Nuxurka buugga Dhacdooyinka Sugan

W/Q: Suleymaan Bashiir

Wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan, sanadkii 1966. Waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare wuxuu kusoo qaatay isla magaalada Muqdisho. Markii dowladdii burburtay bilowgii sagaashamaadkii oo ay magaalada ka curteen dagaaallada sokeeye, sababtayna in laga kala cararo dhammaan goobihii adeegga bulshada. Isagu wuxuu xilligaas dhex joogay degmada Wadajir (Madiina), gaar ahaan hotel u dhow dugsigii Macallin Halaf.

Markii ay caddaatay in magaaladu burbur gashay ayaa dhibaatadu si gaar ah u saamaysay, maadaama uu ahaa aroos cusub oo uu yeelan lahaa nolol cusub. Wuxuu lahaan jirey dukaan yar, dagaalladuna si wayn ayey u saameeyeen. Maadaama uu ahaa dhallinyaro aan hore u arag mayd jidka yaalla, wuxuu la kulmay xaalad uu si daran uga argagaxay, maadaama waddooyinka lagaga tallaabsanayey maydadka, qof walbaana uu ku jiray “nafsii-nafsii”.

Iyadoo magaalada laga qaxayo, shaqada keli ah ee taallana tahay; dhac, boob iyo dil ayay doorteen in ay xalaal ka shaqaystaan. Waxay suuqa Afgooye kasoo iibsadeen qudaar, maadaama uusan jirin gaadiid la raaco, waxay kasoo lugeeyeen ilaa 30Km, waxay ku qaadatay siddeed saacadood inay soo gaaraan suuq-yaraha Madiina ee magaalada Muqdisho.

Suuqa waxay kula kulmeen islaan ay garanayeen oo la oran jirey Calasay, iyada ayaana u iibisay qudaartii, maqribkii markii ay soo mareen waxay arkeen islaantii oo lacag aad u fiican ugu iibisay qudaartii ay dusha kusoo qaadeen. Lacag fiican ayay siiyeen, iyaguna wax fiican bay ka heleen. Maalmo dambe ayay kasii shaqeeyeen howshaas ilaa ay istaagtay. Mar damme ayay istuseen in ay magaalada u iibgeeyaan Lo’da hilibka ah, waxay kasoo kaxayn jireen AfgooyeBaydhabo iyo Muqdisho ayay markalena u kala gooshin jireen geela iibka ah. Nasiib darro, aakhirkii saaxiibkii ayaa dhacay.

17-kii Sebteembar 1991 waxaa u dhalatay curaddiisii, farxad weyn ayuuna dareemay, maadaama uu noqday aabbe markii ugu horraysay. Laakiin farxaddaas waxaa la socday murugo iyo calool xumo, maadaama uusa haysan wax uu siiyo ummulisada iyo nuunaha oo uusan caano u hayn, xitaa xaaskiisu oo dhashay iyadoon dhowr beri aan wax cunin, markay dhashayna ma aysan haysan wax ay afka geliso. Habeen walba wuxuu ka cabsan jirey in umusha iyo ilmeheeduba ay macaluul u dhintaan.  Maadaama uu Muqdisho iyo Afgooye daawooyin ukala qaadi jirey oo gawaarida waddooyinka afgooye maraya uu muraayadda ka siin jirey, waxaa muqdisho ka bilowday dagaalladii afarta bilood. Markii dagaalladii sii dabadheeraadeen wuxuu noqday shaqo la’aan daran.

Maalin ayuu u tegay saaxiibkii Xasan Dheere oo hilible ahaa si uu dhalo caano ah oo nuunaha u  siiyo uu uga helo. Saaxiibkii isagoo dareemay duruuftiisa ayuu ku yiri “Orodoo islaantaas meheradda leh u tag oo kasoo cun muufo iyo hilib.” Wuu ka diiday, balse wuu ku qasbay. Markuu cunay ayuu matagay maadaama dhowr maalmood uusan waxba cunin. Saxiibkii ayaa u jaray hilib wuxuuna siiyey 5,000 sh.So si uu reerka dabka ugu soo shido. Wuxuuna u sheegay bal in uu usoo laabto si ay isku warsadaan. 

Saaxiibkii ayaa markaas ku yiri: “Miiskaan hortayda ah waa kuu bannaan yahay, aniga ayaa ku dammiiinanaya ee ku shaqayso.” Maalintii ugu horraysay wuxuu kasoo saaray hilibkii xaafadda iyo caanihii gabadha. Muddo ayuu halkaas ka shaqaynayey ilaa reerkii miiska lahaa ay u baahdeen, isaguna uu mar kale noqday baagamuuddo. Markuu sidaas u dhibaatoonayay, wuxuu arkayey qaraabadiisa oo qoryo ku dhacaya dadka, nolol fiicanna ku nool, aabbayaashoodna iyagoo kusoo lebistay xoolahay soo dheceen dhashoodu ayay masaajidda safka hore kaga tukan jireen.

Wuxuu nololsha la daalaa dhacaba, wuxuu helay shaqo xoolo qalid ah, nin uu bartay markuu miiska hilibka ku gadi jirey oo la oran jirey Kalar, kaas oo ahaa dadka Soomaalidu u taqaanno eeylaha. Kalar aad ayuu u gacan qabtay, habeenkii ayay wada qali jireen xoolaha, midkiina waxaa lagu qali jirey 5,000 sh.So. waa damme isagoo ilaahay u nimceeyey oo duco qaba ayuu si kedis ah u arkay saaxiibkii Kalar, wuxuu ku daray dadkii xoolaha u qalayey, hilib iyo lacag uusan siin dadkii kalena wuu siiyey, dadkoo la yaabban xiriirka labadaas qof ka dhexeeya.

Abaartii Cagabarar ee 1992 dadku u dhimanayeen ayay ka mid noqotay hooyadiis dadkii ku sigtay in ay u dhintaan macaluul darteed. Wuxuu la kulmay murugo aad u weyn. Maalin ayuu u tegey nin ay qaraabo yihiin, si uu shaqo u siiyo; wuxuu u sheegay in reerku Tikniko leeyihiin oo boos ka bannan yahay. Wuu aqbalay, balse habeenkii ayuu u tegey Shiikh Muxiyadiin Cumar Jimcaale oo kula taliyey inuusan tiknikada raacin. Wuxuu qaatay taladiisii shiikha, go’aanna ku garay inuu shaqo sharci ah raadsado. Wuxuu go’ansaday inuu ka xammaasho gaarigacan. Isagoo doorbiday in dhididkiisa uu ku quudiyo qoyskiisa. Gaarigacan kaas wuxuu kala kulmay dhibaato badan, maadaama waddadu ay bacaad ahayd, culayska hilibkuna uu garayay 150kg.

Bilowgii 1993 wuxuu shaqo ka helay jamciyad samafal oo uu garab u noqday Shiikh Muxuyadiin. Laakiin lacagta maadaama ay ahayd bille, isagana looga baahnaa biilka maalin laha ah ee reerka. Sidaas awgeed wuxuu go’aansaday inuu lacag dayn ah ka doonto nin ay qaraabo ahaaeen oo ka jeeb roonaa. Maalin dambe ayuu ugu tegey miis qaad dushiis, isagoo qaad ka qaadanaya, saaxiibadiina uga qaadaya. Markuu xaalkiisa iyo wuxuu rabayba u sheegay wuxuu ku yiri “Islaantaas qaad ka qaado, anigu lacag ma hayee.” Aad ayuu u niyad jabay wuuna iska ooyay.

Shaqada maalintii ugu horraysay wuxuu aaday isagoo hammuun qaba, wuxuu kasoo laabtay isagoo wali gaajaysan, reerkiina aysan dab shidan maalmo. Subixii dambe isagoo aan shaah cabbin ayuu shaqadii ku noqday. Markuu soo laabtay wuxuu arkay in reerku maanta qadeeyeen! isagana qado loo dhigay! gadaal wuxuu ka ogaaday in nin aabbihii 100 shilin ku lahaa uu u keenay. Juun 1994 dagaal culus oo Muqdisho ka dhacay wuxuu sababay in xabbad dashiiike ahi ku dhacdo walaashiis, madaama uu shaqo ku maqnaan, halkaasna dagaalku afar beri ku xayiray, afar beri kaddib ayuu nini soo raadshay una sheegay in walaashiis dhimatay, lana aasay.

Isagoo la tacaalaya dagaal iyo duruufo nafsi ah, wuxuu shaqo ka helay Golahii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo nabadayntii Hiiraan ka qayb galay. Markii ay ku laabteen Muqdisho waxaay asaaseen kooxda kubadda cagta ee HACHS oo uu guddoomiye u noqday.

Maalin dambe wuxuu shaqo ka helay hay’ad samafal oo lagu magcaabi jirey Abu dubai, waxaana u muuqatay rajadii noloshiisa oo soo iftiimaysa. Hase yeeshee maamulka degmada (oo markaas ay madax ka ahaayeen Muuse Suudi iyo Cumar Filish) ayaa dalbaday in shaqaalaha la beddelo oo dad ay wataan loo shaqaalaysiiyo. Taas waxay dishay rajadii uu qabay. 

Isagoo afar carruur ah leh ayuu 1996 mushaharkiisii billaha ugu deeqay Jaamacadda Muqdisho oo markaas dhismaysay. Muddo kadib ayuu ka noqday arday intii u dhaxaysay 2002-2006.

Sannadkii 1995 waxaa u dhalatay gabar uu u bixiyay Iqra. Markay gaadhay 7 bilood ayay xanuunsatay; wuxuu u waayey dhaqaale uu dhakhtar ku geeyo. Markuu dayn ku geeyeyna, wuxuu waayey lacagtii uu daawada ugu gadi lahaa maadaama tiibisho lafood lagu sheegay. 8 maalin kaddib ayuu nini ka dammiintay farmashi, laakiin waa goor nuunihii ay tabar beeshay. Ugu dammayntii way saqiidhay iyadoo dhabtiisa saaran.

Wuxuu ku biiray ka shaqaynta arrimaha bulshada, wuxuuna noqday afhayeenkii golihii dhallinyarda ee nabadda iyo caddaaladda. Waxay kaloo furen urur la oran jiray HADHSO oo uu ka noqday guddoomiye ku xigeen. Intii uu socday shirkii Carta ee lagu doortay Cabdiqaasim Salaad Xasan wuxuu ka mid ahaa hormuudkii Muqdisho kasoo dhoweeyey dowladnimada cusub. Wuxuu shaqo ka bilabay Golaha dib-u-heshiisinta markii madaxdiisu waydiisteen in uu la shaqeeyo.

Wasiirkii dhallinyarada iyo ciyaaraha, AUN Qariidi, ayaa ka codsay inuu u noqdo xoghayaha wasaaradda. May 2001 waxaa u dhashay wiil, wuxuuna ugu magac-daray madaxwaynihii dalka. Isla sannadkaasna waxaa dhintay labadiisii waalid, waxaana u dhaxaysay laba toddobaad.

2002 waxaa muqdisho yimid dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka yimid Finland, waxay ka socdeen urur la oran jiray KANAVA. Waxay kawada hadleen in Xarun laga furo Muqdisho. 3-dii Sebteembar ayaa xaruntii la furay, isaga ayaana madax looga dhigay. Mar dammena Kismaayo iyo Baydhabo ayay xafiisyo ka furteen.

Febraayo 2004 wafdi uu ka mid ahaa oo ka socda wasaaraddii dhallinyarda iyo ciyaaraha ayaa  ka qayb galay  Mahrajaan ka dhacay Suudaan, waxayna muujiyeen wacdaro. Decembar 2004 ayuu ka qayb galay shirkii ururadii dhallinyarada Jaamacadda Carabta oo ka dhacayey Marooko. May 2005 wuxuu casuumaad ka helay dalka kuwayt halkaas oo ku dhacayey shirkii ururka ardayda Kuwayt. Wuxuu ka mid noqday asaasayaashii bulshada rayidka ah ee Soomaaliya. Bilowgii 2007 wasiirkii ciyaaraha ee xukuumaddii Cali M. Geeddi ayaa u magacaabay Guddomiha ururka dhallinyarda Qaranka. Intii uu xilkaas hayey wuxuu qabtay shaqooyin ay ugu muhiimsanayd munaasabaddii 15-ka May.

Hase yeeshee, kooxaha xagjirka ah ayaa weerari jirey dadka dowladda la shaqeeya. Waxaana loo soo diray farrrimo hanjabaad ah. Laba habeen kaddib wuxuu ka badbaaday iskuday dil, taas oo ku kalliftay inuu dalka ka boxo oo noqdo qaxooti.

Waa xasuus-qorkii iyo sheekada noloshiisa ee ku jirta buugga “ Dhacdooyinka Sugan” oo uu qoray Salaad Xasan Cali (Salaad Weekiyo), wuxuu ka kooban yahay 170 bog, Madbacadda Laashin ayaa 2022 daabacday. Hadda wuxuu ku noolyahay waddanka Sweden, waana bare barbaariya ardayda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *