Kaalinta Tarjumaadda

Kaalinta Tarjumaadda

W/Q: Cabdiraxmaan Caqiil

Maanta oo ay taariikhdu tahay soddonka bisha Sibtambar, waxa ay ku astaysantahay maalin dunida laga xuso turjumaadda iyo muhiimadda ay u leedahay bulshooyinka dunida ku nool. Qarniyadii kala duwanaa ee aadanuhu jiray tarjumaaddu waxa ay soo martay heerar kala geddisan, ahmiyad aad u weyn ayayna u lahayd bulshada, sannadahan dambe turjumayaashu waxa ay tartan adag kala kulmaan aaladaha macmalka ah ee caqliga leh iyo horumarka tignoolojiyadeed ee la gaaray.

Tarjumaaddu waxaa lagu qeexi karaa u rogid wax qoran af kale, waxa ayna noqon kartaa tarjumaaddu mid qoran iyo mid lagu dhawaaqo oo aan qornayn sida uu qabo tarjumaa Boodhari Warsame.

Inta ugu badan laba luuqadood ayaa la isku turjumaa, waa tan koowaade luuqadda qoraalka ama hadalka laga soo turjumayo oo isha ah (source language) iyo luuqadda loo turjumayo oo bartilmaameedka ah (target language).

Turjumaadda ereyada mise afkaarta?

Dad badan ayaa aaminsan in aaladaha casriga ah turjumaaddoodu tahay erey, balse aadanaha waxa uu turjumaa fikradaha, dareennada, dhaqanka, iyo wixii la mid ah, balse aaladaha waxa ay toos u turjumaan erayada, waana taas sababta turjumaadda aaladaha inta badan u kala daadsantahay, tarjumaad bilaa nuxur ah ayaa halkaa kasoo baxaysa oo aan la akhrin karin.

Turjumaaddu waxa ay dowr muhiim ah ku lahayd wada xiriirka bulshada, iyo isu gudbinta aqoonta, ganacsiga, dhaqanka, diimaha, iyo dhinacyada nolosha oo idil.

Turjumaaddu waa ay ka gudaballaarantahay erayo la isu rogo kaliya, se waa buundo isku xirta aqoonta, waxa ayna kuu sahashaa in aad garato wax aadan aqoon oo ay adkaan lahayd inaad si fudud fahanto.

Waa kuma turjumaan?

Tarjumaagu waa qof dhowr af isku yaqaana oo awood u leh in uu qoraal u rogo af kale si xeeldheeri ku jirtana uga soo baxo hawshaas.

Tarjumaagu waxa uu inta badan isku hawlaa in uu turjumo dhigaallada khuseeya waxbarashada, caafimaadka, sharciga, suugaanta, culuunta, iyo tignoolojiyadda. Tarjumaaddiisana waxay inta badan ku dulwareeganaysaa tarjumidda buugaag, maqaallo, cilmibaarisyo,Dekumentiyo sharciyeed, iyo shay kasta oo qoran tarjumaadna u baahan.

AHMIYADDA TARJUMAADDA

Tarjumaaddu waxa ay lafdhabar weyn u tahay ilaalinta dhaxalka aqooneed ee dunida, waa halka lagu kala qaato culuunta iyo farsamooyinka kala duwan ee maanta jira, aqoon kasta oo af ku qoran waxaa inta badan loo rogaa/turjumaa afaf kale si looga faa’idaysto waxna looga qaato.

Sidoo kale tarjumaaddu waxa ay door weyn ka ciyaartaa nabadgalyada dunida, waxaa baahi weyn loo qabaa tarjumaadda dukumentiyada, heshiisyada, iyo xiriirada diblomaasiyadeed ee la samaysto, turjumaannaduna waxay kaalin ka geystaan isfahanka dhinacyada heshiiska galaya sida shirkadaha, dowladaha iyo ganacsiyada waaweyn. Shirkad waxsoosaarkeeda iibinaysa ma jirto tarjumaad la’aan.

Dalxiiska ayaa kamid ah meelaha aan looga maarmin tarjumaadda. Dalxiisayaasha malaayiinta ah ee dunida ku dalxiisa waxa ay wehshadaan tarjumayaasha waxa ayna u turjumaan dhaqamada iyo hiddaha bulshooyinka ay u tagaan, waxayna u sharaxaan shuruucda dalalkaas looga dhaqmo.

Tarjumaaddu waxay sahashay isu gudbinta wararka dunida iyo baraha bulshada, waxay sidoo kale fududeysay isdhaafsiga suugaanta, filimada, gabayada iyo fanka qaybihiisa kala duwan.

Boodhari Warsame[ Tabaha tarjumaadda]

Maxamed taysiir[ اهمية الترجمة]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *