Safarka “MIC 2025” soo ifbixii nuqul tayo liita ilaa hal-abuurnimo iyo hoggaan

W/Q: نائل دهمان

W/T: ALI QOORCASE

Marka aad maqasho weedha “Waxaa lagu sameeyey Shiinaha”, sawirka ugu horreeya ee maskaxda ku soo dhacaya waa shaqaale jaban iyo agab tayo liita oo lagu soo saaro warshado waaweyn oo xoogga saara tirada, balse aan qiimeyn tayada. Aragtiyadan—inkastoo aysan gebi ahaan sax ahayn—ayaa muddo dheer ahayd faham fudud oo lagu garto badeecooyinka Shiinaha ee qiimahoodu hooseeyo, gaar ahaan suuqyada caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, taasi waxay ahayd oo keliya hal bog oo ka mid ah sheeko ballaaran. Ka dib sannado badan oo uu xakameysnaa, hoggaamiyihii hore ee Shiinaha Deng Xiaoping ayaa furay albaabbada dhaqaalaha, taasoo keentay in culayskii warshadaha culus laga leexiyo loona wareego soo saarista badeecooyin rakhiis ah oo dadku isticmaalaan. Markii danbe, waxa bilaabmay marxalad cusub oo tayeyn iyo horumar ah, iyadoo mushaharka shaqaaluhu uu kordhay, tartanka caalamiga ahna xoogaystay, isla markaana Shiinuhu uu si rasmi ah ugu biiray suuqyada tignoolajiyada.

Sannadkii 2015, magaalada Beijing waxay bilowday hindisaha “Waxaa lagu sameeyey Shiinaha 2025” (Made in China 2025 – MIC 2025), si uu u noqdo isbeddel taariikhi ah oo dalka ka qaada kaalintii “warshadda adduunka” loona raro awood warshadeed iyo tignoolajiyadeed oo hormuud ah. Aragtidan qaran waxay diiradda saaraysaa isku-filnaansho tiknoolaji, hal-abuurnimo iyo tayo, iyo kor u qaadista qiimaha badeecooyinka dhoofka ah. Ujeedku ma aha oo keliya in lagu jawaabo caqabadaha koboca dhaqaalaha, balse in ay noqoto tiir istiraatiiji ah oo Shiinuhu ku ilaashado amnigiisa qaran iyo hoggaaminta warshadaha casriga ah.

Su’aalaha ka dhashay safarkan

  • Sidee ayay maskaxda dadka ugu qotontay aragtida ah in badeecooyinka Shiinaha yihiin kuwo rakhiis ah oo tayo liita labadii toban sano ee la soo dhaafay?
  • Maxay ahayd kaalintii uu lahaa kalagguurkii Shiinaha ee sannadihii sideetameeyadii lagaga wareegay warshadaha culus loona wareegay soo saarista badeecooyinka qiimaha jaban?
  • Sidee siyaasadaha hoggaamiyihii hore Deng Xiaoping ugu gogol xaadheen furitaanka suuqyada, horumarinta silsiladaha sahayda, iyo dhiirrigelinta hal-abuurnimada iyadoo kharashyada wax-soo-saarku yaraadeen?
  • Maxay ahayd sababtii Shiinaha ku riixday in sannadkii 2015 uu hirgeliyo hindisaha MIC 2025 sidii tallaabo uu ugu gudbo warshadaha casriga ah ee tayo sare leh?
  • Sidee ayay uga jawaabeen quwadaha warshadeed ee waaweyn—Maraykanka, Yurub, iyo Japan—aragtiyahaan cusub?
  • Sidee waddamada Bariga Dhexe uga faa’iideysteen hindisaha Dhabbaha iyo Suunka (Belt and Road Initiative) si ay u xoojiyaan maalgashigooda warshadeed una yareeyaan ku tiirsanaanta alaab-qeybiyeyaasha soojireenka ah?
  • Waa maxay istaraatiijiyadaha ay dawladda Shiinuhu ku qaadatay qorshaha MIC 2025 si ay u hagaajiso tayada badeecooyinkeeda loona xoojiyo awoodda hal-abuurnimo?
  • Sidee qorshayaasha “Aragtida 2035” iyo “Halbeegyada Shiinaha 2035” u sii wadaan jidka uu Shiinuhu ka bilaabay MIC 2025 si uu u noqdo hoggaamiye warshadeed iyo tignoolajiyadeed marka la gaaro 2049?

Dulmar taariikhi ah oo ku saabsan warshadaha Shiinaha labadii tobaneeyo sano ee la soo dhaafay

Warshadaha Shiinuhu waxay soo mareen isbeddel weyn muddo labaatan sano gudahood ah. Ka dib tobannaan sano oo xoogga lagu saaray warshadaha culus, Shiinuhu wuxuu xilligii dib-u-habaynta iyo furfurnaanta ee sideetameeyadii u leexday warshadaha fudud, isagoo noqday hormuudka soo saarista badeecooyin rakhiis ah oo dunida caan ka noqday.

Mushaharka shaqaalaha oo hooseeya, dhaqaalaha oo sal adag yeeshay, iyo silsiladaha wax-soo-saarka oo horumaray ayaa si weyn u xoojiyay dhoofka Shiinaha, taasoo keentay in dalka loogu yeero “Warshadda Adduunka.”

Sannadkii 2004, saamiga Shiinaha ee wax-soo-saarka warshadaha caalamiga ah wuxuu ka hooseeyay 9%. Laakiin markii la gaaray 2011, Shiinuhu wuxuu dhaafay Midowga Yurub, isagoo noqday hoggaamiyaha ugu weyn ee warshadaha. Isbeddelkaas ayaa sii socday ilaa saamigiisu gaadhay 29% sannadkii 2023.

Caqabadaha iyo Aragti Cusub

Si kastaba ha ahaatee, hoggaanka Shiinaha wuxuu gartay in ku tiirsanaanta kaliya ee qaabka wax-soo-saarka rakhiiska ah uusan sii jiri karin. Mushaharka shaqaalaha oo kordhay, iyo baahida sii xoogaysanaysa ee loo qabo badeecooyin tayo iyo qiimo dheeraad leh ayaa ku qasbay in la dhiso aragti cusub oo warshadeed.

Arrintan waxaa sii xoojiyay xiisadaha ganacsi ee caalamiga ah iyo tartanka sii adkaanaya ee ka imanaya dalalka kale ee warshadaha xooggan leh. Sidaas darteed, waxaa la soo bandhigay aragtida “Waxaa lagu sameeyey Shiinaha 2025.”

Credits: What is Made in China 2025 and Why is the World So Nervous? — China Briefing

Maxaa loo hirgeliyey “Waxaa lagu sameeyey Shiinaha 2025”?

Hindisaha “Waxaa lagu sameeyey Shiinaha (MIC) 2025” oo la bilaabay 2015 wuxuu ka dhashay arrimo istiraatiiji iyo dhaqaale oo isbiirsaday. Shiinuhu wuxuu gartay in loo baahan yahay in wax-soo-saarka laga qaado heerka badeecooyin tiknoolajiyad hoose leh, loona raro warshado tiknoolaji sare leh oo qiimo dheeraad ah leh.

Ujeeddadu waxay ahayd in la gaaro: isku-filnaansho tignoolajiyadeed oo ku aaddan farsamooyinka aasaasiga ah, yareynta ku-tiirsanaanta alaab-qeybiyeyaasha shisheeye ee warshadaha muhiimka ah.

Shiinuhu sidoo kale wuxuu doonayay in uu xoojiyo: hal-abuurnimada, tayada iyo waxtarka, iyo joogtaynta wax-soo-saarka, si uu si dhab ah ula tartamo dalalka horumaray ee warshadaha.

Qorshahan waxaa dhiirrigeliyey tusaalooyin kale oo hore uga hirgalay dalal horumaray, sida:Germany (Industry 4.0),Japan,Mareykanka, iyoMidowga Yurub,kuwaas oo iyaguna ku hawlanaa sidii ay u xoojin lahaayeen awooddooda tartan ee tignoolajiyada casriga ah.

Credits: Can the G7 really build back the world better than China? – GZERO Media

Saameynta “MIC 2025” ku yeeshay dalalka waaweyn ee warshadaha (G7)

Qorshaha “Waxaa lagu sameeyey Shiinaha 2025” (MIC 2025) wuxuu walaac xoog leh ka abuuray dalalka waaweyn ee warshadaha, gaar ahaan Mareykanka, Yurub iyo Japan, sababo la xiriira himilada Shiinaha ee hoggaaminta warshadaha tignoolajiyada sare.

Mareykanku wuxuu u arkay MIC 2025 inuu yahay hanjabaad toos ah oo ku wajahan hoggaankiisa dhaqaale iyo tignoolaji. Waxaa jiray walaac la xiriiray: ku-qasbidda shirkadaha shisheeye inay wareejiyaan tignoolajiyada, xatooyada xuquuqda hal-abuurka, iyo kaalmada dhaqaale ballaaran oo dowladda Shiinuhu siiso shirkadaha gudaha.

Arrimahan waxaa loo arkay inay carqaladeyn karaan tartanka suuqa caalamiga ah.

Jawaabta Mareykanka waxay noqotay: inuu cunoqabatayn ku soo rogo badeecooyinka Shiinaha,inuu xaddido shirkadaha Shiine helitaanka kaabayaashiisa dhaqaalaha, iyo inuu adkeeyo xakamaynta maalgelinta Shiinaha ee qaybaha tignoolajiyada istiraatiijiga ah.

Xitaa Wasiirka Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in Shiinuhu yahay halista ugu weyn ee uu wajahayo nidaamka caalamiga ah ee Mareykanku hoggaamiyo, isagoo tilmaamay in Shiinuhu leeyahay rabitaan iyo awood uu dib ugu habeeyo nidaamka caalamiga ah gebi ahaanba.

Dhinaca Yurub, waxaa sidoo kale jiray walaac ku saabsan saamaynta qorshaha MIC 2025 ee warshadahooda iyo awooddooda tartan. Yurub waxay u aragtay in qorshahan uu sababi karo in shirkadaha Yurub laga riixo suuqa Shiinaha, iyo in kororto ku-tiirsanaanta tignoolajiyada Shiinaha ee waaxyaha muhiimka ah. Taasi waxay ku qasabtay dalal badan oo Yurub ah inay qaataan istiraatiijiyado warshadeed oo ilaalin badan leh si ay ula tacaalaan caqabadaha ka dhashay qorshaha Shiinaha.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah shirkadaha Yurub waxay sidoo kale arkeen fursado iskaashi oo lala yeesho Shiinaha, gaar ahaan waaxyaha ay Yurub ku leedahay khibrad iyo farsamo sare.

Tirakoobyo ayaa muujiyay in Shiinuhu kordhiyay saamigiisa badeecooyinka farsamada sare ee loo keeno Midowga Yurub, gaar ahaan waaxyaha uu Jarmalku ku takhasusay, taasoo caddeynaysa in tartanka caalamiga ahi sii xoogaysanayo.

Dhinaca bari, Japan ayaa ka mid ah dalalka uu si weyn u saamayn karo qorshaha MIC 2025, maadaama dhaqaalaha Japan aad ugu tiirsan yahay dhoofinta badeecooyinka tiknoolajiyada sare.

Japan waxay ka cabsi qabtaa in qorshahan uu dhaawaco saamigeeda suuqa ee waaxyaha sida: elektarooniga,robot-yada, iyo tignoolajiyada kale ee casriga ah.

Sidaas awgeed, Japan waxay bilowday inay qaaddo tallaabooyin ay ku wajahayso caqabaddaas, kuwaas oo ay ka mid yihiin: xoojinta hal-abuurnimada gudaha, iyo adkaynta iskaashiga ay la leedahay dalal kale.

Shiinuhu wuxuu digniin u diray Japan, isagoo sheegay in xayiraadaha ay saartay dhoofinta chips-ka kombiyuutarrada ay khatar ku yihiin silsiladaha caalamiga ah ee daabbulka. Tani waxay muujinaysaa tartanka sii xoogeysanaya ee dhinaca tignoolajiyada sare.

Japan waxay xayiraadaha dhoofinta ku dartay: chips-ka horumarsan, iyo tignoolajiyada quantum computing,

taas oo dhalisay digniino ka yimid Shiinaha oo ku aaddan saamaynta taban ee ay ku yeelan karto ganacsiga labada dal iyo xasilloonida silsiladaha caalamiga ah.

Credits: China in the Middle East: From oil to security – GIS Reports

Shiinaha iyo Bariga Dhexe: Iskaashi Cusub iyo Istaraatiijiyad

Bariga Dhexe wuxuu ku jiraa marxalad isbeddel oo ku saabsan xiriirrada caalamiga ah. Dalalka gobolka waxay doonayaan inay kala duwanaadaan saaxiibadooda istiraatiijiga ah isla markaana yareeyaan ku-tiirsanaanta Maraykanka. Shiinaha ayaa isbeddelkan u arkay fursad uu ku xoojiyo saamayntiisa dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka.

Shiinaha waa dalka ugu weyn ee soo dejista shidaalka Bariga Dhexe, taasoo gobolka ka dhigaysa meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga tamarta Shiinaha. Shirkadaha Shiineed waxay si ballaaran uga maalgelinayaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka iyada oo loo marayo hindisaha Dhabbaha iyo Suunka (Belt and Road Initiative), kuwaas oo ay ka mid yihiin: isgaarsiinta,shabakadaha 5G, iyo fiilooyinka badda hoosteeda.

Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu door ka ciyaaray dhexdhexaadinta quwadaha gobolka ee is haya, sida Sacuudiga iyo Iiraan, taasoo kor u qaaday sumcaddiisa inuu yahay ciyaaryahan diblomaasiyadeed oo muhiim ah.

Maalgashiyada Shiinaha ee Bariga Dhexe, kuwaas oo ku xeeran hindisaha Dhabbaha iyo Suunka, ayaa si weyn u kordhay, iyagoo gaadhay 39 bilyan oo doolar sannadkii 2024. Taasi waxay gobolka ka dhigtay ka faa’iideystaha ugu weyn ee barnaamijkan.

  • Dalalka Bariga Dhexe: Dhaqaale ka baxsan Batroolka

Dhanka kale, dalalka Bariga Dhexe waxay ku dadaalayaan inay horumariyaan dhaqaalahooda, oo ay kala duwanaadaan ilahooda dakhligu, si aanay ugu xirnaan keliya batroolka.

Shiinaha ayaa u muuqda saaxiib soo jiidasho leh si loo gaaro yoolalkan, maadaama uu bixinayo: maalgelin ballaaran oo ku saabsan waaxyaha tignoolajiyada,tamarta la cusboonaysiin karo, iyo kaabayaasha dhijitaalka ah.

Waxaas oo dhan waxaa lagu bixiyaa iyadoo aan lagu xirin shuruudo siyaasadeed, arrin ay hoggaamiyeyaasha gobolka badankoodu door bidaan.

  • Xiriirka Ganacsi ee sii Xoogeysanaya

Runtii, Shiinaha ayaa noqday saaxiibka ganacsi ee ugu weyn dalal badan oo Bariga Dhexe ah, gaar ahaan dhinaca ka baxsan batroolka.

Tusaale ahaan: Dhoofinta aan batroolka ahayn ee Sacuudigu u dhoofiyo Shiinaha ayaa kor u kacday 70%, taasoo muujinaysa xiriir ganacsi oo sii xoogeysanaya. Dalalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Hindiya, iyo Shiinaha ayaa maanta ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee loo dhoofiyo badeecooyinka aan batroolka ahayn ee Sacuudiga.

Credits: Get Ready for the Chinese New Year: TOP Products for Import from China — DiFFreight Company Blog

MIC 2025: Dhisidda Tayo, Hal-abuurnimo iyo Isbeddel Warshadeed

Mashaariicda “MIC 2025” ayaa xoogga saaray sidii loo horumarin lahaa tayada wax-soo-saarka Shiinaha, iyadoo ujeeddadu tahay in uu ka gudbo sumcadda hore ee ahayd “dal badeecooyin rakhiis ah laga keeno”, loona gudbo wax-soo-saar tayo sare leh oo leh qiime dheeraad ah.

Hadafkan waxaa loogu talagalay in Shiinuhu si dhab ah ula tartamo dalalka warshadaha horumaray sida Kuuriyada Koonfureed, Japan iyo Jarmalka.

Istaraatiijiyada MIC 2025

Si loo gaaro yoolkan, waxaa la hirgeliyey istaraatiijiyado dhowr ah:

  1. Hal-abuurnimo tignoolaji iyo sancayn garaad leh (smart manufacturing) Isku-darka internet-ka, dareemayaasha casriga ah iyo robotyada si loo kordhiyo wax-soo-saarka, tayada iyo hufnaanta.
  2. Mideynta heerarka warshadaha Waxaa la sameeyey nidaamyo tijaabo iyo shahaadooyin hubiya in badeecadaha Shiinuhu la jaanqaadaan heerarka caalamiga ah, laga bilaabo dawooyinka ilaa tamarta shidaalka.
  3. Kor u qaadista sumcadda ganacsiga Shirkadaha ayaa lagu dhiirrigeliyey inay sare u qaadaan sumadooda iyo joogtaynta tayada. Natiijadu waxay noqotay in tilmaamayaasha tayada warshadaha Shiinaha gaaraan 85.6% sanadkii 2024, taas oo caddeyn u ah horumar joogto ah.

Horumar Muuqda

Warshadaha Shiinaha ayaa durba muujiyey horumar muuqda: Robotyada, tamarta nukliyeerka, baabuurta korontada, dawooyinka casriga ah, iyo garaadka macmalka ah (AI) ayaa si degdeg ah u kobcay. Sumadaha ganacsi ee Shiinaha waxay kor u qaadeen kalsoonida macaamiisha, taas oo fududeysay inay si ballaaran uga dhex muuqdaan suuqyada caalamiga ah. Isbeddelkan wuxuu caddeynayaa in Shiinuhu u guuray badeecooyin leh qiime tignoolaji sare oo aan si fudud loo koobiyeeyn karin.

Maalgelinta Cilmi-baarista iyo Horumarinta (R&D)

Maalgelinta cilmi-baarista iyo horumarinta (R&D) ayaa noqotay laf-dhabarta isbeddelkan: Shiinuhu wuxuu sanadkii 2024 ku bixiyey in ka badan 3.6 tirilyan yuan, taas oo ahayd koror 8.3% marka loo eego sanadkii 2023. Taas waxay Shiinaha ka dhigtay dalka labaad ee caalamka ugu sarreeya dhinacan.

Dowladda Shiinaha waxay siisaa shirkadaha gudaha: deeqo dhaqaale, amaah ribo hoose leh, iyo canshuur-dhaafyo,

si loo dhiirrigeliyo hal-abuurnimada iyo horumarinta tignoolajiyada sare.

Sidoo kale, waxaa la dhiirrigeliyey isku-darka iyo la wareegidda shirkadaha shisheeye, si aqoontooda iyo tignoolajiyadooda loo soo raro gudaha Shiinaha.

Hoggaaminta Warshadaha Cusub

Shiinuhu maanta wuxuu hoggaaminayaa caalamka dhinaca: tamarta cadceedda (solar panels), baabuurta korontada, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dhanka kale, wuxuu weli haystaa awood xooggan oo la xiriirta: maraakiibta iyo tareennada xawaaraha sare leh.

Sidoo kale, Shiinuhu wuxuu horumar ka sameeyey: qalabka quantum-ka isagoo soo saaray xogmiirayaal (processors) casri ah, sahaminta hawada sare, iyo shabakadaha 5G.

Baabuurta Korontada: Tusaale Cad

Qaybta baabuurta korontada ayaa si gaar ah u muujisay isbeddelkan:

Markii hore, shirkadaha Shiinaha waxay ka baranayeen Yurub sida baabuur loo sameeyo. Maanta, arrintu way is dhallanrogtey: shirkadaha Jarmalka ayaa doonaya iskaashi lala yeesho Shiinaha si ay uga faa’iideystaan tignoolajiyada ugu horumarsan ee baytariyada iyo baabuurta korontada. BMW waxay heshiis la gashay Alibaba si loo horumariyo barnaamijyo gaadiidka iswada (AI-driven driving). Mercedes waxay heshiis la gashay Huawei si ay u isticmaasho tignoolajiyada baytariyada iyo softiweer casri ah laga bilaabo 2026. Natiijo ahaan, saamiga shirkadaha shisheeye ee suuqa baabuurta Shiinaha ayaa hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyey taariikhda, isagoo intii  hore ee 2025 gaaray 31% oo keliya.

Credits: Clément Renaud | Shanzhai Archeology

Isbeddelka Aragtiyaha ku saabsan Badeecadaha Shiinaha

Taariikh ahaan, badeecadaha Shiinaha waxaa inta badan loo arkayay kuwo tayo hoose leh, marka la barbar dhigo kuwa dalalka kale. Aragtiyadan waxay ka dhalatay xilli hore oo Shiinuhu xoogga saaray wax-soo-saarka badeecooyin rakhiis ah oo tiro badan.

Xitaa dhowaanahan, sahanno caalami ah ayaa muujiyay in in badan oo macaamiisha caalamka ah—gaar ahaan reer Galbeedka—ay weli badeecadaha Shiinaha ku xiriiriyaan tayo liidata.

Tusaale: sahan la sameeyay 2023 ayaa muujiyay in 62% macaamiisha reer Galbeedku weli haystaan aragtidan. Si kastaba ha ahaatee, awoodda wax-soo-saarka Shiinaha ayaa sannadihii u dambeeyay ku tallaabsatay hormar weyn.

Shirkado caalami ah oo sumcad weyn leh sida Apple, Tesla, iyo Armani ayaa maanta ku tiirsan Shiinaha si ay u soo saaraan badeecadahooda tayada sare leh. Tani waxay caddeynaysaa in Shiinuhu buuxin karo heerarka ugu sarreeya ee tayada, haddii la helo shuruudo faahfaahsan iyo nidaamyo hufan oo hubinta tayo ah.

Xaqiiqadan cusub waxay si weyn uga hor imaanaysaa aragtidii hore ee Shiinaha oo lagu yiqiin rakhiisnimo iyo tayo xumo. Maanta, wax-soo-saarka Shiinuhu kuma koobna badeecooyin jaban, balse wuxuu ku fiday hal-abuurnimo iyo tignoolajiyad sare oo ka muuqata waaxyaha kala duwan.

Dhanka kale, sumadaha ganacsi ee Shiinaha ayaa ku tallaabsaday isbeddel muuqda: Maanta waxaa lagu xiriiriyaa hal-abuurnimo, adkeysi, iyo casriyeyn. Waxay kasbadeen kalsoonida macaamiisha gudaha iyo dibaddaba. Xitaa macaamiisha Shiinaha laftoodu waxay mudnaanta siiyeen badeecadaha gudaha, iyagoo u arka astaamo kalsooni, tayo iyo qiime suuban.

Kororka dhaq-dhaqaaqa loo yaqaan “Guochao” wuxuu muujinayaa kalsoonida sii kordheysa ee macaamiisha Shiinaha ku qabaan dhaqankooda iyo badeecadahooda. Tani waxay tilmaamaysaa isbeddel ku yimid qiyamka iyo daacadnimada loo hayo sumadaha gudaha.

Daraasado dhowaan la sameeyay ayaa muujiyay in macaamiisha Shiinuhu ay xoogga saarayaan:

tayada iyo qiimaha waara, iyo diyaar u yihiin inay bixiyaan kharash dheeraad ah si ay u helaan badeecooyin deegaanka u roon.

  • Aqoonsiga Caalamiga ah ee Sumadaha Shiinaha

Helitaanka aqoonsi caalami ah ayaa door weyn ku yeeshay beddelidda aragtidii tabanayd ee badeecadaha Shiinaha. Sumado caan ah sida Lenovo, DJI, iyo Xiaomi ayaa ku caan baxay caalamka, gaar ahaan qaybta elektarooniga macaamiisha, iyadoo lagu ammaanay tayada badeecadahooda. Intaa waxaa dheer, sumadaha Shiinaha ayaa si degdeg ah ugu faafay dhaqaalaha Koonfurta Caalamka, halkaas oo iibkoodu afar jibbaarmay intii u dhexeysay 2016 iyo 2024. 50 sumadood oo Shiine ah ayaa lagu daray liiska World Brand Lab 2024 ee 500-ka sumad ee ugu saamaynta badan caalamka. 69 sumadood ayaa lagu qoray Brand Finance Global 500 Report 2025.

Credits: China readies to ‘fight to the end’ against Trump’s tariff, Europe plans counterattack — Hindustan Times

Tallaabooyinka Maraykanka ee ka dhanka ah MIC 2025

Dowladda Maraykanku waxay qaaday tallaabooyin taxaddar leh oo ka dhan ah kororka awoodda ganacsi iyo tignoolajiyadeed ee Shiinaha, iyadoo sababaha loo cuskaday ay ahaayeen kuwo istiraatiiji iyo dhaqaale. Washington waxay u aragtaa barnaamijka “Made in China 2025” (MIC 2025) inuu yahay hanjabaad ku wajahan hoggaaminteeda warshadaha horumarsan, waxayna isku dayaysaa inay xaddido saameyntiisa iyadoo adeegsanaysa qalab siyaasadeed iyo dhaqaale oo kala duwan.

1. Canshuuraha Kastamka (Tariffs)

Mid ka mid ah hubka ugu weyn ee Maraykanku adeegsaday waa canshuuraha kastamka.

Sannadkii 2018, madaxweynihii waqtigaas Donald Trump wuxuu bilaabay inuu cashuurro culus saaro badeecooyinka Shiinaha. Wuxuu ku sababeeyay in Shiinuhu ku dhaqmay ganacsi aan caddaalad ahayn, sida xatooyada lahaanshaha garaadka (Intellectual Property) iyo khasabka lagu wareejiyo tignoolajiyada. Canshuurahaasi waxay gaareen heerar aad u sarreeya, iyadoo qaar ka mid ah badeecooyinka Shiinaha lagu soo rogay canshuur dhan 145%.

Shiinuhuna wuxuu uga jawaabay isagoo isna saaray canshuuro la mid ah badeecooyinka Maraykanka. Inkasta oo labada dal ay kala saxiixdeen heshiiskii “Wejiga Koowaad” ee ganacsiga sannadkii 2020, haddana inta badan cashuurihii weli waa socdaan, taas oo muujinaysa in xiisadda ganacsi ee labada quwadood aanay weli degin.

2. Weerarka ka dhanka ah Shirkadaha Tignoolajiyada Shiinaha

Ka sokow cashuuraha, Maraykanku wuxuu qaaday olole xooggan oo ka dhan ah shirkadaha waaweyn ee tignoolajiyada Shiinaha, gaar ahaan Huawei.

Tan iyo 2019, Washington waxay ku soo rogtay Huawei xayiraado adag, iyadoo ku doodday in ay jiraan walaacyo amni qaran, gaar ahaan tuhunka ah in qalabka Huawei loo adeegsan karo basaasiin dowladda Shiinaha.

Xayiraaduhu waxay ka mid ahaayeen in laga hor istaago Huawei helitaanka tignoolajiyada muhiimka ah ee Maraykanka, taas oo si weyn u wiiqday awoodda shirkadda ee ku saabsan soo saarista taleefannada casriga ah iyo qalabka isgaarsiinta.

3. Xannibaadaha TikTok

Dhanka kale, walaaca Maraykanka wuxuu ku kordhay barnaamijka TikTok, oo hoos yimaada shirkadda Shiinaha ee Bytedance.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa ka cabsi qaba in xogta dadka isticmaala TikTok ee gudaha Mareykanka loo gudbiyo dowladda Shiinaha. Waxaa kale oo jira tuhun ah in barnaamijka loo adeegsan karo faafinta war-marin habaabin iyo ol’ole siyaasadeed.

Arrintan darteed, Kongareeska Maraykanka wuxuu sannadkii 2024 meel mariyay sharci ku qasbaya shirkadda Bytedance inay ka iibiso TikTok shirkad Mareykan ah, haddii kale lagu xannibo gebi ahaan gudaha Maraykanka.

Tallaabadani waxay muujinaysaa sida qoto dheer ee Washington uga welwelsan tahay saamaynta Shiinaha ee dhanka tignoolajiyada dhijitaalka ah.

Shiinaha 2035: Hal-abuurnimo iyo Halbeegyo Caalami ah

Marka la gaaro sannadka 2035, Beijing waxay hiigsanaysaa inay noqoto xoog warshadeed oo hoggaamiya caalamka, kuna dhisan hal-abuurnimo xooggan iyo saamayn muuqata oo ay ku leedahay dejinta halbeegyada tignoolajiyada soo koraysa. Aragtidan cusub waxay ka dhalatay Qorshaha Shan-Sano ee 14aad (2021–2025), kaas oo dejiyey yoolal istiraatiiji ah oo ay ka mid yihiin:

In laba-laab lagu sameeyo cabbirka dhaqaalaha marka loo barbar dhigo heerkii 2020.

  • In kharashka cilmi-baarista iyo horumarinta (R&D) la gaarsiiyo 3% GDP.
  • In qaybaha tignoolajiyada sare lagu kordhiyo saamiga dhoofka ilaa 15% guud ahaan.

Halbeegyada Shiinaha 2035

Qorshahan wuxuu xoogga saarayaa:

  • Dhismidda nidaam qaran oo halbeegyo ah, iyadoo lala shaqeynayo hay’ado caalami ah sida ISO iyo ITU, diiradduna tahay shabakadaha 5G, garaadka macmalka ah (AI), silsiladda “blockchain”, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.
  • Horumarinta kaabayaasha dhijitaalka ah: in la dhiso in ka badan 1,000 warshadood oo casri ah iyo shabakado Walxaha Interneetka ku shaqeeya ee warshadaha “IoT warshadeed”, si wax-soo-saarka iyo hufnaanta loo kordhiyo heer 30–50%.
  • Cilmi-baarista tignoolajiyada horumarsan: in la furo shan xarumood oo cilmi-baaris qaran ah oo diiradda saara computing quantum-ka, Xogmiirla Afeed ee Dabiiciga ah (Natural Language Processing NLP), iyo robot-yada casriga ah. Ujeeddadu waa in sannad kasta la diiwaangeliyo 50,000 oo shati hal-abuurnimo ah.

Isdhexgalka Warshadaha iyo Deegaanka

Shiinuhu wuxuu qorsheynayaa inuu hirgeliyo warshado cagaaran iyo tignoolajiyada qabashada kaarboonka, si loo yareeyo isticmaalka tamarta loona dhimo 20% qiiqa ka dhasha warshadaha culus.

Cabbirka Caalamiga ah

Aragtidan waxaa taageeraya hindisaha “Dhabbaha iyo Suunka Dijitaalka ah”, oo lagu ballaariyo suuqyada cusub ee Aasiya, Afrika iyo Yurub. Shiinuhu wuxuu bixinayaa maalgelin fudud iyo dhiirrigelin lagu isticmaalo halbeegyada tignoolajiyada Shiinaha. Tani waxay siinaysaa Shiinaha fursad uu ku xoojiyo saamayntiisa dhaqaale iyo siyaasadeed, iyadoo warshadihiisu helayaan marin cusub oo caalami ah.

Credits: Analysis: Xi Jinping’s plan to rule for life is coming together — Nikkei Asia

MIC 2025: Guulaha iyo Himilooyinka Mustaqbalka

Hindisaha “Waxaa lagu sameeyey Shiinaha 2025” ma ahayn qorshe warqad lagu xardhay oo keliya, balse wuxuu ahaa istaraatiijiyad si xeeldheer loo qorsheeyay. Taas ayaa u saamaxday Shiinaha inuu gaaro guulo muuqda, gaar ahaan toban waaxood oo muhiim ah sida robot-yada, garaadka macmalka ah (AI), baabuurta korontada, iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

Maalgelinta sii kordheysa ee cilmi-baarista iyo horumarinta (R&D)—oo gaartay in ka badan 3.6 tirilyan yuan sanadkii 2024—taageerada ballaaran ee dowladda, iyo nidaam sharciyeed dhiirrigeliya hal-abuurka ayaa horseeday in ay soo baxaan shirkado caalami ah oo Shiine ah sida DJI, Huawei, iyo BYD. Shirkadahani waxay jebiyeen kelitaliskii tignoolajiyada reer Galbeedka, waxayna abuureen halbeegyo caalami ah oo cusub.

Sawirkii hore ee lagu yaqaanay badeecooyinka Shiinaha oo rakhiis ah, balse tayo hoose leh, si tartiib ah ayuu u libdhiyaa. Maanta, summadda “Made in China” waxay u taagan tahay tayo iyo hal-abuur. Shirkadaha gudaha ayaa ku guuleystay kalsoonida macaamiisha caalamiga ah, iyagoo adeegsada nidaamyo shahaado iyo hubin tayo oo heer caalami ah, ayna hirgeliyaan farsamooyin wax-soo-saar cagaaran.

Inkastoo weli ay jiraan macaamiil haysta aragti taban, haddana xogtu waxay muujinaysaa in aragtidaasi si weyn hoos ugu dhacday. Tusaale ahaan, saamiga Shiinaha ee suuqa baabuurta korontada si joogto ah ayuu u kordhayaa, halka tirada shatiyada hal-abuurka caalamiga ah ee uu Shiinuhu diiwaan geliyo ay sii kacayso, celcelis ahaan in ka badan 20% sanadkiiba.

Mustaqbalka warshadaha Shiinaha wuxuu ku wajahan yahay isku-dhafka tignoolajiyada, ilaalinta deegaanka, iyo joogtaynta. Shiinuhu ma doonayo oo keliya inuu noqdo hoggaamiye dhinaca badeecooyinka qiime dheeraad leh, balse sidoo kale inuu tusaale u noqdo warshadda cagaaran, isagoo hiigsanaya in uu yareeyo qiiqa wasakhowga warshadaha in ka badan 20% marka la gaaro bartamaha tobanka sano ee soo socda.

Iyadoo la raacayo talaabooyinkan himilo dheer, Shiinuhu wuxuu ka sii tallaabayaa Aragtida 2035, isagoo hiigsanaya “Dib-u-cusboonaysiinta weyn ee Qaranka” sannadka 2049. Taas micnaheedu waa in Shiinaha aan mar dambe loo aqoonsan doonin oo keliya “warshadda adduunka”, balse loo arki doono hoggaamiye hal-abuur iyo tignoolaji oo qaabeeya warshadaha mustaqbalka, kuna yeesha saameyn toos ah nolol-maalmeedka malaayiin qof oo dunida ku nool.

Dhammaad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *