Mahadsanid Qasa

W/Q: Hamid Dabashi
Tarjume: Saabir Boogle

Mahadsanid Qasa; Falsafaddii reer Galbeedka waxa ay noqatay mid akhlaaq ahaan burburtay!

Bal suureyso, haddi Iiraan, Siiriya, Lubnaan, iyo Turkiga – iyagoo taageero buuxda, hub, iyo difaac diblomaasiyadeed ka helaya Ruushka iyo Shiinaha – ay rabaan inay ay isla duqeeyaan magaalada Talaafiif muddo saddex bilood ah, maalin iyo habeen, dilaan kumanaan kun oo Israa’iliyiin ah, dhaawacyo aan tiro lahayn geystaan, malaayiin qof guri la’aan ka dhigaan, iyo in magaalada u beddelaan tuulo burbur ah, sida maanta xaalka Qasa uu yahay.

Kaliya ka fikir dhowr ilbiriqsi: Iiraan iyo xulafadeeda oo si ula kac ah u bartilmaameedsanaya goobaha dadweynaha ee magaalada Talaafiif, sida isbitaallada, macbadyada, iskuullada, jaamacadaha, iyo  maktabadaha – ama runtii meel kasta oo ay dadweynuhu isagu imaanayaan, si ay u gaaraan xasuuq shacbi ah oo aan loo meel dayin. Taas oo ay adduunka u sheegayaan kaliya in ay bartilmaameedsanayaan Reysal wasaare Netanyahu iyo xukuumaddiisa dagaal oogayaasha ah. Isweydii waxa Maraykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Kanada, Ustaraliya, iyo Jarmalka gaar ahaan, ay sameyn lahaayeen 24 saacadood gudahood ka dib bilowga weerarkan khiyaaliga ah ee Talaafiif lagu qaaday.

Hadda ku soo laabo xaqiiqada, dhacdadii 7 Oktoobar ( iyo ka hor tobannaan sano) xulafada Talaafiif ee Galbeedka, kaliya ma aysan ku fiirsan xasuuqa Israa’iil ay ka waddo Falastiin, balse waxa ay ku garab siiyeen hub, bambooyin, saanad militiri iyo difaac diblamaasiyadeed, iyada oo warbaahinta Mareykanka ay faafinayeen sababo aydhiyaloojiyeed oo marmarsiiyo looga raadinayo xasuuqa shacabka reer Falastiin ay u geesaneyso Israa’iil.

Xaaladdaas khiyaaliga ah ee kor ku xusan maalin looma dulqaadan laheyn jiritaanka nidaamka adduunka awgii. Garabsiinta xaqdarada melatari ee Mareykanka, Yurub, Ustareeliya iyo Kanada, ayaa waxa ay si buuxda ugu danbeeyaan Israa’iil, balse haddii aan nahay dunida aan la caawin sida Falastiiniyiinta, lama xisaabsado. Arrinkani kaliya ma ahan xaqiiq siyaasadeed; si lamid ah waxa ay cadeyneysaa akhlaaqda khiyaaliga ah iyo kownka falsafadeed ee kuwa isagu yeero “Reer Galbeedka”.

Kuweena ka baxsan akhlaaqda khiyaaliga ah ee reer Galbeedka, uma xisaabsana dunidooda falsafadeed. Carabta, Iiraaniyiinta iyo Muslimka; ama dadka Eeshiyaanka ah, Afrikada iyo Koonfur Ameerikaanka, uma lehin xaqiiqo jiritaan feylasuufyada reer Galbeedka, marka laga reebo in aan nahay walxo ay tahay in la qabsado lana aamusiyo.

Laga soo billaabo feylasuufiintii sida Immanuel Kant iyo Georg Wilhelm, Friedrich Hegel, iyo ku sii daroo ilaa Emmanuel Levinas iyo Slavoj Zizek, waxaanu nahay waxyaabo lala yaabo, lana garan waayay, isla markaana loo xilsaaray indheergarad(Orientalist) in ay fasiraan. Sidaas darteed, dilka tobanaan kun oo naga midka ah oo ay geystaan Israa’iil, ama Mareykanka iyo xulafadiisa Yurub, ma ku dhaliso hakad yar oo fikir ah feylasuufiinta reer Galbeedka.

Haddii aad shaki ka qabto taasi, kaliya eeg feylasuufka caanka ah ee Jurgen Habermas iyo dhawr ka mid ah koliigiisa, kuwaasi oo si cid oo xun u taageeray xasuuqa Israa’iil ee Falastiiniyiinta. Su’aashu hadda ma ahan waxa aan ka aaminsannahay Habermas, hadda waa 94 jir ah bani’aadam ah, balse su’aashu waxa ay tahay waxa aan ka aaminsanaan karno isaga oo ah cilmibaare bulsho, faylasuuf iyo fikir-yaqaan naqdi ah. Sida uu u fikiray miyey dunida u wacantahay, haddii sidaas loo wada fikiro?!

Dunida waxa ay su’aalo iska weydiineysa faylasuufkii weynaa ee Jarmalka Martin Heidegger xiriirkiisa waxyeelada lahaa ee Naasiyiinta. Aragtidayda  waa in si lamid ah su’aalo iska weydiino taageerida Habermas ee gacanka ka hadalka Yahuudda, iyo cawaaqibta ay dhalin karto sida aan u qaadan karno guud ahaan mashruuca Feylasuufyada?. Haddii Habermas aysan wax boos ah ku lahayn akhlaaqdiisa khiyaaliga ah dadka sida Falastiiniyiinta, ma leenahay sabab kasta oo aan u tixgelinno mashruuciisa falsafadeed oo dhan inuu si uun ugu xirnaan karo bani’aadannimada inteeda kale – marka laga reebo dhagaystayaashiisa reer Yurub?

Warqad furan oo uu u qoray Habermas, cilmibaare bulsho oo reer Iran ah ee caanka ah Asef Bayat ayaa sheegay inuu “isku hor imaanayo fikradihiisa” marka ay timaado xaaladda Gaza. Aniga oo ixtiraamaya, waxaan jeclaan lahaa inaan ku kala duwanaado aragtidaas. Waxaan aaminsanahay in Habermas uu iska indha tirayo nolosha Falastiiniyiinta, ayna si buuxda u sheegeyso Siyoonoosim-kiisa, taasi waxa ay si buuxda u cadeyneysaa aragtida dunida kale ee aan Yurubiyaanka ahayn in aanay si buuxda u bani’aadam ahayn, ama ay yihiin “xayawaanada bani’aadamka”, sida uu horay u sheegayba Wasiirka Difaaca Israa’iil Yoav Gallant.

Iska indha tirka gebi ahaanba Falastiiniyiinta waxaa si qoto dheer ugu qotomaa khayaalka falsafadeed ee Jarmalka iyo si guud reer Yurub. Fikradda guud waa in Israa’iiliyiinta laga saaro xanuunkii Hoolikastiga(xasuuqii Yahuuda ee Jarmalka), Jarmalkana uu hormariyay ka go’naansho adag oo u muujinayo Israa’iil. Balse dunida inteeda kale waxa u cadaatay kadib dukamantigii ay South Afrika u gudbisay maxkamadda caddaalada adduunka, in ay isku si yihiin waxii uu Jarmalka sameeyay waqtigii Naasiga iyo waxa uu hadda sameynayo wqtigaan Siyooniisamka.

Waxaan aaminsanahay in mowqifka Habermas uu waafaqsan yahay siyaasadda dowladda Jarmalka ee ka qeyb qaadashada xasuuqa Siyooniisam-ka ee Falastiiniyiinta. Si lamid waxa ay waafaqsan tahay aragtida Bidixda Jarmalka, iyaga oo leh nacayb isir sooc ah, Islaam nacayb iyo ajaanib nacayb isku mid ah oo ay u qabaan Carabta iyo Muslimiinta, iyo taageeradooda guud ee ficilada xasuuq ee deegaameynta Israa’iiliyiinta. Waa in aan iska iloownaa haddii aan Jarmalka ka heysanay mid ka xun xasuuqii Hoolikastiga, balse uu nostaaljiya u hayo xasuuqa, taasi waxaa cadeyneysa sida uu ugu raaxeysanayo xasuuqa Falastiiniyiinta ee qarnagii tagay( kaliya ma ahan 100 maalmood ee tagay).

Baab’iinta Akhlaaqda

Eedeynta Eurocentrism-ka ee sida joogtada ah loogu jeediyo fikirka faylasuufiinta reer Yurub ee ku aaddan aragtida dunida ma ahan oo kaliya mid ku saleysan cillad aqooneed oo ku jirta fikirkooda. Waa calaamad joogto ah oo muujinaysa anshax xumo. Marar badan oo hore, waxaan tilmaamay cunsuriyadda aan daawoobeyn ee ku jirta qalbiga fikirka falsafadeed ee Yurub iyo kuwa maanta matalaba. Habermas waxa uu u muuqdaa mid aan ka warqabin in taageeradiisa xasuuqa Falastiiniyiinta ay si buuxda ugu marag kaceyso wixii ay awoowayaashiisu ka sameeyeen Namibia intii lagu jiray xasuuqii Herero iyo Namaqua. Faylasuufyada Jarmalku waxaa maskaxdooda ku sawiran humaagyadii Yurubiyaanka, iyagoo u malaynaya in adduunku uusan arkin iyaga waxa ay yihiin.

Ugu dambeyn, Habermas ma uusan dhihin ama ma sameyn wax la yaab leh ama is khilaafsan, waxa uu si buuxda u waafaqsanyahay reerkiisa, taas oo ah asalka falsafaddiisa, ayada oo si been abuur ah adduunka ugu qaadatay mowqif guud. Dunida hadda waa ay ka tagtay dareenka beenta ah ee mowqifkaas guud, faylasuufyo sida sida  Mudimbe ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Walter Mignolo ama Enrique Dussel ee Argentina, ama Kojin Karatani ee Japan, waxa ay leeyihiin fikrado ka saxan mowqifkaas guud marka loo eego Habermas iyo inta la jaalka ah ba.

Fikir ahaanteyda; burburka akhlaaqeed ee ka muuqda aragtida Habermas taas oo ku aadan Falastiin, waxa ay na tusineysaa xiriirka gumeysi ee ka dhaxeeya falsafadda reer Galbeedka iyo dunida inteeda kale. Dunidu maanta  waxa ay ka soo toostay hurdo been ah oo hab fikirka reer Yurub ku saleysnaa. Maantaa xorriyadani waxa aan u jeedineynaa dhibaatada caalamiga lagu hayo gaar ahaan shacuubta sida  Falastiiniyiinta, kuwaas oo geesinimadooda taariikhiga ah iyo allabarigooda dheer ugu dambeyntii burburiyeen waxshinimada qaawan ee asaaska u ah “ilbaxnimada reer galbeedka”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *