Soomaaliya ma da’ ayay u baahan tahay mise hoggaan?

Waxaa qoray: Sulaymaan Bashiir Ciise,

ku takhasusay horumarinta bulshada iyo daraasaadka amniga, kana soo shaqeeyay hoggaaminta deegaanka. Danihiisu waxay ku qotomaan xoojinta nabadda, amniga iyo ka-qaybgalka bulshada ee geeddi-socodka siyaasadda.

Mar kasta oo la gaaro xilliga doorashada Soomaaliya, doodda ugu weyn waxay noqotaa: “Dhallinyarada ha la siiyo talada.” Fikraddan waxay ka timid dareenka ah in jiilkii hore uu ku fashilmay hoggaaminta dalka tan iyo burburkii dowladdii Siyaad Barre 1991. Dhallinyaradu waxay sheegaan in ay leeyihiin aqoon iyo aragti cusub.

Laakiin waydiintu waxay tahay: ma helnay natiijadii laga sugayay?

Soomaaliya maanta waxay leedahay qaab-dhismeed siyaasadeed oo tiro ahaan aad u buuran: 999 wakiil, 8 Madaxweyne, 6 Madaxweyne ku Xigeen, 1 Ra’iisul Wasaare, 2 Ra’iisul Wasaare Ku Xigeen, iyo in ka 454 Wasiir — intaasina 90% waa dhallinyaro, (Hiiraan Online, Monday October 27, 2025, By Mohamed Mukhtar Ibrahim). 

Dal leh dhaqaale xaddidan, amni jilicsan, iyo nidaam dowladeed oo wali soo kabanaya, ma u baahan yahay tiro intaas la eg? Mise wuxuu u baahan yahay tayo kooban oo wax ku ool ah? Golayaasha deegaanka ee sannadihii dhowaa la doortay (Puntland ayaa tusaale u ah) badankood ma aysan noqon goleyaal qorshe dejin iyo horumar horseeda; waxay noqdeen goleyaal ku mashquulsan khilaaf iyo loollan kursi. Golaha wasiirrada qaarkood waxay u egyihiin gole sawir-qaadis iyo war-saxaafadeed joogto ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen gole siyaasadeed oo wax qabad dhab ah leh. Xildhibaannada labada heer—federaal iyo dowlad-goboleed—badankood kuma tartamaan sharci dejin tayo leh, balse waxay ku tartamaan u dhowaanshaha hoggaanka fulinta iyo kasoo muuqashada baraha bulshada.

Waxaa meesha ka baxay sarriigashadii siyaasadeed—dulqaadkii, wada-tashigii, iyo miisaankii hadalka. Waxaa yaraaday himiladii qaran ee mideyn lahayd shacabka, waxaana badatay dano gaar ah oo ku kooban shaqsi ama koox.

Haddaba waydiinta dhabta ah ma aha “Yaa da’ ahaan ku habboon talada?” ee waa: “Yaa leh hoggaan iyo himilo?”

Da’du Ma Xal Baa?

Waxaa jira aragti sheegaysa in siyaasadda Soomaaliya ay muddo dheer gacanta ugu jirtay odayaal, sidaas darteedna xal loo arko in talada loo dhiibo jiilka cusub. Aragti ahaan waa fikrad qurux badan. Duniduna waxay ku horumartaa marka jiilba jiil ka dambeeya uu la wareego masuuliyadda. Laakiin marka xaqiiqda la eego, da’du keligeed ma aha shahaado hoggaamineed.

Markii dib loo milicsado xilliyadii hore ee siyaasadda—xilli odayaashu badnaayeen—waxaa jiray arrimo mudan in la xuso. Inkasta oo ay jireen khaladaad iyo gefaf waaweyn, haddana waxaa jiray sarriigasho iyo xishood. Odayaashu waxay lahaayeen dulqaad ay isku dhegeystaan, miisaan ay kuwada hadlaan, iyo waayo-aragnimo ay ku miisaamaan go’aannada. Khilaafku ma noqon jirin mid warbaahinta lagu kala adkaado, balse wuxuu ku dhammaan jiray miis wada-hadal.

Dhallinyarada maanta siyaasadda ku jira badankood waa aqoonyahanno, dal iyo dibadba wax kusoo bartay. Waxay haystaan fursado aan jiilashii ka horreeyay haysan. Laakiin aqoonta iyo da’da yaridu ma noqon karaan hoggaan haddii aysan la socon: Aragti qaran oo fog, anshax siyaasadeed, dulqaad iyo wada-tashi Iyo geesinnimo go’aan qaadasho. 

Waxa maanta muuqdaa marar badan waa degdeg, xanaaq, iyo siyaasado ku dhisan falcelin halkii ay ka ahaan lahaayeen kuwo ku dhisan qorshe fog. Waxaa yaraaday ixtiraamkii hay’adaha, waxaana meesha galay hadallo dhaawacaya kalsoonida shacabka. Dhibaatadu ma aha in dhallinyaradu talada hayaan; dhibaatadu waa in talada lagu saleeyo da’ halkii lagu saleyn lahaa karti iyo aragti.

Dal ma horumaro sababtoo ah hoggaankiisu waa da’yar. Dalna ma burburo sababtoo ah hoggaankiisu waa da’ weyn. Waxa dal dhisa waa hoggaan leh mabda; jihayn iyo isla xisaabtan. 

Si walba ha noqotee gunaanadkii; haddii aan si daacad ah u falanqeyno xaaladda maanta taagan, Soomaaliya dhibkeedu ma aha da’ la’aan, mana aha dhallinyaro la’aan. Waxa ka maqan waa hoggaan mideeya, hoggaan qorsheeya, hoggaan ka shaqeeya dhimista tirada badan ee xilalka aan wax-soo-saar lahayn.

Ma u baahannahay 999 wakiil, mise 99 wakiil oo tayo leh? Ma u baahannahay 454 wasiir, mise gole kooban oo wax qabad dhab ah leh? Qarannimada laguma ilaaliyo tiro, waxaa lagu ilaaliyaa tayo.

Soomaaliya maanta waxay u baahan tahay hoggaamiye—da’ kasta ha ahaadee—leh aragti ka sarreysa qabiil, ka sarreysa dano gaar ah, kana sarreysa loollan shaqsiyeed. Waxay u baahan tahay hoggaan dib u qeexa jihada qaranka, yareeya khilaafaadka, kobciya kalsoonida shacabka, isla markaana abuura nidaam ku dhisan hufnaan iyo isla xisaabtan.

Waydiinta “Soomaaliya ma da’ ayay u baahan tahay mise hoggaan?” warcelinteedu waa mid cad: Soomaaliya uma baahna astaan da’ ama jinsi. Waxay u baahan tahay hoggaan aragti leh, akhlaaq leh, oo u heellan badbaadinta iyo dhismaha qaranka. Taasi waa xaqiiqda ka weyn dood kasta oo ku saabsan da’—waana furaha mustaqbalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *