Halxidhaale : Seyid Maxamed Iyo Gooni Cabdi Xaaji

                     Halxidhaale : Seyid Maxamed Iyo Gooni Cabdi Xaaji

[Akhristayaal] ka sakow Faarax Caytame iyo Weerar Bulxan labdii gabyaa ee qaar ka mid ah halxidhaalihii maanso ee dhex maray aan toddobaadkii hore halkan idanka maqashiiyey¹, waxa iyaguna jirey laba kale oo ay isku da’ iyo waayo ba ahaayeen, halxiraalihii ay isku tebin jireena uu Soomaalida dhexdeeda aad ugu shaacay. Nin waa lawada yaqaan oo waa aas-aasihii iyo hoggaamiyihii dhaq-dhaqaaqii guumaysi-diidka ahaa ee Daraawiisheed; waa aabbihii waddaniyadda casriga ah ee Soomaalida; duqii maansada iyo maansayahannadeenna malahayga garatee, waxa aan u jeeddaa Seyid Maxamed Cabdulle Xasan. Ninka kale, in kastoo sida Seyidka aanu magaciisu u dheeraan, haddana waxa uu ahaa gabyaa si aad ah tixihiisa loo dhadhansado, oo wadaadkana Alle haka dhigee aan cidna wax u ogayn. Waxuu ahaa reer Hobyood. Hal-abuuradii wuxuu ku jirey sida weyn ugu dhawaa, afkiisana ku daafici jirey saldanaddii magaaladaas jeer ka jiri jirtey, ee Suldaan Yuusuf Cali oo Keenadiid loo yaqiinay uu aas-aaskeeda lahaa, dabadeedna inankiisii Suldaan Cali Yuusuf uu ka dhaxlay. Waxa aan u jeeddaa Gooni Cabdi Xaaji oo ka mid ahaa silsiladdii maanso ee Halac-dheere la baxday raggii ugu cad-caddaa, Cali-Dhuux iyo Cali Sharma’arkana la jaalka ahaa. Inta gabayda midba hadduu dhinac maansada kaga caan baxo, u jeeddada faanka ayuu Gooni ku caan baxay maansada lagu xusuustana waxa ugu foolaadsan geeraarkiisii la yaabka lahaa ee isaga oo saldanaddaa ku dhaadanaya uu ku soo gabogabayn jirey :

– Inta dhoobta suldhaankiyo
– Dhallin reer Maxamuudiyo
– Ilma Yuusuf dhex joogo
– Dhafoor wiil aan ka toogtay
– Dhurwaagoo cuna mooyee
– Midhaa geel kama dhiibo!

Weerar iyo Faarax Caytame waagay is halxidhaalayn jireen haddii meel ay wada joogeennoo madal weyn la isugu keenay ay isugu hal celin jireen, Seyidka iyo Gooni iyagu waa ka duwaanyeen waligood ba in ay ismaqlaan mooyee isma ay arag. Ma ahayn laba nin oo ay suurtogal ahayd in ay goob qudha ku kulmaan; sababtoo ah waxa ay ku kala abtirsanayeen laba maamul oo aan isku soo geli karin, intii ay jireenna ay colaad ba’ani ka dhex aloosnayd. Sida la og yahay, waxa uu Seyidku ahaa halgamaa dagaallo aan hakad lahayn kula jirey Ingriis, Taliyaani, Xabashi iyo Soomaalidii askarta u ahayd ee guumaystayaashu ay isaga u soo adeegsan jireen, Goonina waxa uu ka tirsanaa saldanaddii Hobyood ee Taliyaaniga gacan saarka la lahayd, taas oo Daraawiishi wixii ay u taagnayd ba aan la tusi karin, lana maqashiin karin. Sidaa darteed, labadoodu ba waxa ay kala fillan lahayeen waxa ay ahaayeen rag ay iska gabawaraan iyo geelal ay iska qaadaan oo qura, taasina waxa ay sababtay in gabayada la isku dhiibo oo safarrada iyo socotadu ay gaadhsiiyaan Taleex ama Hobyo, iyo kolba cidda loola jeeddo halka ay ku sugan tahay. Mar walba waxa mudan in la xusuusnaado in dagaalka Darwiish iyo dadyawgii ay colka ahaayeen u dhexeeyay, aanu ku ekayn hubka iyo rasaastee uu dhaafsiisnaa. Dirirtii afka ahayd iyo dacaayaddihii ay labada dhinac isu tebin jireen ayaa ugu daraa, halxidhaalihii Seyid iyo Gooni dhex marayna arrintaa ayaa uu salka ku hayay sida aynnu jawaabahooda qaarkood ka garan doono. Haddaba, amminta barnaamijka oo kooban awgii ma suurawdo gabayadii Seyidka ee xujada ahaa iyo kuwii Gooni oo dhammaystiran in aan marinee (qoree), aan ka soo qaadano dhawr tuduc oo ay labada nin isku halxidhaaleeyeen iyo jawaabihii uu midkood waliba ka celiyey.

Seyidka ayaa ku horreeyay oo tiriryey gabay la magac baxay “Car Ayaa Sheega”, kaas oo uu halxidhaalahaan ku bilaabay :

– Niman yahow ciraab laguma kaco curuf la’aaneede
– Cod xiraala oo wada cajaba cayn aan ka higgaadsho
– Wax cadoo madaw baan arkee car ayaa sheega!

Waa wax cad, isla markaana madaw yaa arkayoo maqlay. Gooni baa se gartey wixii uu Seyidku u jeeddey, waxa uuna ku furay “indhaha ay qaybina madaw dahay, qayb kalana ay caddahay” mar kaas buu yidhi :

– Annagaan ciraab li’i ku kicin curuf la’aaneede
– Cod xiraala oo wada cajaba cayn aan ka higgaadsho
– Wax cadoo madaw saw “indhaha” ina carrow ma aha?!

Ina Carro waxa uu ula jeeddaa Seyidka oo hooyadiis Carro Seed Magan uu ugu abtirinayo, waana odhaah colaadii uu wadaadka u qabay ay ka keentaye aan furidda halxidhaalaha waxba ku kordhinayn.

Tuduc labaad oo gabaygaa ku jirey ayuu Seyidku ku yiri :

– Wax caano taynkiyo ka fudud caaradiyo baalka
– Culaysna loogu go’ay oon nafluhu caajis ka ahaaday
– Caynkaasna anigaa arkaye car ayaa sheega!

Markaas buu Gooni furay, waxa uu na ku furay “danbiga oo aan ishu qaban karin, marka danbana ciqaabta ka timaada aan aadamuhu u lahayn awood uu ugu adkaysto” waxa uu yidhi :

– Wax caano taynkiyo ka fudud caaradiyo baalka
– Culaysna loogu go’ay oo nafluhu caajis ka ahaaday
– Caqli nimaan lahayn haatan waa la cajabayaaye
– Camcamada naftiyo waa danbiga la isku caajimaye
– Nin cadaab ka baqayaa ma fallo camalka qaarkiise
– Cawdiyo billee Eebbe maa laga cabsoonaado!

Hal-xidhaale saddexaadna waxa uu Seyidku ku yidhi :

– Cawadii waxaan kaa tagayn cadawna kaa eegin
– Oo waaga kaa cararayoo ku cid la’aynaaya
– Caynkaasna anigaa arkee car ayaa sheega!

Waa wax habeenka oo dhan kula jooga, isla markaana haddii lagu soo maago aan ciidan kuu tarayn, marka uu waagu baryana aadan indhaha saarayn, meel ay ka baxeena aanay cidina garanayn. Kaana Gooni waa uu furay, waxa uu na ku furay “xidiggaha” markaas buu yidhi :

– Cawadii waxaan kaa tagayn cadawna kaa eegin
– Oo waaga kaa cararayoo ku cid la’aynaaya
– Caqli nimaan lahayn haatan waa la cajabayaaye
– Cudaarkiyo xitkaha kale miyuu calagu noo sheegin!

Gooni ayaa isaguna mar danbe wuxuu Hobyo ka soo dhiibay gabay hal-xidhaale ah oo lix iyo toban tuduc ka kooban “Waa Cajabe Sheega” waa gabaygii la baxay, ee la noogu warramay in uu Seyidku wada furay, in kastoo wariyayaashu ay qayb yar uun nagu soo simeen. Waxa xujooyinkii Gooni ka mid ahaa :

– Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
– Oo ciidda loo daray afkii laga cashaynaayay
– Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajabe sheega!

Seyidka ayaa furay oo wuxa uu ku furay “candhada xoolaha la maalo, in kasta oo ay hoos u jeeddo, aan haddana caanuhu ka daadanay markii loo baahdaba inta weelka lala galo dhay loogu tago.” Waxa uu jawaabtiisa ku yidhi :

– Weel caanihii laga dhamoo canugu heemaarshay
– Oo ciidda loo daray afkii laga cashaynaayay
– Oo dhayi caadaa ka tahay waa cajab Ilaahe
– Cid haddaad u baantayee na tidhi car ayaa sheega
– Candho weeye oo waan naqaan caynka ay tahaye
– Ase haddaad ciniin tahay muxuu canugu kaa dheefi!


Bal u fiirso furiddii halxidhaalaha Seyidku kuma ekaane waxa uu u gudbay shaqsiyadda Gooni. Waxaan u jeeddaa, meeriska jawaabtiisa ugu danbeeya ee uu gabyaaga ku leeyahay, candho iyo caanaheed iyo carruura maxaa adiga kaaga dan ah mar ba haddaad “madhale” tahay? Waxa uu ogaa kuna haadsanayaa in aanu Gooni dhali jirin, taasina waa odhaah colaaddii uu Gooni u qabay ka keentay e, aan furidda hal-xidhaalaha laga-ma-maarmaan u ahayn.

Hal-xidhaalihii labaad ee Gooni waxa uu ahaa :

– Ceesaamo kuu dhalahaya oo dhiillo loo culanin
– Oon dhay casuusliyo gadhoodh carafle waayaynin
– Aan naaso cayntood lahayn waa cajabe sheega!

Waa ceesaamo dhalahaya oo aan weelal lagu maalahaynin; waa ceesaamo aan naaso bartood lagu abuurin haddana caanaha ay hiddiyaan ay jaad waliba yihiin. Seyidka ayaa kaana furay oo waxa uu ku furay “beeraha iyo waxa ka soo baxa” in kasta oo uu Gooni ku ceebaynayo in uu gafay oo aan beer iyo ceesaan sina la isugu ekaysiin karin. Waxa uu ku jawaabay :

– Ceesaamo kuu dhalahayoo dhiillo loo culanin
– Oon dhay casuusliyo gadhoodh carafle waayaynin
– Aan naaso cayntood lahayn waa cajab Ilaahe
– Caynkaa waxaad mooday waa calafka beereede
– Abidkood riyaha caataday guni cisaysaaye
– War ceesaan miyay tahay maxaa calagga kaa yeelay!

Calagu waa doqon, waa nacas saleela ah, waa eray iyo tilmaan ay labada nin iswaydaarsadeen, waa jaa’ifo iyo jareexayn aan furidda halxidhaalaha waxba ka tarayn, [laakiin] in door ah innaga baraysa colaaddii siyaasaddeed —Alle ha u naxariistee— u dhexaysay labada nin iyo labadii maamul ee ay ku kala jireen, taasina la yaab malaha oo Seyidku waa kii odhan jirey :

– Rag haddaad colaad leedihiin ciidanse u waydo
– Hadba waxaad ku ciil bixi kartaa kuu cawo adduun ah!

                                               ****


1. Waa dhawr barnaamij oo taxane ah, buunniguna uu ku faaqidayo hal-xidhaalayaal dhex maray abwaanno gayiga Soomaaliyeed caan ka noqday, waana mid ka mid ah ka uu kagaga hadlayo Weerar Bulxan iyo Farax Caytame iyo kan aad hadda akhrinayso.

                             Gunaanad

Mawduucani waa mid ka mid ah taxane mawduucyo ah oo ka hadlaya halxidhaalayaal dhex maray abwaano kala duwan, waxaana diyaariyay abwaan/qoraa Axmed Faarax Cali (Idaajaa). Haddaba, mawduucani waa muuqaal uu abwaanku diyaariyay anna waxaan u rogay qoraal si ay uga faa’iidaystaan dadka aan wax dhegaysiga jeclayni marka wax akhriska loo eego.

Tixraac

Qoraalkan oo dhegaysi ah waxa aad ka heli kartaa link-gan : https://youtu.be/n5BlBeQkihY.

W/Q : Booyax Macallin

Gmail : booyaxmacallin@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *