Haddii dhallinyarnimada dib la ii celin lahaa maalin uun
W/Q: Ascad Dhaaha
W/T: Cabdiraxmaan Caqiil iyo Axmed Dhuubow
Markii ay bilatay bisha labaad Febraayo ee sannadkan 2023, waxaa ii buuxsamay da’da lixdan iyo toddobaad(67) ee cimrigayga, waxaana xilligaa isku dayay inaan kaga faa’idaysto adeegsiga weerta caanka ah” Tallow yaa maalin uun ii celiya da’dii dhallinyaranimo;”ألا ليت الشباب يعود يوما” balse waxaan ka fekeray haddii dhab ahaan la iigu soo celin lahaa da’daas maxaan samayn lahaa, waxaana kolkaa igu soo dhacay arrimo tiro badan;
(1)
Haddii dhallinyaranimo la ii celin lahaa maalin uun:
Waxa aan naftayda habeen iyo maalin ku tababbari lahaa ku dhaqanka dhabta ah ee qiritaanka in Alle mooyee Alle kale uusan jirin(Laa Ilaaha illalaah).
Waxa aan waalidkayga ka dhaxlay shahaadada rumeynta, kolkii aan weynaadayna waxa aan cusboonaysiiyay iimaankayga, waxaana -aragti ahaan- xaqiiqsaday in Ilaahyada aan u diidannahay in aan caabudo in aysan kaliya ahayn kuwa laga sameeyay timirta, marka loo fiiryo aflaamta diinta, bal intaasi ay aad kaga badan yihiin oo annaga nagu hareeraysan yihiin dhan walba. Mararka qaar gudahenna ayay ku jiraan sanamyo qaab walba iyo midab walba leh.
Aragti ahaan, waxa aan qirsannahay in Alle mooyee Ilaah kale uusan jirin, balse arrinku sidaasi waa uu ka gaddisan yahay, marka loo eego nolo-maalmeedkeenna.
Haddii aan ka mid ahaan lahaa culimada, waxa aan diiradda saari lahaa qaddiyaddani, taas oo maanta igu muuqato mid mudnaan gaar ah leh, oo aan illoownay. Waxa ay mudan tahay in cimrigaaga oo idil aad ku bixisid fahankeeda iyo ku dhaqankeeda. Haddii aad u istaagto ku dhaqankeeda noloshaada oo idil ayaa hagaagayso, waxaadna dareemaysaa micnaha dhabta ee farxadda iyo sacaadada.
Alle mooyee Ilaah kale ma jiro.
Naftaada, waxay jeceshahay, lacagtaada, hantidaada, hoggaamiyahaaga, xisbigaaga, tuuladaada, maamulahaaga, qolada nabadgalyada, iyo ilaahyada kale oo tirada badan ayaan mudnayn in la caabudo.
Kuwaasi aan soo sheegnay; midna ha ka cabsan, waxba haka rejayn, ha baryin, hana is ku qoor-xirin.
Laa Ilaaha Illalaah
Bar oo la qabadsii carrabkaaga, si ay kuugu noqoto fal-maalmeed, mararka qaar il-biriqsi, joogto ah, waxay doontana ha kugu qaadato. Dhab ahaantii waa ay istaahishaa dadaal iyo joogtayn.
Waa is-miidaamin halis ah in aysan xubnahaagu samaynin waxa uu carrabkaagu qirayo, oo ay xaqiiqdaasi dhabta ah bannaanka timaaddo maalinta is-xisaabinta(Qiyaamaha).
Waa is-miidaamin halis ah in aad noloshaada ku dhammaysatid sugitaanka inta ay sacabbadaadu buuxsamayaan. Ku raaxayso inta aad heli kartid, war u ma heysid in aad berrito gaari doontide.
(2)
Haddii dhallinyaranimo la ii celin lahaa maalin uun:
Aragtida dadka wax tixgelin ah kama aan siiyeen waxa aan sameynaayo. Umana aabayeeleen ammaantooda, ceydooda, amaba qiimeynta shakhsiyaddayda.
Dabcan haa, si deggan ayaan u dhagaysan lahaa ra’yi walba oo mug wayn, mid togan ama taban, oo iga duwan, dhammaadkana waxa aan qaadan lahaa sida aan u arko. Silsiladdaan halista ah waxaan ka xoreyn lahaa oo aan ka cirib-tiri lahaa nafteyda, tallaabooyinkeyga, qorshahayga iyo gurigayga.
Kuwa aan sidaasi yeelin, isla markaana aan arkeynin halista arrintu leedahay waqtiga saxda ah, waxa ay ku baraarugayaan goor dambe oo ay da’doodu weynaatay. Asigu waxa uu dibad-joog daran ka dareemayaa ahaanshiyahiisa, waxa ku hareeraysan, goobta uu ku wareegsanaayo, iyo dhammaan axwaashiisa.
Hadeertani “asigu” ma ahan midka dhabta ah, mana ahan naftiisa, bal “asigu” waa “ayaga”. Waxa uu asiga uu noqday waa natiijooyin ka dhashay sida ay dadka kale wax u arkaan kuwaas uu u hogaansamay si daacad ahna u hirgeliyay, kolkii uu weynaaday waqtigana uu qof walba wax-baray, waxa uu ku baraarugay in ay goor danbe tahay oo ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen.
Waa is-miidaamin halis ah in noloshaada kula noolaatid mid u xiran aragtida dadka kale, sida ay wax u arkaan, faallooyinkooda, ka cabsanaysid caradooda, kuna farxad galinayso ammaantooda, oo is la markaana noloshaadu hagayaan, go’aanadaadana aad ku qaadatid adiga oo arrimahaasi ku salaynaayo.
(3)
Haddii dhallinyaranimo la ii celin lahaa maalin uun:
Kama aan daali laheyn, in aan go’aannadyda qaato, anniga oo aan ku andacoonayn in ay duruufta tahay mid aan munaasab ku ahayn
Cimriga aan dhulkani ku nool nahay, ma lahan “xaaladda ku habboon”. Mar walba waxaa ina la soo gudbanaado caqabado, mushkilado, iyo xaalado aan dhammaystirneen, in la sugo inta ay ka dhamaystirmayaana waa is-ka-ciyaar. Waa in howlaheenna ku hirgelinno sida ay duruufto tahay ee taaganta, ee maahan xaaladda ku habboon in aan la suganno.
Waxa ay ku leeyihiin; ha guursan inta aad ka lahaaneyso guryo hagaagsan oo dhamaystiran, hanti banki kuu taal, taas oo kuu suurtogalineyso in aad dhigato aroos aad ku faantid, is la markaana aad ugu yeertid midka kuu dhaw iyo kan kaa fog, si ay dhammaan u baxaan ayaga oo arooska ammaanaayo.
Dhab ahaantii, nolosheenna waan adkeynaa, kadibna waxa aan ku doodnaa in duruufta aysan inoo saamaxaynin.
Haddii aad heysato shaqo, oo aad ka heshid mushaar kugu filan, ku guurso; xitaa haddii uu kuu gaaraayo hal qol oo ijaar ah, kadib xaaladda si aayar aayar ah ayay u soo hagaagaysaa.
Haddii aad heshid ninkii aad ku hamineysay oo aad is fahmaysaan, haddii adiguna aad heshid gabar xor ka ah caqliyadda caadooyinkii hore iyo dhaqamada taban, oo labadiinana aad leedihiin il-dhaqaale; ha ku dayacina noloshiinna sugitaanka loogu yeero xaaladda-ku-haboon, dhab ahaantii taasi waa xaalad dhalanteed ah, weligeedna aan imaanayn. Dhammaan umuuraha kale ee noloshaada tan kaga qiyaas qaado, waxaana dushaada ahaaday ku dhaqaaqidda duruufaha suurtogalka ah.
Waa is-miidaamin halis ah in aad noloshaada ku dhammaysatid sugitaanka inta ay sacabbadaadu buuxsamayaan. Ku raaxayso inta aad heli kartid, war u ma heysid in aad berrito gaari doontide.
(4)
Haddii dhallinyaranimo la ii celin lahaa maalin uun:
Waxa aan u noolaan lahaa sida dadka da’da ah.
Ayagu waxba u ma aabba-yeelaan, dan kama gelaan in ay dadka kale tusiyaan waxa ay ayagu yihiin iyo in ay naftoodu difaacaan. Waxa ay ka xoroobeen madax-wareerka la tartamidda dadka, waxa ayna nool yihiin taaganta, ayaga oo ka fogaaday in ay ka xanaaqaan wax yar iyo wax weynba. Hadalkii ayay ka noogeen kolkaas ayay aamus door-bideen, is-dhexgalkiina waa ka daaleen markaas ayay gooni-goosad noqdeen. Hurdo dheer ayay qaataan, qalbiga ayayna ka qoslaan, waxa ayna la nool yihiin il-biriqsigii ay haleelaan(taaganta), ayaga oo yaqiinsan in uu yahay waqtigii ugu dambeeyay.
Waxa ay ka koreen dareenka xasadnimada iyo nacaybka waxa ayna doonayaan in ay nabad ku noolaadaan inta noloshooda ka harsan.
Waa is-miidaamin halis ah in aad dib ka ogaatid in cimrigaaga aad ku dhammaysatay tamar badanna aad ku bixisay dagaallo wahmi ah oo aan jirin oo dhib kuu gaystay amaba adiga aad ka guulaysatay.
(5)
Haddii dhallinyaranimo la ii celin lahaa maalin uun:
Waxaan ka carraabi lahaa dalkayga isla marka aan dugsiga sare dhameeyo.
Waxaan u safri lahaa dunida kale si aan u barto wixii aan jeclahay sidoo kalena aan uga shaqaysto; si aan naftayda wax ugu taro. Waxba kama soo qaadayn inaan jaamacad wax ka barto ama machad, taas waxay ku xirantahay waxa aan xiisaynaayo in aan ka helo.
Xilliyada fasaxa waxbarashadana, waxaan kharashkii aan kaydsaday ku bixin lahaa in aan ugu safro meelo cusub, si aan daaha uga rogo duni cusub oo iga qarsoonayd, iyo dadyow kala duwan.
Uma safrayo kaliya baashaal, ee waa inaan shakhsiyaddayda wax ka baddelaa, wax kalena ka mayraa.
Inta safraysa waa ay ogyihiin xaqiiqadaas, inaad soo laabato adiga oo ka duwan sidii lagugu yaqiinay, waa taas haddaad dhex maquurato khatarta iyo tijaabada adag, oo aadan ku ekaanin muuqaallada matxafyada, dhismayaasha, iyo kaynta.
Haddii aad raad-raacdo qaacidada Qur’aanku tilmaamay ee ah;”Ku socda arlada oo u fiirfiirsada” waxaad garan kartaa in markasta oo aad meel fog tagto aad u dhawaanayso garashada huwiyadaada iyo qof ahaantaada, waa haddii la helo shardi ah, inaad maskaxdaada ka shaqaysiiso inta aad safarka ku jirto.
Waa is-miidaamin halis ah inaad dhimato adiga oo aan ka bixin dalkaaga. Adiga oo aan seexan laamiyada iyo jidadka waaweyn, adigoon kasoo shaqayn makhaayadaha, iyo warshadaha, adigoon arag dad kaa duwan oo aadan la doodin.
(6)
Haddii dhallinyaranimo la ii celin lahaa maalin uun:
Kama labalabeeyeen inaan galo shaqo ama tijaabo aan jeclahay, aniga oo ka cabsanaayo inaan khalad ku dhaco.
Waxaan garwaaqsan lahaa in khaladku kamid yahay dabciga insaanka, sidoo kale dadkii guuleystay gebigood inay soo khaldameen, khaladka ugu weynna uu yahay inaadan qaban wixii aad doonaysay adoo ka cabsi qabo inaad khalad gasho.
Waalidiintayda, waalidiintaada, iyo waalidiintooda intuba waxbay soo khaldeen, balse khaladka way kasoo gudbeen, kama aysan shallayn, noloshoodiina waa ay sii ambaqaadeen ilaa aynu innaga dunida nimid.
Ma qoomameeyo, balse waxbaan khaldaa, oo khaldaa, waxbadanna waan ka kororsadaa.
Waan kufaa, oo kacaa, sidii ilmo socod barad ah oo kale, waddadana kama weecdo oo waan sii socdaa anoo dhoola-caddaynaya, nabarada igu yaallana waxaan kasoo qaadaa gammuun igu dhacay anigoo ku sugan goobta dagaal.
Waa is-miidaamin halis ah inaad hoosta ka gasho guryaha adiga oo ka baqaya inaad khalad ku dhacdo ama guuldarro aad la kulanto, halka dunida oo idil ay dhaqdhaqaaqayso, xitaa unugyadaada waa ay dhaqaaqayaan!
(7)
Haddii dhallinyaranimo la ii celin lahaa maalin uun:
Waxaan fiiro gaar ah u yeelan lahaa hadal nin igu yiri maalin:
“Anigu mararka qaar waxaan ku dhacaa gef, balse waan kasoo laabtaa aniga ooo tawbad keenaya markale, taasi waxaa sabab u ah jiheeyihii aabbahay ku beerey gudahayga, waa ay iisoo laabataa waxayna si atomaatik ah iigu tilmaantaa waddada, waxaanse awoodi waayay inaan wiilkayga ku beero jiheeyahaasi oo kale”
Jiheeye waxay kaa badbaadinaysaa inaad waddada ku lunto, waa(GPS) ka ruuxda, waxa ay kuusoo dirtaa ogeysiisyo (notifications) ay kugu leedahay, waddadaadii hore kusoo laabo.
Jah-wareerka ka jira magaalooyinka, iyo jidadka dhib malahan, waa inaynu mar waliba aan sameyno is ku day oo aynu guuleysanno.
Waa is-miidaamin halis ah, inaad dunida ku noolaato jiheeye la’aan, wareerka nololeed waa khatar aan la iska indhatiri karin, waxaad leedahay hal fursad oo qura.
_________
Tixraac: https://www.aljazeera.net/amp/opinions/2023/2/23/%D8%B9%D9%84%D8%A7%D9%85%D8%A9-%D8%A7%D8%B3%D8%AA%D9%81%D9%87%D8%A7%D9%85-43-%D9%85%D8%A7%D8%B0%D8%A7-%D9%84%D9%88-%D8%B9%D8%A7%D8%AF-%D8%A7%D9%84%D8%B4%D8%A8%D8%A7%D8%A8

Si qurxoon ayaad udhigteen. Jazakallah
Walaahi waa qormo lagu cibra qaato.
Aad baad u mahadsantihiin
Mahadsanidin
Masha allah jazaka allah wax badan ban ka faiday oo hada nolosheyda ku saleysan oo ka hadlaysa orahdan hori uso aqriye marlabad idin lee yahay shukran
This s the greatest message comes from an old-wisdom and experienced man i ‘ve ever seen.. thanks for your translation.
Mahadsanidiin saaxibyaal; mala’awaal maangal ah ayaad noo soo noqdiseen.
Aad ayaad u mahadsantihiin walalayaal, wa bilow fiican oo ah khibrad lugu soo gudbinayo luqaddeena, wan jeclaan lahaa in ey ka faaiideestaan dhalinyaro farabadan oo ey u noqoto jiheeye nolosha ah, kuwa kale oo badan oo tarjuman wan idinka sugeynaa inshallah,,
Qormadani waa shiidaal wayn oo qofka dhalin yarada ihi sahay u qaadanayno.
Mahadsanidiin.
Waa ku mahadsantihiin tarjumaada qormadaan qiimaha badan
JazakumuAllah
JazakumaAllah
Waa qormo cajiib ah oo adigoo 20 jir ah wadadii aad mari leheed si hormaris ah laguu siiyey asaguse usoo qaatey da’da si lacala ah usoo qaatey hadii da’daas lasiin lahaa
Mahadsanidiin
Qoraal tolmoon oo muc iyo macaanba leh
Mansha allaah aadba umahadsantihiin waa qormo wax badan laga faiideyo runtii tijaabiyooyin iyo waayo aragnimo wakhti badan qaatay lagusoo koobay …jasakumu ALLAAH
Msha allah waa qoraal aan wax bdn ay ka faaideen inti aqrisay ee fahan tahy
Masha Allah qorma cajiiba mahadsanidin sxbayal
Waa Qoraal macno weyn xanbaarsan
Qorma aad iyo aad uqiima badan oo macna gaar ah xambaarsan sigaar ah dhalinyarada ula hadleysa waaqica aan kujirna maanta kujirnana looga qiyaas qaatay
Qoraladda Noocaan ah ee Maskaxda Kobcinaayo inoo so
badiya, Waxaan idinkaga Mahad Naqayaa Waqtigiina Qaaliga ahaa ee aad Geliseen Si aad uso Fasirtaan Qormadan Xiisaha & Waaya-Aragga Xambaarsanayd.
Mahadsanidiin Markale & Markale.
Mahadsanid
Masha Allha, Thanks Si wanaagsan aad usoo turjimteen.
Masha allah waa qoraal xigmado xambarsan qof kasta oo naga mid ah maskaxdiisa furayo
Mahadsanidiin sxbayal
Waa qormo dhaxal gal ah intii wax garada ahna ay fahmayaan