
Muqdisho waa xabaasha dhallinta
W/Q: Abdirahman H. Daher
Berisamaadkii xeebta liido waxaa loogu naaneysi jirey caruusaddii dalxiiska. Goob dalxiis oo nafta lagu xasilliyo ayay ahaan jirtay wali na waa ay tahay.
Dadka ugu badan waxa ay soo dhaweysaa liido maalmaha jimcaha. Dadku labo labo iyo saddex saddex ayay u yimaadaan xeebtan si ay ugu nafisaan, waqti na ula qaataan kuwa ay jecel yihiin.
Tagidda xeebta liido saameyn wayn kuma yeelan burburkii dalka ka dhacay oo mar walbaba waxa ay ahayd goob dhallinta soo dhaweysa si ay iskaga dajiyaan culeesyada nololeed iyo kan dalka ka jira. Haddii ay caruusaddii dalxiiska ahaan jirtay shalay, xalay waxa ay noqotay xabaashii dhallinta. Dhaawac, dhimasho iyo dhiig ayaa hirqiyay xeebta.
Meel kastaba waxaa daadsan dhallinayaro daqiiqado ka hor faraxsanaa oo goobta ku damaashaadayay. Is ma lahayn waqtigiina ayaa halkan ku dhammaan doona.
Maalmo ka hor caasimadda waxaa ka dhacay barnaamij la yiraahdo “Jiilka Maanta” oo loogu talogalay in lagu soo bandhigo barnaamijyo kala duwan, ujeedku na waxa uu ahaa in jiilka maanta la iskugu keeno oo madadaalo iyo caweys loo sameeyo. Maalmo ayuu xasuusihii barnaamijkaas niyaddeena ku jirey illaa dhacdadii xalay. Waxa aad mooddaa in ay jirto cadow aan ku faraxsanayn farxadda dhallinta reer Muqdisho.
Markii ay soo billaabatay dhacdooyinka qaraxyada ah, cidda ugu badan ee ku nafweysaa waa dhallinta maadaamaa tirada dadka ugu badan ee dalka ay iyaga yihiin. Aad buu u yaryahay qaraxyada la la eegto dadka mas’uuliyiinta dawladda ah. Maxaa ku koobay qaraxyadan dhallinta kaliya? Qolyahan cidda dagaalka kula jirtaa waa siyaasiyiinta haddana cidda ay qashaan waa dhallinta, sidee? Waa su’aal ka dhexguuxaysa maanka dhallinyaro kasta ee dalka ku nool aniguba aan ugu horreeyo e’.
Qaraxan, kii ka horreeyay waxa uu ka dhacay goob iyada na lagu caweeyo oo ay dhallinyaro ciyaaro ku daawanaysay. Tirsi iyo koobis ma leh inta dhallinyaro ee naftooda ku weysay qaraxyada ka dhaca magaalada muqdisho.
Haddaad u fiirsato labadan qarax ee ugu dambeeyay, waxaa la soo wada marsiiyay bar-kontorool oo ay askar buuxaan. Inaggoo shacab ah ayaa ku dhibban marista bar-kontoroolada ku yaal caasimadda, sidee ayay suurtogal ku noqotay in intaas oo qarax ah la soo marsiiyo? Ma wada shaqeyn hoose ayaa ka dhaxaysa Askarta iyo AS? Maxaa keenay musuqa askarta in uu bar-kontoroolada ku bato? Maxaa u fududeeya AS marista iyo gudbinta qaraxyada bar-kontoroolka? Waan ogahay sideyda oo kale ayaad qabtaa su’aalo badan mana jirto cid u heysa jawaab waafi ah ama ba kaaga jawaabi karta su’aalaahan.
Dadaalladii ku aaddanaa soo gabagabeynta weerarada AS waxaa uu laba jibaarmay markii uu talada qabtay Madaxweyne Xasan Shiikh. Rajo iyo yididiilo hor leh ayay arrintaa shacabka ku abuurtay qaasatan dhallinyarada. Caasimadda goobo lagu caweeyo ayaa aad ugu soo batay muddadaas iyaga oo ka faa’ideysanaya jawiga amniyeed ee sii labajibbarmay. Waxaa baraha bulshada qabsaday sawirro iyo muuqalo madaxweynaha oo tuute gashan furrimaha dagaalkana jooga. Hadafka koowaad ee xukumdana sidaas ayuu ahaa, balse bilihii dambe waxa aad mooddaa in ay hakadeen iska-caabbintii lagu hayay qolyahan aragagaxisada. Taas na waxa ay siisey fursad ay ku aarsan karaan dibna ay kaga billaabi karaan hawlgalladii ismiidaaminta oo ay gudaha caasimadda ka fulin jireen. Markale ayay haddana rajadii dhallinta mugdi gashay iyo tii shacabkaba. Muddo badan ayuu mugdi ku jirey mustaqbalka dhallinyarada dalka. Shaqo la’aan, waxbarasho liidata, maamul la’aan iyo qaraxyo joogto. Waa culeysyada ugu badan oo ay dhallinta ka cabtaan. Maamul isku howlay wax ka qabashada arrimahan na ma jiro. Mana jiri doono. Waa xaqiiq. Hadda ba maxaa sababay weeraradan.
Maxaa sababa weeraradan soo noqnoqda?
- Feejignaan la’aanta askarta: goobaha bar-kontoroollada markii aad u fiirsato qaabka ay wax u baarayaan waxa aad ogaaneysaa in aysan meesha baaris dhab ah ku heyn. Baabuurta qaar si fiican looma baaro halka kuwo kale na inta ay lacago ka qaatan ayay u oggolaadaan marista waddooyinka. Ma heystaan qalabyada miinooyinka lagu baaro ama maba isticmaalaan haddii ay heystaan. Waxaad arkeysaa askari ayaa isa soo dul taagaya mooto bajaaj uu baarayo, dusha inta uu ka eego iyo halka uu darawalka mootada ku fadhiisto hoosteeda ayuu iska fasaxaa. Halkaas waxa aad ka dareemaysaa in ay askartu ku yartahay feejignaanta iyo tayada waxbaarista. Taas na waxa ay sahlaysaa in qaraxyada la soo hoos galiyo ama ay ku soo hoos dhuumaaleystaan dadka.
2. Ma jiro qorsho cad oo amni: askari yari ma jirto ee waxaa maqan qorsho qeexan oo la gu la dagaalamayo weeraradan halista ah. Wax kastaba si laablakac ah ayay madaxdu ku fuliyaan. Iskaba daaye qorsho cad e bal waxaa maqan qorsho qaran. Waxaa sidoo kale dhici karta in qorshihii uu degsan yahay oo aan ba la isku hawlin fulintiisa. Dagaaladii ay xukuumadii billawgan AS ku qaadeysay waxa uu u ekaa mid laablakac ah oo aan wax qorsho ah ku socon. La isma weydiin su’aalaha ah: war raggan mar walbaba dad ayaa laga dilayee halkee ka keenaan askartan u dagaalanta? Istiraajiidyo noocee ah ayay u adeegsadan dagaalka? Halkee ayay ka keenaan hubkan ay ku dagaallamaan? Maxaa inoo sahli kara ka guuleysiga kooxdan? Yey tahay cidda ay taageerada ka hesho oo hawlaheeda u fududeysa? Markale ayaan si kalsooni ah u leeyahay ma jirto cid isku hawshay ka jawaabista weydiimahan. Dagaal walbana si bilaa qorsho ah ayaa loo la galaa qolyahan dhiigyo-cabta ah.
3. Wax-is-weydiin la’aan: waxyaabaha ugu waaweyn ee sababa in ay soo noqnoqdaan dhacdooyinkan ayay qayb ka tahay. Waxkastaba markii ay dhacaan ilaahay ayaa qaddaray inta la yiraahdo ayaa laga sii dhaqaaqaa. Waa run waa qaddar laakiin in wax iska weydiiyo dhacdooyinkan waa muhiim si xal waara loo helo. Maxaa sababay qaraxyadan? Halkee ayay salaaddu ka xirmi la’dahay? Yaa u fududeeya nimankan fulinta weeraradan? Halkee ayay ka keenaan qaraxyada?
Bal haddii la is dul istaagi lahaa dhacdo walba oo wax la iska weydiin lahaa xal baa la heli lahaa. Laakiin ma jirto cid isku hawshay in ay wax is weydiiso. Xilligaan aan wax qorayo qarrax kale ayaa dhacay oo gololeey iyo inta balcad u dhaxeysa ayuu ka dhacay. Qaraxyadu waa ay socon doonaan sidaan haddii ay wax ku socdaan. Hadda dhacdadan waa lagaga dhaqaaqi doonaa iyada oo aan waxba la iska weydiin. Shaqooyinkeenni caadiga ah ayaan ku laaban doonaa. Madaxdu suudadkooda iyaga oo gashan ayay dib ugu soo noqon doonaan xafiisyada dowladda. Muddo ka dib xaald noocaan ah ayaa dhici doonta isla sidii tii hore ayaan uga socon doonaa idam rabbi.
4. Mas’uuliyad l’aanta Hayadaha amniga iyo gobolka Banaadir: qolyaha ka hawlgala amniga dalka waxa aad moodaa in ay gaabiyeen dadaaladdii lagu xoojin lahaa amniga dalka. Maamulka NISA iskuma hawlaan jawaab u helista sida qaraxyada lagu dhaafsiiyo baraha-kontorool iyo la xisaabtanka askarta goobahaas ka masuulka ah. Waxbaaristooda ma dhaafsiisana guryaha degmooyinka ku yaalla. Maamulka gobolka banaadir waligood ba isku ma hawlin ka shaqeynta amniga gobolka iyo adeegyada asaasiga ah. Bilooyinkii ugu dambeeyay guddoomiyaha gobolka waxa uu ku hawlanaa anshaxa dadka, toosintooda iyo sida ay hablaha sawir u galaan. Mana ahan shaqo gobolka u taal oo waa mas’uuliyad loo igmaday wasaaradda diinta iyo awqaafta. Gaabis dhanka aminga ah iyo dayac baahsan ayaana jirta. MADAALE SHAQADII GOBOLKA AYUU DAYACAY.
Maba jiri doonto cid sheegan doonta dayaca ku yimid mas’uuliyaddii amniga caasimadda. Maalinkii Trump la isku dayay in la dilo, dayacaas ka dhashay amniga waxaa xilka iskaga tagay agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka Marwo Kimberly Cheatle. Dareen mas’uuliyeed iyo qaangaarnimo siyaasadeed kama jirto dalka. Tanna qayb weyn ayay ka tahay dhibka. Ciidanka ammaanka dalka wali ma aysan qaadan mas’uuliyaddii darradii xalay dhacday.
Xalka dhibaatada
- Xoojinta amniga baraha-kontoroolka: dawladda iyo maamulka gobolka banaadir waa in ay xoogga saaraan amniga goobahaas iyo askarta ka hawlgasha. Askarta waa in lagu qalabeeyaa qalabka lagu ogaado walxaha qarxa. Haddii uu dayac dhankaas ku yimaado waa in la la xisaabtamaa askartii waajibka uu ka saarnaa ilaalinta amniga goobahaas oo wax laga weydiiyo.
2. Dhisidda ciidamo adag: ma yara inta jeer ee aan aragnay askarta oo waqti badan ay ku qaadanayso soo af-jaridda weerarrada ka dhaca goobaha la iskugu yimaado. Mararka qaar waxaa dhacda in hal nin oo ka mid ah Qalatada (AS) ayay ciidamda dawladda ka soo saari waayaan goobta ay galaan oo ay muddo saacado ah ku qaadato. Tayada xumada ciidan ayaa loo aaneyn karaa arrintaas. Sidoo kale ciidamadu waa ay ku yar tahay feejignaanta. Taas na in lagu tababaraa waa muhiim oo loo diyaariyo ugaarsiga qaraxyada.
3. Sameynta hay’ad la xisaabtanta qolyaha ka hawlgala amniga: in la helo hay’ad dawladda ka madax bannaan oo la xisaabtanta hay’adaha ka shaqeeya amniga waa tillaabo muhiim ah oo noqon karta qayb ka mid ah xalka dhibaatada. Isla xisaabtan la’aanta waxa ay keentaa musuq ku yimaada xafiisyada dawladda, taas na waxa ay fududeynaysaa weerarada qolyaha Qalatada ah. Sidoo kale isla xisaabtan markii la helo bwaxaa sare u qaadmaya tayada adeegyada ay dawladdu bixiso oo amniga ugu horreeyo.
4. Abuuris fursado shaqo iyo kobcinta dhaqaalaha: haddaad u fiirsato waddamada ay ka jiraan argagaxisada waxa aad arkeysaa in ay yihiin meel saboolnimo ay ka jirto. Saboolnimada ayaa sabab u ah colaadaha ka dhex jira bulshada. Dadku na waxa ay argagaxisada ugu biiraan waa sabab dhaqaalo awadeed. Cilmibaaris ay sababay qolyaha UN-ka ah ayaa waxa ku ogaadeen sababta ka dambeysa in dhallinta xagjirowda ay tahay dhaqaalo xumi. Fursdaha shaqo yari ee dalka ka jira waxa ay sababeen in dhallintii Qalatada ay ka faa’ideysato iyaga oo dhaqaale ku soo dabaya. Dawladdu ma oga halka ay aadaan dhallinta sanadka kastaba iskuulada iyo jaamacadaha ka soo baxda. Sanad kastaba ardey gaareysa 30 kun ayaa ka soo baxda iskuulada halka 2O kun ay jaamcadaha ka soo baxaan, inyar oo kooban ayaa jaamacado galaan, halka kuwo koobanna ay shaqo helaan inta kale lama oga halka ay galaan. Kobcinta dhaqaalaha dalka iyo abuurista fursado shaqo waxa ay yareen kartaa sababaha keenaya qofka inuu xagjiroobo.
Intaas waa ay ka badnaan karaa tabaha lagu xallin karo weeraradan halista se kuwaan waa kuwo ugu caansan ee loo mari karo. Dagaal feker in la soo gabagabeeyaa aad ayay u adagtahay. Qalatadani, dagaalka ay shacabka iyo dhallinta ku wadaan waa dagaal feker ku dhisan. Waa in la isku hawlaa sida fekerkan xagjirka ah iyo manhajyada taageera loo cirrib tiri lahaa. Ma ahan dagaal si dhaqsiyo leh lagu soo af-jari karo. Waqti ayuu qaadanayaa. Haddii aan waxba la iska wedyiin dhibaatooyinka soo noqnoqda, aan la isku hawlin wax-ka-qabashadeeda waligeed ka bixi meyno dhibaatooyinkan qaraxyada iyo gummaadka dhallinta. Ilmada unbaa naga dhammaan doonta. Waxaan alle ugu baryayaa in uu naxariisto dadkii ku dhintay qaraxyadii hore iyo kuwa maanta, inta dhaawaca ahna allaha u boogodhayo.

Aad baad u qeexday dhibaatooyinka iyo waliba xalkooda.
Shukran
Post sidaan u dheer wali maan wada aqrin lkn midkan markaan bilaaway aqriskisa waanba kla joojin wye waayo waa wax aan xisaynaaye inaan aqriyo, dhiibatoyinkaan aad soo sheegty oo dhan waa kuwa jira oo aan u wada jeedno lkn ka dhalin yarl ahaan waxpo kama qaban karno sababto ah ma lihin awood aan wax uga qabano taas bedelkeeda waxaa nahy dadka ugu bdn ee ku wax yeelooba dhibaatoyinka dhaca , magalka dad ku bdn waa anaka oo dhalinyaro, dadka shaqo la’aanta wada ah waa dhalin yaro, dadka qaraxyada ku dhimanayo ama ku dhawacmaayo waa dhalin yaro dadka tahriibaayo oo dhibaatonaya waa dhalin yaro, waxaan mareyna dhib ay madaxdeena noo keenen sababtana ayaka lahayeen waayo hadii amni fcn io shaqo abuur fcn wadanku lahaan lahaa waxaan oo dhibaato ah nama soo gaaren hdaan dhalintii dalka nahy, madaxda dalka waxbo nooma qabanayan markii wax dhacaan, intii aysan dhicina aminigeena ma sugi karaan, baroordiiq lapo beri ah oo aan wax qabad iyo is bedel ka danbeyn waxpo nooma taraayo, hadaan nahy dhalintii dalka waxa nahy dad quustay oo dalkoodi ka niyad jabay, intii dhimaty ALLAHA u naxariisto intii dhawac ahna ALLAHA u booga dhayo anakane samir io imaan ALLAHA naga siiyo waxaan ALLE noo waydiina nbd waarta waqtigey doontaba ha ahaate
Waxaad samaysay taxliilin dhacdoyinka amnidarro e Somalia, waxaadna so jedisay, Taloyin dhaxal gal ah. Mahadsanid
mudnid mudane
aamiin walaalo. ku mahadsanid akhrintaada iyo aragtidaadaba.