Buugga Safiirka | Peter Bridges

W/Q; Axmed Xisaam MiidoBuugga

SAFIIRKA | Peter Bridges


“Faaleynta iyo qodobeynta Buugga Safiirka.”

Buuggan waxaa qoray diblomaasi Peter Brigdes. Peter waa diblomaasi hore oo hawlgab ah, haddana ah macallin jaamacadeed. Waxa uu soddon sanno ku soo jirey diblomaasiyadda, weliba wakhtiyadii xidhiidhka caalamiga ah iyo siyaasaddu ugu xiisaha badnaayeen, ka hor intii aanu Soomaaliya ka noqon safiir. Buuggan waxa afka Soomaaligga u hal-tabiyey Kamaal marjaan oo ah Saxafi iyo qoraa, horayna u soo saarey labba buugg, mid turjuman iyo mid uu qoray, oo kala ah: Aamina Almufti (Basaasaddii Dunida Carabta Ugu Caansanayd) iyo Afgembigii dhicisoobay (Afgembigii ka dhacay Turkey, 2016). Waxa uu dhawr iyo tobonkii sanno ee ugu dambeeyay ka hawlgalayay warbaahinta Soomaalilaan, isaga oo guddoomiye ka noqday wargeyska caanka ah ee Geeska Afrika iyo maareeye iyo tafaftiraha Telefiishanka Codka Bariga Afrika.

Diblomaasi Peter Bridges waxa uu soo noqday, shaqaale ka hawlgala wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka, qunsulka wadanka Panama, Sarkaal dhinaca siyaasadda ah oo ka tirsan safaaradda maraykanka ee Mosko, masuul sare oo ka tirsan waaxada arrimaha dibada ee washington, ku xigeeen ergeyga dublimaasiyadeed ee u jooga Rooma, iyo ugu dambeyntii safiirka guud ee safaaradda ay maraykanku ku leedahay Muqdisho

“Qodobaynta”

Qaybtan waxa aan si qodobaysan oo dul-kaxaadis ah, ugu soo gudbin doonaa arrimaha uu is- dul-taagayo buuggu, kuwaas oo ku salaysan dhacdooyinkii iyo qaabsamayskii nidaamkii dawladkii militeriga ahayd, si aynu bal u fahamo waxyaabaha xadka ka saarey, nidaamkaas.

Peter Bridges waxa uu Soomaaliya Safiirka ka soo ahaa mudooyinkii u dhaxeysay 1984-1986-kii, taas oo noqonaysa labbo sano oo kaliyaata, Peter waxa uu masuulka ka ahaa maamulida caawimaadda bini-aadantinimo ee ay washintong ugu deeqdo wadamada afrika ee saxaraha ka hooseeye, waqtigan waxa Soomaaliya iyo meelo badan oo afrika kamid ah ka jirey, abaaro soo noq-noqda, nidaam xumo, dagaalo sokeeyo, iyo hardanka awood qaybsigga qabiileed.

Peter Bridges waxa uu buugga kaga warramayaa, noloshii qalafasanayn ee Soomaaliya ka jirtay, qarnigii 20aad iyo qaab maamulkii dawladii meliteriga ahayd, waxa uu kaga warramayaa darxumadii maamul xumo ee haystay Soomaliya. Buuggu waxa uu ka kooban yahay 336 Bogg, oo si fiican u iftiiminaya noloshii Soomaliya ee xiliyadii uu Peter safiirka ka ahaa Sooomaliya. Buuggu waxa uu soo bandhigayaa sida ay madaxadda Soomaliyeed u yihiin dad jecel shisheeyaha, waxa uu nasiib darro ku tilmaamayaa, khayraadka la baylihiyey iyo dhulka dihin ee aan laga faa’iideysan, taas oo ay qani ku tahay Soomaaliddu.

Waxa uu Soomaalida ku tilmaamayaa in ay yihiin dad caan ku ah “Wax isiida” sida uu Richard Burton ku sheegay sanadkii 1855-kii buuggiisa Sahankii geeska afrika, waxa uu qoraaggu inoo bidhaaminayaa noloshii saboolnimo ee ka jirtay Soomaliya, Soboolnimada waxa u dheereyd kororka xadigga ubaddka dhalanaya sanadkii, cel-celis ahaan gabadha Soomaaliyeed waxay dhali jirtay 7 carruura, taas oo Soomaliya ka dhigeysa wadamadda ugu dhalmadda badan qaaradda afrika, kaliya waxa ka horreeyey waddanka Rwanda oo ay gabadhu dhali jirtay 8 caruura, intooda badan waxay u dhiman jireen caruurtaasi, nafaqo la’aan (malnutrition). Sanadkii 1984kii Soomaliya waxa ay qayb ka noqotay waddanka 8aad ee ugu saboolsan dhamaan dalalka aduunka, saboolnimadda baahsan ee ka jirtay waqtigaas Soomaliya, waxa u dheerayd abaaraha soo noq-noqda, kuwaas oo fara ba’an ku haya jiritaanka shacabka Soomaliyeed.

Waxa uu qoraaggu soo bandhigayaa nabaad guurka ay xoola dhaqatada Soomaaliyeed kula kacaan dhulka dihin, ee awooda u leh in uu soo saaro, cuntadda uu dalku u baahanyahay, sida buugga ku xusan 322km kuwaas oo ah dhulbeereed kuna dhow cirifka webigga Jubba iyo Shabeelle ayaa la kulmay xaalufin dhireed, waxaaana dhirtaas intooda badan loo isticmaali jirey in ay shacabka Soomaliyeed ka raadiyaan dhaqaale, iyo inay shitaan. Intaas oo dhibaatooyin ah iyadda oo ay haysatay ummadda Soomaliyeed, waxaan sida oo kale aan meesha ka maqnayn dagaaladda goos-gooska ah ee ay dawladda itoobiya ku soo qaadi jireen, ciidanka iyo dadka rayidka ah.

Peter Bridges waxa uu inala wadagaayaa, nidaamkii waxbarasho ee dawladii kacaanka ahayd, waxa uu soo bandhigayaa in aysan Soomaliya lahayn nidaam waxabarsho, oo haggaagsan kaas oo soo saara baahida bulshadda, dhamaan sida uu sheegayo qoraaggu ma jirin manhaj midaysan, dugsi hoose ilaa jaamacad. Waxa taas u dheereyd majirin af- si rasmi ah looggu dhigan jirey waxbarashada, tusaale ahaan dugsiyada hoose, kuwa dhexe iyo kuwa sarre wax lagu dhigan jirey Af-soomsali, halka jaamacadda lagu dhigan jirey, Af-talyaani. Dalku ka hor inta uusan iman Peter malahayn xarun lagu tababaro macalimiinta, xaruntii lafoole waxa lagu dhisay gargaar bini-aadantinimo oo ka yimi Washintong.

Dhanka Siyaasad xumadda iyo maaareyn la’aanta deeqaha ka yimaadda deeq bixiyaasha caalamka (reer galbeedaka), waxa uu qoraaggu inooga warramayaa in caawimaadyadda ay Washintong siiso Muqdisho ay lunsan jireen ama ay qaybsan jireen dad tiro yar oo ku hareeraysnaa madaxweynaha, tusaale ahaan Sida uu qoraaggu xusayo 120Milyan oo dollar oo ay dawladda mareykanku ugu deeqday Soomaliya, si wax looga qabto abaaraha iyo macaluusha ayaa waxa qaybsaday dad tiro yaraa, oo ka agdhwaa nidaamkii kalitaliska ahaa, qoraaggu waxa uu isweydiinayaa lacagahan dadka yari qaybsanayaan, hadii abaaraha iyo shaqo la’aanta haysta dhalinta Muqdisho wax lagaga qaban lahaa, miyaa dib looggu baahnaan lahaa deeqo kale oo ka yimaadda shisheeyaha (galbeedka), Sida Peter sheegayo shaqa la’aantii haysatay dhalintii Muqdisho waa tii markii dambe sababtay in xadka laga saaro nimaadkii meletirigga ahaa.

Waxaynu fahmaynaa in xiriir dhawi ka dhexeeyo, Saboolnimada bulshadda iyo bur-burka dawladnimada, sida Peter tilmaamayo waxyaabihii dawladii kacaanka xadka ka saarey waxa kamid ahaa, Saboolnimo bulshadda ragaadisay iyo nidaam aan ka jawaaabayn baahiyahoodda asaasigga ah, tusaale ahaan Muqdisho oo ahayd magaala madaxdii dalka, bulshadda magaaladu mahaysan koronto dhamaystiran, biyo ku filan iyo caafimaad ku filan toonna. Tiro badan oo caruur Soomaliyeed ah waxay u geeryoon jireen xanuuno badan oo ka dhashay nadaafad daradda waddanka.

Peter Bridges waxa uu nasiibdarro hoggaanka Soomaliyeed haysta ku tilmaamayaa khayraadka aan laga faa’iideysan ee dhulka Soomalidu degto qanigga ku ah, waxa uu la yaabayaa sida ay bulshadda Soomaliyeed ee danyarta u badan ugu dhintaa, abaaraha dalka ku soo noqo-noqda, dhanka kale waxa shacabka deegaanada dhib ku ahaa roobabka deegaanada dalka ka da’a, tusaale ahaan sanadii 1977-kii waxa dalka ka da’ay roobab isadaba joog ah oo watay dabaylo, waxay in kabadan 1,600 qof u geysteen dhimasho, tiro intaas kabadana waxa ay kala kulmeen qax, iyo hoy la’aan maadaama guryaha shacbku ubadnaayeen guryo ka samaysan carshaan, qoryo iyo jiingado.

Dhibaato daran ayey dadka Soomaaliyeed kala kulmayeen abaaraha soo noq-noqda iyo roobabka xiliyada gu’a da’a, taas oo aysan dawladu siyaasad cad ka lahayn, waxay shacbku u dhaxayn jireen mar ay haraad u dhintaa iyo mar uu daaad qaato, Maantadan la joogo shacabka Soomaaliyeed waa sidii, waaa halkii aynu Sideetamaadkii taaganayn, ayeynu wali taaganay, dadka koonfurta degga waxa dhib weyn ku haya fatahida wabiyadda jubba iyo Shabeelle. Dawladii kacaanka ahayd kama aysan faa’iideysan jirin biyaha wabiyadda Jubbe iyo Shabeelle, waxay marar badan dawladda talyaanigu kula talisay in ay u adeegsadaan waraabka beeraha, si ay uga bad-baadaan macaluusha shacabka haysata, nasiib darro taladaas loo soo jeedshay, ma aysan qaadan sida uu soo guurinayo Peter.

Qaybta yaabka leh ee qoraaggu buugga ku sheegayo waxa kamida, caafimaad daradda iyo nafaqa daradda haysatay caruurta yar yar ee Soomaaliyeed, xanuuno maanta dunida laga dabar jaray ayaa faro ba’an ku haya deegaanadda Soomaalidu deggto, tusaale ahaan sida qorruhu xusayo waxa dhalaanka yar-yari u dhiman jireen xanuunadda ka dhasha nafaad daradda, sida shuban biyoodka iyo xanuuno kale oo lamidda, kuwaas oo ay caruurutu ka qaadi jireen, biyaha wasakhaysan ee ay cabayaan, maadaama ay adkayd awood buurana loohayan in dhamaan biyaha dalka la safeeyo, wayna adkayd sida qoraaggu tilmaamayo, inta badan daawooyinka caruurta yar yar lagula tacaali jirey waxay u badnaayeen daawooyin ku yimi, hab caaawimaad kuwaas oonan tayadoodu wanaaagsanayn, sida uu Peter sheegayo. Caruur badan ayaa daawooyinkaas deeqah ah, ku bad-baadey nasiib darro tiro intaas ka badan ayaa geeryoon jirey inta aysan caawimaaduhu soo gaarin. Bulshadda aan haysan caafimaad ku filan, biyo ku filan iyo adeegyo asaasiya oo tayeysan waxa u dheerey dhalmada tiradda badan ee dhalanaysay, kuwaas oo qoysaska dhalaya iyo dawladuba aysan ka lahayn qorshe cad, sida uu qoraaggu soo guurinayo, waxa uu marar badan madaxweynne Siyaad Barre kala hadlay, caruurta tirada badan ee dhalanaysa, ee aan loo hayn, nolol iyo deegaan ku haboon, wuxuuna Peter madaxweynaha u soo jeediyey in dhalmada la yareeyo, balse madaxweyne Siyaad wuu diiiday, isaga oo markaas ku an dacoonaya, in dhalmadan badan ay shacabka Soomaliyeed dani ugu jirto iyo in helayo dhalinyaro, badan oo ciidanka meleteriga la qoro.

Dagaalka sokeeye ee dadka Soomaaliyeed ka alloosan waa mid qarniyo soo jiitamayey, sida uu tilmaamay Richard Burton. Nolosha qalafsan iyo saboolnimadda bulshadda Soomaaliyeeed haystay waxa u dheerey dagaaladda sokeeye ee ay dhexdooda isku qaadi jireen, kuwaas oo ay ku le’en jireen dad u badan caruur iyo dumar. Abaaraha soo noq-noqda ee dhulka Soomaaliyeed uu caanka ku yahay waxa la daris noqday dadyow badan oo guryahoodii uga soo qaxay dagaalo sokeeye dartiis, tiradda sanadkii ku dhiman jirey dagaaladda sokeeye ee Soomaalida dhexdeda ka dhici jirey waxa lagu qiyaasi jirey boqolaal, hadii ayaan gaarinba kumanaan sida uu qoraaggu tilmaamayo, awood dibadeed oo adag oo Soomaalida dhib ku haysay ma aysan jirin aan iyagga ahayn.

Buugga Peter Bridges waxa uu inooga waramaya noloshii dhan walba ahayd, ee shacabka Soomaliyeed, ku jireen, qanigii 20aad. Waxa uu soo bandhigayaa, arimo tiro badan oo aanan lagu soo koobi karin, qoraal sidan u yar. Tusaale ahaan wuxuu ka waramayaa, shakhsiyadii Siyaad Barre, Dhaqanka Soomaalida, Soomaalida iyo qabiilka, xasuuqii gobolada waqooyi, dagaalka itoobiya iyo Soomaliya, xiiriirka Soomaalida iyo dawladaha shisheeye (reer galbeed), iyo kuwo kale oo badan. Waxase cajiiba marka aad akhriyeysid, qof kaaga waramaya nolol iyo taariikh aadan joogin, waxaan oran karaa, Peter waxa uu si wanaagsan u fahmay qaab dhaqanka bulshadda Soomaaliyeed, marka aad u eegto mudadii yarayd ee uu jooggay Soomaaliya. Buugga waxaynu si faah-faahsan ugu tagaynaa, xiriirka siloon ee ka dhexeeyey, madaxweyne Siyaad Barre iyo shacabkii uu hoggaaminayey, sida buugga ku xusan, Siyaad Barre waxa uu had iyo goor isku dayey in uu sameeyo, wax walba oo uu xukunkiisa ku difaacanayo, taas oo u sabatay in uu ku kaco, falal bini-aadantinimadda ka baxsan, sida uu Peter soo guurinayo. Buugga Safiirka waxaynu ka fahmaynaa, foolxumadda cadaalad darada, xukun jacaylka, dad kala sooca, burburka dawladnimo, qaybyaaladda, musuq-maasuqa, calool u shaqaysiga, iyo dhaan raaca shisheeyaha (reer galbeedka). Runtii waa buugg xiiso leh, mudada aad akhriyeysana waxa aad la deris noqonayasaa murugo, waliba marka aad eegto xaalada siyaasadeed, mida bulsho iyo mida dhaqaale ee aynu wali ku sugganahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *