Maxay Filimadu Na Bari Karaan?

WQ: Marianna Glynska

W.T: Aw Saahil

Ma cid baa jirta aanan filimada jeclayn? Malahayga qof walba wuxuu leeyahay jaad filimeed uu jecel yahay. Waxaa jira jaadad filimeed badan oo kala kaan ah, laga soo billaabo maguuraanka (classics) ilaa noirs-ka, sidaas darteed qof walba wuxuu kala dhex bixi karaa nooc gaar ah oo danihiisa/dookhiisa sida ugu wacan uga tarjumi kara.

Qofku isaga oo ka faa’iidaysanaya horumarka tiknoolajiyadda, wuxuu daawan karaa filin fiican isaga oo safraya ama shaqadiisa usii socda. Waa inaad raadsataa app aad filimada ka daawato oo taleefanka ama laabtoobka aad haysato ku habboon.

Haddaba, qofku filimada kala jaadka ah ayuu kuwa soo jiita ka dooran karaa. Laakiin dadka qaarkood ayaa laga yaabaa inay shaki geliyaan filinsamaynta iyagoo ku andacoonaya in filimadu xaqiiqada aad uga fog yihiin. Laakiin filimadu miyay wax na bari karaan mase kaliya waxaa loo sameeyaa madadaalo, inay naga weeciyaan dhabta qaraar ee nolosheenna?

Dabcan, waxaa jira aflaan ujeeddada loo sameeyay ay tahay in nagula maaweeliyo; inta badanna waa filimo roomaansi ah iyo kuwa shactaro ah. Way naga qoslin karaan, nagu riixi karaan inaan shakhsiyaadka sheekada hoggaaminaya la dareen noqon, sidoo kale haa, waxay naga gacansiin karaan inaan dhibaatooyinkeenna illaawno haddii ayba jiraan, iyo inaan garawsanno in aysan  noloshu had iyo jeer u qaabaysnayn cad iyo madow, islamarkaana ay jiraan waxyaabo aan siyaabo kaftan iyo qosol ku dheehan yihiin u qaadan karno.

Si kastaba ha ahaatee, filimada oo dhami sidaas ma wada aha. Waxaa jira filimaan ku qalabaysan awood weyn, awood ay noogu laqimi karaan casharro ugub ah, sidoo kale noo saamaxaya inaan si guud nolosheenna iyo nafaheennaba uga eegnno xagal gaar ah. Filimada waxaa loo arki arkaa sida sheekaxariirooyin luxdan oo casri ah, kuwaasoo naga caawinaya inaan wax badan ka fahanno dabciga aadanaha, bulshada, is-dhexgalka qofka iyo bulshada, akhlaaqda, qaayasoorrada, iyo wixii la halmaala.

Ingmar Bergman, waa mid ka mid ah foolaadka agaasimayaasha filimada ee la majeerto.  Filimadiisu waxay soo bandhigayaan dhibaatooyin falsafadeed oo tirabeel ah, docda kale, waxay na barayaan casharro aan laga gayoon karin. Tusaale, mid ka mid ah filimadiisa ugu magaca dheer, The Seventh Seal, wuxuu u dhabbagalayaa nuxurka aan duugoobin ee ku saabsan aadanaha iyo baadigoobka macnaha nolosha.

Sahankan ku jihaysan raadinta macnaha noloshu wuxuu noqon karaa mid adag, niyadjab leh, laakiin waa arrin aan ka wada qeyb qaadanno, maadaama uu qof walbaa u ololayo inuu hanto macno nololeed oo isaga u dhadhamaya, yacnii macnihiisa nololeed ee u khaaska ah.

Ingmar, filinkiisa kale ee, Persona, wuxuu si ka yara qarsoodi badan ula tacaalayaa su’aalo kuwaas la mid ah. Mararka qaarkood, wuxuu abuurayaa weydiimo ka badan inta uu ka jawaab bixinayo. Laakiin halkaasi waa meesha ay awoodda fanku ka soo fufto. Hal-abuurku wuxuu nagu riixi karaa inaan qudheenna su’aalo oodda uga qaadno, islamar ahaantaana aan u ruclayno inaan helno jawaabaha gaarka ah ee nolosheenna.

Wuxuu na gaarsiin karaa inaan hal daqiiqo joogsanno, neef ka qaadanno orodka iyo mashquulka nolosha maalinlaha ah, oo aan markaas cabbaar nafta u xiddiginno innagoo is weydiineyna: Maxaan dhab ahaan doonayaa inaan noloshayda ka yeelo? Waa maxay riyooyinkeygu, maxayse tahay inaan falo si aan u raaco? Dhab ahaan miyaan is ahay, mase metelaad ayaan samaynayaa si aan naftayda dhabta u dhagro? Go’aannada nololeed ee aan maalin kasta ku dhaqaaqo ma igu bannaan yihiin? Sidee ayayse dadka kale u saameeyaan?

Filimada wanaagsani had iyo jeeraale waxay daawadayaasha ugu deeqaan fagaag ay ku fasirtaan macnaha nolosha. Waxaa la arkaa inaysan si toos ah wax walba u muujin ama u bixin casharro toos ah, sida “Tan ha samayn, sidaas ha u dhaqmin”, balse hubaal waxay nagu hagaan inaan nolosha wax badan ka fahanno, sidoo kale waxay nagu dhiirrigelin karaan su’aalaha nolosheenna jawaab u raadinno.

Waxaa jira aflaan badan oo leh awood weyn oo ay adduun-araggeenna yar wax badan uga beddeli karaan, kuwaasoo ay ka mid yihiin:

‐Taxi Driver – Martin Scorsese

-Melancholia – Lars von Trier

-Fight Club – David Fincher

-American Beauty – Sam Mendes

-Only Lovers Left Alive – Jim Jarmusch

-The Pianist – Roman Polanski

-Three Colors: Blue – Krzysztof Kieslowski

-Life is Beautiful – Roberto Benigni

-Underground – Emir Kusturica

Iyo kuwa kaloo badan. Filimadan oo kale waa kuwo qofka maankiisa carinaya misana noo guntaya duruusta ugu mudan: Inaan si joogto ah su’aalo isu weydiinno, oo aan isku dayno inaan innagu qudheennu jawaabo ku habboon u helno, in aanan marnaba nolosha ka han-jebin islamarkaana aan bogaadinno saamigeenna nolosha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *