Burjigii hore ee Masaarida: Miyuu ka dhigan yahay kan ugu da’da weyn xiddigiska adduunka?
W/Q: Tashi Javed
W/T: Saadaam Dhago-cole
Sannnadkii 1799-kii, Nabooliyon (Napoleon) iyo ciidamadiisii waxay bilaabeen inay balaadhiyaan joogitaankooda Masar oo ay ku faafiyaan xukunkooda. Sababaha Naabooliyoon u tagay Masar, waxay ahayd si uu u hirgeliyo qorshe istiraatiijiyadeed ballaaran. Wuxuu doonayay inuu xakameeyo marin-biyoodka muhiimka ah ee u dhexeeya Yurub iyo Hindiya, si uu ugu helo gacan ku haynta waddooyinka ganacsiga muhiimka ah. Xukunka Masar wuxuu siin lahaa Faransiiska awood dheeri ah oo uu kaga horjoogsado Ingiriiska, oo ahaa tartamayaasha ugu weyn ee Faransiiska. Laakiin Nabooliyon ma keenin oo kaliya ciidamadiisa, sidoo kale wuxuu keenay farshaxanyahanno iyo cilmi-badhayaal si ay u diiwangaliyaan ogaalka cusub iyo waxyaabaha yaabka leh ee ay Masar ku arkeen. Waxay u jeedadu ahayd in laga warbixiyo oo la fahmo dhaqanka, taariikhda, iyo ilbaxnimada Masaaarida, oo aan hore looga aqoon Yurub. Farshaxanistayaasha waxaa ka mid ahaa Fiifaan Denoon (Vivant Denon) oo si gaar ah u soo jiitay wareegga qumman ee burjiyada (zodiac) ee lagu xardhay saqafka sare ee Macbadka Hathor ee tuulada Dendera.
Macbadka Hathor wuxuu ahaa mid ka mid ah meelaha cibaadada ee ugu muhiimsanaa Masaaridii hore, laguna maamuusi jiray ilaahadda Haador (Hathor), oo ahayd ilaahadda jacaylka, quruxda, iyo muusikada. Saqafka macbadkan waxaa lagu xardhay sawirro cajiib ah oo muujinaya xiddigo iyo buruuj (zodiac) ay Masriyiintii hore u adeegsan jireen cilmi-falagga.
U jeedka ay Masriyiintu xiddigaha ugu qoreen saqafka macbadkan waxay ahayd inay ku muujinayaan aqoontooda ku saabsan xidigaha iyo wareegga sanadka, si ay u diiwaangeliyaan xilliyada beeraleyda, bilowga fasalada, iyo dhacdooyinka muhiimka ah ee noloshooda, iyadoo xidigaha loo aqoonsaday inay kaalin weyn ku leeyihiin nidaamkooda diimeed iyo xisaabtan sanadeedka.
Denoon wuxuu si xeelad leh ugu xardhay buruujta warqad, ka dibna wuxuu ku laabtay Paris si uu u daabaco, taas oo dhalisay xamaasad wayn oo u dhaxaysa Ingiriiska iyo Faransiiska. Labada dalba waxay isku dayayeen inay ogaadaan wax badan oo ku saabsan macnaha iyo muhiimadda astronomiga ku xardhan wareeggan, iyagoo u arkayay mid muhiim u ah fahamka cilmi-falagsiga qadiimiga ah. Tartanka u dhexeeya dalalkan Yurub wuxuu horseeday in ay ku tartamaan cilmi-baadhista iyo helitaanka aqoonta cusub ee ku saabsan dhaqankii hore ee Masaarida.
Kalandarka jihada wareersan:
Daah-furkan oo hadda loo yaqaan “Dendera Zodiac”wuxuu buuq wayn ka dhex abuuray saynisyahanno, xisaabyahanno, iyo cidhbixiyeenno badan oo Faransiis ah. Waxaanay bilaabeen inay daaha ka qaadan taariikhda saxda ah iyo waqtiyada dhacdooyinka samada lagu sawiray wareegga xiddigiska Dendera. Waxay isku dayeen inay ogaadan haddii wareeggaas uu ka turjumayo xisaabinta saxda ah ee dhaqdhaqaaqyada xiddigaha iyo isbeddelada samada, ama haddii uu yahay astaan kaliya oo aan loola jeedin dhacdooyin dhab ah. Cilmi-baadhayaashan ay ka mid yihiin Jozef Furiyeer iyo Jean Baptiste, oo uu weheliyo cidhbixiyeen Johann Karl Burkhardt waxay ku jahwareeren kolkii ay la kulmeen turjumaadda calaamadaha Zodiac ee lagu sawiray wareegga xiddigiska. Ma yihiin xisaabinta xiddigiska dhabta ah ee muujiya dhaqdhaqaaqa xiddigaha? Mise waa astaamo calaamad ah? Waydiimahan waxay Faransiiska u bilaawday waxbarashadiisi cilmiga falakismka qadiimiga ah.
Zodiac Dendera waa ka kaliya ee leh qaab ‘wareegsan’, halka qaababka kale ee xiddigaha badanaa ay yihiin afar geesod ama shakal u muuqda kan ahraamta. Taa oo keentay in xiddigahan noqdaan naqshadda ugu wanaagsan ee Masaaridi hore. Dendera waxay muujinaysaa 365 maalmood ee sanadka Masaarida, oo leh soddon iyo lix “deccans” oo loo habeeyey qaab wareeg ah. Deccan-ku waa qaybaha waqti ee ay xiddiguhu ka kooban yihiin. Waxaa jira laba iyo toban calaamadood oo xiddigo ah, mid kasta waxa uu ka kooban yahay saddex decans, taasoo guud ahaan noqonaysa 36 decans. Tani waa nidaamka ay ilaa maanta isticmaalaan saadaasha xiddigaha ee Galbeedka.
Si aad u fahanto laba iyo tobanka burji iyo saddexda deccan aan halkan ku sharaxno tusaaliyal aad ku fahanto.
Tusaale: Calaamadda Aries:
Calaamadda Aries (Ariies) waa calaamad ka mid ah 12-ka calaamadood ee xiddigaha (zodiac signs) oo loo isticmaalo saadaasha xiddigaha. Waa calaamad lagu yaqaan in ay ku jirto bisha Maarso (March) iyo Abriil (April), gaar ahaan inta u dhaxaysa 21 Maarso ilaa 19 Abriil.
Decan 1: 21 Maarso – 31 Maarso
Decan 2: 1 Abriil – 10 Abriil
Decan 3: 11 Abriil – 19 Abriil
Qaabka Saadaasha:
Decan 1: Haddii aad dhalatay inta u dhaxaysa 21 Maarso iyo 31 Maarso, waxaad noqon kartaa qof leh sifooyin gaar ah, sida hogaaminta iyo geesinimada.
Decan 2: Haddii aad dhalatay inta u dhaxaysa 1 Abriil iyo 10 Abriil, waxaa laga yaabaa inaad leedahay sifooyin kale, sida hal-abuur iyo dadaal badan.
Decan 3: Haddii aad dhalatay inta u dhaxaysa 11 Abriil iyo 19 Abriil, sifooyinkaaga waxay noqon karaan kuwo la xiriira firfircooni iyo xamaasad aad ku wajahdid caqabadaha.
Muhiimadda Xilliyada:
Waydiimaha muhiimka ahi waa waxa calaamadahaasi muujinayeen? Waa maxay ahmiyadda ay u lahaayeen Masariyiinta hore? Masariyiinta hore waxay aaminsanaayeen in calaamadaha xiddigaha ay la xiriiraan xilli gaar ah oo sanadka ah oo uu ilaah gaar ah maamulo. Tusaale ahaan: Scarab beetle, oo u taagan Kansar, waxay muujinaysaa xagaaga, halka Libra uu muujiyo xilliga dayrta.
Masariyiinta xilli kasta wuxu uu lahaa saameyn gaar ah oo ku saabsan maalmaha ku jira calender-ka 365 maalmood, maalin kasta waxaa la cabirayay iyadoo la tixgelinayo xilli.
Diiwaanka xiddigaha Masaaridii hore sidoo kale wuxuu muujin jiray dhaqdhaqaaqa xiddigaha “Sirius” (Shira al-Yamaniya), oo ahaa mid aad muhiim ugu ah Masariyiinta hore, waxaana muuqaalkeedu muujinayay bilowga xilliga roobka iyo badhtamaha sannadka cusub, iyadoo u ogalaanaysay inay qorshaystaan shaqooyinka beeraha.
Calaamada “Aquarius” sidoo kale waxay lahayd muhiimad weyn, oo muujinaysa bilowga waqtiga fatahaadda. Sidaas darteed, Masariyiintu waxay u isticmaalayeen muuqaalka Sirius si ay u ogaadaan bilowga waqtiyada fatahaadda ee sanadlaha ah ee Webiga Nile, oo hadda ah bisha Juun.
Cilmiga Xiddigiska Masaaridii hore ma Ma Yahay Cilmi Xiddigiska Ugu Da’da Weyn?
Shaki kuma jiro in Masariyiinta hore ay muhiimad weyn siin jireen cilmiga xiddigaha iyo dhaqdhaqaaqyada xiddigaha, laakiin waydiinta ayaa ah ‘sidee buu u dhigmaa qaab-dhismeedka xiddigaha iyo qaabeynta wakhtiga? Jaarles Doobuus (Charles Dopuis), oo ah cilmi-baadhe waayihii ka horreeyay Kacaankii Faransiiska, wuxuu aaminsan yahay in cilmiga xiddigaha Masar uu bilaabmay 14,000 sano ka hor, oo ka horreeya taariikhda la aqoonsan yahay ee 4,000 sano ka hor qiyaasta cusub. Jaarles wuxuu sidoo kale aaminsan yahay in Masariyiinta hore ay ka horreeyeen Giriigga hore xagga cilmiga xiddigaha, xitaa ay Giriigga u arkeen sidii sheeko-carruureed.
Diiwaanka Dendera wuxuu sawirayaa dhaqdhaqaaqa qorraxda, wuxuuna muujinayaa jihada wareegsan ee dariiqa ay qaaddo. Waxa kale oo sawirku muujinayaa arrin xasaasi ah: waxay muujinaysaa taariikh dhacday 650 sano ka hor intaan la dhisin diiwaanka xiddigaha. Saynisyahannada Faransiisku waxay aaminsanaayeen in Diiwaanka Dendera uu ka da’ weyn yahay kumanaan sano taariikhda soo dagitaanka kitaabka tawreeda.
Si kastaba ha ahaatee, Jean Francois Champollion, oo ahaa cilmi-baadhe Masar-yaqaan Faransiis ah oo noola waqtigii boqor Naabiliyoon, wuxuu saxay taariikhda iyadoo uu baaray qoraallada hirooglifiyada ee ku lifaaqnaa wareegga xiddigaha ee Dendara, wuxuu ogaaday in magacyada boqorrada iyo taariikhaha ku lifaaqan wareeggaas ay kasoo jeedaan waqtiga u dhexeeya 100-200 oo sano ka hor dhalashada Masiix.
Fikirka Champollion wuxuu ahaa mid muhiim ah, isagoo ahaa qofkii ugu horeeyay ee fasira qoraallada hirooglifiyada ee Stone-ka Rosetta (Rosetta waa dhagax ay wax ku qori jireen Masaaridi hore iyada oo la adeegsanayo farta Hieroglyphics, Demotic, iyo Giriiga). Badariga kaniisaddu wuxuu si weyn ugu mahadceliyay dadaalkiisa, isagoo u soo jeediyay inuu noqdo Cardinal oo ah xubnaha sare ee kaniisadda, inkastoo uu ahaa mulxid aan waxba rumaysnayn.
Maxay ahayd sababta cilmiga xiddigaha (falgu) muhiimka u ahaa?
Halkaa kolka ay marayso waxaa is waydiin mudan, waydiin muhiim ah: maxay ahayd sababta loo baranayay cilmiga xiddigiska qadiimiga ah? Dhab ahaantii, ma jirin ilbaxnimo hore oo aan xiiseynayn dhaqdhaqaaqa xiddigaha iyo kaydinta xogtooda, iyagoo si gaar ah u fiiriyay u kala qaybinta 12 kooxood (burooj), taasoo laga yaabo inay naga caawiso fahamka xilliyo badan oo ka mid ah taariikhda bini’aadamka.
Cilmigi nafsigii Kaarli jaang (Carl Jung) wuxuu aaminsanaa in sawirrada iyo astaamaha qaarkood ay ka soo dhiraandhireen maanka sare ee awoowayaasheen, kuwaas oo ah fikrado guud oo ku dhex jira dhammaan bini’aadamka.
Run ahaantii, sawir kasta oo ka mid ah buroojka xiddigaha waxay leedahay is-waafajin ku soo laabanaysa ilbaxnimo kasta, taasoo nagu dhalinaysa fikirka ah in ay jirto xaqiiqo qarsoon oo ka dambeysa sawirradan oo si joogto ah u muuqda waqtiyo kala duwan.
Daraasaado iyo qoraayo badan ayaa ka hadlay in fikrad gaar ah ay soo noqnoqoto sheekooyinka quruumaha kala duwan, sida cilmi-baarayaasha Giorgio de Santillana iyo Hertha Von Dechend oo buuggooda “Hamlet’s Mill” ku tilmaamay waxyaabaha u eg ee la xiriira sheekooyinka cirka ee ku fiday ilbaxnimada kala duwan ee adduunka.
Dabadeed snadkii 1821, buroojka xiddigaha Dendara ee (Zodiac of Dendara) oo ku yaallay macbadka qadiimiga ah ee Dendara, Masar, ayaa Jiin leelorayn (Jean Lelorrain), oo ahaa injineer Faransiis ah, loo diray inuu soo guuriyo buroojkaas xiddigaha ee ku sawirnaa saqafka macbadka. Si uu u soo saaro qaybtaas culus ee buurjiga, wuxuu adeegsaday baaruud iyo walxo qarxa si uu uga jaro saqafka macbadka.
Ka dib ayaa loo qaaday Faransiiska, halkaas oo laga dhigey hanti farshaxan oo muhiim ah. Maanta, waxay taalaa Matxafka Louvre ee Paris, oo ah meel ka mid ah qaybaha farshaxanka qadiimiga ah ee Masar.
