W/Q: Ilyaas Maxamed Diiriye
Gorfeyn iyo guudmar yar oo ku saabsan Buuga Man’s search For Meaning
Buuggan waxaa qoray Viktor E. Frankel oo ahaa dhaqtar iyo bare jaamcadeed yahuudi ah kaaso ka mid ahaa dadkii ku xirnaa xeryihii magaca xumaa ee ay Nazi-dii Jarlmalku ku xareeysay dadkii yahuuda ahaa inta uu socday dagaalkii labaad ee aduunka.
Buugga qeybtiisa kowaad waa xasuus qor inta uu ku jiray xeryahaas iyo wixii uula kulmay, halka qeybta labaad uu si fiican u faahfaahinayo dariiqada logotherapy loo yaqaano ee uu kasoo bartay inta uu xeryahaas ku jiray.
Dhacdayooyin aan la rumaysan karin ayuu la kulmay intuu ku jiray xeryaha lagu hayey dadka yahuuda ah, tusaalayooyinka uu kasoo qaadanayo waxaa ka mid ah in dadka waayeelka ah, dumarka iyo caruurta gooni looga saaray ragga xooggan ee shaqada qaban kara, taa bedelkeedana loo diray qololaka gaaska (gas chambers) ama maxaraqada halkaasina lagu ciribtirayey, halka kuwoodii xooga lahaa lagu qasbay inay ku shaqeeyaan duruuf aad u daran illaa ay u dhintaan harraad iyo cunto la’aan.
Qoraha intuu ku jiray xabsiyadaas waxaa uu aad ula yaabay sida dadku isku badeli karaan marka ay gaarto xaalad nolol iyo dhimashaba oo qofka fiiican uu isku badeli karo ama sameynayo waxkasto oo ku caawin karo si uu u noolaado. Waxa kale uu la yaabey waardiyaashi sida arxandarada leh biniaadanimada ka baxsan oo ay ula dhaqmayeen maxaabiista.
Qeybta labaad ee buuga qorahu waxa uu kaga hadlayaa dariiqadiisa logotherapy taasi oo ka hadleyso sidaa aynu nolasheena micno ugu yeeli karno, qoraha waxa uu tusaale usoo qaadanaya nafsadiisa iyo inuu hadafkii uu u noola ama waxa ku caawinayey inuu u adkeesto dhibaatada xeryahas ku haysatay inay aheyd in uu mar uun la kulmi doono xaaskiisa iyo waalidiintiisa waxaane halku dhig u ahaa oraahdii frederick nietzsche (he who has why to live for can bear almost anyhow), waxa kale oo uu tusaale usoo qaadanaya in maxaabiista aan laheyn hadaf ama yool ay u noolaadaan kuna caawiya inay u adkeystan mashaqada xabsiga ay ahaayen kuwa ugu horeeyey ee ku dhinta xeryahaas.
Sidaa darteed qoraha waxaa uu inagu boorinayaa in nolasheena aan u yeelno micno ama yool aan u noolaano, sidoo kale waxa uu inoo sheegaya in wax walbo si kadis ah nalooga qaadi karo ama aynu ku waayi karno, laakin waxa aynan qof naga qaadi karin inay tahay dabeecadeena iyo sida aan uga falcelino ama ula dhaqano wixii nala soo gudboonaado ha ahaato waxa fiican ama wax xunba.
Tan kale waxa uu kula talinayaa dhaqaatiirta sameysa Therapy-ga ama dhageysta mashaakilka buukaanka iyo talo siintooda inay bukaanka ka caawiyaan sida ay nolasha ay ku noolyihiin ay u noqon laheyd mid hadaf ama micno leh, waxa uu tusaale usoo qaadanayaa mar uu isbitaalka ugu yimid dublumaasi mareykan ah kaas ooo ka sheeganaya in nolashiisa aynan micno laheen ee uu dareemayo depression ama faaruq xagga nafsada ah, waxa uu kula taliyay inuu ka tago shaqadii uu hayey taa badelkeedana uu u wareego shaqo uu jecelyahay oo nolashiisa micno u yeeleyso, bukaanki markuu taldiisa qaatay waa uu ku aflaxay xaaladiisana wey isbedeshey.
Ugu dambeyn buugan waxa aynu ka baran karnaa casharo faro badan oo ay ka mid yihiin:
1: In nolasheena aan micno u yeelno ama aan raadino hadaf aan u noolaano.
2: In nolasho ay leedahay rafaad ama dhibaatayoyin u baahan in si adag loo wajaho, ta kalane la ogaada la kulanka dhibaatada ay la micno tahay in qofku nool yahay.
3: Wax walba oo dhaco inaanay dabeecadeeheena iyo akhlaaqdeena aan aaminsanahay aynan is badelin, oo aan ahaano dad qalbi fiican oo wax fiican ka shaqeeyo.
- Maamullo-Reereed: Tagto iyo Taagan Isku Mid ah
 - Nimcadda Nacladaysan iyo Qaaradda Afrika
 - Afmaldaha iyo Qur’aanka
 - Haka Harin Hirka AI
 - Farrintii ay Dr. Jane Goodall u reebtay adduunka
 
