Dhaqanka Fogeynta: Cancel culture(ثقافة الإلغاء)

W/Q: Mudane Maxamed

Dhaqanka Fogeynta: Cancel culture(ثقافة الإلغاء)

Bal sawiro in aad tahay qof u saaxiib ah mansab iyo heybad, is la markaana aad tahay qof wanaag lagu yaqaano, magacaaguna uu yahay mid lagu qoro biyaha dahabka, sharaf ku suntan, oo marka aad soo labisato aad is cajabiso, aadna dagantahay qasri janno lamood ah.

Intaa ka dibna si lama filaan ah ay kaa fogeeyaan xeyndaabka bulshada ayna meesha ka tiraan magacaaga iyo shaqsiyadaada, sidoo kalena ay shaki galiyaan tagtadaada ayna kaa xayuubiyaan dhamaan manaasibtii/xilalkii heybadaada sare uhayay ayna kaa dhigaan waxba kama jiraan, ababtuna ay tahay; in aad ku khilaaftay oo kaliya aragtida/fakarka, ama aad ku biirtay caqiido kale, ayna booskaaga ku badashaan qof kale, kaas oo ku socon doono hayinraac-nimadooda, wadaadoodana raaci doono, si ay adiga dib kuugu celiyaan, halkii aad hayaanka kasoo bilowday iyo meel ebar ah.

Tani waa mida lagu magacaabo thaqaafada fogeynta ثقافة الإقصاء, loona aqoonsanyahay in ay tahay, qaab kamida qaababka waxa loo yaqaano النبذ المجتمعي.

Dhaqanka fogeyntu waa in shaqsiyaad wadar ahi ay isku raacaan, in ay qof ka saaraan xeyndaabka booskii uu bulshada dhexdeeda ka daganaa kuna noolaa, ayna ka la laabtaan kaalintii uu bulshada ku lahaa, lana shaaciyo cadaadis ka dhan qofkaasi, taas oo ka dhigan hannaan ay ku cabirayaan diidmada ay ficilladiisa diidanyihiin, taas oo ah wax aan bulsho ahaan la aqbali karin, marka loo eego halbeegyadooda. Intaa kadibna waxaa la suurad xumeynayaa sumcadiisii, waxaana shaqsiysdiisa lagu wasakheynayaa /sheekooyin taas oo ka qeyb qaadaneysa in laga cirib tiro mihnadiisii, noloshiisii iyo karaamadiisii.

Waxaa loo arkaa in hab dhaqankaani uu yahay mid gaf ah, maxaa yeelay djaqanka fogeyntu waxa ay meesha ka saareysaa qeyb kamida xuquuqda aadanaha ee xorriyada hadalka/aragtida. Waxaa kale oo ay meesha ka saareysaa, aqbalidda/dhageysiga aragtida kale iyadoo aan loo fiirinaynin caqiidooyinkiisa, da’diisa, xisbigiisa siyaasadeed iyo isirkiisa. Waxaa loo arkaa in qof kasta uu xaq uleeyahay, in uu ka faa’ideysto fursada labaad, si uu u saxo gafafkiisa, is la markaana uu bulshada ku milmo mar kale, waxaana muhiima in la faafiyo fahannada shaqsiyaadka ka caawinaya in ay aragtiyohooda muujiyaan cabsi la,aan iyo caburin la’aan.

Dhanka kale dadka kale ee asalraaca ahi ay qabaan(kuwaas oo lagu tilmaamo in fakarkoodu uusan isbadal laheyn) in uu arinku yahay cad iyo madow, oo uusan jirin wax u dhexeeya labadaasi, thaqaafada fogeyntuna waa kan ugu saxnaanta badan, sida ay u arkaan, maxaa yeelay in uu jiro qof aragtidooda burrinaya, wuxuu waxyeelleyn doonaa danohooda shaqsiyadeed, waxa uuna ka wasakheyn doonaa noloshooda sarreysa, sidaas darteed waxa ay isku dayayaan in ay fogeeyaan, iyaga oo usoo maraya dhamaan jaranjarooyinka diyaarsan, taas oo sameyneysa in ay tashwiish ama shaki ku furto qorshooyinkiisa, ayna hoos udhigto mansabkiisa, islamarkaana kala doodeysa aragtihiisa gafsan( sida ay qabaan) xitaa hadii ay tahay kaliya wax laga faafiyay, oo aysan iyagu xaqiijinin, meel uma baneynayaan ififaale kasta oo uu sameynaayo ama wax ka badalaya wacyigooda bulsheed. Hal heyskooduna waxa uu yahay; waa in aad aniga ila jirto oo aad ila mid tahay ama inaad dhan iga tahay cadawgeygana aad tahay.

Balse sidee ayuu arinkaani u saameeyaa bulshooyinka, sidee ayuu u xannibaa horumarkooda iyo ilbaxnimadooda. Saameynta dhaqanka fogeynt ee bulshooyinka, suurtogal maahaa in lasoo koobo, lana taxliiliyo si toos ah, balse natiijooyinkeeda waxaa ay kasoo muuqanayaan dusha sare ee bulshooyinka si maalinle ah waxaana ay is baddel ku keeneysaa hab dhismeedkooda,
kaliya in lagu fogeeyo darteed, waxaa kordhaya dareenka cadaawadeed ee laguu qabo, waxaana kordhaya quusta iyo niyad jabka, taas oo ah raad ay fogeyntu naftaada ku reebtay.

Bulshadu waxaa ay usaameyneysaa si dhameystiran. Tusaale ahaan ficillada jariimooyinka ah ee uu qofkaasi sameeyo, sida in uu noqodo dilaa, tuug, amaba in uu ku biiro kooxaha xagjirka ah oo leynaya dad aan waxba galabsan, qalqalna gelinaya bulshada, xitaa ugu yaraan hadii aad tahay, qof caqli fiican iyo wacyi leh, oo aadan sameynin ficillo xagjirnimo ah, waxaa dheceysa in ay bulshadu kuu diidaan ka qeyb galka horumarinta iyo aqoonta.

Balse kuwa asalraaca ahi waxaa ay qabaan, In dhaqanka fogeyntu ay qaadato kaalinta dhowrista buslshada lagana ilaaliyo burburka iyo kala furfurnaanta, waxaana la tuurayaa shaqsi kasta, oo aanan ku abtirsanin bulshada, aragti ahaan.

Xilliyadaani danbe waxaa ay dhaqanka fogeyntu noqotay in loo adeegsanaayo qofka, iyada oo laga faa’ideysanaayo natiijada qoraal yar, oo uu ku daabacay bartiisa tewitter-ka taas oo dood dhalisay, amaba natiijada arin uu sameeyay qofka, isaga oo rumeysan in uu lafal galaayo xorriyadiisa, balse arinkaasi uusan cajabinin dadka kale, waxaana ay kula kacaan markaas dhaqanka takoorka.

Natiijaduna waxaa ay noqotay, bulsho uurka ka bugto, dhexdoodana ay ku faafayso cuqdada iyo is naceybka iyo in ay gadaal gadaal u shaqeyso, cajaladii horumarka iyo baraarugga ee bulshada. Tusaale ahaan hadii qofka lafogeeyay uu ahaa aqoonyahan, natiijada fogeyntiisa ka dhalato waxa ay noqon doontaa, in bulshada loo diido in cilmigiisii bartaan iyo aragtiyihiisii, taas oo sare uqaadi laheyd heerka bulshada iyo horumarkooda, sidoo kale hadii qofka lafogeeyay uu ahaa ilmo-yar, waxa uu ku korayaa fogeyntaas ilaa bilowgii noloshiisa, waxaa hubaal ah in bulshada fogeysay ilmaha yar, in ay cunugaasi ka dhigi doonaan qof cadaawad qaba, islamarkaana abuuro dhibaatooyin bulshada baabi’iya.

Ugu danbeyn sida ay qabaan, culimada cilmu nafsiga waxyaabaha nafta ku bixiya fogeynta ee ka danbeeya dhaqankani waa un doonis oo nimankaas dadka fogeynayaa ay doonayaan in ay wiiqaan aragtida lidka ku ah aragtidooda, kana sare maraan kuwa aragtidaas qaba, iyaga oo doonaya in ay dhisaan bulsho isla saxan mar kasta, arinkaasi oo aan suurtogal ahayn in laga xaqiijiyo dunida maanta. Dhan kalena waxaa bulshada ku waajibay, in ay magangalaan qaabka dood-wadaaga booska dhaqankaan fogeynta.

One thought on “Dhaqanka Fogeynta: Cancel culture(ثقافة الإلغاء)

  1. Waad ku mahadsantihiin bahda raadreed
    sida wacan ee aad noogu soo gudbisaan qoraalada waxtarka leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *