Falsafadda Jiraalnimadu Waa Insaannimo

Falsafadda Jiraalnimadu Waa Insaannimo

W/Q: Jaan Bool Saartar

W/T: Maxamed Shariif

Faallaqore: Maxamed D. Ciise

Hordhac

Bulshada in la dhex keeno  doodo falsafadeed la soo waariday oo maanka godlinaya misana ka saaraya  jujuubnaanta abkasoogaadhnimada laga dhaxlay ee hagaasiyay habfekerka qofeed iyo wax iska waydiinta arrimaha ku teedsan qofka waa lamahuraan, weliba aad baahi weyn loogu qabo.

Qofka Soomaaliga ah ee ku dhex nool degaankiisi, waxaa si hoose iyo si sare ba loogu qufulay in wax-iska-waydiinta arrimaha la xiriira rumaynta, jiraalka, jirsiiyaha, iyo dambaysadaba ay tahay wax lagu halaagsamo, oo ay tahay qofku waxa uu haysto iyo sida ay abkasoogaadhnimadu wax u dhigtay in uu u qaato. Dabcan taasina waa ta keentay qofku haddii uu wax iska waydiiyo ama waydiin fikri ah uu ka keeno qaabka wax loogu sheegay in uu xujoobayo oo uu noqonayo mid ka soocan dadka kale–oo xitaa ay qoyskiisu karhayaan, gacalkiisu xidhiidhka ka goosanayaan misana la dareensiinaayo in uu dulloobay. Kaliya wax iska waydiinta iyo maangodlinta ayaa loo arkayaa kadeed—oo maxaa ugu wacan middaas?

Haddii waydiin laga keeno sida abkasoogaadhnimadu wax u dhigtay waxaa loo dhaqaaqayaa dhabbada shakigalinta, kolka wax la shakigaliyo iyana waxaa lagu qasbanaanayaa in baadhis iyo maangodlin  la sameeyo–oo insaanka Soomaaliga ahi uu dib isku abuuro misana uu dhisto duni fekerku qiimi leeyahay, dhabbada shakigalintuna tahay tan la haynayo si wax loo unko. Intaas waa laga xajiimoonayaa, oo insaanka Soomaaliga ahi waxa uu dhib u arkayaa in degaankiisa ay ka jiraan diimo ka geddisan ta uu haysto–oo Ilaahayga sare u dhigayo sida diinta Islaamku ay u dhigto, ama xitaa qofku u madaxbannaanaado shakigalinta Ilaaha sare iyo jiritaankiisa–waxaanna la doorbidayaa isu-ekaansho dhinac fekereed iyo mid caqiiddo ah. Isu-ekaanshuhuna waxa uu u qaabeeyay caqliyadda qofka Soomaaliga ahi in doodda ugu wayni iyo kaladuwnaanshaha ka dhexeeyo bulshada ay noqdaan doodo tirsi odoyeed ku saabsan–oo waxay meesha ka saartay isu-ekaanshuhu inay bulshadu ka dooddo masaa’isha insaaniga ah,–dadkuna ay isugu xidhmaan hadba intii isku feker ah oo isku xisbi siyaasadeed noqon kara ama la iskugu xidhmo tab insaannimo laga dhadhansan karo iyada oo la ka la tirisi-odayeed duwan yahay.

Bartan waa barta Soomaalida iyo Saartar ay iskaga soo xidhmayaan–oo ay Soomaalidu ugu baahi badnaanayso inay ka dheragto doodaha falsafiga ah gaar ahaan dhuuxidda waxqabadyada Saartar. Dugsigaan waa ka Soomaaligu uu ugu baahi badan yahay in uu ka dhigto daraasado waxku’ool ah oo ku saabsan jiraalka iyo insaaniyadda xorta ah–sidaasna ay ku timaaddo wadiiqo uu qofka Soomaaliga ahi ku qaabeeyo abuurkiisa insaannimo oo uu doorto waxa uu doonayo iyada oo ay xorriyaddu saldhig u tahay doorashada uu qofku is-ahaanshihiisa ku abuuraayo. Iyada oo ay lagamamaarmaan tahay adeegsiga garaadka, falsafadduna ay duljoogsi iyo danayn wayn u baahan tahay haddana dugsiga Saartar sida aan qabo waa ka wax wayn ka baddeli karo caqliyadda fadhiidka noqotay ee abkasoogaadhimada ku ekaatay. Waxa uu dugsiga Saartar gaar ahaan soowaarididda dhiganahan “Falsafadda jiraalnimadu waa insaannimo“–uu door weyn ka ciyaari karaa dibisuraadinta qofka Soomaaliga ah iyo garashada is-ahaanshihiisa isaga oo ku baraarugaayo insaannimada xorta ah iyo doorashooyinka gaar ahaaneed (qofeed) iyo ta insaannimada guud (bulsheed). Baraarugga uu abaaraayo dhiganahani waa ka saaxadda Soomaalida ku soo kordhinaayo dood hor leh iyo abuurid hor leh–oo qof kasta u dhaqaaqaayo dhabbada is abuuridda iyo is-ahaanshihiisa.

Dhumucda Dhigaalka.

Dhiganahan “Falsafadda jiraalnimadu waa insaannimo“–billowgiisii hore waxa uu ahaa hadaljeedin loo rogay qoraal oo uu faylasuuf iyo barasare Saartar ka jeediyay Baariis, 29-kii Akotoobar, 1945-kii. Waxay hadaljeedintu ku beegnayd goor loo halgamayay xorriyadda oo aad loo danaynayay arrimaha kuqotoma xorriyadda–oo aynna socotay dardargelinta suugaanta iyo fikirka. Sannadkii hadaljeedintu qabsoontay ba kii xigay waxaa soo shaacbaxay dhiganahan oo uu Saartar tifatiray. Hadaljeedintu waxay daarnayd in Saartar uu toosh ku iftiimiyo mugdi iyo qaladfahanno ka soo noqday waraysiyo, maqaallo, iyo sheekooyinkiisa  taxanaha ahaa ee Dhabbooyinka Xorriyadda (Roads to Freedom). Sida guudna aragtida Falsafadda Jiraalnimada ayaa laga dhex arkay mugdi badan oo aynna Shuuciyiinta, masiixiyiinta iyo qolyo kale ba ay dhabbada la taagnaayeen eedaymo loo jeedinaayo Saartar iyo saaxiibbada aragtida Jiraalnimada. Iyada oo ay eedayntu jirto ayaa haddana la qaladfamay aragtiyaha ay gudbinayaan qormooyinka Saartar iyo sida ay kaga warramayaan aragtida jiritaanka insaanka. Yoolka koowaad ee uu Saartar u aqbalay hadaljeedinta goor danbe loo rogaayo dhiganahan, waxay ahayd in uu ka jawaabo eedaymaha loo jeediyay ee la huwiyay falsafadda jiraalnimada.

Tabta uu Saartar kaga warramaayo jiraalnimada, is-ahaanshaha iyo insaannimada xorriyaddu saldhigga u tahay waa dhumuc-abbaarka ugu qoddadheer ee dhiganaha. Sida uu Saartar ku billaabay qaybaha hore ee hadaljeedinta  waxa uu caddaynayaa in mad’habka jiraalnimada lagu dhisay odhaahdi Diikaart:

Haddii aan fikirayo, waa aan jiraa.

Jiritaanka qofka iyo is-heliddiisa sida uu u baadigoobayo iyo tabta ay tahay in uu isagu iskuhelo–misana uu hanto insaannimo masuuliyadda qofeed iyo ta bulsheed ba dusha saaranayso oo doorashadeeda ku dhisaysa xorriyad ayuu si xooggan kaga warramayaa Saartar hadaljeedintiisa oo ah inta dhigaalka muhiimsan. Falsafadda jiraalnimaduna waxa ay kaga soocmaysaa aragtiyaha kale–waa maadaama oo ay tahay falsafad insaanka u samaynayso oo ku aroorinayso dhabbo ku habboon oo uu ku dhisanaayo is-ahaanshiisa iyada oo ilaalinayso xorriyadda uu insaanku ku dooranaayo doorashooyinkiisa. Ta ugu muhiimsani ee inta ugu badan sharraxaaddeeda uu isdultaagayo Saartar, waa marka uu sharxaayo in: “jiraalku ka horreeyay abuurka.” Waxa uu siinayaa arrinkan mudnaan iyo sharraxaad ku habboon si barbillowga hore ba uu u fahmo qof kasta doodda–xitaa qofka aanan akhriyi jirin doodaha falsafiga ah. Isaga oo si kooban u sharxaayo macnaha uu ka la jeedo in: jiraalku ka horreeyay abuurka ayuu lee yahay:

Waxa aan u la jeedaa horraanta insaanka ayaa jiraya. Ka dib waxa uu baranayaa naftiisa, oo uu la qabsanayaa dunida iyo wax ka shisheeya. Ka dib waxa uu la xididayaa waxyaabaha isaga qeexaya……”

Kolka uu arrinkaas si qumman isudultaago waxa uu sida oo kale muhiimad gaarkeeda leh siinayaa in uu si kooban oo micnabadan ugu warramo insaanka karaamadiisa–ee uu dheer yahay dhagaxa ama tusaalaha uu u soo qaadanaayo oo ah miiska. Halkaasna waxa uu ka ibafurayaa in insaanku yahay mashruuc. Mashruuc maxay ah? Halkaan waxa uu turjubaanku qaadanayaa doorka u jilcinta akhristaha isaga oo sharraxaayo ayuu sharraxhoosaadka ku lee yahay:

Saartar waxa uu u la jeedaa Insaanku waa mashruuc, insaanku isaga ayaa ay waajib ku tahay in uu dhiso noloshiisa. Dunida qofnimada insaanka, ayaa uu u la jeedaa mashruuc“–Maxamed Shariif. Tarjumaha.

Mashruuca insaanka ayuu mar kale isdultaagayaa Saartar, oo ka warramayaa sida insaanku u yahay ka wax dooranaya, si uu isagu u abuuro wax oo kuqotanta sida uu u rabo. Falalka insaanka iyo akhlaaqda ayuu haddana kaga sii dhaadhacayaa–isaga oo carrabka ku adkaynaayo in doorashada insaanku uu u doorto noloshiisa wax, ay sida oo kale noqonayso isla markaas wax, uu u dooray insaanka oo dhan oo uu nolosha ku kordhinaayo. Halkan ayuu ka gelayaa kolka uu qofku doorashooyin caynkaas ah iskuqaado uu welwel ku dhalanaayo isaga oo welwelka sharraxaad wacan ka bixinaayo.

Mar kale, waxa uu si gooni ah u bidhaaminayaa Saartar in akhlaaqdu tahay, waxa qaabeeyo insaanka karaamadiisa isaga oo ka biyadiidaayo in akhlaaqda loo dhigo si gaar ah ama lagu xidho tab looga warramay waayatagay. Taasi waxa uu uga soo hor jeesanayo ayaa ah–in ay meesha ka saarayso doorashada xorriyadda insaanka oo ay abuurayso in qofku u arko akhlaaqda tab hore loo yidhi. Waxa uu adkaynayaa in insaanku karaamadiisu tahay xorriyadda isaga oo leh: “u samee naftaada akhlaaqda kuu gaarka ah.

Dhumucda iyo nuxurka dhiganaha aan soo koobo’e, waxaa biyakamadhibcaan ah kolka uu akhristuhu dhuuxo nuxurka dooddan, waliba qaybta hadaljeedinta Saartar oo ah qaybta ugu nuxurka badan—waxaa u soo baxayso akhristaha in falsafadda jiraalnimadu tahay, mid karaamada insaanka aanan ku xadgudhayn oo ku suntan xorriyad iyo doorasho madaxbannaan si uu qofku is-ahaanshiisa u qaabeeyo oo uu doorayaashinkiisa insaannimo u abuurto. Waxay jiraalnimadu qiraysaa insaanku in uu yahay ka qiyamka doorta, nolosha macnaha u yeela–waxaynna lee yihiin: “Aqbala in aad noloshiinna noolaataan. Nolosha la’aantiin waxba ma aha. Adinka ayaa macanaha u yeeli kara, oo qiyamka idinku munaasibka ah u doori kara.” Saartar ayaa hadaljeedintiisa intaas raacinaya. Kolka intan la dhuuxo, waxaa la arkayaa in jiraalnimadu tahay, mid abuuri karto bulsho insaanniyaddu ku wayn tahay oo xorriyaddu sees u tahay. Waxayna insaanka xusuusinaysaa in uu yahay waxa uu yahay oo uu noqonaayo mashruuca uu iska dhigo. Waxa uu Saartar hadaljeedintiisa ku qirayaa: “Waxaa innaga innoo daran oo kaliya in aannu insaanka ku baraarujinno in uu is helo, oo uu jiritaankiisa xaqiijiyo.” Taasna waxaa laga dhadhansan karaa macne qoddadheer iyo insaaniyad badhaxtiran, oo ku baaqaysa in insaanku is helo oo uu noqdo waxa uu doonayo in uu noqdo.

Inta danbe ee dhiganaha waa dood dhexmaraysaa Saartar iyo Naafil. Naafil waxa uu Saartar ku naqdinayaa qodobbo badan, halkaasna waxa laga dhadhansanayaa dood nuxur kale leh oo yara gaaban. Inkasta oo uu Naafil noqonaayo naaqid Shuucinnmo laga dareemay,  haddana waxa uu soo celinayaa dhaleecayn hor leh iyo dood abuur cusub, Saartarna si kooban ayuu dhankiisa ugu celinayaa jawaabo qumman iyo nuxur iftiimin leh.

Gunaanadka Falanqaynta

Soowaariddida dhigane sidaan oo kale ah,  waxay macno weyn u samaynaysaa qofka Soomaaliga ah iyo maktabadda bulshada. Dhigane sidaan oo kale ah iyo oday Saartar oo kale ah ba waxa ay waxkubiirin wayn ku samaynayaan doodahooda maanka qofka iyo habfekerka guud ee insaanka Soomaliga ah. Waxay fadhikudirirka ku soo kordhinaysaa falanqayn hor leh iyo isbaadigoobid lamahuraan ah, taas oo ka kaalmaynaysaa qofka iyo bulshada ba inay unkaan duni fekerku qiimi leeyahay. Arrimkaas oo iskugu xidhayso dadka kooxo iskufeker, xisbi ama iskuwaxdaneeya iyada oo laga guuraayo iskuxidhnaanta ku dhisan odaytirsiga. Soowaaridaha dhiganahaan Maxamed Shariif, waxa uu doortay dhigane qiimo weyn ku fadhiya oo wax weyn ku biirin kara; iyo dood qaayo leh. Waxa uu fududeeyay habfahanka dhiganaha, isaga oo u doortay qaab fudud misana raaciyay sharraxhoosaad si wayn u iftiiminaayo shakhsiyaadka, aragtiyaha, buuggaga, maqaallada, wargaysyada iyo mujalladaha lagu dhex xusaayo dhiganaha. Iftiiminta sharraxhoosaadku, waxa ay akhristaha ka kaalmaynaysaa qodob uu ku fahmi waayay hadaljeedinta ama aragti iyo eraybixin si loo adeegsanayo in uu si fudud tarjumaagu ugu sharraxo qaybta hoose, oo noqon karta tixraacyo doodo hor leh iyo mid maqaallo kale ku xidhayso akhristaha. Akhristuhuna waxa uu si qunyar-akhrisnimo leh uga dhuganayaa hadaljeedinta iyo doodda danbe si dhib yar oo fudud isaga oo qaybta hoose kaga dhargaaya sharraxaad qodda dheer.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *