
Waxaa qoray: Dr. Cabdiraxmaan Baadiyoow, Email: abdurahmanba@yahoo.com
Tarjume: Axmed Dhuubow

Sheekh Xasan Barsane: Halgan ka dhan ah duulaankii Itoobiya iyo Talyaaniga
Rubacii ugu danbeeyay ee qarnigii 19aad ilaa horaanta qarniga 20aad, waxa ay quwadaha Yurub isu fidinaayeen inay gacanta ku dhigaan Geeska Afrika, ayada oo culimada islaamka ay noqdeen horjoogayaasha iyo hogaanka muqaawamada Soomaalida. Waxa ay culimadaani difaaca dhulka muslimiinta u arkayeen waajib islaami ah, kaas oo lagaga soo horjeedo Kirishtaanka duulaanka ah; Talyaaniga, Ingiriiska, Faransiiska, iyo Itoobiyaanka. Waxaa fatradaani loo yaqiinay “Casriga Shuyuukhda”, sida uu u bixiyay barefasoor Saciid Samatar.
Hogaamiyaasha ugu caansan culimadaasi ee hubka qaatay waxay ahaayeen dhaqdhaqaaqii Daraawiishta, Sayid Maxmed Cabdulle Xasan (1856–1920); Sheikh Axmed Gabyoow, Hogaanka ee Iska-caabinta ee Warsheekh iyo Cadale (1844–1933); Hogaamiyhii Is-kacaabinta ee Biimaal, Sheekh Cabdi Abiikar Gafle (1852–1922); Sheikh Xasan Barsane (1853–1928); Sheekh Bashir Sheekh Xasan (1905–1945), iyo Sheikh Axmed Xaji Mahadi, hogaamiyaha dagaalka Lafoole ee ka dhnka ahaa Talyaaniga (1896), iyo qaar kale oo badan. Dhammaan culimadaani waxa ay wadaagaan inay leeyihiin khalfiya reer baadiyanimo, iyo inay ku abtirsadaan dariiqada Saaloxiyada ee Suufiyada, taas oo saameyn weyn ku yeelatay adduun-aragooda iskacaabinta.
Dhanka kalena waxaa jiray taageero ballaaran culimada iskacaabinta nabdoon, gaar ahaan bulshooyinka beeraleyda iyo kuwa bartamaha magaalooyinka. Waxa uu ujeedku ahaa in la dhowro laguna dhaqmo dhaqanka islaamka, iyo dhisidda is-maamul gudeed ayada oo loo maraayo waxbarasho, wada-hadal, iyo dhisidda bulshada. Waxa uu hannaankoodu ahaa mid ka duwan kan mujaahidiinta hubeysan, balse marna ujeedkoodu iskama hor-imaanaynin, wax-biirintooda dhaqdhaqaaqa guud ee iskacaabinta na waxa uu ahaa mid sarreeyo oo aan la qiimeyn karin karin. Kooxda hubeysan iyo kuwa nabdoon ee Iska-caabinta waxay ahaayeen kuwa is dhameystiraayo oo muujinaayo wejiyo kala duwan kuna abtirsada halgan mid ah. Giorgio Sorrentino, oo ahaa guddoomiye Talyaani ah oo loo magacaabay Banaadir kadib 1896, waxuu culimada nabadda jecel ku tilmaamay: “Culimada diinta waa kuwa ugu dhibaatada badan. Waxay faafinayaan naceybka diinta.” Sidoo kale, taariikhyahan Prof. Lee Cassanelli wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha diinta, Koonfurta Sooomaaliya, inay safka hore kaga jireen iskacaabbinta gumeysiga.
Sheekh Barsane wuxuu ahaa hogaamiye gobannimadoon iyo mujaahid si adag uga hor yimid dhul-ballaarsiga Itoobiya iyo gumaysigii Talyaaniga. Inkastoo diiwaanno taariikheed oo ku saabsan nolosha iyo jihaadkii Sheekh Xasan Barsane aad u yar yihiin, haddana raadkiisa waxa uu baaqi ku yahay xasuusta dadka Soomaaliyeed. Qormadan waxay isku dayeysaa in ay si kooban u dul istaagto, nolosha Sheekh Barsane, jihaadkiisa iyo iskacaabintiisii uu kaga hortagay halista mataanaha ah ee Itoobiya iyo Talyaaniga. Raadkiisu waxa uu dadka Soomaaliyeed sii xusuusinayaa xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya diinta Islaamka, dhaqanka, iyo siyaasadda iyo sida ay heegan ugu yihiin xorriyadooda.
Sheekh Xasan Barsane, sidoo kalena loo yaqaan Xaaji Xasan, waxa uu sanadkii1853dii ku dhashay tuulada Ubadi, taas oo 68km dhanka galbeed kaga aadan magaalada Jowhar ee maamulka Hirshabeella ee Soomaaliya. Taniyo yaraantiisa waxa uu Sheekh Barsane muujiyay sooc gaar ah dhanka waxbarashada Islaamiga. Waxa uu yaraantiisa xifdiyay Quraanka, taas oo ah guul weyn dhanka daraasda Islaamiga. Aabihiis waxa uu ahaa wadaad weyn iyo macallin dugsi, waxuuna ku beeray rabitaanka barashada diinta. Markii uu asaasiga xoojiyay, waxa uu sii watay barashada diinta, asiga oo xoogga saaray Fiqhiga Islaamka, Caqiiqada iyo Suufinimada. Si uu usii wato safaradiisa ruuxiga, waxa uu Sheekh Xasan Barsane u safray magaaalada Makkah siu u usoo guto Xaj, asiga oo maqnaa saddex sano taas oo u fududeysany inuu sii wato daraasadda diinta Islaamka iyo koriinshaha ruuxiga. Waxa uu Makkah kula kulmay, Sheekh Maxamed Saalax, madaxa dariiqada Saalixiyada ee Suufida, oo ah laan suufinimo oo utaagan dib-u-habeyn iyo dib-u-soo-nooleyn. Waqtigau u ku sugnaa Makkah waxa ay noloshiida kaga dhigneed bar isbeddel, taas oo siisay dhisidaa iyo barashada mabaadiida dariiqada Saalixiyada. Marka uu kusoo noqday Soomaaliya, waxa uu noqday mid kamid ah shakhsiyaadka ugu muhiimsan ee ka masuulka ka ah ku-fidinta gobolka dhaqdhaqaaqa Saalixiyada, taasoo dhiiragelinaysay dib-uhabeyn, cusboooneysiin akhlaaqeed, iyo iskacaabinta xoogaga gumeystaha.
Dariiqada Saalixiya waxa ay sumcad ballaaran ka dhex heshay Soomaaliya, taas oo ku timid kaalintooda ku aaddan iskacaabinta gumeysiga ee dhamaadka qarniga 19aad iyo horaanta qarniga 20aad. Si ka duwan Suufida kale ee xoogga saara ruuxiyaadka iyo iskacaabinta nabdoon, waxa ay Saalixiyada himilooyinka diineed ku lamaaniyeen ka-qeyb qaadashada siyaasadda iyo iskacaabin hubeysan ee ka dhanka gumeysiga shisheeya oo dalka isku sii fidinaayay. Dariiqadan waxay noqotay awood dhexe oo ka dhex muuqatay dhaqdhaqaaqyo badan oo gobannimo doon ah.
Dhanka kale, taniyo xukunkii Fashiistaha ee 1923dii, waxa uu maamulka Talyaaniga uu ahaa mid aan dhaafsiisneyn gobolka Benadir taas oo u suurtaglisay inay gacanta ku dhigaan magaalada xeebeedyada ku hareeraysan Muqdisho. Si walbo ha noqoto ee marka laga reebo magaala xeebeedyadaasi, waxaa Talyaaniga ku adkaatay inay la wareegaan maamulka gobollada kale ee Soomaaliya. Dhulka bariga, gaar ahaan Bartamaha iyo Koonfurta Sooomaaliya, waxaa ka kacaamay dhaqdhaqaaqya iskacaabin oo ay hor-kacayaan hogaamiyaal sida Sheekh Xasan Barsane iyo hogaamiyaal kale oo maxalli ah kuwaas oo hirgaliyay is-maamul gudeed. Waxaa Talyaaniga ku adkaatay inay gacanta ku dhigaan gobolladaan, maadaama ay la kulmeen diidma xooggan oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo ku gacan sayray inay ku hoos noolaan xulunka shisheeyaha. Waxa uu xukunkii Talyaaniga ee Banaadir astaan u ahaa dhaqan-gelinta siyaasadaha faashistaha laga bilaabo 1923, kuwaas oo loogu talagalay in lagu boobo kheyraadka dalka, lagu fuliyo nidaamkooda sharci, sidoo kalena la cadaadiyo koox kasta oo mucaarad ah.
Maamulkii Fashiistaha Mussolini inta u dhaxaysay 1923-1941, waxa uu bannaanka la yimid hab maamul aad u arxan-darran. Waxa uu taliska adeegsaday cadaadis millitiri siu u iskag hor leexiyo una caburiya Soomaalida lidka ku ah ee diidan maamulka. Waxuu soo saaray shaqaalaysiin qasab ah, canshuur xad-dhaaf ah, iyo xeerar takoor kuwaas oo dadka Soomaaliyeed ka xayuubiyay xuquuqdii siyaasadeed iyo bulsho, taasoo Talyaaniga u fududaysay in uu si buuxda u maamulo dalka. Janraal Maria Cecchi, ee maamulka fashiistaha usoo magacaabay madaxii Soomaaliya, ayaa waxa uu hormuud ka noqday olale lagu ballaarinaayo maamulka Talyaaniga laga bilaabo xeebaha gobolka Banaadir ilaa guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, asiga oo adeegsanaayo xeelado wuxuushnima si uu iskaga hor leexiyo iska-caabinta. Waxa uu ujeedka is-ballaarint ahaa in la isu-geeyo Koonfurta Soomaaliya iyo labada Saldanada ee Hobyo iyo Majeerteen kuwaas oo si dadban ugu hoos jiray maamulka iyo maxmiyadda gumaeytaha ee Talyaaniga. Inkastoo ay socdeen iskudayadaan, haddana bulshada Soomaaliyeed waxay joogteeyeen iska-caabinta taas oo muujinaysa adkaysigooda ku aaddan gumaystaha.
Sheekh Xasan Barsane, waxa uu ka halgamay labo jiha oo mudnaan leh; halgan uu kaga soo horjeeda Ciidamada Itoobiya ee 1905, iyo halgan uu kaga hor imid fashiistaha Talyaaniga ee 1924. Waxa ay iska-caabintiisa ku suntaneed oo ay tilmaamaysaa halganka uu ugu jiray difaacadda dhulka Soomaaliyeed oo ay duulaanka ku ahaayeen Itoobiyada is-ballaarinaysa iyo gumaystaha Talyaaniga.
Sanakii 1905, Xeyla Salaase aabihii, Ras Makonnen, waxa uu daah-furay olale millitiri oo lagu doonaayo gobolka Banaadir lagana dhigo qeyb kamid ah istiraatiijiyada dhul-ballaarsiga ee Itoobiya si loo gaaro xeebaha Geeska Afrika.Waxa uu dhaqdhaqaaqani ku beegnaa xilli ay awoodaha Yurub, gaar ahaan Talyaaniga, ku ballaaranaysay saamayntooda guud ahaan gobolka. Sida ay faafisay New York Times, waxaa ciidamada Ras Makonnen oo ka koobnaa 3000 una badnaa fardooleey ayaa inta badan la qabtay ayada oo ay badbaadeen kaliya 69 askari oo ku laabtay Itoobiya. Sheekh Xasan Barsane waxa uu xilligaa noqday hogaamiye saamayn leh kaas oo abaabulay iska-caabin ka dhan ah duulaanka Itoobiya. Wuxuu mideeyay ciidan ay ka mid yihiin ehelkiisa iyo widaaydiis, oo ay ka mid ahaayeen cutubyo uu hoggaaminayeen ardaydiisa uu ku kalsoonaa, Sheekh Abuukar iyo Sheekh Oyaye, kuwaasoo si buuxda ugu diyaar ahaa dagaalka. Sidoo kale, Suldaanka Mustaxiil ee Olol Dinle ayaa door muhiim ah ka qaatay, isaga oo bixiyay sahay iyo taageero ciidan oo la siiyay xoogagga iska-caabinta.
Ciidamada Sheekh Xasan Barsane waxay dagaallo is-xig-xiga la galeen ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa jiidooyin dagaal oo istaraatiiji ah, sida Galo Karor, Buulabarde, Yaaqbariweyna, iyo Ceel-Cabdi. Dagaalladaani culus waxay ugu danbeyn dhaliyeen in garabka Sheekha ay ciidamada Itoobiya ku qasbaan inay iskaga baxaan gobolka Benaadir.
Iskacaabintaani waxay Soomaaliya ka badbaadisay faragelinta joogtada ee Itoobiya, waxayna sidoo kale ka caawisay inuu waaro is-maamul maxalli oo lid ku ah duulaanka shisheeye. Iskacaabitaan lagaga hor tagay qabsashada Itoobiya ee gobolka Banaadri, waxaa ka qeyb qaatay qabiillo badan, lagana xusi karo, Gaaljecel, Moobileen, reero kamid ah Abgaal, iyo Shiidle oo kaalin weyn ka qaatay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay meel u dhow magaalada Balcad. Sida uu caddeynaayo taariikhyahanka Talyaaniga Robert Hess, Talyaaniga waxa uu sanadka 1905tii uu masuuliyad iska saaray dhismaha gumaysi ka hanqaado Koonfurta Soomaaliya oo ku began sanadka ay Itoobiyaanka soo duuleen. Sidaas darteed waxa uu maamulka Talyaaniga ku koobnaa xeebaha gobolka Banaadir, asiga oo aan wax tallaabo difaac ah ka qaadin duulaanka Itaabiya.
Dhanka kale, Talyaaniga waxay sanadkii 1923 gashay gacanta taliska fashiistaha waxaana Janaraal Emilio De Vecchi loo soo magacaabay madaxa Soomaaliya. Xilli ay Ingiriiska ku howlanaayeen qabsashada dhulka Somalida Waqooyi, Somaliland, ayaa De Vechi waxa uu helay fursad ballaaran taas oo uu ugu danbeyn us uurtagalisay in la maquuniyo Sheekh Xasan Barsane, sidoo kale u gaaro riyadiisa soo jireenka ahayd ee dhisidda ‘La Grande Somala’. Soomaalida xilligaasi waxa ay heysteen hub gaaraayo in ku dhaw 16000 oo qori. Waxaa la hirgaliyay siyaasadda hub-ka-dhigista, taasoo aheyd tallaabada koowaad ee olalaha ballaaran ee lagu doonaayay qabsashada guud ahaan Koonfurta Soomaaliya. Si qorshaha u fulo, waxa uu De Vechi la xiriiray Sheekh Xasan Barsane sanadka 1924, waxa uuna gaarsiiyay dhanbaal kama danbays ah oo ku aaddan inuu hubka dhiga isna soo dhiibo kahor inta uusan soo gaarin maamulka Talyaaniga. Si walbo ha nooqoto, waxa uu Sheekh Xasan Barsane shir degdeg ah iskugu yeeray asxaabtiisa, waxayna goosteen inay dib kaga jawaabaan warqadda. Warqadda uu qoray kuna socotay De Vechi waxay u qorneed sidaan;
“Waxa aan ku bilaabayaa magaca Allaah, waan helay warqadaadii waa na fahmay, laakiin waxa aan kuu sheegayaa in aanan qaadaneeyn amarkaaga. Dowladdaadu waxa ay leedahay sharciyadeeda, annaguna waxa aan raacnaa sharciga Allaah iyo rasuulkeenna Muxammed NNKH, ma nihin sida ummadaha kale ee aad gumeysatiin, iskuma dhiibno isticmaar, haddii aad dalkeena timaadu waa inoo dagaal. Adduunku waxa uu joogaa dhammaad, waxaa ka haray 58 sanno, ma dooneyno in aan adduunkaan sii joogno, waxa aan doorbideeynaa in aan dhimano anaga oo difaaceyna diinteenna.”
De Vechi waxa uu saraakiisha amar ku siiyay inay weeraro arxandarro ah ku qaadan ciidamada Sheekh Xasab Barsane, waxa uuna ka dalbaday inay Shekha ku keenaan nolol ama geeri. Bisha Maarso 1924 waxay Talyaaniga daahfureen weerar ka dhan ah Sheekh Xasan Barsane, kaas oo ka koobnaa weerar saddex jiho ah; guuto 1,000 askari oo ciidamadii gumeysiga ah kana socda Muqdisho, 1,000 kale oo ka socda Warsheekh, iyo 1,000 oo kale oo ka socda Jazira. Waxay tani qeyb ka ahyd qorshe lagu doonaayay in lagu la wareego dhulka uu maamulo Sheekh Xasan ee ku teedsan laga bilaabo Maxaas ee bartamaha Soomaaliya ilaa Galbeedka Baledweyna iyo taniyo Leego iyo Balcad oo ku dhaw xeebta. Waqtigaasi waxa uu Sheekh Xasan iskaga baxay aagga xeebta Banaadir, halka uu joogsaday xiriirka uu la lahaa Itoobiya kadib markii boqorka Kirishtaanka uu talada kala wareegay boqorka Muslimka ee Iyasu, taas oo keentay in si degdeg ah loo joojiya xiriirka ay Itoobiya la laheyd hogaamiyaasha Soomaalida, laakiin dhammaan guuldarooyinkaani ma aysan niyad jabin ciidanka Sheekha, kuwaas oo goostay inay difaacdaan dhulkooda hooyo. Boqolaal ka tirsan ciidanka Sheekha ayaa ka imid Mahadaay si ay kaga qeyb qaataan dagaal ballaaran oo ka dhanka ah cadowga kusoo wajahan. Dagaalkii Biya-Cadde inta u dhaxaysa Mahadaay iyo Cadalle, waxa uu ahaa dagaal aad u qaraar kaas oo uu dhiig badani ku daatay.
Talyaaniga waxa uu sii waday howlgalladiisa ilaa uu ka qabsadaan Wanlaweyn, taaso ay xigtay aagga Jowhar. Waxaa sidoo kale Balcad la bur uriyay qasriga kadib markii laga gacan sarreeyay qabiillada u taagnaa difaacidda magaalada, waxayna ku danbeysay mid burbursan. Duruuf walba oo jirta haddana iskacaabinta Sheekh Xasan Barsane ee ka dhanka aheyd Talyaaniga oo si joogta ah u wado weeraradiisa ayaa waxay iskacaabinta sheekha ku suntaneed caqabadda ugu weyn ee hor taagan gumaystaha. Waxa uu dagaalka socda iyo cadaadis iyo weerarada joogtada ah ee Talyaaniga waxay hoos u dhigtay awoodda ciidanka Sheekh Xasan Barsane, waxayna qabsadeen tuulooyin badan ayada oo la adeegsanaayo khad si adag loo dhisay waxaa ugu danbeyntii Talyaanigu gaareen Jilyaale, taas oo aheyd xarunta weyn ee Sheekha, waxayna burburiyeen xoolihii, iyo keydkiisa kheyraad, waxayna jabiyeen dagaalyahannadiisa, taas oo u suurtagalisay inay ugu danbeyn gacanta ku dhigaan Sheekh Xasan Barsane iyo widaaygiis Xuseen Dhaqane.
Inakasta oo amarradii hore ee Talyaaniga ay dhigaayeen in laga takhalluso maxaabiista lagu soo qabto howlgalka, balse De Vecchi ayaa faragelin ku sameeyay si uu u badbaadiyo nolosha Sheekh Xasan Barsane, halka widaayadiis iyo xertiisa la toogtay. Sheekh Xaan, waxaa la dhigay xabsiga Dhexe ee Muqdisho, halkaas oo lagu xakumay xabsi daa’in, islamarkaan si xun looga dhex jir dilaayay ayada oo la raacaayo siyaasadda fashiistaha ee Talyaaniga. Kadib labo sano oo xabsi daran ah, waxa uu Sheekh Xasan geeriyooday sanadka 1928 asiga oo 75 sano jir ah. Waxaa aaskiisa ka soo qayb galay kumanaan, ayada oo lagu duugay meel u dhaw xabsiga. Inkasta oo u uku geeriyooday gacanta gumaysiga, haddana Sheekh Xasan Barsane waxaa si ballaaran loogu maamuusay inuu ahaa halgamaa u shahiiday qadiyad aad qiima badan, waxa uuna halgankiisa qaddarin sarraysa ka muujiyay rag ay kamid yihiin abwaan Sheekh Axmed Gabyoow.
Sanadka 1923dii hogaamiyaha Suufida Baraki waxa uu mideeyay dhowr fadhi oo jamaacada ku laheyd Shabeellaha Hoose, asiga oo xarunta weyn ka dhigay Baraawa. Si la mid ah, asigana waxaa lasoo qabtay lana dilay sanadkii 1928dii. Iyada oo ay jiraan caqabadahaas, haddana gumaystaha Talyaaniga waxa uu si tartiib ah ugu fiday gobolka. Halyeey Sheekh Xasan Barsane waxa uu baaqi kusii ahaaday xasuusta heer uu noqday astaan qaran oo ku suntan halgan ka dhan ah duulaanka gumaystaha. Dowladda Soomaaliyeed, waxay maamuustay Sheekh Xasan Barsane, iyada oo uga magac dartay dugsi sare oo ku yaallo magaalada Muqdisho.
Ugu danbayn, baahida cilmibaariseed ee sooyaalka koonfurta Soomaliya ee ka dhanka ah gumaystaha waa mid taagan, taasoo ay dhalisay inaysan jirin qoraallo badan oo laga heli karo majaalkaan. Waxay tani fursad ballaaran u tahay cilmibaarayaasha, taas oo siinaysa inay si hoose u eegaan iska-caabinta Soomaalida ee ka dhanka ah gumaystaha. Sidoo kale waxay tani albaab u tahay sooyaal hodan oo guun ah oo weli aasan, taas oo wax badan ku biirin karto taariikhda gumaystah ee Geeska Afrika.
