Sheekh Xusari: Safarkii baahinta Quraanka

Sheekh Xusari: Safarkii baahinta Quraanka

Waxaa qoray: Cali Al-Kafrawi, Aljazeera -2025

Waxaa tarjumay: Cabdiraxmaan Caqiil, Raadreeb -2025

Waxaa kasoo wareegtay 45 sanno kolkii uu dunida macsalaameeyay Sheekh Maxmuud Khaliil Al-Xusari oo madax u ahaa midowga Quraa’da adduunka, waxa uu codkiisa ashqaraarka leh ee uu Qur’aanka ku akhrin jiray ku soo bandhigay meelo badan oo dunida kamid ah, buurta Carrafo ayuu cod dabacsan ku akhriyay aayado Qur’aanka kamid ah, masjidka Nabiga SCW ayuu sidoo kale ku akhriyay, sidoo kale qaaradaha Aasiya iyo Yurub ayaa lagu casuumay in uu luuqdiisa qurxoon kaga akhriyo Qur’aanka, iyo madaxweynihii Maraykanka Jimmy Carter oo ku casuumay dalkiisa.

Madaxweynaha Mareykanka Jimmy Carter oo Aqalka cad ku soo dhoweynaaya Sheekh Al-Xusari, waxaana dhinaciisa taagan safiirkii Masar Ashraf Ghorbal (baraha bulshada).

Shaqadii ugu muhiimsanayd ee uu noloshiisa qabtay waxa ay ahayd u adeegidda Qur’aanka iyo in uu xil iska saaray dhowristiisa iyo ku dhaqankiisaba. Sannadkii 1961kii go’aan ka soo baxay dowladda ayaa loogu magacaabay madaxa culimada Quraa’da ee Masar, waxa uu sidoo kale soo noqday guddoomiyahii guddiga sixidda masaaxifta ee Azhar.

Sheekh Maxmuud khaliil Al-Xusari, hormuudka quraa’da Masar, waxa uu 17 kii sibtambar 1917 kii ku dhashay tuulada Shubra-namla oo ka tirsan degmada Algharbiya ee Masar, isagoo lixdan iyo seddex u buuxsantay ayuu 1980 kii geeriyooday.

Magaca Al-Xusari waxaa loogu bixiyay aabbihii oo ka shaqayn jiray darmaha cawda laga sameeyo ee waagii hore lagaga tukan jiray masaajidda inta aanu soo shaac bixin roogaggan casriga ah. Waxa uu aabbihii kula dadaalay xifdinta Qur’aanka, isagoo kor ka xifdiyay inta aanu siddeed jir dhaafin. Tacliintiisii hore waxaa kaalin ballaaran kulahaa masjidka Al axmadi ee degmada Tanta halkaas oo uu ku bartay tobanka qaab ee Qur’aanka loo akhriyo ( QIRAA’AAT AL CASHARA”. Kutubta uu qallinka u qaatay waxa uu intooda badan kaga warramay Qur’aanka, axkaamtiisa iyo hababka loo akhriyo.

Qur’aan akhrinta waxa uu kasoo bilaabay degmadiisa, kadib waxa uu u wareegay degmooyinka ku xeeran ilaa uu Qaari’ ka noqday masjidka Al-Xuseyn, waana tii loo doortay hoggaanka Quraa’da codka macaan ee dunida.

Sheekh Al-Xusari oo salaad tujinaayo (Baraha bulshada)

MASHRUUCII DUUBITAANKA QUR’AANKA

Sheekh Xusari Eebbe ha u raxmadee waxa uu kaalin mug leh ku lahaa baahinta codeed ee Qur’aanka, waxa uuna baal dahab ah ka galay hawsha uruurinta Qur’aanka oo cod ahaan loo kulmiyo.

Horraantii lixdamaadka qarnigii tegay waxay bulshada ku baraarugtay kitaab daabacaaddiisu la naashnaashay balse lagu qariyay aayado qaar oo wax badan laga baddalay, sida aayaddan: قال الله تعالى: ( ومن يبتغِ غير الإسلام دينا فلن يقبل منه وهو في الآخرة من الخاسرين )Waxaana aayaddaas lagaga saaray daabacaadaasi ( غير) kolkaas oo aayaddu micnaheeda uu islaba rogay.Mar uu safar dibedda ah ku jiray sheekh Xusari waxa uu la kulmay xaalad taa lamid ah, wuxuuna arrinkii u bandhigay sheekhii Azhar iyo golaha cilmibaarista islaamka ee Qaahira.

Dadaalladii socday waxaa mirahooda la gurtay kolkii uu sheekhu si dhammaystiran u duubay qiraa’ada Xafs Can Caasim iyadoo cajalado badan oo codka sheekha ah loo kala diray dunida, waxaana markii dambe la istusay in hawsha lasii dardargeliyo lana sameeyo idaacado Qur’aanka kariimka laga dhegeysan karo.

Salaadda lagu tukanayo Dooxada Barakaysan ee Siinaay, waxaana sawirka ka muuqda (laga bilaabo midig) Sayid Mar’i, Mustafa Khaliil, Anwaar Al-Sadat, Xusni Mubarak, Cismaan Axmed Cismaan, iyo Sheekh Al-Xusari (baraha bulshada).

Lixdii aroornimo goor ay saacaddu ahayd arbacana uu maalinku ku beegnaa 25kii maarso 1964tii, waxay idaacadu baahisay aayado Qur’aanka kariimka ah oo uu cod macaani ku akhrinayo sheekh Xusari, maalintii waxay hawada kusii jiri jirtay idaacaddaasi muddo 14 saacadood.

Wareysi uu bixiyay Sheekh xusari waxa uu ku yiri: “Waxaa codeynta qiraa’ada Warsh la iga duubay 68 koobiyood (canjalad), halka mid walba uu socday qiyaastii 40 daqiiqo. Waxay duubista qaadatay 3 bil, marka laga reebo hal bil oo tijaabooyin ah, iyadoo la duubayey ugu yaraan 8 saacadood maalintii. Dowladda walaalaha ah ee Marooko ayaa weydiisatay Masar inay u duubto riwaayada ay caadeysteen akhriskeeda, taasoo ah Riwayada Warsh, si ay uga faa’iidaystaan dhammaan daafaha caalamka.”

Waxaa codeynta qiraa’ada Warsh la iga duubay 68 koobiyood (canjalad), halka mid walba uu socday qiyaastii 40 daqiiqo.

Waxaa sii kordhay duubitaankiisa Qur’aanka isagoo raacayaa hababka kala duwan ( Qiraa’aat) ee loo akhriyo, waxa uu noqday qofka koowaad ee sanadkii 1968dii ku guuleystay duubitaanka misxafka muratalka (المصحف المرتل) kuma akhriyay riwaayadda Qaaluun iyo Dowri oo dhammaystiran. Waxa uuna sannadkii xigay u suurtagashay inuu noqda qofka koowaad ee duubay musxafka oo idil iyadoo loo qaabeeyay habka baraha ama macallinka oo ardaygiisa ka daba akhrinaya(المصحف المعلم), halka uu sanadkii 1975kii uu noqday qofka u horreeyay ee quraanka ku akhriya habka musxafka tafsiirka (المصحف المفسير/الوعظ). Sidoo kale waxa uu sanadkii 1977-kii noqday qofkii ugu horreeyay ee Qur’aanka si rasmi ah uga akhriya Qaramada Midoobay (UN) intii uu booqanayay, kadib markii ay codsadeen dhammaan wufuudda ka socotay Carabta iyo dunida islaamka.

Machadka Sheekh Xusari

SAFARADII UU GALAY

Sheekh Xusari iyo wufuud ka kala socotay wasaaradda diinta iyo jaaliyadaha muslimiinta ayaa u safray labada Ameeriko (Woqooyi iyo Koonfur) sannadihii 1971kii iyo 1973kii, goobo ay kamid yihiin xarunta Qaramada Midoobay, Aqalka Cad ee Kongreska Maraykanka ayuu codkiisa ashqaraarka leh kaga akhriyay Qur’aanka. Hindiya ayuu sidoo kale ummad ballaaran hortooda kaga akhriyay Qur’aanka iyadoo dadkii dhegeysanayey ay ku jireen Jamaal cabdinaasir hoggaamiyihii Masar iyo Jawahir Lal Mahru, hoggaamiyihii Hindiya, aqalka boqortooyada ingiriiska iyo hoolka Haywart ee magaalada Landhan ayaa sidoo kale lagu casuumay in uu codkiisa macaan kaga akhriyo Qur’aanka. Sidoo kale Guddiga Arrimaha Islaamka ayaa ku martiqaaday magaalooyinka Liverpool iyo Sheffield ee dalka Ingiriiska si uu Qur’aanka ugu akhriyo jaaliyadaha Carabta iyo Muslimiinta ee halkaas ku nool.

Muddo kadib sheekh Xusari waxa uu keenay qorshe ah in la diro dad socoto, wuduud diimeed, si ay dunida Islaamka iyo dalalka kale ee adduunka ugu akhriyaan quraanka kariimka. Waxa uu safaro ku wehliyay Sheekh Shaltood, imaanka al-Azhar, wacayna wufuudaasi socdaallo diimeed ku gaareen dalka Pakistan, Filibiin, Honkong, iyo indanuusiya. Wufuuddaasi waxay sii socdaaleen sanadkaas oo dhan, iyadoo la diray 500 wafdi, si ay usoo nooleeyaan ruuxda bisha barakeysan ee Ramadan guud ahaan dunida oo dhan.

Sheekha hore ee Al-Azhar, Sheekh Shaltoot, iyo Sheekh Xusari.

Geeridiisa kahor wuxuu Sheekhu dardaarmay in saddex meelood meel hantidiisa lagu bixiyo u adeegidda Qur’aanka iyo dhismaha dugsiyo qur’aan. Waxa uu tuuladiisa ka dhisay masjid iyo dugsi Qur’aanka lagu barto, ayada oo la dhameystiray sanad kahor geeridiisa, sidoo kalena wuxuu masaajido ka dhisay deegaano ay kamid ahayeen AlCujusa ee waddada Faluja iyo Fagaaraha Xusari ee magaalada 6Oktoobar. Waxa uu magaciisa caan ka moqday oo raad ku reebay goobaha laga dhisay masaajiddas.

Hayaanka sheekh Xusari ayaa qaatay in ka badan 55 sanno isagoo muddadaas noqday safiir Qur’aanka wax weyn u galay, mid kamid ah safaraddii uu ku joogay dhulka barakaysan ayaa sheekhu u timid geerida sannadkii 1980kii, waxaase ka haray magac iyo maamuus uu ku kasbaday u khidmaynta Kalaamka Alle, waana tan maanta ka dhigtay in bari iyo galbeed dunida meel kasta laga dhegeysto codkiisa ashqaraarka leh.

Maanta oo laga joogo ku dhawaad lixdan sanno kolkii la duubay cajalkii ugu horreeyay ee Qur’aanka lagu duubo taas oo uu sheekhu u duubay hab deggan oo nidaamsan ayuu ku tilmaamay; wixii ugu wanaagsanaa ee uu noloshiisa ka tago ay ahayd duubistaas ay dad badan u sahashay in ay Qur’aanka bartaan iyadoo lagu celcelinayo( المصحف المعلم).

Masjidka Al-Xusari ee magaalada 6-Oktoober(Aljazeera)

HABABKA AKHRINTA

Sheekhu kuma koobnayn kaliya duubistaas, ee waxa uu xil iska saaray in caruurta iyo da’yarta uu ku jiheeyo hababka akhrinta toosan ee tobanka ah, waxa uuna aad ula kurboon jiray in uu arko qof si aan habboonayn u akhrinaya Qur’aanka, sidaa awgeed wuxuu sheekhu allifay buug dhif ah oo uu akhristayaashu ugaga warramayo Qiraa’ooyinka toosan.

Sheekh Xusari waxa uu dhiganihiisa “Macal Qur’aan” kusoo bandhigayaa khaladaad badan oo ay dadka qaarkii galaan kolka ay Qur’aanka akhrinayaan, wuxuuna sheekhu aad u naqdiyay in la yaraysto gafafka dadka qaar ay ku dhacaan xilligaasi. Waxa uu si adag kaga hor imid oo dhaliilay in quraada qaar ay joojiyren codeynta quraanka sida Sheekh Mustafa Ismaaciil oo ahaa wadaad caan ku ah akhriska quraanka. Sidoo kale sheekha kama gamban inuu dhaliil u jeediyo, Sheekh Cantar Muslim, oo aad u lahaa shacbiyad badan, inkasto oo uusan xusin magaciisa haddana waxa uu dul istaagay qiraa’adiisa waxa uuna ku tilmaamay mid aad u liidata, waca uuna sheekha ka hor istaagay in loo aqoonsado qaari rasmi ah lagana sii deyn idaacadaha. Buugga waxaa hordhac u sameeyay Sheekh Maxamuud Shaltoot, Sheekh al-Azhar, taas oo muujinaysa mudnaanta buugga.

Isla dhiganahaasi waxa uu sheekhu kaga warramay mudnaanta iyo fadliga ay leedahay akhrinta Qur’aanka iyo dhegeysigiisa, sida loo akhriya, ujeedka ka danbeeyay in quraanka lagu soo dajiyay todoba xaraf ama qaab, xukunka la xiriira in la isku-dhafo akhrin kala duwan xilliyada munaasabadaha iyo xukunka laxamaynta iyo wanaajinta codka ee quraanka.

Sheekh Xusari waxa uu aad u radiyay sida laga soo xigtay hadalkiisa in Quraa’da qaar aanay ilaalin qaabka ay aayaduhu isugu xigaan oo tartiibkii ah, qaar kalena waxay dhowr hab oo kala duwan ku akhriyaan aayad hal fadhi gudihiisa , taasi waxa uu sheekhu ku tilmaamay arrin aan salafkii suubanaa ee ummadan aanu samayn.

Aayaduhu sida ay isu xigaan waxaa ku sugan xikmad xeeldheer oo Alle ugu talagalay in la dhugto, sheekh xusari waxa uu si weyn uga dayriyay oo arrin aan qurxoonayn ku tilmaamay in aayadaha bar lagaga tago, si fahamka guud ee aayadaha loo helo waxaa muhiim ah in munaasabadda ay ka warramayaan aayadaha la wada akhriyo, tusaale ahaan ku gaabsashada ayadaha kusoo arooray dembidhaafka, bushaarada, rajagelinta ayada oo laga tagaayo aayadaha goodinta iyo ka digista cadaabka Alle.

Sheekh Xusari waxa uu kula taliyay dadka Qur’aanka akhriya in ay ka gungaaraan meel gaar ah iyadoo la iska ilaalinayo in meelo laga boodo, taas oo culays ku noqon karta fahamka gudeed ee siraha Qur’aanka.

Sheekh Maxmuud Xusari waxa uu qabaa in ay wanaagasantahay in cod qurxoon lagu akhrin karo Qur’aanka waase haddii la ilaalinayo axkaantiisa iyo hab akhrintiisa. Cilmiga tajwiidka oo loo sameeyay in lagu ilaaliyo xeerarka loo akhriyo Qur’aanka ayay muhiim tahay in qofka qaariga ah uu yaqaano. In qofku codkiisa ku qurxiyo Qur’aanka waa arrin maanta jirta, haddii qofka qaariga uu baalmaro usuusha iyo hababka akhrinta kolkaas ayay diideen culimada.

__________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *