Soo-koobid iyo tarjumid: Cabdullahi Shariif Xuseen
Maxmed Xaaji Ingiriis, oo ah Cilmi baare sare oo u kuurgala daraasdaynta Afrika gaar ahaan daraasadaha Soomaalida ayaa sannadkii 2012-dii soo saaray daraasaddaan. Waxa uu kaga hadlayaa fursad mar-la-arag ahayd (manifesto) oo soo martay shacabkii ku hoos noolaa Jamhuuriyadda Soomaaliya, oo xilligaas (1990s) soo wajahaysay darxumo& cadaab nololeed.
Dulucda (Abstruct)
Hillaadii 1991-dii, iskudaygii horwaynitii Soomaaliyeed (Somali elite’s) ee ay rabeen in ay ku badbaadiyaan dadkooda iyo dalkooda ayaa fashilmay. Waxaa la dhumiyay dadaal ay bixiyeen wax-garadkii bulshada taa oo looga baaqsan karay dhicitaankii dowladda. Daraasadda Ingiriis waxa ay ku doodaysaa in waxa hadda ka taagan Soomaaliya lagu xallin karo iyadoo inyar dib-loo-jileeco sooyaalkii tagay (a glance of history).
Horudhac
Meey 1990, madaxweyne Aadan cadde oo hoggaaminaaya koox xorriyadii dalka u soo dagaalamay iyo siyaasiyiin ayaa is abaabulay. Waxa ay diyaariyeen dokumenti Shan bog oo ah baaq (Manifesto), kaa oo ay Siyaad Barre kaga dalbanayeen in uu isaga tago xilka madaxweynanimo si looga baaqsado burbur dowladeed. Saxiixayaasha dokumentiga waxa ay rajaynayeen in Siyaad dabadiis ay xilka ku wareejiyaan Ismaaciil Jimcaale Cosoble. Kadib markii ay gudbiyeen farriintoodii, seddex meelood laba meel ayaa la xabbisay iyadoo aan la horkeenin maxkamaddii Badbaadada, oo ahayd maxkamad gacan ku samays ah (kangroo court).
Samaysankii kooxdii Manafesto
Lexdan meeyadii, Afrika inta badan waxaa ka dhacayay afganbi. Soomaaliya na waxba kama duwanayn, oo waxaa ka dhacay afganbi aan dhiig ku daadan. Hoggaankii kacaanka waxa ay ballan qaadeen in ay meesha ka saari doonaan musuqmaasuqa, eexda, iyo qabyaaladda. Ha yeeshee labaatan sanno kadib, musuqmaasuq xarga goostay iyo qaraabakiilnimadka ayaa hareeyay dowladdii! Malaha nidaamka nuucaan ah waxaa lagu magacaabi karaa “Siadism”. “Siadism” macno ahaan waa diktaatoor xukunka ku raadinaaya awood isagoo adeegsanaaya qaacidadii Machiavelli, ee ayadu ka fogaanaysay adeegsiga damiirka nool.
Jabhado beeleed ayaa meel waliba ka curtay. Dowladdiina waa lagala wareegay magaalooyinkii waaweynaa. Dadkii xilligaas joogay waxay bilaabeen in ay maadaxweyne Siyaad ugu magac daraan DUQA MAGAALADA MUQDISU, maadaama ay ahayd magaalada kaliya oo ay ciidamadii dowladda sida tooska ah u maamulayeen. Iaydoo xaal sidaas yahay ayaa 15-kii May 1990-kii, 114 xubnood oo isugu jira siyaasiyiin, culimo, xirfadleey, iyo ganacsato ayaa ku baraarugay xaaaladda uu dalka ku jiray, waxa ayna farriin guubaabo ah gaarsiiyeen hoggaamiyihii dalka, Generaal Maxamed Siyaad. Waxa ay madaxweynaha weydiisteen in uu xilka isaga tago si nabad ah si dalka loo badbaadiyo. Hadafka ugu weyn ee kooxda Manifesto waxa uu ahaa, in ay dalka ka saaraan awoodda shaqsiyadeed ee dalka lagu hoggaamiyo (monopoly of power). Sida Cali Jimcaale Axmed uu qabo, waxaa jiray afar sababood oo sahlay in Siyaad Barre uu awoodda haayo muddo badan, waxa ayna kala yihiin:Laaluushka(shilin Soomaali& Doolar), seefta oo galka lagala baxo, qanaacada oday dhaqameedyada ee Siyaad, iyo codkarnimadiisa shaqsiyadeed (oratorical skills).
Ogaanshiyaha jiridda dhibaatada
Kooxdii Manifesto, wax ay dokumintigii ay soo diyaariyeen ku sheegeen in ay burbureen magaalooyinkii waaweynaa iyo biyo qabadyadii ay dadka xoolalayda ah ku tiirsanaayeen. Waxa ay su’aal hordhigeen Siyaad barre taa oo ah, “gumaystihii kadib, ma waxaa jira qof Soomaali ah oo xaq u leh in uu maamulo, gumaysto, addoonsado Soomaalida kale waliba si awood ah?” Badi dadka waxa ay si hoose isugu sheegayeen in xaaladduba ay wanaagsanayd markii uu gumaystuhu joogay! Maxamuud Siyaad Togane ayaa tiriyay gabay hanjab ah oo uu u yeerayo gumaysataha si markale loo addoonsado Afrika. Waxa uuna yiri, “soo laabo ninka cadoow! Ku soo laabo Afrika, wax waliba waa lagaa cafiyaye.” Waabaydadquus ah oo muujinaaya sida Afrika xorriyaddii kadib ay ugu habsadeen hoggaamiyayaal aan isbdeddel doon ahayn, sidaasi daraadeed na dadku waxa ay doorbidayeen gaalka cad!
Fursad mar-la-arag ah oo dayacantay
Buugga uu qoray ergaygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u fadhiyay Soomaaliya, Mohamed Sahnoun (april-november 1992), ee uu ugu wanqalay MISSED OPORTUNITIES/ JAANIS BEERDARROOBAY ayaa faallo ka bixiyay Manifeesto. Qoraagu wuxuu sheegay in Manifeesto ahayd mid kamid ah dadaaladii ugu muhiimsanaa ee la dayacay. Wuxuu UN-ka ku eedeeyay in aanay si wax ku ool ah u soo faragalin Soomaaliya, maadaama ay is-abaabuleen waxgaradkii bulshada iyagoo ka baqaaya saansaantii colaadeed ee xilligaa jirtay. Cabdi Sheekh Aadan oo kamid ahaa saxiixayaashii Manifeesto ayaa isagoo xoojinaaya doodda qoraaga waxa uu yiri, “beesha caalamku dadaal kuma bixin in ay taageeraan dadaalkoii waxgaradka.”
Gabogabadii, barofeysar Ingiriis waxa uu daraasaddiisa ku soo gunaanaday in darxumada maanta Soomaaliya ka jirto ay tahay natiijadii ka dhalatay 21-kii sanno ee askarta. Hayeeshee, waxa uu mudanuhu qabaa in ay wali jirto saamayntii Siyaad, isagoo ka duulaayaa maahmaahda Soomaaliyeed ee tiraahda, “Ayax tag, eelna reeb”.
