Siyaasadda Aan Bislayn ee Soomaaliya: Caqabadda Isbeddelka Qaran

Qore: Mohamed A. Abdulle “Mohamed Daacad”

Hordhac

Soomaaliya waa dal soo maray sanado badan oo ay la daalaa dhacaysay colaado sokeeye, burbur dhammaystiran oo hay’adaha dowliga ah ah, iyo dib-u-dhac dhinac kasta ah. Xaaladdan nugul ee uu dalku ku jiro awgeed, bisayl siyaasadeed waa shardi lagama maarmaan u ah soo kabashada iyo horumarka qaranka. Hase yeeshee, muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya wuxuu weli muujinayaa dhaqan siyaasadeed oo aan bislayn, oo ku saleysan go’aamo deg-deg ah, hoggaan aan tayo lahayn, iyo dan gaar ah oo lagu beddelay danta guud ee ummadda. Qormadani waxay iftiimineysaa dabeecadda siyaasadda aan bislayn ee ka jirta Soomaaliya, saamaynta taban ee ay ku leedahay horumarka qaranka, iyo baahida degdegga ah ee loo qabo hoggaan hami iyo aragti qaran leh si loo gaarsiiyo dalka isbeddel dhab ah.

Dhaqanka Siyaasadeed ee Aan Bislayn iyo Saamayntiisa

Dal dimuqraadi ah oo si habboon u shaqeynaya, hoggaankiisu wuxuu ku saleysnaanayaa aragti cad, qorshe qaran oo lagu hago dalka, iyo go’aan qaadasho cilmi ku dhisan. Nasiib darro, siyaasadda Soomaaliya marar badan ma laha tiirarkaasi muhiimka ah. Siyaasiyiin badan ayaa lagu doortaa dareen qabiil, xiriir shakhsiyeed, ama xulafo beeleed, halkii lagu dooran lahaa karti, aqoon, iyo hufnaan. Taasi waxay sababtaa in markay xukunka yimaadaan, dadkii taageeray ay dareemaan niyad-jab iyo shalaay kadib markii laga waayo wixii laga filayay.

Go’aan-qaadashada ku dhisan dareenka, halkii laga fiirin lahaa danta guud, waxay keentaa in dalka loo dhiibo hoggaan aan lahayn aqoon iyo ujeedo qaran oo dhab ah. Taa beddelkeeda, madaxdu waxay mudnaanta siiyaan dano gaar ah, waxayna dayacaan arrimaha aasaasiga ah sida: amniga, la dagaalanka musuqmaasuqa, adeegyada bulshada, iyo shaqo la’aanta dhalinyarada. Nidaamkaas wuxuu horseedaa in horumarka la gaadho uu noqdo mid aan sal adag ku fadhin, taas oo sii hurineysa xasillooni darro siyaasadeed iyo niyad-jab shacab.

Baahida Hoggaan Aragti Leh oo Mas’uul Ah

Isbeddel dhab ah laguma keeno oo keliya qabashada xafiis siyaasadeed, balse waxa uu u baahan yahay hoggaan leh aragti dheer, karti maamul, iyo damiir bulsho u adeegaya. Soomaaliya oo ku jirta marxalad dib-u-dhis iyo dib-u-heshiisiin, waxay si weyn ugu baahan tahay hoggaan fahamsan himilada qaranka: nabadeynta, dib-u-habeynta hay’adaha dowladeed, horumarinta waxbarashada iyo adeegyada bulshada, iyadoo aan lagu danaysan xilka loo dhiibo.

Hoggaan aragti leh waa mid wax ka beddeli kara xaaladda jira. Waa inuu si cad u sharraxaa sababta isbeddelka loo baahan yahay, yoolka la hiigsanayo, iyo faa’iidada bulshadu ka helayso. Inkasta oo dadku caadiyan iska caabiyaan wax cusub, haddana hoggaan leh hami iyo hal-adayg, wuxuu bulshada ku qancin karaa hadal, tusaale iyo is-muujin wax-ku-ool ah.

Caqabadaha Hortaagan Bisaylka Siyaasadeed

Waxaa jira caqabado dhowr ah oo hortaagan in Soomaaliya gaarto bisayl siyaasadeed oo dhab ah:

  • Qabyaalad siyaasadeed oo weli door weyn ka ciyaarta go’aan-qaadashada, taas oo wiiqeysa midnimada qaranka.
  • Wacyigelin bulsho oo liidata, taasoo keentay in shacabka aysan si dhab ah ula xisaabtamin hoggaankooda, sidoo kale bulshadu si dhab ah uma fahansana xuquuqdooda.
  • Hay’ado dowladeed oo daciif ah, kuwaasoo aan awood u lahayn ilaalinta sharciyadda iyo isla xisaabtanka siyaasiyiinta. Sidoo kale aan awoodin gudashadii waajibaadkoodi.
  • Musuqmaasuq iyo eex qabiil oo lagu gaaro xilalka sare, taas oo niyad-jab iyo kalsooni darro ku abuurta bulshada inteeda badan.

Haddii caqabadahaasi aan si qoto dheer looga shaqayn, siyaasadda aan bislayn waxay sii ahaan doontaa caqabad weyn oo hor istaagta horumarka qaranka.

Gabagabo

Siyaasadda aan bislayn ee ka jirta Soomaaliya waxay caqabad weyn ku tahay dadaallada lagu doonayo in lagu gaadho nabad waarta, xasilooni siyaasadeed, iyo horumar dhab ah. Doorashada hoggaan aan u qalmin oo ku yimid dareen qabiil ama dano gaar ah, go’aan qaadasho aan cilmi ku salaysnayn, iyo dhaqan siyaasadeed oo aan bislayn waxay si weyn u wiiqeen kalsoonida shacabka iyo dadaallada isbeddel ee dalka. Haddii Soomaaliya dooneyso in ay gaarto isbeddel qaran oo dhab ah, waa in ay soo saartaa hoggaan tayo leh oo u adeega danta guud, ujeeddo qaran leh, oo u hura naftiisa adeegga ummadda. Bulsho siyaasaddeedu bisil tahay iyo hoggaan aragti leh ayaa ah furaha lagu gaari karo horumar waara iyo isbeddel dhab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *