Buuggii Sirta

Buuggii Sirta

Qofka walba dubaaqiisa iyo duunkiisa hoose waxaa ku kaydsan diwaan ay ugu qoran yihiin dhacdooyin nafeed oo uu kaligii garan karo. Waa dhigaallo kala duwan oo maalmo iyo xilliyo kala jaad ah ku calaamadeysan. Buugaas dhacdooyinka iyo dhambaaladda nafeed ugu kaydsan yihiin qofka, waxaa og uun isaga oo kali ah, isaga ayaa wax ka bedela, mar masaxa, mar kalena qof kale la doonta oo uga sheekeeya. Waxa ay garashadeenu la dhaygagtaa oo fahamkeennu la dhamcaa kolka aynu ka helno qayb, dabadeed aan isku sheegno in qofkaasi sirtiisa noo kamiley. Waa been, qofna uma dhammeyn karo waxa uurkiisa yaalla qof kale, xittaa haddii uu subax kasta u sheego in uu baal ka mid ah u tabiyo!

Marka qof wax innooga tilmaamayo sirta sida habqanka ah ugu qoran laabtiisa, waxaynu markiiba ku guurineynaa, sidii oo ay feegaar tahay buuggeenna sirta, iyadoo la fili karo sida aynu u helnay in aynaan u hayn, dabadeed cid kale haabkeeda dhigno, sidii haruub caano ahna ugu habno. Sirahaas iyo xogtaas qofeed ee ku kaydsan duunka qofka, marar badan waxay yeelataa wajiyo kala geddisan, dhacdooyinkeeduna isku si kaagama farxiyaan, laabtaadana si isku mid ah uma saameeyaan; qaar ayaa qosol iyo dareen farxadeed leh, halka qaar kalena leeyihiin dareen quus ah, ama mid yaab leh leeyihiin.

Haddaba, sida ay u kala duwan yihiin dhacdooyinka ku qoran buuggaas, ayey u kala jaad yihiin falcelinta laga bixinayo iyo jawaabta uu helayo qofku. Haddii uu sheego, ama la ogaado waxa ku kaydsan laabtiisa ee quus ah, falcelinta uu helayaa waa uun mid riyaaq u horseedda ama hog dheer isaga iyo quustiisaba ka shalwisa. Mar waa loo garaabaa, loona garta insaan garashadiisu intaaas gaarsiisneyd, mar kalena wuxuu la kulmaa guhaad iyo guulguul kaga yimaada gacalkiisa.

****

Suugaanta oo ku suntan in ay tahay agabkii ugu sarreeyey ee aadanuhu bartey, markii uu helay sirta erayga, lagana soo dhex helayo dareen walba oo aadanuhu leeyahay, ayaan baalkeeda rogeynaa, si aynu u soo helno tusaalayaal muujinayana falcelinta labada dhinac- kan buugga sirta leh iyo kan helay ee ogaadaay sirta ku sugan sadarrada dhexdooda.

Waxaan soo helaynaa heesta “Buuggii Sirta”¹ ee Yaasiin Axmed oo Digfeer² ku caan ahaa ku luuqeeyo. Sida ka muuqata magaca heesta, waa hees laga curiyey isla dareenka aynu hordhaca ku sheegnay. Dareen u dhaxeeya laba dhinac oo kala maan ah, laakiin mucda iyo gunta heestu waxa ay markan kuwareegaysaa qofka sirta isagu ogaadey-oo dabcan markan Digfeer noo matalayo. Asalkaba, qofka jeclaanaya mid kale, waxaa u furan laba daw oo hadba ta la gudboonaata uu raacayo, hadhowna uu natiijada labada wadaba ku arkayo dhammaadka jidka, tan koowaad; waa in uu qofka ku aqbalo sida uu yahay, isaga oo ka indha-saabanaya iimaha qofkaas iyo ceebihiisa, maankiisuna qabatimo erayadii saafiga ahaa ee Xallaaj³ ku sifeeyey dareenka nadiifka ah ee qofka jacaylku hayo, maya, qalbiyada wax jecel ee ahaa; “Qalbiyada wax jecel waxay leeyihiin indho lagu dheehan karo waxa ka qarsoon dadka kale.” Taas oo micno ahaan la bah noqoneysay baydkii qaraamka ahaa ee: “Indhaha qalbigaa ka eegmo fogoo, wax aanay arag buu ogaadaayeey!” Iyo tan labaad oo ah in uu qofku marwalba ku dedaalo in uu sida dambibaaraha u raadiyo qofka ay sheekaystaan boogihiisa, kuna dheeraado baaridda gol-dalooladiisa, hadhowna soo helo buuggiisa sirta, dabadeedna is diidaan labada shakhsiyadood ee uu midba gaarkeeda u bartey. Qofka haddii uu tubtaan dambe ku arooro waa ay ku adkaata in uu la noolaado qofkaas, waayo, waxaan u cuntameyn in uu yaqaanno qof isku ah laba qof, waxayna dhaxalsiisaa oo uu ku soo dhaca gegi maran oo bilaa nuxur ah, halka kan hore uu ku raaxaysto, daqiiqadaha ay wada noolyihiin qofkaas!

Sawirka: Yaasiin Axmed Ibraahim (Digfeer)

Heestan, waxa ay ka sheekaynaysaa qof ogaadey muddo badan ka dib qof uu jeclaa sirtiisa. Sawirkii quruxda iyo qaayaha lahaa ee uu laabtiisa ku haystey iyo waxa uu la kulmay ayaa sinaba isku waafaqi waayey. Waxa uu is arkay, dedaalkiisii oo noqday hal bacaad lagu lisay! Maankiisa ayey gaddaa, oo ku noqotaa hal masaar kulul laqday. Wuu wareera, sidii nabi Ismaaciil hooyadiina marba labo gebi dhexdood ordaa, ka doona xalka meel uusan ku ogeyn in uu ka helayo. Indhihii samaanta ka caaganaa ayaa hummaag quus iyo rajo xumo ahi isku gudbaan, dabadeed waxa uu u baxsadaa, oo wuxuu miciinsadaa in uu qofkaas uu sirtiisa helay ka dhaqaaqo.

Digfeer oo innoogu jira qofka shakhsigii uu jeclaa helay sirtiisa ayaa masraxa la taagan erayo aad mooddo in uu kaga ciil baxayo qofkii luggooyada u horseeday, una dardaar warinayo qofka uga danbeeya isaga. Waxa uu sawir ka bixinaya labada qof ee isku shakhsiga ah ee uu bartay. Waxa uu kaligii ku celcelinayaa; waxaan ku mooday mise waxa aad igu noqotey; boqoraddii haweenka e hablaha laga soo baxo, waxaad se igu noqotey beel guba.

Hormada koowaad ee heesta wuxuu Digfeer ku sheegayaa dhabnimada uu ka helay buugeeda sirta. Wuxuu sawir fiican ka bixinaya shakhsiyaddeeda ka qarsoon dhaayaha dadka kale ee uu ogaadey. Qof baraaraha iyo barwaaqadu shideyso oo ku mamman balaayada iyo bayhoofka oo dhan ayuu noo tilmaamayaa in ay tahay. Wuxuu ina tusayaa in ay tahay qof ku dhiirratey wixii ay dumarku xayaha iyo xishoodka ka lahaayeen ee ay ka sarriigan jireen. In malihiisii beenoobey ayuu inoo tibaaxayaa, ugu daynbeynna wuxuu leeyahay; kalgacaylkii aan korin jirey, ee aan baxnaanintiisa ku hawlanaa ka bogsooday, markii aan helay xogtaadana ka baxay beerlaxawsigaagii;

‘‘Burji iyo nasiiblaay

Barwaaqada ka cararaay

Abaartana u baydhaay

Khayrka belo ka jeceleey

Belo iyo baas ka jeceleey.

Wuxuu dumar ka baqi jiray

Iyadu u badheedhaay

Bilic lagu khasaaraay

Boqoradii haweenkee

Hablaha lagala soo baxo

Baryo taan u haystaay.

Jacaylkaan muddada badan

Baarka u fidhaadhiyaayiyo

Beerlaxawsigaagii

Ka bogsoodayee kow dheh

Buugii sirtaadiyo

Boogtaadii waan helay

Kaagana baxee labo dheh. ’’

Hormada labaad, markii uu xuso intaas ayey hor imanayaaan su’aalo malihiisa uga iman doona dadkii jacaylkooda ogaa, ee u war hayey gacalnimadooda. Wuxuu leeyahay hadal nuxur ahaan noqonaya; gabadhaas jacaylkeedii wuu dhammaadey oo wuu Alleystay iyadiina isku xumaannay oo beelguba aan lala joogi karin ayey noqotey, salaam gacal iyo bariidana nama dhex marto oo ooddaa ayaa noo kala rogan ee sidaas u ogaada:

‘Waxaan baaq u dirayaa

Tacsi ugu bundubayaa

Jacaylkeenii barigii

Barbaartii wax ka ogayd

Ee Galinsoor⁴ bankiisiyo

Baadiyihiisa laga helo

Beelguba inaaa tahay

Illeen beeni raad maleh

Na dhexmarin bariidadu

Illeen waan isbaraneee.’’

Kolka ay xaajadiisu dhammaato oo uu ka faraxasho wixii dhankiisa ahaa, ayuu xasuusanaya qofka ay sugayso in ay qaybsadaan nolosha, oo ula muuqanaya qof sidiisa ayaandarro iyo hoog sugayo. Waa qof ay sugayso in uu la macaamilo qof boqol shaqsiyadood ku kulmiyey hal jir, oo maalinba ay sugayso in uu la macaamilo isbadallada boqolkaas shaqsiyadood, dabadeeed waxa uu is waydiinaya, tumashada iyo maalmaha baraaraha ee ay u tagto huteellada, meeqa maalin ayey wadayaan:

‘‘Waxay se balo ka joogtaaa

Boqol midabyo leeyeey

Kan dambeed is barataaan

Siduu bohosha ugu dhici!

Balwadaadu Liidiyo

Hadday baarka Curubiyo⁵

Bulsho⁶ iyo Taleex⁷ tahay

Dhaqan kala baqooshee

Beerka iyo dhayladu

Intee bari bay ku wadayaan?’

Haddaba, Digfeer oo inoogu taagna shakhsiyadda ku talaxtagta baaridda qofka ay jecel yihiin, wuxuu doortey in uu qaato go’aan adag oo ah tagitaan iyo aasidda wixii dhex yaallay labadooda. Sideedaba, jacaylku wuxuu qofka ka suuliyaa balwado uu lahaa, si uusan u wayn qofka uu jecel yahay, oo dabciyada uu lahaa waxa ka adkaada qofkaas. Waxaa ku adkaata in uu labada midkood doorto, oo badanka sida dhacdana qofka haddii uu dhab kan kale u jecel yahay waxa uu doorta qofka, sidaasna wuxuu kaga saahidaa dhammaan dabciyadii xumaa ee uu lahaa, taasina waa waxa uu Digfeer waayey ee uu u dhaqaajiyey!

Erayfur;

1; Buuggii Sirta; heestan oo magaceeda asalka ahi yahay Beer-laxawsi, waxaa horey u qaaday Cabdullaahi Layloon, kaydkana waxaa ku xusan in Nuur-Jiis erayadeeda falkiyey.

2; Digfeer; Yaasiin Axmed Ibraahin, oo ku magac dheer Digfeer, wuxuu ahaa mulaxan, fannaan iyo mu’allif sameeya erayada.

3: Abuu-Mansuur Al-xallaaj; waxa uu ahaa gabyaa suufi ah, oo noolaa intii u dhaxaysay 858-922 miilaadiyada.

4; Galinsoor: Magaalo ku taalla goballada dhexe, waa magaalada uu ka bilowdo gobalka Galgaduud, kuna dhammaado gobalka Mudug.

5; Curubo; Hotel Curubo; Baar ka mid ahaa baararkii ugu caansanaa ee Soomaalidu u tagi jirtey bagaaxidda iyo bulsheynta habeenadda ay firaaqada yihiin, wuxuu ku yiillay degmada Xamarweyne.

6; Bulsho: Baar Bulsho; waa mid ka mid baararkii ugu shidnaa Xamar oo dadku ku caweyn jireen magaalada, wuxuu ku yiillay taalada Sayidka hoostiisa, dhinaca Howlwadaag, ama geeska Gurigii Umadda/Golaha Shacabka.

7; Taleex; hotel Taleex, mid ka mid ah hoteeladdii ugu caansanaa Xamar, wuxuu ku yaallay Inta u dhaxaysa Isgoyska Tarabuunka iyo isgoyska Taleex, ee degmada Hodan.

W/Q: Cabdishakuur Qodax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *