Badhshaqallaha Afsoomaaliga.

Badhshaqallaha Afsoomaaliga.

Tusmo.

1. Ciwaan.

2. Hordhac

3. Gabayga; sheybaarka aynu u adeegsan doonno mararka ay W iyo Y shaqalka yihiin.

4. Xeerka Hojiska

5. Mararka W iyo Y ay shaqalka noqdaan.

6. Gebagebo.

7. Tixraacyo.

          1. Badhshaqallaha Afsoomaaliga.

                  Maxamed Axmed Dirir.

                         Julay, 2024

       Markii hore waxa la daabacay 2018.

2. Hordhac.

Raadinta shaqaloobidda W iyo Y, waxay la bilaabatay soo-ifbixii Miisaanka Maansada Soomaaliyeed ee ay ibafureen Gaarriye iyo Carraale. Maaddaama miisaanka maansadu uu ku xidhan yahay tirinta shaqallada meeriska, muhiimad weyn bay lahayd in la helo mararka ay xarfahani shaqalka noqdaan. Xilligaa ka dib qoraallo  ayaa laga sameeyey mararka ay W iyo Y shaqalka noqdaan. In kasta oo aan marna si ku filan arrintan looga salgaadhin, haddana marba qodobbo hor leh ayaa soo siyaadayey. Cabdalle Cumar Mansuur ayaa  buuggiisa Astaamaha Guud ee Maansada Soomaaliyeed kaga hadlay shaqaloobidda W iyo Y.

Afaf ay ka mid yihiin Carabiga, Ingiriisida iyo Mandariinka Shiinaha ayaa si la mid ah Afsoomaaliga ay shibbanayaasha W iyo Y shaqal u noqdaan. In kasta oo afafkani ku kala duwan yihiin siyaabaha W iyo Y u shaqaloobaan, haddana, waxay dhinaca kale inoo sheegaysaa in godadka codadkani ka soo baxaan iyo shaqallada xidhiidhka ka dhexeeyo.

Afsoomaaliga codadkiisu waxay isu raacraacaan alammo (syllable). Alanku waa dhawaaqa hal mar la dhaho, ereyaduna waxay noqdaan alan ama alammo. Tusaale ahaan, Magaca “dal” waa hal alan, sida oo kalena “Guuleed” iyo “Faarax” waa min labo alan. Alanku wuxu noqon karaa alan gaaban sida “dhul” ama waxa uu noqon karaa alan dheer sida “geed”. Magacyada “Guuleed” iyo “Faarax” waa min labo alan. Balse “Guuleed” waa labo alan oo dhaadheer, halka “Faarax ka yahay alan dheer iyo alan gaaban.

Haddab, sideedaba, Afsoomaaliga halkiisa alan isku ma xigi karaan labo shibbane haddii aan shaqal u dhexayn ama W iyo Y. Tusaale ahaan, “GaRD” sidan isu ma raaci karaan xarfuhu. Balse W iyo Y waa ay geli karaan halka xarafka “R” galay. Ereyada “haWd” iyo “weYn”, W iyo Y waxay galeen meel aanay macquul ahayn in uu shibbane kale, ama shibbaneba galo. Sidaa darteed, waxa inoo muuqata W iyo Y in aanay la dhaqan ahayn shibbanayaasha kale, halkanna waxaynu ku caddayn doonnaa mararka ay xarfahani shaqalka noqdaan.

3. Gabayga; sheybaarka aynu u adeegsan doonno mararka ay W iyo Y shaqalka yihiin.

Si aynu baadhisteenna u caddayno, waxaynu sheybaarbaadhiseed u adeegsan doonnaa maansada gabayga. Gabaygu waa maanso fadhida oo la isku hallayn karo miisaankeeda, sidaa darteed, meelaha laga yaabo in khalad ka iman karona waa aynu gufeyn doonnaa.

▪︎Haddaan gabaygu uurkoo bukiyo, arammi kaa keenin. 13+8= 21 shaqal.

▪︎Geeraarka iyo faanku soo, Guba la xeer maaha. 12+8= 20 shaqal.

Meeriska gabaygu wuxu noqdaa labo qaar. Qaarka hore waxa la yiraahdaa hojis, qaarka danbena waxa la yiraahdaa hooris. Sida labada meeris ee sare ka muuqata, meeriska gabaygu mar wuxu noqdaa 20 shaqal, waana marka hojisku 12 shaqal yahay. Sidoo kale meeriska gabaygu mar kale wuxu noqdaa 21 shaqal, waana marka hojisku farcamuhu raaco oo uu 13 shaqal noqdo. Si aynu u helno tiro fadhida oo la isku hallayn karo, waxaynu adeegsan doonnaa xeerka hojiska oo inoo kala sheegi doona goorta meeriska aanu farcame la socon iyo goorta farcame meeriska la socdo.

4. Xeerka Hojiska.

Maaddaama, maansadu imminka tahay qalabka keliya ee cid walbi heli karto, waxaynu xeerka hojiska iyo shaqaloobidda W iyo Y ku jimeyn doonnaa meerisyo maanso, gaar ahaan, gabayga oo inta badan shaqalladiisu aanay guurguurin, in badan oo dadka ka mid ahina ay maankacabbirka meeriska gabayga ku wacan yihiin.

Meeriska gabaygu wuxu noqdaa 20 ama 21 shaqal. Shaqalka labaadanka dheer, waxa uu Carraale u bixiyey farcame, wuxuna galaa hojiska meeriska gabayga oo mar 12 shaqal noqda, marna 13 shaqal. Haddaba, xeerka hojisku wuxu inoo sheegayaa marka farcame hooriska ku jiro iyo marka aanu ku jirin. Si aynu shaqalnimada W iyo Y u soo saarno waxa khasab ah horta in aynu haysanno tirada shaqallada rasmiga ah ee meeriska gabayga. Si aynu taa u fadhiisinnona waa in aynu halka wax iska beddelayaan oo hojiska ah shaqalladeeda fadhiisinno. Haddii aanay inoo kala caddayn marka hojisku 12 shaqal yahay iyo marka uu 13 shaqal yahay, ma soo saari karno shaqalnimada W iyo Y, waayo, waxa iman kara hojis W ama Y shaqal ahi ku jiraan, shaqallo ahaanna ka kooban 12 shaqal. Markan sidee u caddayn karnaa horta meerisku 12 iyo 13 shaqal kan uu yahay iyo W ama Y-da ku jirtaa in ay shaqal yihiin iyo inay shibbane yihiin? Waa halkaa meesha uu xeerka xojisku ina ka daboolayaa, wuxuna u dhigan yahay:

Hojis walba oo ka mid ah meeris gabay, shanta shaqal ee ugu horraysaa waxay noqotaa siddeed qaab oo u dhigan:

1) 12 shaqalle,

B) 11111 T) 1121 J) 2111 X) 221.

2) 13 shaqalle,

KH) 1112 D) 1211 R) 212 S) 122.

Shanta shaqal ee hojiska ugu horraysa, dabcan, farcamuhuna ku jiro ama aanu ku jirin ayaa inoo sheegaysa tirada shaqalladiisa. Haddii shanta shaqal ee hore ay meeriska u galaan sida qodobka koowaad ku qoran, hojiskaas wax farcame ahi kuma jiro, wuxuna noqdaa 12 shaqal. Sidoo kale haddii shanta shaqal ee hojiska ugu horraysaa ay sida qodobka danbe ku qoran noqdaan, hojiskaas waxa ku jira farcame, waana 13 shaqalle. Aynu tusaalayaal ku kabno.

1) 12 shaqalle.

▪︎Naagyahay horyaalnimo ninkaa, loo huraan ahaye. J) 2111 waana 20 shaqal.

▪︎ Waxan ahay nin lagu soo hirtoo, heellan abidkiise. B) 11111 waana 20 shaqal.

~Qamaan Bulxan.

2) 13 shaqalle.

▪︎ Garaadlaawe aadmiga miyaan, gees walba u eegay. S) 122 waa na 21 shaqal.

▪︎Asaad gudaha geedaha ka baxay, guri cidlaa mooddo. D) 1211 waa na 21 shaqal

~Sayid-Maxamed.

Meerisyada sare qaybta 1aad waa 20 shaqallayaal, qaybta 2aadna waa 21 shaqallayaal. Haddaba innaga oo aan shaqallada oo dhan tirin, baynu ogaan karnaa meerisku inta shaqal ee uu noqon karo, sidee?

Waxaynu tirinaynaa keliya shanta shaqal ee meeriska ugu horraysa, dabadeedna waxa inoo soo baxaysa in uu meerisku 20 shaqal yahay ama in uu 21 shaqal yahay. Xeerka hojisku intaas ayuu inoo kala caddaynayaa.

Naagyahay horyaalnimo ninkaa, loo huraan ahaye.

Meeriska sare shanta shaqal ee u horraysa, waa sidan (naagyahay hor). Shantaa shaqal tiro ahaan waxay noqonayaan 2111. Meesha 2 ah, macneheedu waa  shaqal, meesha 1 ahna, waa hal shaqal. Sidaas waxa inoo ku soo baxaysa shan shaqal oo u kala horreeya sidan 2111, soo ma aha? Haddaba xeerka hojiska dib ugu noqo, tirada sidan ahi ma waxay ku jirtaa qaybta 12 shaqallaha ah, mise qaybta 13 shaqallaha ah? Waxay ku jirtaa qaybta 12 shaqallaha ah, waana tirada xarafka “J” ku qoran. Sidaa darteed, meeriska ay ugu horrayso (naagyahay hor), waa meeris hojiskuusu 12 shaqal yahay, guud ahaanna meerisku 20 shaqal yahay.

Garaadlaawe aadmiga miyaan, gees walba u eegay.

Meeriskanna marka aynu sida kan hore tirinno shanta shaqal ee ugu horraysa, waxay noqonayaan 122, sidaa darteed, tirada 122, waxay ka mid tahay tirooyinka ku jira qaybta 13 shaqallaha, gaar ahaan xarafka “S”. Sidaa darteed, innaga oo aan meeriskan shaqalladiisa wada tirin, wuxu noqonayaa 21 shaqal, hojiskiisuna waa 13 shaqalle. Sidaa ma tahay?

Marka aynu tirinno shanta shaqal ee meeriska ugu horraysa, waxa inoo soo baxaysa shaqallada meerisku in ay 20 yihiin ama in ay yihiin 21. Dabadeed, waxaynu caadi u tirinaynaa shaqallada meeriska oo dhan. Haddii ay inoo soo baxdo, wax ka yar intii aynu rabney, waxa halkaa ku jirta W iyo Y shaqal ah. Sidoo kale haddii meeriska gabaygu 20 shaqal ka yar yahay, waxa meeriskaa ku jirta W ama Y shaqal ah.

Duurkiyo dayada hawd markay, debec ku soo oonto.

Meeriska sare, shanta shaqal ee ugu horraysa waxay noqonayaan “2111”. Sidaa darteed, meeriskani waa 20 shaqalle sida xeerka hojisku inoo sheegayo. Dabadeed, marka aynu caadi ahaan u tirinno dhammaan shaqallada meeriska ku jira, waxay noqonayaan 18 shaqal. Sidaa darteed, tiradii xeerka hojisku inoo sheegay waxa ina ka maqan 2 shaqal.  Labada shaqal waxay noqon karaan labo W ama labo Y ama W iyo Y. Bal aynu mar kale meeriska dib ugu noqonno. W iyo Y sidoodaba marka ay labo shaqal dhexdooda galaan, ma jirto sabab ay shaqal u noqdaan, Afsoomaaligana saddex shaqal isma raacaan. Sidaa darteed, waxa meeriska sare ku jira labada erey ee “Hawd” iyo “markay”, labadaas ayaa W-da iyo Y-da ku jirtaa shaqal yihiin, sida ay ku noqdeenna dib baa aynu ugu tegi doonnaa.

5. Mararka W iyo Y ay shaqalka noqdaan.

W iyo Y waxay shaqal noqdaan:

1. Marka W iyo Y uu ka dabo dhaco shibbane, isla ereyga gudihiisa.

Jacayl, nacayb, weyn, hawl, hawd, awr iwm.

                          Y

▪︎Beylaan¹ waxay² soo cidaa, berisamaadkiiye 18+Y+Y= 20 shaqalle, 221.

1. Beylaan= yl. “Y” waxa ka daba dhacday shibbanaha “L”.

2. Waxay= eeg qodobka 2aad.

▪︎Qaylada¹ xaduurkii ninkay², xaraqday laabtaydu³ 17+Y+Y+Y=20 shaqalle, 221.

1. Qaylada= yl, baa is raacay.

2. Ninkay= eeg qodobka 2aad.

3. Laabtaydu= yd, baa is raacay.

                        W

▪︎Duurkiyo dayada hawd¹ markay², debec ku soo oonto 18+W+Y= 20 shaqalle, 2111.

1. Hawd= wd, baa is raacay.

2. Markay= eeg qodobka 2aad.

▪︎Ragga laxaha sii dhawrayow¹², dhaqasho waa geele 18+W+W= 20 shaqal, 11111.

1. Dhawrayow= wr, baa is raacay.

2. Dhawrayow= w-da danbe eeg qodobka 6aad.

▪︎Waxaan dhawrsan¹ jirey ceeb miyaa, igu dharoorowdey². 19+W+W=21 shaqal, 122.

1. Dhawrsan= wr, baa is raacay.

2. Dharoorow= w-da danbe eeg qodobka 6aad.

2. Marka ereyada la soo gaabiyo, isla markaana ay Y u danbayso.

-Bay=baa ay,

-Lay= la i ama la ii.

-Gacantay= gacantii ay.

-Markay= markii ay, IWM.

▪︎Saddex iyo beryay¹ soo dhaxdaa, say² socdaal tahaye. 18+Y+Y= 20 shaqal, 11111.

1. Beryay= beryo ayaa ay.

2. Say= sida ay.

▪︎Garre iyo guntane maalintay¹, gees isugu booddey. 19+Y= 20 shaqal, 11111.

1. Maalintay= maalintii ay.

▪︎Sebigay¹ lahayd¹ iyo hadday³, gacantu sooyaanto 17+Y+Y+Y= 20 shaqal, 1121.

1. Sebigay= sebigii ay.

2. lahayd= qodobka 1aad eeg.

3. Hadday= haddii ay.

3. Marka ereygu hal alan yahay, isla markaana ay Y u danbayso.

-dhay, cay, shey, ay, IWM.

▪︎Dibnahaagu sheygay¹² bartaan, waad ku dayataaye. 18+Y+Y= 20 shaqal,1121.

1. Shey= waa hal alan.

2. Shaygay= y-da danbe eeg qodobka 2aad.

▪︎Lo’da dhiiqda laga maalo iyo, dhayda¹ iyo xoodhka. 19+Y= 20 shaqal, 1121.

1. Dhay= waa hal aan.

▪︎Oo ay¹ dubaabkii Siyaad, dallow ka tuuraysey². 18+Y+Y .

1. Ay= waa hal alan.

2. Tuuraysey= eeg qodobka 1aad.

4. Marka ay magaca ay la socoto sifada lahaansho ee qofka koowaad ee kelida ah. Tusaale, buuggayga, hooyaday, Eebbahay, kuwayga, abidkay IWM.

▪︎Iyo anigu abidkay¹ ma arag, iibsi lacageede. 19+Y= 20 shaqal, 11111.

1. Abid+kay= weligay.

▪︎Inaan Eebbahay¹ idin qatalin, qariya laabtiinna. 20+Y= 21 shaqal, 122.

1. Eebba+hay.

▪︎Oo ay¹ kuwaygii² xumaa, keeni kari weydey³. 17+Y+Y+Y= 20 shaqal, 221.

1. Ay= eeg qodobka 3aad.

2. Kuwaygii.

3. Weydey= eeg qodobka 1aad.

5. Marka magaca lahaansho ee qofka saddexaad ee wadarta ah ama kelida dhaddigga ah ay israacaan. Tusaale, geelley, beeraley, jeerinley, amley, galley, IWM.

▪︎ Anigoo Galley¹ doonayoo, gobol ka soo doolay. 19+Y= 20 shaqal, 221.

1. Gal+ley.

▪︎ Dawadeedu waa jeerinley¹, uga dul geeraare. 19+Y= 20 shaqal, 1121.

1. Jeerinley= jeerin+ley.

6. Marka ereygu yahay fal-amarka ku dhammaadaa (ee ama ay). Tusaale, samee/samay, cashee/cashay, kaxee/kaxay, IWM.

▪︎Goortaan cashay¹ iri yarkii, calafka loo diidey. 19+Y= 20 shaqal, 221.

▪︎Caliyow¹ samay² waa adduun, camalladiisiiye. 18+W+Y= 20 shaqal, 221.

7. Marka ereygu yeedhmo yahay, Y-na u danbayso.

-Hooyooy, Farduusey, iwm.

8. W-du waxa ay shaqal noqotaa marka ay ereyga u danbayso, marka laga reebo xaalado gaar ah.

-Awow, Aabbow, Eebbow, Faaraxow, neecaw, sow, nimanyohow iwm.

▪︎Nimanyohow¹ awow² iyo awow³, iyo abkaan sheegto 18+W+W+W= 21 shaqal, 1112.

▪︎Gacallow¹ ka joog meelahaad, gacan togaaleysey². 18+W+Y= 20 shaqal, 1121.

2. togaaleysey= ys, eeg qodobka 1aad.

▪︎Allahayow¹ afkaygiyo² sidaan, aadmiga u eeday 19+W+Y= 21 shaqal, 1112.

2. Afkaygiyo= eeg qodobka 4aad.

▪︎ Waa uurgaslow¹ Aadandhagax, odayadaadiiye 19+W= 20 shaqal, 221.

Fiiro gaar ah

Guud ahaan waxa aynu sheegnay in W-du shaqal noqoto marka ay ereyga u danbayso, marka xaalado gaar ah laga reebo. Xaaladahaasi waxa ay noqdaan labo xaaladood, waxa ayna kala yihiin:

B. Marka W-du u danbayso magacyada gaarka ah, sida:

-Dhuxulow, Fiidow, Boorow, Calasow, IWM.

▪︎Markuu boorow sida fiidow tegey, waa farxi lahayd¹ e. 20+Y= 21 shaqal, 122.

1. Lahayd= eeg qodobka 1aad.

T. Marka W-du u danbayso magacyada lab ee labada alangaab ah, sida:

-Galow, ciyow, farow, gabow, qabow, midow, madow IWM.

▪︎Dhafoorxumiyo cadowgaagu yuu, dhuubni kaa garane. 21 shaqal, 1211.

▪︎Inaad kaalintaadii gabtuu, gabowgu sheegaaye. 21 shaqal, 122.

▪︎Haddii midow la yahay taladu waa, laga ma maarmaane. 21 shaqal, 1211.

6. Gebagebo.

Gebagebadii qoraalkan oo aan 2018 baahiyey, waa uu xidhmay boggii lagu baahiyey. Mar danbe ayaan qoraalkan ka diyaariyey, kaabisna ku sameeyey. Dhammaan qodobbada soo baxay waxay si cad inoo ku sheegayaan in W iyo Y ay shaqal yihiin iyo mararka ay shaqalka noqdaan. Waxa macquul ah in marar kale oo W iyo Y shaqal yihiin la helo, waana arrin muhiim ah in baadhisyo kale ay baadhistani waddada u xaadhdho.

7. Tixraacyo.

1. Guuleed (Carraale), C. D. ,(2014), Gibilxidh; Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. Stockhlom: For fattares Boksmaskin.

2. Cali Ileeye sookoobis MMS.

3. Ibraahinhawd sookoobis MMS.

4. Cabdulqaaddir Nuur Xuseen “Maax” (Diiwaanka Xiddigaha Maansada): Mogadishu, Somalia : Madbacadda Xamarcadde, 2006.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *