Waxaa Qoray: Siciid Maxamed Axmed
Hordhac
Doodda ku saabsan xidhiidhka ka dhexeeya sharciga caalamiga ah iyo sharciga maxaliga ahi waxay xudun u tahay falanqaynta dabeecadda nidaamka sharciga ee dunida iyo xuduudaha madaxbannaanida dawladaha. Marka la eego nuxurka qaanuunka, sharciga caalamiga ah waxaa loo tixgeliyaa nidaam lagu maamulo xidhiidhka ka dhexeeya mawduucyada sharciga caalamiga ah (Subjects of International Law), Sharciyaqaan L. Oppenheim¹ wuxuu ku qeexay sharciga caalamiga ah:
“Waa mabaadi’da ka dhalatay xeerarka dhaqanka (Customary rules) iyo xeerarka heshiisyada (Treaty rules) oo ay dawladaha ilbaxa ahi u aqoonsan yihiin inay yihiin kuwo sharci ahaan ku waajib ah (Legally binding) marka ay xiriirka dhexdooda ah samaynayaan”²
Halka sharciga maxaliga ahi uu yahay nidaamka sharciga ee ka dhasha awoodda gudaha ee dawladdu u leedahay inay xeeriso nolosha dadka ku hoos jira seerreheeda maamul.
Si kasta oo ay u muuqato in labadan nidaam ay ku kala duwan yihiin dhinaca fulinta iyo ilaha, haddana isdhexgalka nidaamyada maaliyadda, ilaalinta deegaanka, iyo xuquuqda aadanaha ayaa keenaya in qawaaniinta caalamiga ahi ay saameyn toos ah ku yeeshaan go’aannada garsoorka ee heer qaran. Sidaa darteed, ma aha oo kaliya in la baaro xidhiidhkooda, balse waa in la fahmo sida uu sharciga caalamiga ahi uga mid noqon karo nidaamka gudaha ee dawladda isaga oo aan wax u dhimayn sarraynta dastuurka qaranka.
Marka lagu samaynayo falanqayn gundheer oo ku aadan farqiga labadan xeer, waxaa lama huraan ah in la tixraaco saddex tiir oo muhiim ah: Ilaha sharciga (Sources), Mawduucyada (Subjects), iyo Nuxurka Sharciga (Substance). Sharciga maxaliga ahi wuxuu ku dhashaa rabitaanka baahida bulshada oo ay sharcidejintu mas’uul uga tahay hindisidiisa (Will of the Sovereign), waxaana lagu maamulaa xidhiidhka u dhexeeya shakhsiyaadka iyo dawladda. Taas beddelkeeda, sharciga caalamiga ahi wuxuu ka dhashaa heshiisyo ama dhaqangal caalami ah oo ay dawladuhu si wadajir ah u aqbaleen. Sharciyaqaan J.G. Starke wuxuu ku dooday in xidhiidhkani yahay mid ka dhashay loolanka u dhexeeya madax-bannaanida dawladda iyo baahida loo qabo nidaam sharci oo caalami ah, isagoo xusay:
“Xidhiidhka u dhexeeya sharciga caalamiga ah iyo sharciga maxaliga ah waa mid ka mid ah qaybaha murugsan, uguna dooda badan ee cilmiga falsafadda sharciga (Legal Theory).”³
Isdiidatani waxay si gaar ah u muuqataa marka la eego sarraynta sharciga; nidaamka caalamiga ahi wuxuu mudnaanta siiyaa heshiisyada (Pacta Sunt Servanda), halka nidaamka maxaliga ahi inta badan sarraynta siiyaa Dastuurka dalka, taas oo keenaysa in loo baahdo habraac sharci oo lagu dheellitiroyo labadan awoodood.
Falsafadda sharciga ee la xidhiidha arrintan waxay si qoto dheer ugu tiirsan tahay sida loo arko asalka qaanuunka. Sharciga maxaliga ahi wuxuu ku shaqeeyaa mabda’a sarraynta qawaaniinta qaranka ee ka xuduud juquraafi oo cayiman (Territorial Sovereignty), halka sharciga caalamiga ahi uu yahay nidaam isku sidkan (Cooperative System). Garsoore Anzilotti wuxuu aaminsanaa in labadan nidaam ay yihiin kuwo kala madax-bannaan (Distinct Legal Orders), wuxuuna ku dooday in mid kastaaba leeyahay seerre u gooni ah oo uusan kan kale soo dhex geli karin. Marka la eego aragtidan qaanuuniga ah, sharciga caalamiga ahi ma laha awood uu si toos ah ugu baabi’iyo xeer maxali ah, balse wuxuu dawladda saarayaa masuuliyad caalami ah (State Responsibility). Si loo fahmo nidaamka wada shaqayntooda waxaa halkan ka dhasha fikradaha sharciga ee kala ah Midnimada (Monism) iyo labanimada (Dualism), waxaana labadan aragtiyood ku kala fayla aqoonyahanka sharciga. Labadan aragtiyood waxay u jidbixiyeen hannaanka dawladahu u guriyaynayaan shuruucda caalamiga ah ee ay qaybta ka noqdeen.
Muhiimadda isku tolnaantani waxay si cad u soo muuqataa marka ay is herdiyaan waajibaadka caalamiga ah ee dawladda tuurteed saaran iyo masuuliyadaha ay xeerarkeeda maxaliga ah dusha uga tuurayaan. Inkasta oo sharciga caalamiga ahi uusan lahayn awood fulineed oo dhexe (Centralized Enforcement Mechanism), haddana xeerarka rasmiga ah ee adduunka ayaa dhigaya in dawladdu aysan marmarsiinyo uga dhigan karin sharcigeeda gudaha si ay uga baxdo heshiis caalami ah. Sida ku cad Qodobka 27aad ee heshiiska Vienna ee Sharciga Heshiisyada Caalamiga ah “Vienna Convention on the Law of Treaties” (1969):
“Dawladda heshiis saxeexday kuma doodikarto qawaaniinteeda gudaha si ay ugu marmarsiyooto fulin la’aanta waajibaadka uu dhigayo heshiiska caalamiga ah.”⁴
Mabda’an wuxuu xoojinayaa in inkasta oo labada nidaam ay kala madaxbannaan yihiin dhinaca hirgelinta, haddana heerka caalamiga ah sharciga caalamiga ahi wuxuu leeyahay mudnaan. Sidaa darteed, fahamka xidhiidhka u dhexeeya sharciga caalamiga ah iyo kan maxaliga ahi ma aha oo kaliya mid akadeemiyadeed, balse waa baahi sharci oo taabanaysa hawlgalada garsoorka, dib-u-habaynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka ee ku dhex jira nidaamka qaanuunka caalamiga ah. Qaybahan hoose ayaynu si baalaadhan ugu lafaguraynaa xidhiidhka ka dhexeeya labadan sharci, hannaanka Soomaaliya ay u marto maxaliyaynta shuruuda caalamiga ah, caqabadaha iyo xalalka haboon ee la samayn karo
Dhuuxida Aragtiyaha Sharciga ee Labanimada (Dualism) iyo Midnimada (Monism)
Falanqaynta xidhiidhka ka dhexeeya sharciga caalamiga ah (International Law) iyo sharciga maxaliga ah (Municipal Law) ma aha oo kaliya dood ku kooban habraaca iyo hannaanka qaanuunka, balse waa xudunta falsafadda sharciga (Legal Philosophy) ee qeexda nuxurka dawladnimada iyo sida nidaamyada qaanuuniga ahi u wada shaqeeyaan. Dooddan waxay u kala jabtaa laba dugsi oo lagu lafaguro, oo salka ku haya aragtiyo kala duwan oo ku saabsan asalka sharciga (Sources of Law), mawduucyada uu khuseeyo sharcigu (Subjects of Law) iyo kala sarraynta xeerarka (Hierarchy of Norms), labadan aragtiyood waxay kala yihiin:
- Aragtida labanimada (Dualism):
Aragtidani waxay ku dooddaysaa in sharciga caalamiga ah iyo kan maxaliga ahi ay yihiin laba nidaam oo kala madax-bannaan (Separate and Distinct Legal Orders), oo mid kastaaba leeyahay xadkiisa iyo mawaadiicdiisa u gaarka ah. Aragtidan waxay si weyn ugu dhowdahay Dugsiga qaanuunka wadciga ah (Legal Positivism)⁵, oo qaba in sharcigu ka dhasho ogolaanshaha dawladaha madax-bannaan (State Consent), isla markaana sharciga caalamiga ahi uu ku dhisan yahay rabitaanka wadajirka ah ee dawladaha (Common Will of States).
Heinrich Triepel⁶, oo ah hormuudka aragtidan, wuxuu qoraalkiisii Shuruucda Caalamiga ah iyo Shuruucda Maxaliga ah(International Law and Municipal Law— Völkerrecht und Landesrecht (1899) ku balaysimay dooddiisa in farqiga u dhexeeya labadan nidaam uu yahay mid asaasi ah oo aan la iska indhotiri karin. Triepel wuxuu ku doodday in sharciga maxaliga ahi uu ka dhasho rabitaanka gaarka ah ee dawladda (will of the state—Volonté Particulière), halka sharciga caalamiga ahi uu ka dhasho rabitaanka wadajirka ah ee dawladaha (Common will of states— Volonté Commune).
Waxaa intaas dheer, in dhalashada labada qaanuun ay u kala geddisan tahay dabeecad ahaan; qaanuunka guduhu wuxuu ku dhashaa soo saaridda saldo ka sarreysa dadka lagu dhaqayo (Vertical Authority), halka qaanuunka dawliga ahi uu ka dhasho heshiis dhex mara saldado ama dawlado aan kala sarreyn (Horizontal Authority). Sidaas darteed, qaanuunka guduhu wuxuu nidaamiyaa xidhiidhka dadka ku jira moorada qaranka, halka kan dawliga ahi nidaamiyo xidhiidhka u dhexeeya qaaruumaha madax-bannaan (sovereign states). Sidaa darteed, maadaama ilaha sharci (Juridical Sources) ay kala duwan yihiin, nidaamka caalamiga ahi ma yeelan karo awood uu si toos ah uga fulo nidaamka gudaha (Direct Applicability) ilaa la helo ficil sharci-dejineed oo u beddela xeer qaran (Transformation).
Fahamka aragtida labanimada (Dualism) waxaynu ku xoojinaynaa aragtida garsoore Dionisio Anzilotti⁷, oo aaminsanaa in nidaam kasta uu leeyahay halbeeg u gaar ah (Basic Norm) oo uu ka duulo, taasina ay ka dhigayso kuwo aanay maangal ahayn in waligood ay is buriyaan (Conflict of Laws is impossibility). Wuxuu ku doodday in sharciga maxaliga ahi uu ku qotomo sarraynta sharcidejinta qaranka iyo mabda’a waa in sharciga dalka la dhowro (State laws are to be obeyed) halka kan caalamiga ahi uu ku dhisan yahay mabda’a heshiisyada waa in loo hoggaansamaa (Agreements must be kept / Treaties must be observed— Pacta Sunt Servanda). Isagoo arrintaan ku lafguraya qoraalkiisii (Treatise on International Law—Corso di Diritto Internazionale (1923), Anzilotti wuxuu xusay:
“Xeerarka sharciga caalamiga ah ma yeellanayaan wax saamayn ah ilaa la maxaliyeeyo, oo uu kamid noqdo shuruucda gudaha ah ee waddanka, iyadoo loo marayo jidka sharcidejinta ee qaranka”⁸
Sida ku cad aragtidan, maxkamaddaha qaranku ma raacayaan heshiisyada caalamiga ah ee aan la guriyayn, marwalba waxay raacayaan sharciga gudaha. Arrintaani, sida ay u saameyso qaanuun dejiyaha, ayey u saameyneysaa qaanuun dabbaqaha; garsooraha qaranku wuxuu dabbaqayaa kaliya qaanuunkiisa gudaha, awoodna uma laha inuu dabbaqo qaacidooyinka caalamiga ah haddaan loo beddelin qaanuunka gudaha. Haddii dawladdu ka gaabiso inay fuliso waajibaadkeeda, taasi ma burinayso sharciga dalkeeda, balse waxay dhalinaysaa masuuliyad caalami ah (State Responsibility) oo dawladaas lagula xisaabtami karo fagaarayaasha caalamiga ah. Halkan, aragtida labanimada waxay noqonaysaa gaashaanka ay dawladdu ku difaacato Madaxbannaanideeda (State Sovereignty), waxay diidaysaa in sharciga caalamiga ahi uu noqdo mid si toos ah u maamula muwaadiniinta (Self-executing).
- Aragtida midnimada (Monism)
Aragtidan waxay xididdeedu ku arooraan falsafadda Qaanuunka Dabiiciga ah (Natural Law)⁹ iyo aragtida Kantian¹⁰ (Kantian theory) ee midnimada akhlaaqda iyo sharciga (Unity of Law). Aragtidan raadkeedu wuxuu gadaal u gelayaa fikradda qabta in dhammaan qawaaniintu ay ku jiraan hal nidaam qaanuuneed oo aan kala go’i karin, una samaysan sida silsilad isku xiran ama jaranjaro kala sarraysa. Hormuudka ugu weyn ee dugsigan Hans Kelsen¹¹, wuxuu doodiisa ku burburiyay fikirka ah in dawladnimadu ay tahay awood kama dambays ah. Kelsen, oo adeegsanaya aragtida badhaxa la’ ee sharciga (Pure Theory of Law)¹², wuxuu ku doodday in sharcigu yahay hal nidaam oo isku xidhan (Single Legal Order), kaas oo u samaysan qaab haram ah (Hierarchical Structure). Sida uu qabo Kelsen, xeer kastaaba wuxuu sharciyaddiisa (Validity) ka qaataa xeer ka sarreeya, ilaa silsiladdu ay ka gaadhayso Xeerka Aasaasiga ah (Grundnorm), oo isagu u arkayay inuu yahay sharciga caalamiga ah (International Law) ee saldhigga u ah dhammaan qawaaniinta dunida.
Dhiganihiisa Aragtida Guud ee Sharciga iyo Dawladnimada (General Theory of Law and State (1945) ayuu ku xusay:
“Midnimada nidaamka sharci waa mabda’ muhiim ah oo lama huraan ah. Dhammaan sharcigu, ha ahaado mid qaran ama caalami ah, wuxuu ka mid yahay hal nidaam sharci oo isku xidhan”¹³
Xeeldheerayaasha aragtida Midnimadu waxay aaminsanyihiin in sharciga caalamiga ahi uu leeyahay sarrayn sharci (Primacy of International Law) oo ka sarreysa dastuurrada qaranka. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira culumo kale oo iyaguna qabta aragtida midnimada (Monism), balse aaminsan in qaanuunka guduhu uu ka sarreeyo kan caalamiga ah. Waxay u cuskanaayaan in qaranku yahay saldada ugu sarreysa, dastuurkiisuna uu yahay midka kaliya ee caddeynaya xuquuqda awooddaas, sidaa darteedna sharciga caalamiga ahi uu yahay uun qeyb ka mid ah siyaasadda dibadda ee dawladda.
Aragtidan midnimada marka la raacayo looma baahna yagleelid sharci cusub (Transformation), heshiiska caalamiga ahi wuxuu si toos ah uga mid noqonayaa sharciga dalka marka ay dawladdu saxiixdo (Automatic Incorporation), waxaana waajib ah in maxkamadaha qaranku ay mudnaanta siiyaan heshiisyada caalamiga ah haddii ay iska horyimaadaan xeerarka guriga.
Doodda aragtida midnimada markaynu dul joogno waxaa muhiima inaynu iyadana dulkaxaadin ku samayno falanqayntii Hersch Lauterpacht¹⁴, oo diiradda saaraysay mawduuca sharciga (Subject of Law). Lauterpacht wuxuu si adag dhegaha uga furaystay aragtidii horwaynta labanimada sharciga (Dualism) ee ku dooddaysay in sharciga caalamiga ahi uu ka dhexeeyo dawladaha oo kaliya (Inter-state), wuxuuna ku doodday in ujeeddada ugu dambaysa ee sharcigu ay tahay ilaalinta shakhsiga, dawladuna ay tahay uun qalab lagu gaadho ujeeddada ah ilaalinta shakhsiga (Means to an end). Isagoo tixraacaya xuquuqda aadanaha, Lauterpacht wuxuu qoraalkiisii Sharciga Caalamiga ah iyo Xuquuqda aadanaha (International Law and Human Rights (1950) ku doodday in sharciga caalamiga ahi uu awood u leeyahay inuu ka sare maro (Override) qawaaniinta maxaliga ah ee ku xad-gudba xuquuqda aasaasiga ah. Aragtidan Midnimada Akhlaaqda “Ethical Monism” waxay dhigaysaa in haddii sharciga qaranku uu ogolaado addoonsi ama xasuuq, sharciga caalamiga ahi uu si toos ah u burinayo (Nullify) xeerkaas, iyadoo aan la sugin ogolaanshaha dawladda. Sidaa darteed, aragtida midnimadu waxay noqotay aalad sharci oo lagula xisaabtamo dawladaha, iyadoo la adeegsanayo mabda’a ah in shakhsigu yahay mawduuc toos ah oo ka tirsan nidaamka caalamiga ah (Subject of International Law).
Marka laysku soo xooriyo aragtiyahaas kala fog (Theoretical Dichotomy), waxay kusoo biya shubanayaan in xaqiiqada garsoorka (Judicial Practice) ee dunida casriga ah muujisay in aanay jirin dawlad si buuxda u qaadaata aragtida midnimada (Monism) ama aragtida labanimada (Dualism) oo badhaxla’a.
Sharciyaqaan J.G. Starke¹⁵ ayaa ku doodday in is jiidjiidka aragtiyeed ay inta badan ka duwan tahay sida dhabta ah ee dawladuhu u dhaqmaan. Starke wuxuu soo jeediyay aragtida midnimada qaab-dhismeedka “Structural Unity” isagoo ku doodday in sharciga caalamiga ahi uusan farogalin habka farsamo ee dawladdu u fuliso waajibaadkeeda (Mode of Implementation), balse uu kaliya ka rabo natiijo. Wuxuu yidhi:
“Sharciga caalamiga ahi ma amro dawladaha sida ay sharciyada caalamiga ah ugu dabbaqi lahaayeen nidaamkooda sharci ee gudaha”¹⁶.
Tani waxay keentay in dalal badan ay qaataan nidaam isku-dhafan (Hybrid Approach). Tusaale ahaan, dalalka qaarkood waxay dastuurkooda ku qeexaan in heshiisyada Caalamiga ah ka sarreeyaan xeerka sharcidejintu soo saartay sida dalka Faransiiska; markaynu eegno Qodobka 55 ee Dastuurka Faransiiska wuxuu leeyahay:
“Heshiisyada sida rasmiga ah loo ansixiyay ama la meelmariyay, waxay yeelanayaan awood ka sarraysa xeerarka Baarlamaanka marka la baahiyo (la faafiyo), iyadoo heshiis kastaaba uu ku xidhan yahay in dhinaca kale ee saxeexayna uu sidooda oo kale u fuliyo.”¹⁷
Sidoo kale qodobka lixaad, faqrada labaad ee dastuurka Mareykanku, waxuu dhigayaa, sidan:
“Dastuurka iyo dhammaan heshiisyada la galay, ama la geli doono, iyadoo la raacayo awoodda Maraykanka, waxay noqon doonaan Sharciga ugu sarreeya ee dalka (Supreme Law of the Land)…”
Taa macnaheedu waxuu yahay in quwada qaanuunnimo ee heshiisyadaas la meel joogto midda qaanuunka gudaha ee asaasiga ah, halka dalal kale ay u baahan yihiin ansixin baarlamaan (sida Ingiriiska) iyo Dalkeena Soomaaliya oo aynu dib kaga warrami doono.
Dooddaha kale ee muhiimka ah marka la jooga falanqaynta mawduucan waa inaynaan baalmarin aragtidii Garsoore Gerald Fitzmaurice, wuxuu diiday fikradda ah in labada nidaam ay ku jiraan loollan kala-sarrayn ku dhisan (Hierarchy). Fitzmaurice wuxuu soo jeediyay in xidhiidhka labada nidaam uu yahay mid ku salaysan wadajirid (Co-existence) iyo is-waafajin (Harmonization), halkii laga eegi lahaa in midkood kan kale keena gashto. Wuxuu ku doodday in nidaam kastaaba uu ku sarreeyo goobtiisa sharci (Sphere of Influence); sharciga caalamiga ahi wuxuu xukumaa xidhiidhka dibadda, kan maxaliga ahina xidhiidhka gudaha. Laakiin marka ay timaado barta ay iska taabtaan (interface between international law and municipal law), waajibku ma aha in la raadiyo midka sarreeya, balse waa in la raadiyo hab-fasiraad (Interpretative Approach) oo labada nidaam la isku waafajinayo. Habkani wuxuu abuurayaa fursad lagu helo xal sharciyeed oo ka soo dhex baxa labada nidaam marka ay soo baxdo iswaafaqid la’aan ama iska horimaad yimaado. Tanina waxay dhalisay mabda’a casriga ah ee loo yaqaan u qaadashada Is-waafaqsanaanta (Presumption of Compatibility)¹⁸, kaas oo maxkamadaha qaranku ay ku dadaalaan inay sharciga gudaha u fasiraan si waafaqsan waajibaadka caalamiga ah, si looga baaqsado iska hor-imaad sharci iyo masuuliyad caalami ah oo dawladda ku timaada.
Sidaa darteed, fahamka xidhiidhka aragtida midnimada (Monism) iyo aragtida labanimada (Dualism) ma aha mid ku kooban kala doorashada laba wado midkood, balse waa fahamka dabeecadda qaanuunka ee is-beddelaysa. Aragtisa labanimadu (Dualism) wuxuu weli muhiim u yahay ilaalinta habraaca dimuqraadiga ah ee sharci-dejinta (in aan sharciga dibadda laga soo waaridin iyadoon shacabku ogayn), halka aragtida midnimadu (Monism) ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo nidaamka ganacsiga adduunka. Isku-dhafka labadan aragtiyood ayaa maanta qaabeeya sida maxkamadaha qaranku ula macaamilaan heshiisyada caalamiga ah, iyadoo la raadinayo dheellitir u dhexeeya madaxbannaanida qaranka (State Sovereignty) iyo waajibaadka caalamiga ah (International Obligations).
Dhaleecaynta Aragtiyaha Labanimada (Dualism) iyo Midnimada (Monism)
Dhaleecaynta ugu weyn ee loo soo jeediyo labada aragtiyoodba waxay abaarteedu noqonaysaa in xidhiidhka dhabta ah ee labada qaanuun uusan ku dhisnayn kala sarreyn, balse uu ku dhisanyahay rabitaan iyo iswaafajin.
Ceebaalka ugu horreeya ee loo jeediyo aragtida labanimada (Dualism) waxay salka ku haysaa in ay abuurayso xayndaab u dhexeeya nidaamyada qaanuuniga ah, taas oo duraysa kalsoonida iyo hufnaanta nidaamka caddaaladda caalamiga ah. Aqonyahannada dhaleeceeya dugsigan waxay ku dooddayaan in aragtida labanimadu xoogga saarto rabitaanka gaarka ah ee qaranka (the will of a single state—Volonté Particulière), ayna daciifinayso awoodda sharciga caalamiga ah, iyadoo ka dhigaysa uun mid ku xidhan niyadsamida dawladaha halkii uu ka ahaan lahaa nidaam waajibinaya xeerar iyo habraacyo sharci. Heinrich Triepel iyo Anzilotti aragtiyohooda waxaa lagu naqdiyaa in ay nidaamka u arkayeen mid farsamo oo kaliya, iyagoo iska indhotiray in dunida maanta ay tahay mid isku xidhan oo aanay dawladna iskeed u jiri karin. Dhaleecaynta ugu weyni waxay tahay in aragtida labanimadu gabaad u noqoto dawladaha doonaya inay ka marmarsiiyoodaan waajibaadka caalamiga ah, iyagoo ku gabbanaya “madaxbannaanida qaranka” iyo inaan sharcigii caalamiga ahaa weli loo beddelin mid maxali ah. Tani waxay abuuraysaa firaaq qaanuuneed oo halis ah, gaar ahaan marka ay timaaddo ilaalinta xuquuqda aadanaha; haddii dawladdu ka gows adaygto inay “guriyayso” (Incorporate) heshiisyada xuquuqda aadanaha sharcigeeda gudaha, muwaadinku wuxuu waayayaa adeegsiga xuquuqdaas marka uu ku garnaqsanayo maxkamadaha qarankiisa. Sidaas darteed, labannimada waxaa loo arkaa aragti gabowday oo aan la jaanqaadi karin isbedelada aduunka iyo isdhexgalka qaanuuniga ah ee casriga, maadaama ay adkaynayso in si degdeg ah looga jawaabo dhibaatooyinka caalamiga ah ee u baahan dabbaqid toos ah, waqtiga baddana aan lala dhawri karin.
Dhinaca kale, aragtida midnimadu (Monism) waxay xerta labanimada kala kulantaa deedifayn adag iyo inay qori farraarra leh isaga qabtaan, gaar ahaan marka la eego xaqiiqada siyaasadeed iyo dimuqraadiyadda qaranka. Hans Kelsen iyo Lauterpacht waxaa lagu dhaleeceeyaa inay dhisteen nidaam mala-awaal ah oo ku dhisan midnimo aan dhab ahaan u jirin (Artificial Unity). Dhaleecaynta ugu weyn ee aragtida midnimada loo jeediyo, gaar ahaan mabda’a siinaya Sharciga Caalamiga ah sarraynta kama-dambaysta ah (Primacy of International Law), waa inuu khatar ku yahay madaxbannaanida shucuubta iyo nidaamka dhismaha hay’addaha dimuqraadiga ah ee u shaqeeya nidaamka isdheelitirka (Check and Blance); haddii heshiis caalami ah uu si toos ah u burinayo xeer dalka dhexdiisa ka shaqaynaya, iyadoon la soo marin hay’adda sharcidejinta qaranka, waxaa meesha ka baxaysa awooddii dadka ee ay u wakiisheen Baarlamaanka si ay sharci ugu dejiyaan, una hubiyaan shuruucda fulintu soo saxiixayso. Sidoo kale Aragtidan waxaa lagu dhaliilaa mid marmarsiinyo u noqon karto dawladaha tunka wayn si ay u cadaadiyaan ama shanta ula galaan arrimaha qaruumaha yaryar iyagoo adeegsanaya magaca “sharciga caalamiga ah”. Taas oo ka dhigan in sarraynta qawaaniinta caalamiga ee ay ka sareeyaan kuwa maxaliga ah, loo adeegsado aalad lagu wiiqo madaxbannaanida qaranka, laguna sandulleeyo dalalka yaryar go’aamo ka hor-imaanaya dastuurkooda iyo rabitaanka shacabkooda, iyadoo lagu dhuumanayo dalladda caddaaladda adduunka si loo xalaaleeyo faragelin kasta oo dibadda ah.
Sidoo kale, aragtida ah in sharciga guduhu uu ka dhasho oggolaansho laga helo sharciga caalamiga ah waa mid aan sooyaal ahaan iyo macno ahaan midna is-qaban karin, waayo dawladuhu waxay jireen ka hor intaanan la yagleelin nidaam caalami ah oo leh hal dallad oo uu hoosgala (Quruumaha Midoobey). Xeerbeegtida naqdiya aragtida midnimada waxay tilmaamaan in fikrada Kelsen ee Xeerka Asalka ah “Grundnorm” ay tahay fikir falsafadeed oo aan lahayn saldhig dhab ah, maadaama uu yahay xeer aan haysan awood fulineed oo ka madaxbannaan rabitaanka dawladaha. Ugu danbayn naqdiga labada dhinac isu jeediyeen waxay ina tusaysaa in xerta midnimadu (Monism) ay ka durkeen xaqiiqada ah in dawladuhu weli yihiin laf-dhabarta iyo hirgeliyayaasha ugu muhiimsan ee nidaamka qaanuuniga ah, halka madaxyawanta labanimaduna (Dualism) indhaha kalaabteen, xaqiiqada ah in dunidu maanta tahay hal tuulo, oo u baahan midnimo qaanuuneed si loo badbaadiyo danta guud ee aadanaha.
Habraaca Maxaliyaynta Heshiisyada iyo Axdiyada Caalamiga ah ee Soomaaliya:
Soomaaliya waxay xagga nidaamka sharciga ku abtirsataa qoyska Dugsiga labanimada (Dualism), ee u arka sharciga caalamiga ah iyo kan gudaha inay yihiin laba nidaam oo kala madaxbannaan, oo aan si toos ah isugu milmi karin, taasina waxay sees u tahay sida Soomaaliya u maamusho heshiisyada caalamiga ah ee ay qaybta ka tahay. Habka kaliya ee heshiisyada caalamiga ah ama siyaasadaha kale ee ajnabiga ah looga hirgelin karo nidaamka garsoorka ee Soomaaliya waa in lagu dhexdaro xeerarka gudaha, oo la sameeyo guriyayn (Domestication) iyadoo loo marayo xeer rasmi ah oo uu soo saaro Baarlamaanka Federaalku. Tani waxay ka dhigan tahay in markii heshiis la ansixiyo (Ratification)¹⁹, uusan si toos ah u noqonayn sharci maxali ah, balse uu marayo habraac sharci ah si looga dhigo mid laga aqbali karo shuruucda Soomaaliya dhexdooda. Heshiiskani wuxuu noqonayaa mid la fulin karo oo maxkamadaha dalku daliishan karaan ka dib marka loo bedelo sharciga dalka iyadoo loo marayo habraaca sharcidejinta ee loo yaqaan “Transformation”²⁰. Mabda’ani wuxuu ilaalinayaa madaxbannaanida sharcidejinta ee dalka, wuxuuna ka hortagaya in Laanta Fulintu ay dalka ku soo rogto waajibaad aanay wakiillada shacabku ogolaan.
Taariikhda xidhiidhka ka dhexeeya Dastuurka Soomaaliya iyo sharciga caalamiga ah wuxuu soo bilaabmay xilligii xornimada ka hor, waana halka uu ka soo jeedo nidaamka isku-dhafka ah ee maanta jira. Muddadaas ka hor intaan si sharci ah loo yagleelin dawladnimada Soomaaliya iyo dastuurka Soomaaliya, labadii gumayste ee xukumayay dalka (Talyaaniga iyo Ingiriiska) waxay dejiyeen nidaamyo iyaga u gaar ah, iyadoo Ingiriisku uu ka dhisay Maxmiyaddii Waqooyiga Soomaaliya nidaamka Qaanuunka Guud (Common Law), halka Talyaaniguna uu ka dhisay Koonfurta Soomaaliya nidaamka Qaanuunka Gaarka ah (Civil Law). Laga soo bilaabo 1889-kii ilaa 1960-kii markii ay midoobeen Soomaalidii Talyaanigu xukumayay iyo Maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland si ay u dhisaan Jamhuuriyadda madaxbannaan ee Soomaaliya, dalku wuxuu u hoggaansamay dhammaan mabaadi’da iyo xeerarka sharciga caalamiga ah ee xilligaas jiray. Isdhexgalkan taariikhiga ahi wuxuu aasaas u noqday sida Soomaaliya ay u aragto una hirgeliso sharciga caalamiga ah maanta, taas oo laga dheehan karo Dastuurkii 1960-kii. Dastuurkaasi, gaar ahaan Qodobka 6-aad, faqradiisa 1aad wuxuu shuruud uga dhigayay dhaqangalka heshiisyada caalamiga ah, in loo daabaco habka loogu talagalay xeerarka sharcidejinta, taas oo caddayn u ahayd in Baarlamaanku yahay awoodda kaliya ee guriyayn karta sharciga caalamiga ah ka hor inta aanay dabaqin maxkamadaha qaranku:
“Qaanuunada la wada oggolyahay caam ahaan ee sharciga caalamiga iyo heshiisyada caalamiga ee ay Jamhuriyaddu sidii la rabay u soo gabagabaysay loona daabacay hannaanka loo qoro sharci dejinta ayaa yeelanaya awoodda fulineed ee sharciga”.
Hannaankan sooyaalka dawladnimada Soomaaliya la dhashay, ayuu raacay Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah ee 2012, wuxuuna dhigayaa mabaadi’da casriga ah ee xidhiidhka caalamiga ah. Inkasta oo Qodobka 140aad ee Dastuurka KMG ah uu waajibinayo in illaa iyo inta laga waafajinayo sharciyada dalka, Soomaaliya ay dhowrto heshiisyada caalamiga ah, haddana waxaa jira xayndaab dastuuri ah oo aad u adag. Qodobka laf-dhabarta u ah nidaamka guriyaynta (domestication) waa qodobka afraad ee Dastuurka KMG ah; oo dhigaya sarraynta Shareecada Islaamka iyo Dastuurka. Tani waxay abuuraysaa halbeeg sharci oo ah in heshiis kasta oo caalami ah oo la rabo in la guriyeeyo (Domesticate) uu marka hore soo maro shaandhada waafaqsanaanta Mabda’a saraynta Diinta Islaamka iyo waafaqsanaanta Dastuurka. Sidaa darteed, Dastuurka 2012 waxaynu ka dheehan karnaa inuu raacay tubtii Dastuurkii 1960, oo ay isugu tageen labadan Dastuur, inay bannaanka iska dhigaan hanaanka guriyaynta shuruucda caalamiga ah ee midnimada (Monism), isla markaana ay qaateen hannaanka guriyaynta labanimada (Dualism). Wuxuuna Dastuurkani dhigayaa shuruudo adag oo ilaalinaya qiyamka asaasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed, isagoo hubinaya in wax kasta oo dibadda laga keeno la waafajiyo shuruucda gudahu (Grudnorm) .
Habka farsamo ee guriyayntu (domestication) wuxuu ka bilaabmaa Laanta Fulinta, sida ku cad Qodobka 90-aad (q) ee Dastuurka KMG, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa leh awoodda saxeexidda heshiisyada caalamiga ah, inta badanna waxaa hawshan farsamo ahaan u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo wasaaradaha kale. Marxaladdan, saxeexu (Signature) wuxuu kaliya muujinayaa in dawladda Soomaaliya ay ogolaatay nuxurka qoraalka (Authentication of the text) iyo inay muujisay niyadwanaag ah inay doonayso inay qayb ka noqoto heshiiskaas. Hase ahaatee, marka la eego sharciga Soomaaliya, saxeexan kaliya wax awood sharci ah ka ma siinayo heshiiska caalamiga ah gudaha dalka, wuxuuna u dhigmayaa fal siyaasadeed (Political Act) oo aan weli noqon fal sharci (Legal Act). Ilaa Baarlamaanku ansixiyo, saxeexu wuxuu kaliya waajibinayaa in dawladdu aysan samayn ficil ka hor-imanaya ujeeddada heshiiska, laakiin kama dhigayo sharci dalka ka jira oo lagu dhaqo muwaadiniinta dalka.
Marxaladda xigta, oo ah tan ugu muhiimsan ee heshiis caalami ah looga dhigo sharci qaran, waa ansixinta Baarlamaanka. Sida ku cad Qodobka 69-aad iyo Qodobka 71-aad ee Dastuurka, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa leh awoodda sharci-dejinta. Heshiiska marka laga soo gudbiyo Golaha Wasiirada, wuxuu Baarlamaanka u hor tagaa isagoo ah Hindise Sharciyeed (Bill). Xildhibaanadu waxay mariyaan saddex akhris: akhrinta koowaad oo ah soo bandhigid, akhrinta labaad oo ah dood iyo wax-ka-beddel (haddii heshiisku ogol yahay Reservations²¹), iyo akhrinta saddexaad oo ah codbixin. Tani waa barta ay ka dhacdo guriyaynta dhabta ah. Baarlamaanku markuu ansixiyo heshiiska, ma ansixinayo oo kaliya heshiiska caalamiga ah, balse wuxuu soo saarayaa Sharci la Ansixiyey (Ratification Act). La’aanta ansixintan, heshiisku wax qiima sharciyeed ah kuma dhexyeelanayo shuruucda Soomaaliya, hay’addaha caddaaladuna ma dhaqangelin karaan (Defective). Tusaale arrintan muujinaya waxaynu usoo qaadan karnaa kiiskii badda ee Somalia v. Kenya, kiiskaas Soomaaliya waxay ku dooday in Heshiiskii Is-afgaradka (MOU) ee 2009 uu Wasiirku saxeexay uusan ahayn mid sharci ah sababtoo ah ma soo marin Baarlamaanka, taas oo caddaynaysa in saxeexa kaliya uusan ku filnayn hannaanka sharci ee Soomaaliya.
Marka Baarlamaanku guto waajibkiisa, tallaabada ugu dambaysa ee guriyayntuwaa saxeexa Madaxweynaha iyo daabacaadda Faafinta Rasmiga ah. Sida uu dhigayo Qodobka 90-aad (f) ee Dastuurka,
“Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalku, si sharci looga dhigo”
Kadib saxeexa, waxaa waajib ah in sharcigaas lagu daabaco Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda (Official Gazette). Tani waa shuruud lagama maarmaan ah (Sine qua non²²) si sharcigu u noqdo mid waajib ku ah muwaadiniinta iyo garsoorayaasha. Mabda’a sharciga ah ee mooganaanta sharcigu cudur daar ma aha (Ignorantia juris non excusat), wuxuu shaqaynayaa oo kaliya marka sharciga la shaaciyo. Sidaa darteed, guriyaynta (domestication) rasmiga ahi waxay gebageboobaysaa maalinta xeerka Faafinta Rasmiga ah lagu soo saaro. Daldaloolada maamul ee jira awgood, heshiisyo badan oo Baarlamaanku ansixiyay ayaan si degdeg ah loogu daabicin Faafinta rasmiga ah, taasi oo abuuraysa hufnaan la’aan sharci (Legal Uncertainty).
Si aan isula fahano arrintan waxaan tusaale usoo qaadanaynaa mid kamida heshiisyada waqtigoodu dheeraaday: Heshiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta (CRC). Soomaaliya waxay heshiiskan saxeexday sanadkii 2002-dii, laakiin muddo dheer wuxuu ahaa mid aan dhaqangal ahayn. Bishii Oktoobar 2015-kii, ayaa Baarlamaanka Federaalku si rasmi ah u ansixiyay heshiiskaas, Madaxweynuhuna uu saxeexay. Tani waxay heshiiska ka dhigtay mid sharci ah oo la guriyeeyey (Ratified). Si kastaba ha ahaatee, ansixintaas kaligeed ma siinayso maxkamadaha saldhig sharci oo ku filan si ay u dabbaqaan dhammaan qodobbada heshiiska haddii aan la samayn sharciyo faahfaahsan, waayo si loo hirgeliyo qodobbada heshiiska ee la xidhiidha da’da carruurta, ciqaabta, iyo daryeelka, waxaa loo baahday sharciyo maxali ah oo faahfaahsan. Tanina waxay dhashay baahida loo qabo “Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta” iyo wax-ka-beddelka Xeerka Ciqaabta. Arrintani waxay caddaynaysaa in ansixintu ay tahay tallaabada koowaad, balse fulinta dhabta ah (Implementation) ee qodobada heshiisku ay u baahan yihiin sharciyo kale oo gudaha ah (Enabling Legislation) si waafaqsan nidaamka labanimada.
Dhinaca kale, waxaa jira kiisas uu heshiis caalami ah ama hindise laga soo minguuriyay heshiis caalami ah uu si toos ah uga hor-yimaado Shareecada Islaamka oo ah saldhiga koowaad ee lama taabtanka ah wixii ka horyimaadaana burayaan, iyo Dastuurka dalka, taasina ay keento in Baarlamaanku ganafka ku dhufto guriyaynta (domestication) xeerkaas. Tusaalaha ugu dhow oo aynu haaban karno waa Hindise Sharciyeedka Dembiyada Galmada (Sexual Offenses Bill – SOB). Hindisahan waxaa soo diyaariyay Golaha Wasiirada 2018-kii iyagoo tixraacaya waajibaadka Soomaaliya ka saaran heshiisyada xuquuqda aadanaha. Hase yeeshee, markii la geeyay Golaha Shacabka, waxaa ka dhashay dood adag oo ku saabsan in qodobbada qaar (sida qeexidda qaangaadhka iyo ogolaanshaha galmada) ay ka hor-imanayaan Shareecada Islaamka iyo Qodobka 4aad ee Dastuurka. Baarlamaanku wuxuu iska diiday hindisahaas, wuxuuna soo jeediyay hindise kale oo la yidhaahdo Hindise Sharciyeedka Dembiyada La Xiriira Galmada “Sexual Intercourse Related Crimes Bill” oo isaguna dood dhaliyey²³. Dhacdadani waxay si cad u muujinaysaa sida nidaamka Soomaaliya uu ugu qotomo aragtida labanimada. Si kastoo Soomaaliya u saxeexdo heshiisyo caalami ah, haddana Maxkamadaha iyo Baarlamaanku ma ogolaanayaan sharciyeynta xeer ka horimanaya Dastuurka dalka (Grudnorm).
Caqabadaha hirgelinta Heshiisyada Caalamiga ah ee Soomaaliya
Caqabadaha hirgelinta nidaamkan sharci ee labanimadu ma yara , waxaana ugu weyn la’aanta Maxkamad Dastuuri ah oo awood u leh inay kala saarto marka heshiis caalami ah iyo sharci maxali ah ay is jiidhaan. Hadda, awooddaas waxay si ku meelgaadh ah ay u saaran tahay Maxkamadda Sare, laakiin maqnaanshaha nidaam dastuuri oo dhammaystiran wuxuu keenayaa in heshiisyo badan oo la ansixiyay ay noqdaan kuwo warqad ku yaal (Paper Tigers). Sidoo kale, aqoonyari ka jirta dhinaca garsoorayaasha iyo qareennada ku aaddan sida loo daliishado heshiisyada caalamiga ah ee la maxaliyeeyey ayaa ah caqabad kale oo ku horgudban in sharciga caalamiga ahi uu si dhab ah u saameeyo nolosha muwaadinka Soomaaliyeed. Garsoorayaasha Soomaaliyeed inta badan way ka gaabsadaan inay toos u daliishadaan heshiis caalami ah haddii aanay arkin xeer baarlamaan oo gudaha ah oo arrintaas xoojinaya.
Daldaloolada kale ee waaweyn, ee ka muuqda hannaanka sharciga caalamiga ah ee Soomaaliya waxay salka ku hayaan is-barbardhiga ka dhasha heshiisyada dalku saxeexo iyo heerka ay gaadhsiisan tahay fulintooda dhabta ah. Inkasta oo ay tahay mabda’ asaasi ah oo ka tirsan sharciga caalamiga ah in dawlad kasta oo xubin ka ah heshiis ay hubiso in xeerarkeeda gudaha iyo dhaqankeeda maamul ay waafaqsan yihiin waajibaadka heshiiskaas, haddana xukuumadda Soomaaliya waxay inta badan muujisaa tabaryari ama rabitaan la’aan xagga dhaqangelinta iyo fulinta halbeegyada caalamiga ah. Garsoorka dalka, oo leh awoodda ka garnaqa arrimaha madaniga, dembiyada, iyo dhaqangelinta qodobbada heshiisyada caalamiga ah, ayaa weli ka cagajiidaya inuu door firfircoon ka qaato fasiraadda iyo hirgelinta sharciga caalamiga ah. Tani waxay keentay in nidaamka sharciga Soomaaliya uu waayo doorkii fulinta garsoor ee lagama maarmaanka u ahaa, iyadoo inta badan heshiisyada caalamiga ah ee dalku saxeexay ay u muuqdaan kuwo lagu ixtiraamo uun fagaarayaasha dibadda laakiin aan si dhab ah looga dhex dabbaqin garnaqsiga maxkamadaha dalka. Sida ay tilmaamayaan khubarada sharcigu, hannaanka caalamiga ahi Soomaaliya dhexdeeda waa mid inta badan loo hoggaansamo uun magac ahaan balse aan la fulin, taas oo dhalisay in ay jirto firaaq weyn oo u dhexeeya ballanqaadka caalamiga ah iyo ficilka gudaha.
Dhinaca kale, waxaa jira caqabado dhidibada u adkaystay oo ka dhashay xog-la’aan iyo tabaryari hay’adeed oo baahsan. Hay’adaha u xilsaaran ilaalinta u hoggaansanaanta heshiisyada caalamiga ah ayaa la daalaadhacaya waayo-aragnimo yari, dhaqaale la’aan, iyo aqoon farsamo oo aad u xaddidan, taas oo wiiqaysa awoodda lagu hirgelin karo borotokoollada iyo axdiyada kala duwan ee dawladdu qaybta katahay. Waxaa sii dheer in mas’uuliyadaha iyo waajibaadka hay’aduhu ay yihiin kuwo aan isku xidhiidh adag ka dhexayn; Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Caddaaladda, iyo Xafiiska Garyaqaanka Guud ma laha nidaam hufan oo ay xogta ku wadaagaan ama ay isga kaashadaan dabagalka heshiisyada. Sidoo kale, kaydinta diiwaannada heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya gashay ma aha mid si fudud loo heli karo, gaar ahaan dhinaca ilaha danabaysan (elektaroonigga) ah, taas oo adkaynaysa in dib loo raaca macluumaadka, xujaynaysana kormeerka ay samayn lahaayeen ururada bulshada rayidka ah. Xidhiidh xumada ka dhex jirta wasaaradaha iyo helitaan la’aanta diiwaanka rasmiga ah ee heshiisyada ayaa Soomaaliya ka dhigay dal ay ku adag tahay in lagula xisaabtamo waajibaadkiisa caalamiga ah, maadaama aysan jirin kayd suuban oo hagaya fulinta iyo kormeerka sharciga.
Tallo soojeedin
Hannaanka guriyaynta (domestication) ee Soomaaliya wuxuu tarjumayaa dadaalka ay dawladdu ugu jirto inay dheellitirto waajibaadka caalamiga ah iyo madaxbannaanida qaranka. Soomaaliya oo qaadaysa jidka dibudhiska dowladnimada, waa inay xoogga saartaa; ma aha oo kaliya saxeexa heshiisyada si ay u hesho aqoonsi caalami ah, balse waa inay hubisaa in habraaca guriyayntu uu noqdo mid dhab ahaan suuragala. Haddii aan la helin sharciyo gudaha ah oo “Enabling Legislation” ah, heshiisyada caalamiga ah waxay ahaanayaan ballanqaadyo siyaasadeed oo aan lahayn ilko sharci oo ay wax ku goyn karaan, ama cid kula xisaabtami karaan, taasina waxay wiiqaysaa kalsoonida lagu qabi karo nidaamka sharciga ee dalka. Sidaa darteed, fahamka iyo ku-dhaqanka saxda ah ee afartan marxaladood (Saxeex, Ansixin, Saxeex Madaxweyne, iyo Faafin rasmiga ah) waa wadada kaliya ee sharciga caalamiga ah looga dhigi karo mid waxtar u leh shacabka Soomaaliyeed.
Gunaanad
Doodda labanimada iyo midnimadu waxay muujinaysaa laba aragti oo kala duwan oo ku saabsan xidhiidhka sharciga caalamiga ah iyo kan gudaha. Soomaaliya waxay si cad ugu dhaqantaa habka labanimada, maadaama heshiisyada caalamiga ahi u baahan yihiin in la marsiiyo habraaca guriyaynta baarlamaanka si ay u noqdaan sharci qaran. Inkastoo nidaamkani ilaaliyo madaxbannaanida dastuuriga ah iyo qiyamka bulshada, haddana wuxuu sababay dib-udhac iyo fulin la’aan waajibaadka caalamiga ah. Caqabadaha sida karti xumada hay’adeed, aqoonyarida garsoorka, iyo hufnaan la’alata maamulka ayaa sii ballaarinaysa farqiga u dhexeeya ballanqaadka iyo hirgelinta qodobadkii ku qornaa heshiiska dawladu soo saxiixday. Sidaas darteed, waxaa loo baahan yahay nidaam dheellitiran oo la isku waafajiya waajibaadka caalamiga ah iyo danaha qaranka.
Hoosdhig:
- Lassa Oppenheim (1858–1919) wuxuu ahaa aqoonyahan Jarmalka ku dhashay oo markii dambe noqday muwaadin British ah, kana mid ahaa culimada ugu saameynta weyn qarnigii 20-aad ee sharciga caalamiga ah. Wuxuu bare ka ahaa Jaamacadaha Basel iyo London, gaar ahaan London School of Economics. Oppenheim waxaa si weyn loogu xusuustaa buuggiisa caanka ah International Law: A Treatise, oo u ku nidaamiyey, qaab cilmiyaysana ugu dejiyey qawaaniinta sharciga caalamiga ah. Aragtiyihiisa ayaa saldhig u noqday fahamka casriga ah ee sharciga dawladaha, gaar ahaan doorka dawladdu ku leedahay nidaamka caalamiga ah.
- Lassa Oppenheim: “The body of customary and treaty rules which are considered legally binding by civilized states in their intercourse with each other.
- J.G. Starke “The relationship between international law and municipal law is one of the most complex and controversial areas of legal theory.”
- Article 27 of Vienna Convention on the Law of Treaties “A party may not invoke the provisions of its internal law as justification for its failure to perform a treaty.”
- Buuni (Prof) Maxamuud Cali Tuuryare, dhiganihiisa Qaanuunka Dawliga ee Guud— 1982, wuxuu (Legal Positivism) u afrogey Dugsiga Qaanuunka Wadciga ah. Bogga 78.
- Heinrich Triepel (1868–1946) wuxuu ahaa sharciyaqaan Jarmal ah oo caan ku ah aragtida labanimada (Dualism), taas oo sheegaysa in sharciga caalamiga ah iyo sharciga gudaha ay yihiin laba nidaam oo kala madax-bannaan. Buuggiisa Qaanuunka Dawliga iyo Qaanuunka Maxaliga (Völkerrecht und Landesrecht (1899) ayuu ku adkeeyay in sharciga caalamiga ahi ka dhasho “rabitaanka wadajirka ah ee dawladaha.”
- Dionisio Anzilotti (1867–1950) wuxuu ahaa sharciyaqaan Talyaani ah oo caan ku ahaa sharciga caalamiga ah. waxaana uu ka mid noqday Maxkamadda Dembiyadda Caalamiga ah (International Court of Justice) tan iyo 1946 ilaa geeridiisa 1950.
- Anzilotti “The norms of international law cannot exert any influence over municipal law unless they are integrated into the latter through a legislative act of the state.”
- Buuni (Prof) Maxamuud Cali Tuuryare, dhiganihiisa Qaanuunka Dawliga ee Guud— 1982, wuxuu (Natural Law) u afrogey Dugsiga Qaanuunka Dabiiciga ah. Bogga 75.
- Immanuel Kant (1724–1804) wuxuu ahaa falsafad yaqaan Jarmal ah oo caan ku ah Akhlaaqda iyo Falsafadda Sharciga.
- Hans Kelsen (1881–1973) wuxuu ahaa sharciyaqaan Austrian ah oo caan ku ah aragtida badhaxa la’ ee sharciga (Pure Theory of Law).
- Aragtida badhaxa la’ ee sharcigu (Pure Theory of Law) waxay qabtaa in sharcigu yahay nidaam sharci oo ka madax bannaan siyaasadda, akhlaaqda, iyo arrimaha bulshada. Aragtidani waxay diiradda saaraysaa qaabdhismeedka sharci ee gudaha nidaamka. Waxaa mabda’eedu yahay in xeer kasta uu ka dhaxlo awoodda mid ka sarreeya, dhammaan sharciga gudaha iyo kan caalamiga ahna ay ku jiraan hal nidaam sharci oo isku xidhan, si loo ilaaliyo midnimada iyo joogteynta qawaaniinta.
- Kelsen “The unity of the legal system is a necessary logical postulate. All law, whether national or international, is part of one and the same system of norms.”
- Hersch Lauterpacht (1897–1960) wuxuu ahaa sharciyaqaan Biritish ah, asalkiisu ahaa Juwish kasoo jeedo Galicia (oo hadda qayb ka ah Poland/Ukraine).
- J.G. Starke (1919–1982) wuxuu ahaa sharciyaqaan Biritish ah, khabiir ku takhasusay sharciga caalamiga ah. Wuxuu caan ku ahaa falanqayntiisa sharciga caalamiga ah iyo maxaliga.
- J.G. Starke “International law does not dictate to the state how it should apply international rules within its own legal order.”
- Article 55 “Treaties or agreements duly ratified or approved shall, upon publication, prevail over Acts of Parliament, subject, with respect to each agreement or treaty, to its application by the other party.”
- Mabda’a u qaadashada is waafaqsanaantu (Presumption of Compatibility) waa mabda’ sharciyeed soo bilowday qarnigii 20-aad, gaar ahaan 1950-meeyadii iyo 1960-meeyadii markii xiriirka u dhexeeya sharciga caalamiga ah iyo kan gudaha uu aad usoo ifbaxay. Mabda’ani wuxuu dhigayaa in maxkamadaha qaranku ay u fasiraan sharciga gudaha si waafaqsan waajibaadka caalamiga ah ee dawladdu qaadday, si looga fogaado khilaaf sharci iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah. Wuxuu taageeraa aragtida iswaafajinta (harmonization), iyadoo meesha laga saarayo fikradda kala sarraynta, wuxuuna fududaynayaa in xalinta khilaafaadka laga raadiyo gudaha labada nidaam sharci, isagoo ilaalinaya mas’uuliyadda caalamiga ah ee dawladaha.
- Ratification (Ansixin Rasmi ah) waxaa lagu qeexay qodobka labaad (Sharaxaada ereyada) ee Axdiga Fiyeena (Vienna Convention 1969), wuxuuna leeyahay “Ratification”, “acceptance”, “approval” iyo “accession” mid kasta wuxuu tilmaamayaa fal sharciyeed oo heer caalami ah, kaas oo dawladdu ku caddeynayso oggolaanshaheeda rasmiga ah ee ah inuu ku waajibay heshiis ay qayb ka noqotay”. waa habraac sharciyeed oo ay dawladdu si rasmi ah ugu xaqiijinayso oggolaanshaheeda kama dambaysta ah ee ku biirista heshiis caalami ah, ka dib marka ay soo saxiixdo. Tallaabadani waxay muujinaysaa in dawladdu si buuxda u aqbashay waajibaadka ka dhalanaya heshiiska ay saxiixday, isla markaana ay diyaar u tahay inay ku fuliso si waafaqsan nidaamkeeda dastuuriga ah. Ansixinta rasmiga ahi waxay ka kooban tahay habraacyo la maro—sida oggolaanshaha baarlamaanka ama madaxda fulinta—iyo gudbinta nuqul (document) rasmi ah oo loo yaqaan qoraalka ansixinta rasmiga ah (instrument of ratification—Qoraalka ansixinta rasmiga ah waa dukumenti sharciyeed oo dawladdu ku caddeyso oggolaanshaheeda kama dambaysta ah ee ka mid noqoshada heshiis caalami ah. Waxaa la diyaariyaa kadib marka habraacyada dastuuriga ah la dhammaystiro, waxaana lagu xareeyaa hay’adda kaydisa (Depositaries) heshiiska, taasoo dhalisa waajib sharciyeed caalami ah.) oo lagu xareeyo hay’adda ku habboon. Marka habkani dhammaystirmo, heshiisku wuxuu yeelanayaa awood sharciyeed oo ku waajibinaysa dawladda inay ilaaliso waajibaadka heer caalami, isagoo xoojinaya mabda’a ixtiraamka ballanqaadka dawladaha.
- Transformation: waa hab dawladdu ugu rogto heshiis caalami ah xeer qaran oo rasmi ah, si waajibaadka caalamiga ahi u noqdo mid gudaha dalka lagu fulin karo. Habkani wuxuu xaqiijiyaa in qawaaniinta aan si toos ah uga shaqeyn gudaha ay noqdaan kuwo sharci ahaan la dhaqan gelin karo.
- Mabda’a Reservations (Qodobo iska-Reebid) wuxuu si buuxda u qaabaysmay kadib taladii 1951 ee ay bixisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (International Court of Justice), taas oo oggolaatay in dawladuhu ku biiri karaan heshiis iyagoo awood u leh inay qodobada qaar iska reebaan (Reservation), haddii uusan ka hor-imanayn ujeeddada iyo nuxurka heshiiska. Iska reebidu (Reservation) waa bayaan rasmi ah oo ay dawladdu ku lifaaqdo marka ay saxiixayso, ansixinayso ama ku biirayso heshiis, si ay uga tagto ama wax uga beddesho saameynta qodob gaar ah oo ka hor imanaya mabaadi’dda saldhiga u ah shuruucda dalkaas. Mabda’ani waxaa si nidaamsan loogu dhigay qodobada 19–23 ee Heshiiska Fiyeena ee Sharciga Heshiisyada Caalamiga ah (Vienna Convention on the Law of Treaties). Qodobka 19aad wuxuu dhigaya in dawladdu samayn karto ka tegis (reservation) haddii aanu heshiisku si cad u mamnuucin iskareebida, haddii aanu oggolaanayn oo keliya iskareebid gaar ah, iyo haddii iskareebidu ka hor imanayn ujeeddada iyo nuxurka (object and purpose) heshiiska. Qodobka 20aad wuxuu ka hadlayaa aqbalaadda ama diidmada iskareebida, wuxuuna qeexaya xaaladaha ay oggolaansho gaar ah u baahan tahay. Qodobka 21aad wuxuu sharxayaa saameynta sharci ee iskareebida (reservation) marka la aqbalo, halka Qodobka 22aad uu oggolaanayo in iskareebida ama diidmo laga laabto. Ugu dambayn, Qodobka 23aad wuxuu dejinayaa in iskareebida iyo aqbalaaddeeduba ay noqdaan kuwo qoraal ah oo si rasmi ah loo ogeysiiyo hay’adda kaydisa heshiiska (depositary)—taas oo ah hay’ad ama dawlad loo igmaday kaydinta iyo maareynta heshiiska, sida Xoghayaha Guud ee Quruumaha Midoobay —iyadoo hay’addaas ay markaas ogeysiinayso dhammaan Dawladaha Qaybta ka ah ama xaqa u leh inay ku biiraan, si ay u aqbalaan ama uga horyimaadaan iskareebidaas (reservation). Nidaamkani wuxuu dheellitirayaa madaxbannaanida dawladaha iyo ilaalinta midnimada heshiisyada caalamiga ah. Dawladda Soomaaliya iyadoo mabda’an iska reebida (reservation) adeegsanaysa, markii ay ansixinaysay Axdiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta (Convention on the Rights of the Child (CRC),) waxay iska reebtay Qodobbada 14-aad, 20-aad, iyo 21, waxayna Soomaaliya qortay sidan: “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isuma aqoonsana inay ku waajibayaan Qodobbada 14-aad, 20-aad, iyo 21-aad ee Heshiiska kor ku xusan, iyo sidoo kale qodob kasta oo kale oo ka mid ah Heshiiskaas oo ka hor imaanaya Mabaadi’da Guud ee Shareecada Islaamka”
- Erayga Laatiinka ah sine qua non waxaa sharci ahaan loo adeegsadaa si loo tilmaamo shuruud lama huraan ah oo aan laga bixi karin si xaalad ama ficil uu u dhaco. Tusaale ahaan, heshiis caalami ah oo gudaha Soomaaliya uu sharci ahaan u dhaqan galo, ansixinta Baarlamaanka waa sine qua non, maadaama haddii aan la helin ansixintaas, heshiisku uusan noqon sharci gudaha dalka lagu dhaqo, inkastoo uu saxiixan yahay. Mabda’ani wuxuu cadeynayaa in qaar ka mid ah tallaabooyinka sharci ay yihiin lagama maarmaan oo aan la dhaafi karin, ayna muhiim u yihiin xaqiijinta waajibaadka iyo waafaqsanaanta dastuuriga ah.
- Halkan ayaad ka akhrin kartaa faahfaahinta daraasad lagu falanqaynayo labada hindise sharciyeed: https://somalipublicagenda.org/wp-content/uploads/2021/01/SPA_Governance_Briefs_11_2021_SOMALI.pdf
Tixraacyada
1. Books
- Anzilotti, Dionisio. 1923. International Law (Corso di Diritto Internazionale). Roma: Athenaeum.
- Kelsen, Hans. 1945. General Theory of Law and State. Translated by Anders Wedberg. Cambridge: Harvard University Press.
https://archive.org/details/generaltheoryofl0000hans/page/n10/mode/1up.
- Lauterpacht, Hersch. 1950. International Law and Human Rights. London: Stevens & Sons.
- Starke, J.G. 1963. Introduction to International Law. London: Butterworths.
- Triepel, Heinrich. 1899. International and Municipal Law (Völkerrecht und Landesrecht). Leipzig: Hirschfeld.
- Tuuryare, Mohamed Ali. 1982. Qaanuunka Dawliga ee Guud. Muqdisho: Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. https://arcadia.sba.uniroma3.it/bitstream/2307/879/1/Qaanuunka%20Dawliga%20ee%20guud.%20Buug_Jaamacadeed_lavorato.pdf
2. Journal Articles and Papers:
- Osman, Ahmed Kheir. “International Law and its Applicability in the Somalia’s Legal System.” Somali National University Law Review 1, no. 2.
https://thelawbrigade.com/wp-content/uploads/2021/09/Ahmed-Kheir-Osman-IJLDAI.pdf.
- Somali Public Agenda. 2021. “Falanqaynta Hindise Sharciyeedka Dembiyada Galmada iyo kan Dembiyada la Xidhiidha Galmada.” Governance Brief 11. Janawari 2021. https://somalipublicagenda.org/wp-content/uploads/2021/01/SPA_Governance_Briefs_11_2021_SOMALI.pdf
- Starke, J.G. 1936. “Monism and Dualism in the Theory of International Law.” British Yearbook of International Law 17: 66–81.
3. Conventions and Legal Instruments:
- Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya. 1960. Mogadishu: Faafinta Rasmiga ah.
- Dastuurka Federaalka Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya. 2012. Mogadishu: Dawladda Federaalka Soomaaliya.
https://mop.gov.so/wp-content/uploads/2018/05/Dastuurka-Jamhuuriyadda-Federaalka-Soomaaliya.pdf.
- United Nations. 1969. Vienna Convention on the Law of Treaties. May 23, 1969. United Nations Treaty Series, vol. 1155. https://legal.un.org/ilc/texts/instruments/english/conventions/1_1_1969.pdf
- United Nations. 1989. Convention on the Rights of the Child. November 20, 1989. United Nations Treaty Series, vol. 1577.
https://www.ohchr.org/en/instruments-mechanisms/instruments/convention-rights-child.
4. Judicial Decisions:
- International Court of Justice. 2021. Maritime Delimitation in the Indian Ocean (Somalia v. Kenya). Judgment, I.C.J. Reports 2021.
https://www.icj-cij.org/case/161.
