Taariikhda Tabcashada Qasabka ee Soomaaliya

W/Q: Xamse Axmed

Taariikhda Tabcashada Qasabka Ee Soomaaliya

Waa geed hadda wakhti dheer dadku beeranayay, dhaqaale ahaana maanta dhirta ugu muhiimsan ku jira, haddaanu ka ugu mudan ba ahayn. Waa geed asal ahaan loo tiiriyo qaarada Eeshiya, si gaar ah dalalka India iyo New Guinea. Markii dambe wuxuu ku faafay dunida inteeda kale. Maantadan la joogo wadanka waxsoosaarka ugu badan ee sonkor ah ka sameeya geedkan waa dalka Brazil, oo lagu qiyaaso inuu 40% waxsoosaarka geedkan ee dunida lagu isticmaalo isagu ifka keeno.

Hordhacaa kooban haddaan intaa kaga soo gudubno, aan u gudagalo sida uu geedkaasi ku soo gaadhay Soomaaliya.

                                  **********

Haddaba, geedka Qasabku wuxuu Soomaaliya ka soo galay magaalada Jawhar sannadkii 1918-kii, oo ku beegan markii dagaal weynihii koobaad ee dunida carcarta lahaa ama bilawga ahaa. Nin korneel ciidamada badda Talyaaniga ka tirsanaa Luwiiji Duuka oo ka sokow ciidannimada  ahaa beerayaqaan dhanka cilmibaadhista aad ugu dheereeya, ayaa wakhtigaa aynu kor ku soo xusnay dalka yimi. Muqdisho ayuu ka soo galay dalka, dabadeedna wuxuu u sii gudbay dhankaa webiyada, ilaa uu dalka meelo ka baxsan sida Yugaandhana  sahanku la gaadhay. Socdaalkiisaa dheer wuxuu uga gol lahaa inuu helo: dhul beeraha ku fiican isla markaana leh bulsho la la macaamili karo.

Yugaandha markuu gaadhay dib ayuu haddana ugu soo laabtay Soomaaliya isagoo markanna ilaa Beledweyne gaadhay. Halkaas ayuuna ka bilaabay mar kale tijaabooyinkiisa dhulka iyo raadinta meel ku habboon waxbeerista, dadkeedana macaamil la la samayn karo. Ugu dambayna, wuxuu baroosinka ku aastay magaalada Jawhar, oo dabcan dad ahaan iyo dhul ahaan ba meeshii uu ku raadjoogay noqotay. Magaalada Jawhar waa meel ku banaan waxbeerista oo carrosan ah, dadkeeduna bulsho nabdoon tahay. Inta badan dabciga bulshada beeralayda ahi waa mid nabadeed marka la barbardhigo bulshada xoolodhaqatada ah, waa sababta inta badan xadaaradaha dunidu ugu soo dabqaataan bulshooyinka beeralayda ah ama uga soo aasaasmaan. Dhanka kale, bulshada beeralayda ahi waa mid negi ah oo inta badan hal meel oo go’an loogu soo hagaagi karo, taasina waxay keenaysaa in si fudud loo la qabsan karo iyo in kaladambayn iyo nidaam waara loo abuuri karo. Laakiin taa beddelkeeda bulshada reer guuraaga suuragal kama aha la qabsi iyo in nidaam loo abuuro sababtoo isbeddelka tirada badan ee maalin walba ku dhacaya deegaanka qofka xooloraacatada ah ee naqa iyo biyaha raacdada ugu jira.

Markii uu Jawhar saldhigtay wuxuu bilaabay labo tijaabo oo uu ku sameeyay Suufka iyo Lawska. Inta badan Suufka laba siyood wuu ugu faa’iidaysan jiray. Mar intuu tuujiyo midhahiisa ayuu saliid ka samayn jiray, mar labaadka Suufka oo nadiif oo saliidii laga miiray ayuu dalkiisa Talyaaniga u dhoofin jiray. Inuu tijaabooyinkan sameeyo Mr. Luwiiji dhawr qoddoba way ka saacideen; mar wuxuu ka tirsanaa qosyka boqortooyadii Talyaaniga, mar kale wuxuu gacanta ku hayay ciidan badan oo isaga ka amar qaadanayay, mar saddexaadkana wuxuu heli karayay wixii qarash iyo hawlsocodsiin ah ee uu isla markaa ba u baahdo. Saddexdaa qoddob ayaa ugu waaweyn arrimaha u saamaxay ninkan odayga ah inuu tijaabooyinka noocan ah ka soo dhalaalo.

Tijaabadii taa xigtay wuxuu ku sameeyay geedkan Qasabka oo uu ka keenay wadanka Koonfur Afrika. Intaa kaddibna wuxuu ogaaday in Jawhar aad ugu fiican tahay beerista iyo tabcashada geedkan. Sannad kaddib oo ku beegan 1919 wuxuu go’aansaday ninkii korneelka ahaa inuu Jawhar ka qotomiya wershad sonkorta soosaarta. Wuxuu dhismaha wershada u banaystay dhul ilaa sadex kun oo hiktar¹(3,000 hac) ah. Inkastoo markii hore shaqaale yaraani soo foodsaartay, haddana wuxuu shaqaale ka soo uruursaday deegaano ay kamid yihiin Beledweyne, Buulaburde ilaa Muqdisho.

Dr. Maxamed Cilmi Guure², oo shaqaalaha kala duwan ee korneelka Talyaaniga isugu keenay Jawhar iyo saamaynta isdhexgal ee ka dhalatay ka hadlay wuxuu yidhi: “…Hadda Jawhar haddaad si fiican ugu kuurgasho dad aad u kala duwan asalkoodii hore ayaa ku nool. Ninkaasi dadkii uu waagaa keenay tafiirtoodi ayay ka turjamayaan dadkaasi…” 

Dhismaha wershadaasi wuxuu socday ilaa 1924-kii, isagoo sidoo kale barbar waday mashruuc kale oo khad tareen ah. Ujeedka tareenku wuxuu ahaa inuu Qasabka kaga soo raro beeraha kuna keeno wershada. Markii danbe khadkaa tareenku wuxuu soo gaadhsiiyay ilaa Muqdisho si uu khudaarta kale ee uu beero suug ugu helo, maaddaama Jawhar bulshada ku noolayd wakhtigaa aanu ka wada gadi karayn waxsoosaarkiisa. Mararka qaarna waxaa la sheegaa in khudaarta yaryar oo dhan sida; Ansalaatada³, Karootada iyo Banbarooniga uu bulshada reer Jawhar lacag la’aan isaga siin jiray, inta badana Soomaalidu may aqoon noocyadan khudaarta ah, laakiin waxay yaqaaneen khudaar ay kamid yihiin: Canbaha iyo Babayga, oo iyaga qudhooda wax badan aanay ka isticmaali jirin. Waxayna u badan tahay inuu ka cararay in khudaartaasi ku dunto oo uu sidaas aawadeed dadka ugu qaybin jiray. Mid labaadna way dhici kartaa oo ah inuu bulshada arxan gashanayay iyo soodhaways si uu uga baaqdo kala fogaansho isaga iyo bulshada ka dhexdhaca, bulshaduna u aragto nin waxtara oo aan dhulkooda kaliya ku danaysan.

Sannadihii 1926 ilaa 1927-kii ayay wershadii bilawday waxsoosaar rasmi ah, waxaana maamulka wershadu uu gacanta ugu jiray nin Injineer ah oo Jarmal ah oo ninkii Talyaaniga ahaa u dhiibtay maamulkeeda iyo iskudubaridkeeda. Ilaa muddo dheer oo ku siman lixdameeyadii waxsoosaarka wershadu wuxuu iska ahaa dhaxdhexaad. Laakiin markii dawladii Soomaalidu dhalatay lixdankii waxay bilawday inay shuraako noqdaan dawlada iyo wershadani. Maddaama ninkan Talyaaniga ah iyo shirkadiisu qalabkii iyo aqoontii labada gacanta ay iyaga ku hayaan waxay dawladu la gashay heshiis dhigayay in 51% Soomaalidu qaadato halka 49% soo hadhayna ay yeelatay wershadii sonkorta iyo maamulkeeda ajaanibka ahaa. Muddo ayay sidaa ku socotay, ilaa dhulkii  3, 000 hectar ahaa la gaadhsiiyay 8,230 hectar, iyadoo maalintii qudha soosaari jirtay 2,000 oo Kiintaal oo sonkor ah. Halkii Kiintaal wuxuu lamid yahay 100-KG. Wakhtigaas lama aqoon 50KG, oo waxaa la isticmaali jiray jawaan weyn oo markii ba boqol 100KG qaadaya oo loo yaqaanay Kiintaal.

Waxaa xusid mudan dedaaladaa ninka Talyaaniga ka sokow waxaa jirtay Soomaalidii ka shaqaynaysay beerihii iyo wershadii Qasabka labadaba inay iyana dhankooda iskudayo dhawr ah la yimaadeen, oo ay Qasabka ku tabcanayaan. Mase guullaysan dhamaan iskudayadaasi. Dadkii beeraha Qasabka ka shaqaynayay markay arkeen macaanka geedka, isla markaana ay la baxeen sida la beerayo waxay goosteen laamo kamid ah dhirtii Qasabka ahayd waxayna ku talaaleen dhul iyaga u gaar, muddadii hore oo dhan ah guryahooda iyo nafahooda may soo dhaafi jirin tacabkaa iska koobani. Mar danbe kooxo kamid ahi waxay bilaabeen inay ka ganacsadaan oo laamaha macaan ee Qasabka suuqa geeyaan oo xoogaa jarjar ah siistaan. Laakiin arrintaasi meel fiican ma gaadhin oo ma guulaysan. Ugu dambayna, waxaa jiray dad iskudayay inay beero Qasabka lagu beero samaystaan, weliba qoladii Talyaaniga ahaydna ku dhiirigalisay, kana iibsan jirtay waxsoosaarkooda. Laakiin arrintana sida kuwii hore ba guul la sheego kama gaadhin Soomaalidu.

Haddaba, ilaa laga soo gaadhayay sannadkii 1965-kii waxaa gacanta ku hayay oo maamulayay wershadaa qolyihii soogalootiga ahaa. Sannadkan 1965 ayaa markii ugu horraysay loo magacaabay maamulku nin Soomaali ah oo la odhan jiray Dr. Cabdi Daahir, oo muddo kuxigeen ahaa. Wuxuuna Dr. Cabdi Daahir gacanta ku hayay wershada ilaa intii dawladii askartu ka dhalanaysay. Wixii intaa ka danbeeyay wershada sonkortu waxay gashay jawi cusub oo aad ugu gedisan kii hore. Waxaynu ku eegi doonaa qoraal labaad wejigaa cusub ee wershadu gashay xilligii dawlada askartu dalka timid.

______________________________

1. Hectare, waa cabir loo isticmaalo dhulka. Halka hiktar wuxuu la mid yahay 10,000 Mitir oo wareeg ah (1 hactare = 10,000 Square meters)

2. Dr.  Maxamed Cilmi Guure, waa khabiir beereed ka tirsan wasaaradda beeraha ee Soomaaliya, si gaar ah waa: ku simaha agaasimaha siyaasadda iyo qorshaynta ee wasaaradda beeraha iyo waraabka. Dr. Maxamed, waa isha koobaad ee xogtan aan ka qoray, gaar ahaan warraysi uu bixiyay dhawaan. Halkan baad ka daalacan kartaa waraysigaa oo laba xidhmo ah:

Qaybta 1-aad: https://youtu.be/8LI-Kgf7Z4o

Qaybta 2-aad: https://youtu.be/qdmOQ2UNm54

3. Ansalaato, waa nooc khudaarta kamid ah. Waxaa xusid mudan in deegaanada Soomaalida qaarkood ‘Saladh’ looga yaqaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *