Kala-sarraynta Baahida Aadanaha
Waxaa qoray: Cisman Axmed (Aw Aden)
Aragtida Kala-sarraynta Baahida Aadanaha (Maslow’s Hierarchy of Needs), waa aragti cilmi-nafsiyeed oo uu leeyahay Abraham Maslow taas uu hindisay sanadkii 1943. Saddex-xagalka aragtidaani waxay sharxaysaa oo heerar u kala saaraysaa baahiyaha aasaasiga ah ee bini’aadamka iyada uu Maslow baahida u qaybiyay ilaa shan heer, kuwaas oo mudnaan kala leh.

Abraham Maslow waxa uu tilmaamay in baahida koowaad ee asaasiga u ah qofka inay tahay baahida jireed (Physiological Needs) oo ah helitaanka gasiin, hoy iyo hu’, taas oo sees u ah jiritaanka aadanaha. Waxa uu tilmaamay inay adkaanayso in qofka u gudbo darajada labaad asiga oo aan daboolin baahiyahaan.
Qofka marka uu xaqiijiyo heerka koowaad, waxa uu u baahan yahay gaarista jaranjarada labaad taas oo ah baahida badqabka (Safety Needs). Waxa uu qofka u baahan yahay hubinta sugnaanta badqabka naftiisa, sida baadigoob shaqo, daryeel caafimaad, dhaqaale, iwm.
Marka uu qofka hubiyo in uu dhameystiray darajada labaad ee badqabka, waxaa xigta darajada saddexaad ee baahida jacaylka iyo kamid ahaanshaha bulsho (Love and Belonging Needs), taas oo ah inuu qofka dadyowga kale la yeesho xiriiro iskugu jira kuwa jinsiyeed iyo kuwa ruuxi ah. Waa in qofka raafiyo daryeel qoys, saaxiib, jacayl, lamaane, iwm.
Darajada afaraad ee Maslow waxa ay diiradda saaraysaa baahida uu bini’aadamka u qabo tixgelin (Esteen Needs) taas uu qofka ku raadinaayo helitaanka ixtiraam, xurmeyn, sarreysiin, iyo mudnaansiin, si qofka u dareemo guul gudeed ama bulsheed.
Ugu dambeyn, heerka ugu sarreeya ee uu qofka hiigsanaayo waxa uu Maslow ku tilmaamay baahiyaha ka-guulgaaridda “Self-Actualization” oo ka dhigan dhamaystirnaan dhammaan baahiyaha. Waa in uu qofka xaqiijiyo jiritaan dhadhan u leh, waaya-aragnimo, hal’abuur, iwm.
