaar ah loo tixgeliyaa arrimaha khuseeya anshaxa, akhlaaqda, iyo badbaadada bulshada.
  • Sacuudi Carabiya: Khamriga Gabi ahaanba waa mamnuuc, qofka lagu qabto cabitaanka ama iibinta khamriga wuxuu wajahaa ciqaab adag, oo ay ku jiri karaan xarig, karbaash, iyo mararka qaar dil.
  • Kufsiga Waxaa loo arkaa dembi weyn oo dhaawacaya sharafka iyo amniga bulshada. Ciqaabtiisu waxay gaari kartaa dil ama qisaas, iyadoo lagu saleynayo caddaymaha maxkamadda hortooda la keeno.
  • Sinada waa mamnuuc haddii qof guur leh lagu helo sinada, ciqaabtiisu waa dil (rajm), halka qof aan guur lahayn lagu ciqaabo karbaash culus iyo xabsi.
  • Iiraan:
  • Khamriga Muslimiinta waa si sharci ah looga mamnuucay cabitaanka khamriga. Qofka lagu qabto wuxuu wajahayaa xarig, ganaax dhaqaale, ama ciqaab kale oo adag.
  • Kufsiga waxaa lagu xukumi karaa dil ama ciqaab aad u adag, iyadoo loo eegayo darnaanta dambiga iyo caddeynta la helay. Sinada Sida Sacuudiga oo kale, waxaa jira kala duwanaan ciqaabeed oo ku xiran haddii qofka guur leeyahay iyo haddii kale; ciqaabta ugu daran waa rajm (dil dhagax ku dil ah) ama karbaash badan.
  • Soomaaliya: waxay weli ku dhaqantaa xeerar duugoobay oo aan dib loo cusbooneysiin in ka badan 60 sano, kuwaas oo inta badan laga soo minguuriyey nidaamkii Talyaaniga iyo Ingiriiska xilligii gumeystaha. Shuruucdan oo aan la jaanqaadin isbeddellada bulshada iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa noqday caqabad weyn oo hor taagan horumarinta nidaamka cadaaladda.

Intaa waxaa dheer, qaar ka mid ah qodobbada sharciga ciqaabta ayaa si toos ah uga hor imanaya Shareecada Islaamka, taas oo dhalisay in kalsoonida bulshada ee nidaamka garsoorka si weyn hoos ugu dhacdo.

Bulshada Soomaaliyeed, oo ah bulsho muslim ah islamarkaana leh dhaqan Islaami ah, waxay inta badan aragtaa in sharciga jira aanu ka tarjumayn qiyamka iyo akhlaaqda ay aaminsan yihiin.

Sida uu sheegay Prof. Abdullahi An-Na’im, sharci aan waafaqsanayn qiyamka bulshada laguma dhaqmi karo muddo dheer. (An-Na’im, Toward an Islamic Reformation, 1990). arimahaani oo dhan waxay si gaar ah u khuseyaan Soomaaliya, maadaama khilaafka u dhexeeya xeerka ciqaabta iyo Shareecada uu sababay jahawareer sharci, kalsooni darro bulsho, iyo xitaa in dad badani u leexdaan xalinta khilaafaadka iyagoo adeegsanaya hab dhaqameed (xeer) ama maxkamado aanan ahayn kuwa rasmi ah, halkii ay maxkamadaha rasmiga ahaay mari lahaayeen.

Soomaaliya waxay u baahan tahay dib-u-eegis qoto dheer oo lagu sameeyo xeerarka jira, si loo waafajiyo:

  1. Shareecada Islaamka, oo ah tiirka ugu weyn ee qiyamka bulshada.
  2. Dhaqanka iyo xaaladda bulshada Soomaaliyeed, oo si joogto ah u isbeddelaysa.
  3. Mabda’a cadaaladda casriga ah, si loo dhiso nidaam garsoor oo lagu kalsoonaan karo.

Xalka: Isku Keenka Caddaaladda Cusub iyo Shareecada

Haddii aan si dhab ah u fiirino, dhibaatada ugu weyn ee nidaamka sharci ee Soomaaliya waa kala go’a ka dhexeeya xeerarka jira iyo qiyamka bulshada.

Xeerarka badankood waa kuwo hore loo soo dejiyay oo aan dib loo cusbooneysiin, halka bulshada Soomaaliyeed ay ku dhisan tahay diinta Islaamka iyo xeer dhaqameed oo odiyaasha ku xaliyaan xeerar u gaar ah ayaga oo soo jireen ah.

Sidaas darteed, xalka laguma helo in hal dhinac kaliya la qaato, balse wuxuu ku jiraa isku keenid iyo isku dheellitirinaan.


Xeerarka waa in dib loo eego loona cusbooneysiiyo si ay ula socdaan waaqica jira maanta, tusaale ahaan, maanta waxaa jira dambiyo cusub oo aan horay loo aqoon sida dambiyada internet-ka, lacagaha lagu sameeyo qaab sharci darro ah sida kuwa ku yimaada qamaarka casriga ama sida loo yaqaano 1xbet oo curiyaamiyay dhaqaalaha bulshadda, iyo arrimo kale oo casri ah, Xeerar aan taaban karin xaaladahaas waxba kama tarayaan bulshada.


Bulshada Soomaaliyeed waxay ku tiirsan tahay shareecada, waxaana cad in haddii xeerarka maxkamaduhu ka hor imanayaan shareecada, kalsoonida dadka ay luminayaan. Sidaas awgeed, waa lagama maarmaan in qodobbada sharciga la waafajiyo shareecada islaamka, gaar ahaan kuwa la xiriira dambiyada sida sinada, khamriga, khamaarka iyo kufsiga, kuwaas oo si cad uga hor imanaya diinta Islaamka.


Dhaqanka iyo xeerka Soomaalidu waa qayb muhiim ah oo bulshada ku tiirsantahay inteeda badan, Inkastoo uu leeyahay tabar iyo daciifnimo badan oo aysan fulin badankood, haddana wuxuu leeyahay waayo-aragnimo ku saabsan xalinta khilaafaadka iyo ilaalinta nabadda bulshada. Waxa loo baahan yahay in dhaqankaas la casriyeeyo, laguna dhex daro nidaamka sharci, si loo helo sharciyo bulshada u dhow oo ay ku kalsoonaadaan, islamarkaana aan ka hor imaan shareecada.

Marka la soo koobo, Soomaaliya waxay u baahan tahay sharci cusub oo ka tarjumaya waaqiciga casriga ah, qiyamka Islaamka, iyo dhaqanka bulshada. Isku darkaas ayaa ah kaliya waxa keeni kara nidaam caddaaladeed oo shaqeeya oo bulshada kalsooni ku qabto.

Gunaanad:

Xeerarka duugoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan Xeerka Ciqaabta 1962, waxay abuureen caqabado waaweyn oo sharci iyo bulsho ah. Qodobo badan oo sharcigan ka mid ahi waxay si toos ah uga hor imanayaan Shareecada Islaamka, taasoo sababtay in bulshada Soomaaliyeed ay lumiso kalsoonidii nidaamka garsoorka, ayna raadsato xalal kale oo dhaqameed ama maxkamaddo aanan rasmi ahayn.

Haddii aan dib-u-habeyn sharci lagu sameyn, lana waafajinin shareecada Islaamka iyo duruufaha casriga ah jira, caddaaladdu waxay ahaan doontaa mid aan la gaari karin, taas micnaheedu waa in xeerarka aan waafaqsanayn qiyamka bulshada ay sii wadi doonaan khilaaf iyo jahawareer sharci.

Xalka wuxuu ku jiraa isku keenidda sharciga cusub, dhaqanka, iyo Shareecada Islaamka. Sharciyadii hore waa in loo arko saldhig taariikhi ah, balse dib loogu habeeyo si ay ula jaanqaadaan waaqiciga maanta, xuquuqda aasaasiga ah, iyo mabaadi’da caddaaladda. Mustaqbalka dhow waxay noqon kartaa tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya ku dhisi karta nidaam sharci oo bulshada ku kalsoon tahay, kaasoo ilaalinaya shareecadda, akhlaaqda, dhaqanka, iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Waxaa xusid mudan in sanadkan 2025 la qorsheeyay wax ka beddel lagu sameeyo Xeerka Ciqaabta. waa fursad muhiim ah, balse waxay u baahan tahay in si dhab ah looga fiirsado qodobada khuseeya Shareecada Islaamka, xuquuqda aasaasiga ah, iyo xaaladaha casriga ah, si aan loo helin sharci cusub oo la mid noqda midkii hore ee kalsooni darrada abuuray.

Ugu dambeyntii, waxtarka caddaaladda cusub wuxuu ku xirnaan doonaa sida aan u fahanno, u ilaalinno, oo u waafajino qiyamka Islaamka iyo duruufaha casriga ah. Haddii aan tallaabo qaadno, waxaa suuragal ah in Soomaaliya hesho nidaam garsoor oo dhab ah, bulshada oo dhan ku qanacsan, islamarkaana ka tarjumaya qiyamka iyo dhaqanka ay aaminsan yihiin.

Tixraacyo

• Hart, H.L.A. (1961). The Concept of Law. Oxford: Clarendon Press.

• An-Na’im, Abdullahi (1990). Toward an Islamic Reformation: Civil Liberties, Human Rights, and International Law. Syracuse University Press.

• Qur’aanka Kariimka: Suurat An-Noor (24:2), Suurat Al-Maa’ida (5:90).

• Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed (1962).

W/Q: Avv.Maxamed Nuur Xasan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *