W.Q: Cabdinasir Cabdullahi Yuusuf
Hordhac
Dastuurku waa tiirka ugu muhiimsan nidaamka dowladnimada, waana tiirka koowad ee Dowladnimo lagu dhiso; maadaama uu qeexayo qaab-dhismeedka hay’adaha dowladda, qeybinta awoodaha iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Soomaaliya waxa ay soo martay marxalado kala duwan, marxalad kastana waxaa jiray dastuur ay abuurtay marxaladdaas. Dastuur kasta waxa uu la falgalaayay marxaladdii markaa jirtay ee loo sameeyay in lagu daaweeyo. Xilliyadii gumeysiga ma jirin wax dastuur ah oo Soomaaliya laheyd islamarkaana lagu maamulo. Dhulka soomaaliyeed gumeysi ayuu u kala qeybsanaa. Si guud, Soomaaliya waxa ay yeelatay 4 dastuur iyo laba Axdi qarameed, waase marka laga reebo dastuurkaan cusub ee hadda lagu kala tagsanyahay. Sadarradan soo socda, waxaan diiradda ku saari doonnaaa taariikh sameynta dastuuraddaas iyo axdi qarameedyadaas.
10-kii sanno ee maxmiyadda iyo sameynta dastuurkii ugu horreeyay ee Soomaaliya
Kadib halgan dheer oo Soomaalidii Koonfureed si isdabajoog ah ugu jirtay, sannaddkii 1950-kii ayaa la hoos geeyay Maxmiyaddii Talyaaniga. Maxmiyaddaa waxaa la doonaayay in Soomaalidu dowladnimada loo diyaariyo, loona tababaro.10-kaas sanno waxa ay sharciyaqaanno Talyaani ah iyo qaar kamid ah indheergaradkii Soomaalida ahaaba sameeyeen dadaal aan kala joogsi laheyn, kaas oo lagu diyaarinayay waxyaabaha ugu muhiimsan ee dowladnimo u baahantahay. Dastuurku na waxa uu ahaa tiirka ugu muhiimsan waxyaabahaas miiska saarnaa ee la diyaarinayay.
Sanmadkii 1957-dii ayaa guddiyo Soomaali iyo ajaanib isugu jira billaabeen diyaarinta dastuur gogolxaar u noqda kan 1960-kii. Guddigaas ayaa ka koobnaa 11 nin oo Talyaani ah kana mid ahaa raggii maxmiyadda, qaarkoodna ahaayeen xeerilaaliyaal xilligaas dalka ka howlgalayay iyo illaa 7 qof oo Soomaali ah oo ay ka mid ahaayeen:
1: Sh. Abuubakar Cabdullahi Cumar.
2: Sh. Maxamed Maxamuud Maxamed.
3: Sh. Maxamed Cali Abuukar
4: Maxamed Sh. Gabyow.
Guddigaas farsamo ayaa diyaariyay dastuur lagu dhaqo bulshada Soomaaliyeed ee markaas uun ay ugu horreyso dowladnimo ay iyagu leeyihiin.
Midowgii labada gobal iyo Dastuurkii 1960-kii
Sida aan horay ku soo xusnayba, dhulka Soomaaliyeed waxa uu u kala qeybsanaa gumeyste. Labada gobal ee koonfur iyo Waqooyina waxaa kala heystay Ingiriiska iyo Talyaaniga. 26 june 1960 –kii, goballada waqooyi ayaa xornimada ka qaatay gumeystihii Ingiriiska. Isla sannadkaas, 1-da luulyo 1960-kii ayeey sidoo kale goballada koonfureedna xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga. Maalmo gudahooda ayey ku midoobeen labadii gobal si ay u dhistaan dowlad Soomaaliyeed oo lagu mideysanyahay. Dadaallada dastuur sameynta oo horay usoo socday ayaana la sii xoojiyay. Bishii juun 1961-kii ayaa afti dadwene loo qaday dastuurkii, waxaana oggolaaday 91% codbixiyaasha guud ahaan dalka, waxa uuna dastuurkaas codadka ugu badan ee aqlabiyadda ah ka helay goballada koonfureed ee dalka, halka goballada waqooyi ay aqlabiyadooda ka hor timid dastuurka.
Marka la eego qormooyinkii iyo aragtiyihii sharci ee laga dhiibtay dastuurkaas ayaa waxey muujinayaan in uu soo galayay kuwa ugu fiican, hadduusanba aheyn kan ugu fiican dastuurrada waddamadii Afrikaanka ahaaa ee xilligaas iyaguna dastuur sameyntoodu socotay. Marka la eego sida uu u kala saaray awoodaha dowladda, kala madaxbannaanida fulinta iyo sharcidajinta iyo in uu awoodda ka dhigayo mid baarlamaani ah; halka dastuurrada Afrikaanka kale badankood ahaayeen kuwa awoodda oo dhan madaxweynaha isugu geeynaya, taas oo sababtay in madax kelitaliyaal ah xukunka ku raagaan.Waxa uu qeexayay qaabdhismeedka dowladda, isaga oo dhisayay jamhuuriyad madaxbanaan, leh nidaam baarlamaani ah iyo dowlad dhexe (unitary state). Sidoo kale waxa uu qeexayay madaxbannaanida shacabka, xuquuqaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah.
Laaliddii dastuurka iyo xukunkii millitariga
Ku dhowaad 10 sanno oo nabad, dowladnimo, iyo dastuur dhammeystiran lagu naaloonayay, Oktoobar 1969-kii ayaa waxaa magaalada laascaanood lagu dilay Madaxweynihii Jamhuuriyaddii cusbeyd, mudane Cabdirashiid Cali Sharmarke. Dilka madaxweyne Cabdirashiid waxa uu quus iyo rajo beel badan ku abuuray dadka Soomaaliyeed oo mudda kooban uun ku kifaaxayay neecaawda xorriyadda. Ayadoo aan weli la laabin gogoshii tacsida ayey ciidanka xoogga dalka oo uu hogaaminayay taliyahoodii Maxamed Siyaad Barre afganbi kula wareegeen xukunka dalka. Dastuurkii waa la laalay, nidaam cusub iyo jiho cusub ayuuna dalka u jiheystay. Golaha sare ee kacaanka ayaana dalka maamulayay iyagoo qabsaday awoodaha sharci dajinta, fulinta iyo xataa garsoorka.
Sanadkii 1979-kii ayaa la diyaariyay dastuur cusub oo beddelayay guud ahaan nidaamkii hore. Dastuurkaas waxa uu aasaasayay dowlad hantiwadaag ah, leh hal xisbi, kaas oo lagu magacaabo ‘ Xisbiga hantiwadaagga kacaanka Soomaaliyeed’. Waxa uu sidoo kale abuuray dowlad dhexe, iyadoo magacii Somalia Republic lagu beddelay Somalia Democratic, iyadoo 25 Agoosto afti dadweyne loo qaaday. Dastuurkaan waxaa dalka lagu maamulayay intii ay jirtay dowladdii kacaanka.
Dastuurkii 1990-kii
14 oktober 1990-kii waxaa la sameeyay Dastuur cusub. Dastuurkaas waxa uu beddelayay kii hantiwadaagga, waxa uu ogolaanayay ka qeybgalka siyaasadda iyo axsaabta siyaasadeed ee badan, balse laguma guuleysan in afti loo qaado sidoo kalena dalka lagu maamulo. Khubarro iyo sharciyaqaanno badan oo dastuurkaas faaleeyay ayaana tilmaamay, in uu ahaa mid sooc ah oo haddii dalka lagu maamuli lahaa looga gudbi karay xaaladdii uu markaas dalka ku sugnaa.
Axdi qarameedkii 1-aad ee Carta 2000
Dowladdii militariga aheyd waa la tuuray. Xaalad mur iyo deebaaq ah ayey galeen dadkii Soomaaliyeed. Qaab kasta oo fool xun ayaa la isku dilay, magac qabiil, mid urur diimeed iyo magacyo kale oo tira badan baa la isku laayay. Waxaase socday dadaallo lagu qaboojinayay xaaladdii jirtay. Waxaana ugu macno weynaa dadaalladaas shirkii dib u heshisiinta 2000 ee Carte. Shirkaas waaxaa ka qeyb galay ergooyin ka kala socday inta badan qabaa’illada Soomaaliyeed. Waxaana halkaas lagu sameeyay axdi qarameedkii 1-aad kaas oo lagu dhisay dowlad ku meel gaar ah, leh nidaam baarlamaani ah isla markaan dimoquraadi ah; waxaana madaxweyne loo doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan. Inyar oo kooban marka laga soo tago , dowladdaas meysan u shaqeynin sidii la rabay. Sababta ugu weyn ee jirtayna, waa jabhadihii hubeysnaa, kuwaas oo xitaa madaxweynihii u suuragalin waayay inuu tago guriga dalka looga arrimoyo.
Axdi qarameedkii 2-aad 2004
Si kasta oo caqabado ujireen, haddana dadaalladu ma yareen. Sannadkii 2004-tii waxaa magalaada Embagati ee dalka Kenya lagu qabtay shir kale oo dib-u-heshisiin ah, kaa oo madaxweyne kumeel gaar ah loogu doortay Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxaana halkaas lagu sameeyay axdi qarameed kale oo ku meel gaar ah. Axdi qarameedkaas waxa uu dhisayay dowlad federaal ah oo kumeel gaar ah, leh baarlamaan federaal ah oo kumeel gaar ah; isagoo sidoo kale xoojinayay nidaamka federaalka ah ee ku dhisan habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5. Wuxuu sidoo kale dhisayay guddi madaxbanaan oo u xilsaaran in uu qoro dastuur federaal ah oo uu dalka yeesho. Guddiga ayaana loo cayimay in ay dastuurka ku soo sameeyaan muddo 2 sanno iyo dheeraad ah, mase ku guuleysan arrinkaas.
Dastuurka kumeel gaar ah 2012-kii
Sida aan horay usoo xusnayba, madaxweyne Cabdullahi iyo guddigii madaxbannaanaa ee u xilsaarnaa sameynta dastuur dhammeysatiran kuma aysan guuleysan, caqabado amni iyo kuwa kale oo tira badan awgeed. Waxaana talada dalka la wareegay Sh. Shariif sh. Axmed, halkaas ayeey ka sii socdeen dadaallada dastuur sameyta. Ugu dambeyn bisha Agoosto 2012-kii ayaa ergooyin ansixin dastuur ah oo ka koobnaa 825 qof, isla markaana ka kala socday qabaa’ilada Soomaaliyeed, ayaa magaalada Muqdisho ku ansixiyay dastuur kumeel gaar ah. Dastuurkaan oo ah kan dhowaan ka guuristiisu buuqa badan dhaliyay ayaa dhisaya dowlad dimoquraadi ah, baarlamaani ah isla markaana ku saleysan nidaamka federaalka oo ka kooban dowlad dhex iyo dowlad gobaleedyo xubno ka ah, isagoo awood gaar ah oo kooban siinayaa dowladda dhexe.
Gunaanad
Dastuurkaan 2012-kii oo dhowaan golaha sharcidajinta ay wax ka beddel iyo dhammeystir ku sameeyeen ayaan wali dhaqan galin, maadaama ay ku hareereysanyihiin caqabado aad u badan oo ay ugu horreeyso in aan heshiis lagu aheyn, isla markaana madaxda maamul gobaleedyada Putland iyo Jubbaland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradku gebi ahaanba qaadaceen wax ka beddelka dastuurkan.Taariikhda dastuur sameynta soomaaliya waa mid ka guda ballaaran sadarrada ina weydaartay. Waa geeddi socod dheer oo aan si fudud looga gayoon karin.
Dhammaad.
Tixraacyo.
1: CONSTITUTION-MAKING IN SOMALIA: A CRITICAL ANALYSIS, 1960 –2013 BY: ALI HIRSI AHMED, R52/83773/2012
2: State Making in Somalia, under Siyad Barre: Scrutinizin Historical Amnesia and Normative Bias. By:Dominik Balthasar, R52/83773/2012
3: Provisional Constitution, Adopted Augus 1,2012
