Calmaaniyadda: loollanka wadaadka iyo waranlaha Soomaaliyeed.
Tan iyo intii ay Soomaalidu jirtay, waxa jirey loollan u dhexeeyey, wadaadka iyo waranlaha, loollankaasi waxa uu soo marey marxalado iyo duruufo kala duwan, kuwaas oo saamayn ku yeeshay nidaamka dhaqan-dhaqaale iyo midka bulsheed ee Soomaalida. Loollankaasi waxa uu sameeyey hab nololeed u gaar ah Soomaalida, taas oo ay kaga soocontay, ummadaha kale. Hab- nololeedka bulsho waxa ugu weyn waa sharciga ama xeerka, xeerka marka laga faalloonayo waxa lagu tilmaamaa midka qaabeeya adduun-aragga bulshada. Sidaa darteed waranlaha Soomaaliyeed waxa uu noqday ninka saamaynta culus ku leh, xeerka iyo dhaqanka Soomaalida. Cabdiqaadir Cabdulle Diini, buuggiisa: Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? Waxa uu ku doodday in bulshada Soomaaliyeed ay ka kooban tahay labo qaybood, oo kala ah: wadaad iyo waranle. Wadaadku waxa ay shaqadiisu ku kooban tahay wax diin uun la xidhiidha, se shaqo iyo shuqul toonna kuma laha hannaanka siyaasadeed ee bulshada. Halka waranluhu uu yahay, ninka bulshada u ah indhaha; isaga ayaa xeerka dejiya, talada iyo tusmada ummadana gooya. Sidaa awgeed sida uu ku dooddayo Cabdiqaadir Diini wadaadku wax saamayn siyaasadeed ah kuma laha nolosha siyaasadeed ee Soomaalida; haddii ay noqoto xeer iyo xukunba. Talada bulshada waxa leh nin waranle ah. Waranluhu waxa uu ku jirey kaalinta uu Calmaaniga reer Yurub kaga jirey bulshada Yurubiyaanka. Wadaadku awooddiisu waxa ay ahayd mid kooban; tusaale ahaan: qoraaga Soomaaliyeed ee Cabdiqaadir Orama waxa uu shaqada wadaadka Soomaaliyeed ku soo ururiyey: guur, furniin iyo qof la dilay oo aan la garanayn cid dishay oo loo raaco; dhacdadaas dilka ah waxa xaq u lahaa wadaadka oo kitaabkiisa ka eegi jirey. Se wixii intaa ka soo harey, wadaadku waxa uu la mid ahaa; caammada kale ee bulshada.
Soomaalida dhexdeeda marka la eego wadaadku waxa uu ahaa, qof la yaso isla markaana la liido. Hadallada lagu yasi jirey waxa ka mid ah, mid ay haweenay tiri oo odhanaya; “wadaad waa nin.” Waxa la mid ah odeygii Soomaaliyeed ee yiri: “waad Alle dan tay ma oga.” Sida oo kale waxa geyiga Soomaaliyeed caan ka ahaa in mar la isweyddiiyey: ragga iyo dumarka cidda badan, laguna jawaabo, “hadba midka wadaadka lagu daro ayaa badan.” Waa odhaah muujinaysa liidid iyo hoos u dhig wadaadka lagu hayey. (Eeg buugga: Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? Boggaga, 14 -15). Si kale u dhig wadaadku ma lahayn xorriyad dhaqaale iyo mid fikir, sidaa darteed waxa uu u afduubnaa waranlaha qabiilka, waana halka laga yidhaahdo: “fiqi tolkii kama Janno tago” waa weedh tilmaamaysa in wadaadku ku jirey jeebka waranlaha. Waranluhuna waxa uu ahaa midka hormuudka u ah hoggaanka iyo talada reerka. Sidaa darteed saamaynta uu wadaadku ku lahaa waxa ay ahayd mid aad u kooban. I. M. Lewis oo Soomaalida wax ka qoreyey wax ka badan nus qarni waxa uu ku doodday in waranluhu (odeydhaqameedku), yahay midka uu ka go’o go’aanka ugu dambeeya ee bulshada. (Eeg: Making Sense of Somali History, Volume Two.). Loollanka u dhexeeyey waranlaha iyo wadaadka Soomaaliyeed, Cabdiqaadir Diini waxa uu ku tilmaamay mid la mid ah midkii ka dhexeeyey, Kaniisada iyo aqoonyahankii reer Yurub. Waxa uu tibaaxay hadal odhanaya: “Calmaaniyadda iyo xeer Soomaaligu waxa ay yeesheen
siyaasad iyo aragti ay ka mid tahay in la colaadiyo wadaadka, maamulkana laga fogeeyo.” (Eeg hordhaca buuggiisa). Sid aynu ku dooddnay saamaynta wadaadku waxa ay ahayd mid kooban oo ku eg arrimo ay ka mid yihiin: guur, furniin iyo dhaxal. Falalka dambi ee ay ka mid ka yihiin: dilka iyo dhacu wax talo iyo xukun ah wadaadku kuma lahayn, oo waxa jirey xeer qoran oo uu qabiil walba lahaa. Cabdiqaadir Orama marka uu ka warramayo xeer Soomaaliga waxa uu yidhaahdaa: “dhib dhaca waxa ugu weyn qof bini-aadam ah oo la dilo, waxa ugu yar waa Sac beer daaqay, labadaba Soomaalidu xeer bay ka lahayd.” Hadalka Orama waxa uu tibaaxayaa in Soomaalidu lahayd xeer gooni ah oo ka duwan midka diinta Islaamka, kaas oo ay bulshadu isku xukumi jirtay. Si kale u dhig qabiil walba oo Soomaaliyeed waxa uu lahaa xeer u gaar ah oo kala dhexeeya qabiillada kale, waana halka ay caanka ka noqotay, weedha la adeegsado marka uu dhib dhaco ee odhanaysa: maxaa xeer innoo ahaa? Xeer Soomaaliga waxa awood u lahaa in uu dejiyo waranlaha. Wadaadku wax saamayn ah kuma lahayn. (Eeg Cabdiqaadir Diini). Waxa jira dooddo la xidhiidha xilliga uu askumay xeer Soomaaligu. Doodaha qaar waxa ay odhanayaan; xeer Soomaaligu waxa uu samaysmay markii ay burburtay dawladdii Islaamiga ahayd ee Adal ka jirtay. Qaar kale waxa ay odhanayaan; xeer Soomaaligu wuu jiray inta ay Soomaalidu jirtay. Qolyahani waxa ay ku dooddayaan in aan sinnaba loo arkin bulsho meel ku nool oo aan lahayn xeer iyo xukun hoosaad. Marka aad doodahan eegto waxa muuqata in aan si cad loo aqoonsan karin xilliga xeer Soomaaligu bilaabmay. Se weyddiintu waxa ay tahay, sababta uu Islaamku u baabi’in waayey xeer Soomaaliga, bulshaduna uga tegi weyday? Waa weyddiin u baahan cilmi-baadhis iyo raadraac cilmi ku dhisan, si loo ogaado halka ay sababtu taallo.
Sooyaalka Soomaalida marka dib loo raadraaco waxa mar walba soo baxaysa in bulshada Soomaaliyeed ay u kala soocnaayeen, arrimaha diinta iyo dawladda, tusaale ahaan dalmareenkii caanka ahaa reer Marooko ee Ibn Batuuta, marka uu ka warramayo socdaalkiisii uu ku marayey dhulka Soomaalida waxa uu hab xukunka Soomaaalida ku soo koobey hadal odhanaya: “Arrimaha diinta la xiriira waxa ku shaqo leh Qaadiga oo garteeda gala. Kuwa soo harayna, waxa ku shaqo leh golaha wasiirrada iyo amiirrada. Haddii ay arrin Suldaanka ka maarmi waydo, waxa loogu gudbiyaa qoraal, isaguna waxa uu xukunkeeda ku soo gudbiyaa qoraal kale. Waa sidaa caado- dhaqamaeedkooda”. Eeg (Indheergarad. Socdaalkii Ibn Batuuta ee Muqdisho. 2021). Xeer Soomaaliga waxa awood iyo xidid u yeelay gumestayaashii kala duwanaa ee Soomaalida gumeystay. Gumeystuhu waxa uu ku soo beegmay xilli Calmaaniyaddu mareysay halkeedii ugu sarreysay. Waxa ay u yimaaddeen bulsho leh xeer ay ku dhaqanto, diinta ku cibaadeysata uun, wadaaddaduna ay ku kooban yihiin masaajidda iyo xarumaha lagu barto diinta. Waxay arkeen wax u eg sidii ay ku yaqiinneen culimadoodii Kaniisadda ku koobnaa, taasi waxa ay fududeysay in diinta iyo maamulka la kala duwo. Eeg buugga (Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda: bogga, 32). Gumeystuhu waxa uu heshiisyo kala duwan la galay qabiillooyinkii kala duwanaa ee ay Soomaalidu ka koobnayd, tusaale ahaan: Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaanigu waxa ay si kala jaad jaad ah heshiisyo u la galeen odeydhaqameedyadii reeraha. Waxa ayna u qoreen mushahar bille ah oo ay odeydhaqameedku qaataan. Maxkamadihii jirey xilligii gumeysiga waxa ay ka koobnaayeen, labo qaybood oo kala ah: kow, maxkamad qaabilsan arrimaha madaniga, oo uu gumeystuhu maamulo. Labo, maxkamad Islaami ah oo qaabilsan arrimaha guurka iyo
furniinka. Waxa lagu dooddi karaa in xeer Soomaaligu mar walba u janjeeray ama wax badan kala mid ahaa xeerkii gumeystaha. Waana halka ay iskala jaanqaadeen gumeystaha iyo waranluhu.
Si kale u dhig gumeystaha ka hor iyo kaddiba waxa jirey loollan u dhexeeyey wadaadka iyo waranlaha; tusaale ahaan: dagaalladii dhex mareyey Daraawiishta iyo qabiilladii Soomaaliyeed; sida dagaalkii Boqor Cismaan Maxamuud iyo Suldaan Maxamuud Cali Shire waxa uu salka ku hayey xukun ilaashasho u dhexeeyey wadaadka (Sayidka) iyo waranlaha. Waxa kale oo aan tusaale u soo qaadan karnaa isku dhacii Sayidka iyo Garaad Cali Garaad Maxamuud oo xilligii Daraawiishta Garaad ka ahaa degaanka Nugaal (Dhulbahante). Garaadka waxa loogu yeedhay in uu dariiqada soo galo oo uu Jihaadka ka qayb qaato, taladaas Garaadku wuu ka biyo diidey. Wuxuu ku dooddey in uu wadaadku (waa Sayidkee), ku koobnaado arrimaha diinta, farahana kala baxo arrimaha reerka. Taladaas waa la isku maandhaafay waxa ayna keentay in Garaadka la la xidhiidhiyo in uu gaalada ku taageerayo la dagaallanka diinta iyo Daraawiishta. Garaadka xukunkiisu waxa uu noqoday dil, waana la dilay. Eeg buugga (Xeerka Soomaaliga iyo Calmaaniyadda: bogga, 31). Xilligii burburka dagaalladii dhex marey ururkii Al-Ittixaad iyo jabhadihii SSDF iyo USC, waxa uu isna ku salaysnaa loollan u dhexeeyey, wadaadka iyo waranlaha. Ittixaadku waxa ay is tuseen in ay jirto kansho dalka burburey ay ku xukumi karaan. Halka jabhadihii Siyaad Barre riday ay iyaguna u arkayeen in ay xaq u leeyihiin xukunka dalka. Sidaa awgeed waxa labada kooxood dhex marey dagaallo ay dad badan ku le’deen. Loollanku mar walba waxa uu ahaa: wadaad iyo waranle. Dhan kale markii la arkay halgankii Sayidka iyo sida uu gumeystaha u la dirirayo, waxa soo baxay, haddallo odhanaya waa maxay wadaadka hubka sita ee xukunka doonaya, sidaa darteed waxa samaysmay gabayo iyo maansooyin lagaga halcelinayo, dhaqanka ugubka ah ee uu wadaadku (Sayidku) la yimi. Maansooyinkaas waxa aynu ka soo qaadan midda odhanaysa:
Waa tii wadaad reer u yimid waanin jirey jeere Waa tii waxyeelladii ahayd wan ay u loogaane Wadeeca Alle diintii haddaa weerar loo rogaye.
Maansadan waa halcelin tibaaxaysa sida wadaadku u soo dhex galay arrimaha siyaasadda. Dhaqanka wadaadku waxa uu ahaa in uu ku koobnaado arrimaha diinta la xidhiidha, sida: waanada, waxsheegga iyo cilmiga. Markii la gu baraaruggay in Sayidku doonayo dawlad Qaran, waxay qabiillada qaar kala horyimaaddeen dagaal ba’an oo cir iyo dhul ah. Dagaalladaas salkoodu waxa uu ahaa xukun kala xigsasho, qabiillada qaar Sayidka waxa ay u arkayeen wadaad xukun doonaya. Sida aynu tixaabnayna in wadaadku xukun iyo maamul doono waa wax dhaqanka Soomaaliyeed ugub ku ahayd. Waxa aynu ku tilmaami karnaa in uu ahaa; loollan iyo hirdan u dhexeeyey wadaad iyo waranle. Soomaalidu diinta Islaamka waxa ay u haysatay caqiido oo keli ah, se suququl ayey ahayd inta diintu la falgasho dhaqankooda iyo siyaasaddooda. Haddii la isku dayo in la fasiro xidhiidhka ka dhexeeyey, wadaadka iyo waranalaha Soomaaliyeed waxa aynu ku tilmaami karnaa; “xidhiidh kaba qaad ah” taas oo macneheedu yahay, in wadaadku ku socon jirey
ammarka, talada iyo xukunka waranlaha, sidaa darteed waxa ay heshiis ku ahaayeeen, in wadaadku colka reerka duco raaciyo. Marka uu jiro shir reerka ahna in uu Qur’aan ku furfuro, ka dibna uu safka halka dambe ka galo. Taasna waxa aynu ka akhrisan karnaa murtida tidhaahda: “Waayeel taliya, wiil aqbala iyo wadaad duceeya!. Xidhiidhka caynkaas ahi wuu jirey illaa laga soo gaareyey xilligii gumeystaha.
Soomaalidu waa qabiillo u dhisan hannaan dawladeed, qabiil walba waxa uu lahaa nidaam iyo xukun u gaar ah, waxayna aaminsanaayeen caqiido odhanaysa: “xeer la’aantiis waa la xooloobaa.” Cabdiqaadir Orama hannaanka uu qabiilka Soomaaliyeed u dhisan yahay waxa uu ku tilmaamay; DAWLAD. Orama si uu qabiilka dawlad ugu tilmaamo waxa uu yiri: “Ugaasku waxa uu ahaa madaxweyne, Cuqaashu waxay ahaayeen wasiirro, Gaashaan qaadku waxay ahaayeen millateri, Haweenku waxay ahaayeen wax-soosaar, Culimadu waxay ahaayeen Maxaakiim, Calanka reerku waxa uu ahaa sumadda geela.” Nidaam sidan u taxan oo kala hooseeya kalana sarreeyaa ayuu ahaa is-maamulka qabiilka Soomaaliyeed. Nidaamka qabiilka ee sidan u dhisan haddii la eego waxa uu la mid noqonayaa, dawlad calmaani ah (secular state/ العلمانية دولة). Qabiil walba oo Soomaaliyeed in uu dawlad ahaa waxa caddayn u ah; marka la fiiriyo halbeegga loo adeegsado cidda qabiil ah. Tusaale ahaan Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, waxa uu yiri; qabiil waxa la odhan karaa ciddii la ga helo shuruudahan soo socda ee ah: dad, awood mag la gu bixiyo laguna qaato, xoolo, magac iyo summad (calan). Shurudahan haddii aad u fiirsato waa mid la mid ah ama ku soo dhow shuruudaha loo dhigo cidda dawlad ah ama dawlad noqonaysa. Sidaa darteed waxa aynu ku dooddi karnaa in qabiil walba oo Soomaaliyeed uu lahaa, DAWLADA u gaar ah, taasna waxa sii xoojinaya markii Ingiriisku qabiil walba uu gaarkiisa u la galay heshiis. I. M. Lewis oo dersay qaab samayska qabiilka Soomaaliyeed waxa uu buuggiisa; “A Modern History of the Somali Nation and the state” ku doodday in hab ismaamulka qabiilka Soomaaliyeed uu la mid yahay midka reer Yurub ee Calmaaniga ah. Lewis waxa uu xusay in Soomaalidu u qaybsan tahay wadaad iyo waranle, waana jaad la mid ah midka reer Yurub. Sidaa si la mid ah Cabdiqaadir Cabdulle Diini waxa uu ku doodday in xeer Soomaaliga iyo Calmaaniyaddu ay yihiin labo shay oo wax badan isaga eg, sidaa awgeed ayuu xeer Soomaaaliga ku tilmaamay: Calmaaniyad qunyar socod ah. Si kale Cabdiqaadir Cabdulle waxa uu qabaa xeer Soomaaliga iyo Calmaaniyaddu in ay iska waafaqsan yihiin 75%, boqolleydan waxa uu ku soo saarey jaanstus isbarbardhig ah oo uu sameeyey. Dhanka kale isla jaanqaadka ay sameeyeen Calaamiyadda iyo xeer Soomaaligu waxa aynu ka dheehan karnaa, nidaamka dawladeed ee ay Soomaaliland u dhisan tahay, waa nidaam iyo hab ka kooban labo qaybood: qayb dhaqan ah oo waranluhu hormuud ka yahay (Golaha Guurtida) iyo qayb dumuqraaddi ah (Golaha Baarlamanka). Marleen Renders labadaas qaybood ee ay ka kooban tahay dawladda Soomaliland waxa ay u bixisay: “dual hybridity system”—waa hannaan isku dhaf ah. Marleen waxa ay ku doodday nidaamka jaadkan ahi, ma keeni karaa hannaan dawladeed oo si hagaagsan u shaqaeeya? Waa weyddiin u baahan halcelin ku qotonta cilmi-baadhis. Haddii aynu soo koobno maxaa keenay in xeer dhaqanku xididaysto, xeerarka reer Galbeedkuna ay kansho helaan. Waxaynu leennahay dhawr qodob baa sabab u ah: 1) loollanka ka dhexeeyey wadaadka iyo warranlaha ee joogtada ahaa. 2) Gumeystihii kala duwanaa ee Soomaalida gumeystay. 3) kaalinta wadaadka Soomaaliyeed oo mar walba ahayd mid aan tamar iyo taag lahayn, iyo qaybsanaan u dhexeysay wadaaddada Soomaaliyeed. Saddexdan qaybood waxa aynu ku soo koobi
karnaa in ay yihiin sababa keenay in xeer Soomaaligu xididaysto. Dhanka kalena ay Soomaalidu ka fogaato in diinta Islaamka u adeegsadaan hannaan xukun siyaasadeed.
Gunnaanad.
Qoraalkeenna waxa aynu kaga faalloonay saamaynta xeer Soomaaligu ku yeeshay in ay Soomaalida soo galaan xeerarka iyo dhaqannada reer Galbeedka. Waxa aynu qoraalka ku qaadaa dhignay, sida dhaqanka Soomaaliyeed u yahay dhaqan Calmaani ah, waxa aynu dhan walba ka istaagnay loollanka dheer ee ka dhexeeyey, wadaadka iyo waranlaha Soomaaliyeed. Waxa aynu tibaaxnay sida ay kaalinta wadaadku u koobnayd marka la joogo nolosha Soomaalida. Waxa aynu ku doodnay arrimaha fududeeyey in xeer Soomaaligu xididaysto. Waxa sida oo kale lafagurnay sida qabiilka Soomaaliyeed u yahay dawlad. Waxa aynu tibaaxnay sida Soomaalidu ugu jirto loollan saddex geesood ah: waa dhaqanka, diinta iyo dawladnimada casriga. Waa waxa uu Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan u bixiyey: “saddex xaddaaradood/ In-between three civilazations.” Bulxan waxa uu qabaa in Soomaaligu ku jiro legden iyo hirdan u dhexeeya saddexdaas ilbaxnimo. Sidaa oo kale legdankaasi Dr. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Baadiyow waxa uu u bixiyey: “Tribalism, nationalism and Islam : the crisis of political loyalty in Somalia.”
Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu qabaa in Soomaali dawladnimadeedu ku jirto in la heshiisiiyo isla markaana la xalliyo legdenka ka dhexeeya: diinta, dhaqanka iyo dawladnimada casriga ah. Cabdiraxmaan Baadiyow waxa uu ku tagay in dhibka siyaasadda Soomaalidu tahay loollanka ka alloosan saddexdaas ilbaxnimo. Qoraalkeenna waxa aynu ku sharraxnay doodaha xeerka Soomaalida la xidhiidha. Waxa aynu ku doodnay in Soomaaligu markiisii horeba ahaa; qof Calmaani ah. Haddii aynu qaadanno fahanka ah in Calmaaniyaddu tahay diinta iyo dawladda oo la kala duwo. Haddaba, Soomaalida diinta iyo dawladdu waa u kala duwanayd. Wadaadku arrimo kooban buu lahaa. Waranluhuna waxa uu lahaa shaqooyinka nolosha oo idil. Sidaa darteed Soomaalidu waa bulsho u nugul aragtiyaha iyo afkaaraha reer Galbeedka. Tusaale kooban haddii aynu soo qaadanno; Soomaaliya lixdankii waxa ay qaadatay nidaamka dimuqraadi ah, ee leh suuq xorta ah. Markii ay timi dawladdii askartu nidaamkii hore ee dimuqraadiga ahaa waa laga xadhig furtay, waxana cagta la saarey nidaam shuuci ah, waxana la qaatay: “hantiwadaagga cilmiga ku dhisan/ scientific socialism.” Markii ay duntay dawladdii askartu 1991-kii, dalku waxa uu noqday mid kala tagsan, waxana la ga guurey nidaamkii hore waxana la qaatay nidaam federaal ah. Soomaliland oo tiri waannu goosannay waxa ay dib ugu noqotay, nidaamkii hore ee dimuqraadiga ahaa. U fiirso sida adduun-aragga siyaasadeed iyo dawladeed ee Soomaalidu isu beddelayey lixdankii sanno ee ugu dambeeyey. Sidaa darteed waxa aynu ku dooddi karnaa in Soomaalidu tahay bulsho afkaar ahaan nugul. Taasna waxa innoogu filan ardaydii waxbarashada u tagtay waddannada: Masar, Soodaan, Sucuudiga, Mareykan iyo Ruush. Dhammidood mid walba waxa uu soo noqday isaga oo wada afkaar Carbeed iyo mid reer Galbeed. Ma aha in aynu la yaabno in haddii qof yidhaahdo waxaan ahay Calmaani. Waayo, sida aynu tibaaxnay dhaqankeenna ayaa u furfuran Calmaaniyadda, waana waxa ay ku dooddayaan aqoonyahannada Soomaaliyeed ee sida
waafiga ah u baarey xeer Soomaaliga. Waxa muhim ah in qof walba oo Soomaaliya isku dayo in uu fahmo, qaab dhismeedka Soomaalida (social stucture). Ugu dambayntii Dooddan oo faahfaahsan waxa aad ka baadhi kartaa tixraacyada qoraalka iyo buuggaagta kale ee dhaqanka Soomaalida ka warranta.
Tixraacyo.
عبدالرحمن باديو: تاريخ الصومال رؤية تحليلية جديدة (مجلد الثاني.) الطبعة االولى ــ 0202م 1:
2: (2013). Cabdishakur Mire Aadam. Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya 1952 – 2002.
3: (2021). Cabdiqaadir Cabdulle Diini. Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda maxaa u dhexeeya? Looh Press.
4: (1988). I. M. Lewis. A Modern History of the Somali: Nation and State in the Horn of Africa. 2end. United State. Westview Press.
5: Bulxan. (2013). In-Between Three Civilazations Volume 1, Tayosan International Publishing, Hargeysa.
6: (2021). Socdaalkii Ibn Batuuta ee Muqdisho. Indheergarad. Vol: 01 – Cad:
- (https://indheergarad.com/2021/02/13/1331-socdaalkii-ibnu-batuuta-ee-muqdisho-vol-01- cad-83aad/#.YyGX7ySEY0E)
7: (2014). Maxamed Cabdi Gaandi. Isirka Soomaalida, Soomaali Channel. (https://youtu.be/OxLo_NSJ1Ao part one). (https://youtu.be/EoB9O0bzmMk part two).
8: (2013). Cabdiqaadir Orama. Soomaalidu xagee bay u socotaa, Kalsan TV. (https://youtu.be/_j4idZNqNoo).
9: (2013). Cabdiqaadir Orama. Fool ka fool. Universal TV. (https://youtu.be/rrtNULu9XAE).
10: (2017). Cabdalle Mansuur. Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed maxaa innaga khaldan, Centro Studi Somali. (https://youtu.be/eANVUvwowEs).
11: (2014). Maxamed Cabdi Kadiye. Nidaamyada xeerarka iyo sharciyada Soomaaliyeed.
12: (2013). Maxamed Haji Ingiriis. Review: Consider Somaliland: State-Building with Traditional Leaders and Institutions, The Journal of Modern African Studies.
W/Q: Axmed Xisaam Miido.
—Sept, 15, 2022. Hargeysa.
- Khilaafka Sharci ee Heshiiska DP World iyo Jabuuti
- Maxay Filimadu Na Bari Karaan?
- Iftiiminta qoraalka: Jaranjarada Loo Maro Qoraalka Toolmoon
- Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed: Casriyaynta iyo Waafajinta Shareecada Islaamka
- FILINKA SAAMIYA: XIDIGTII DHULKA EE BADDU CUNTAY
