Eelka Tacliinta

Eelka Tacliinta

Hana Arandet (1954)

Tarjumiddii: Mooge Umal

Ku saabsan qoraaga:

Hana Aarandet, waa fikir yahan, qoraa, iyo baadhe reer Jarmal ah, dhalasha ahaan Yuhuud ah. In kasta oo ay Hana ka biyadiidday in loogu yeedho Faylasuuf, iyada oo diidmadeeda ku salaysay in ay Falsafaddu qudha ama qofka tibaaxdiisa ku eg tahay, halka ay doorbidday in ay fikir yahan isku tilmaanto. Hana, waxa lagu xusuustaa qeexitaankeedii ay ku bixisay maxkamadayntii Adloof Ikhmaayn, iyada oo bixisay, “Nuxurbeelka Sharka” kolka ay faallaynaso waxaa dhabta ah ee gadaal ka riixaya sharka uu aadmiga falo, waxayna ku faaqidday in ay taasi dhacdo kolka uu qofku fekeri waayo.

Dhibaatada baaxadda leh ee casrigan dunida ku habsatay, wax kasta hilfaha ayay u qaadday; waddanba gooni bay u haleeshay, waax walba gaadhay, misna muuqaal iyo qaab kale isu yeelaysa..

Dalweynaha Maraykanka dhibaatada ugu weyn ee sida ba’an u geleleftay ayay ka mid tahay middan Tacliinta ka haysata. Labaatankii sano ee u danbeeyay, ugu yaraan Tacliintu waxa ay ahayd dhibaato siyaasadeed oo heerka u sarreysa ah, maalin kastana wargeysyada lagu faaqido. Waxba yaan la sheegsheegin halista ku gedaaman qiima dhaca hannaanka waxbarashada oo gebi ahaan dhalanteed ah, yeelkadeede, waxa jira dedaalo aan roonayn oo ay laamaha Tacliinta rabaan in ay dhibaatadu xayndaabka ka gudbin, haddana sidaas oo ay tahay haddii aan dhibaatada Tacliinta ka jirta la barbardhigno dhacdooyinkii siyaasadeed ee dalalka kale ka dhacay qarnigii labaataan, kacdoonnadii qarxay dagaalkii koowaad kadib, jirdilkii xabsiyada iyo xasuuqyadii la geystay, ama haddii aan xitaa u eegno hiifkii iyo hawaawigii jirey si kasta oo barwaaqo iyo horumar carrada uga jirey. Waxa adag in dhibaatada Tacliinta si dhab ah loo dhugto ama xaaladda runta ah daalaadhacayso la garwaaqsado. Dheeldheel ayay u muuqataa, in barbaarinta ama waxbarashada loo maleeyo, dhibaato bulsheed oo kuwii qarniyadaas u soo dhawayn, ama aan waxbaba la wadaagin, isla markaana loo qaato dhibaato ka dhalatay habnololeedka geddisan ee ka jira dhulka Maraykanka, taas oo habayaraatee aan la helayn wax geddeeda oo kale ah oo adduunkaas ka jira.

Haddii aanba toodaa u raacno; dhibaatada Tacliinta ee dugsiyadeenna haysata, ma ay noqonayso arrin siyaasadeed, haayadaha waxbarashaduna ma awoodi doonaan in aysan dhab ah hagaajinteeda uga hawlgalan. Runtii xaaladdu way ka doolaalo dheer tahay, weydiinta ismakeekinta ah ee, “muxuu Jooni akhriska u kari la’yahay?” (Waa buug magacii), misna sidaas oo ay tahay, waxa loo arkaa inaan tilmaamayo dhibaatooyin kooban oo ku saabsan waddaniyadda iyo sooyaalka, taas oo ay saamayntooda ku eg tahay ciddii taageersan, malahooda ayaana imminka ah kan ugu xooggan oo fashilkiisu u muuqdo. Isaga ayay u taal qofku in uu xaaladda hadda taagan u qaato wax guud uun, wax walba oo haddeer dawlad qudha ka jira, waxa suurtowda in beri dhawna dal walba laga helo. Indhaba ha laga qarsado, qodobbaas baahsan ee qofka geyaysiinaysa in uu si aan fiicnayn isugu maleeyo in uu danaynayo dhibaato meel ka jirta, waxayna u badan tahay in uusan arrintaa xeeldheeri u lahayn, ( in kasta oo qudhaydu xeeldheere u ahayn). Qofku inuu hawshaas faraha la galo, waxyaalo taas sabab u ah ayaa la helayaa. Waxa u mudan in aan qofkaas si dhab dood ahaan loo bushin. Intaasi waa faallada afeefta u ah xaqiiqada adag ee dhibaatadan ku hareeraysan, waxay tirtiraysaa muuqaallada beenta ah, waxay kale oo burinaysaa aragtiyaha janjeedha ee hore loogu faaqiday, si goortaa loo hubiyo waxa naafeeyay ee Tacliinta gaabiska u horseeday. Dabadeed waa in la qeexo in uu aadmigu dunidan isagu leeyahay. Kolka aan iska xoorno fikradihii janjeedhay ee hore wax loogu gorfeeyay, waxan si fudud u boganaynaa inaan ka hawl yaraysannay jawaabo si aan ku talagal ahayn uga bixin isla weydiimahan aan wadanno. Dhibaatadan eegga taagan, waxay inooga baahan tahay inaan weydiimihii hore dib u naqtiinno, dib uga soo bixinno jawaabo cusub, go’aanna ka yeelanno.

Dhib ayay noqonaysaa haddii isla dhibaatadan aan faaqidaynno ku waajahno go’aanno hore loo falay, kuwaas oo runtii aragtiyo taabgaaban ahaa. Tabtaasi waxba inoo hagaajin mayso, waxa se ay ina seejin lahayd waayo’aragnimo cusub iyo kansho aan feker iyo maaro ku haaneedi lahayn. Dhibaata kasta oo baahsan waxa loo gorfaynayaa, sidii halis iman karta, mana aha in la dhayalsado duruufaha ku hareeraysan ee qaabeeyay. In kasta oo dhibaatada Tacliinta adduunka oo idil la tacaalayo, haddana astaamaha ugu daran ee dhibaatadaasi leedahay waxa laga helayaa Maraykanka, sababtuna waxa ay tahay Maraykanka oo qudha ayaa dhibaatada Tacliinta loo arkaa qodob siyaasadeed. Farsamo ahaan, qodobka run ahaantiisu waxa uu ku duugan yahay in uu Maraykanku weligii ahaa carradii soogalootiga, imaanshaha dadyowga kala isirka duwan—weli si dhammaystiran uma hirgalin, si dardar leh ayaa se loogu guda jiraa—waxa fudud in hannaanka waxbarashada loo dhex maro Mareekaynta ubadka, iyada oo ubadkaa badankoodu Ingiriisidu ahayn afkoodii hooyo, waxa lamahuraan noqotay in dugsiyada loogu dhigo. Dawlad ummadeed oo sida Maraykanka oo kale ah, dugsiyada intooda badan waxa ay moodayaan in shaqadaa guryaha lagu soo qabto.

Hase ahaatee, qulqulka dadka soogalootiga ahi door weyn ayaa uu ugu jiraa ogaalka siyaasadeed iyo bedqabka maskaxeed ee dawladda. Maraykanku dawlad gumaysi ma aha oo uma baahna dad badan oo ay dhulkeeda ku soo gurto, laakiin se shaqada siyaasadda ayay ku buuxsataa. Weli waa tanigii, waana uu ahaanayaa oo gaashaan adag ayuu u yahay baaqa xaanshiyaha Doollaarka ku daabacan ee ah (Maamulka Cusub ee Carro’edeg). Soogaalootiga iyo qaxoontiga Maraykanka soo gelaya ayaa ah qodobka ay cuskanayaan ee maamulka cusub tilmaamaya. Nuxurka uu (Maamulka Cusub) tibaaxayo waa in maamulkii hore ee gaboobay meesha laga saaro oo kan cusub la yagleelayo, waa in aqoondarrada iyo saboolnimada lala diriro. Sidaas oo ay tahayna xaqiiqada jirta ee uu hannaanka cusub ku curtay waxa dhuunta kaga taagan arrin ah in uu weli hannaankii duugga ahaa salka ku hayo, isla jeerkaasna ay noqonayso in “Yuutoobiya” la odoroso si hannaanka cusub loo waajaho. Ujeedka laga lahaa ma ahayn in codsiyada Imbiraaliga loo joogsado ama dadyowga kale la Masiixiyeeyo, iyada oo bilawgii hore xidhiidhadiisa debadda laga dheehanayay in ay tahay Jamhuuriyaddii qorshaynaysay cidhibtirka saboolnimada iyo addoonsiga, magangalyana siisay dadyowgii saboolkii ahaa ee la addoonsaday. Hadaljeedintii uu Joon Aadhmas soo soo saaray gugii 1765tii intii uusan Maraykanku madaxbannaanida qaadan, “Dhaaxaa sinnaanta Maraykanka loo hanweynaa oo mashruucii Buruufdiinas la hawgeliyay si jahliga loo tirtiro, gumaysigana looga dhiciyo dadyowga kale ee adduunka ku dhaqan.” Kaas ayuu ahaa qodobka la is wada ogol yahay, halkaas ayaana laga soo ambaqaaday waayaha siyaasadeed ee Maraykanka.

Hammuunta baas ee dadka Maraykanka ku dhaqan u qabaan wax kasta oo cusub ayaa noloshooda laga dheehanayaa, iyo sida ba’an ee ay ugu tiirsan yihiin “Suurtagalnimada Dabarkala’ ” taas oo ahayd aragtidii Toogfiil uu ‘hoggaaminta’ ku sheegay; aragti horumarineed oo wax boqol sano dhaw ku dhaw galbeedka ka horraysay ayaa ay uu muuqataa—sida ay tahayna danayn gaar ah ayaa ay u leedahay in soogalootiga taranta lagu boorriyo—ubadkaasina marka ay koraan ee ay kuray roonroon noqdaan ayaay (cusayb) ugu yeedhaan, tabtii ay Giriiggii hore carruurta u bixin jireen. Waa masalo run ah oo tibaaxaysa nuxurka ay tacliintu halkaas ugu jirto, haddana, iyada oo hammuuntan wixii cusub loo qabo ay guyaal badan jirtay, teer iyo qarnigii siddeed iyo tobnaad. Waxa ugubka ah in aragti ahaan Tacliinta iyo siyaasadda la isku lifaaqo, middaasina waxay ka timi Fikirka Tacliinta Hagaagsan ee ‘Hiraalka’ ah, waana aragtidii Roose ee ahayd in siyaasadda iyo Tacliinta la isku lifaaqo.

Aragtidani si toos ah ayaa ay Tacliinta ugu salaysan tahay, sidii in ay tahay arrin siyaasadeed, waxay u arkaan inay siyaasaddu tahay midkood hannaanka Tacliinta loo maro. Waaqeedba Tacliintu door weyn ayay ugu jirtay. dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee barwaaqada iyo horumarka ka sahamiyay dhalmada iyo carruurta, fahan darro aan loo aayin ayayna ka dhaxlayaan isbarbardhiggaas aan runta ahayn ee ay bartaas ka haaneedayaan. Waxa talamaroorsi ah fiicnaanta ay ka filayaan ubadka ay doonayaan in loo dhalo, kaas oo ay ula baxeen, (cusayb), si ay uga yeelaan wax dhab ah oo jiritaan sugan leh, iyada oo marka horeba taranka iyo carruurtu wax dabiici ah yihiin. Taas daraaddeed ayay reer Yurubku ugu arkaan in ubadka laga ambaqaado, haddii uu qofku bilow cusub doonayo. Aragtidaasi waxa ay ku ekayd dhaqdhaqaaqyadii kacaanka ahaa ee fogaa, kuwaas oo carruurta guryaha ka qaadan jirey si ay iyagu wax u baraan oo u maaxdumiyaan. Qofkii raba in uu kurayda roonroon wax u yeedhiyo, waxa uu si aan bannaanayn u doonayaa in uu fiicnaantooda dhalanka dooriyo ama dilo. Barbaarta qaangaadhka ah, yaan wax loo meerin.

Ereyga Tacliin, dhawaq silloon ayaa uu siyaasadda ku leeyahay. Tacliinta ay intaas afka ku hayaanna waa tab iyo xeelad aan awood ku jirin oo ay siyaasad ahaan rabaan in ay Tacliinta dhexdeeda ku fushadaan, waana in aan lafagurno oo aan si hufan uga soo dhex bixinno aragtidii argagaxa lahayd ee ay xambaarsanayd weedhii Aflaadoon ee lahayd, ” Ujeedka laga leeyahay in waayeelka talada laga fogeeyo, waa isla yagleelkeeda.” Waa aragtida ay ka leeyihiin Tacliinta carruurta iyo muwaadiniinta, si aysan talada siyaasadda wax door ah ugu yeelan. Haddii aan ka eegno dhinaca aragtidaa ay CUSAYBKA u bixiyeen, wax kasta waxay ugu soo gudbinayaan sidii inuu iyaga ka guunsan yahay, taas oo gobo’deedu tahay in aysan waxba ku darsan talada iyo xaaladda goortaas irmaan. Dabciga aadmiga ayaas tabtaas ah, fac walba waxa uu ku kacaamaa hannaankii ay wax ugu bilowdeen kii isaga ka horreeyay. Kolka ay tahay in fac cusub loo abaabulo adduun cusub, waxa aan la hurayn in iyaga naf ahaantooda laga boobo fursadaha cusub ee nolosha. Waaa kaas xaalka dhabta ah ee ka jira Maraykanka. Waa xaqiiqo xanuun badan, taas oo wax qallafsan oo laga warcelin karin ka dhigaysay weydiimaha horteenna yaal. Kuma ay koobna, Mareekaynaynta carruurta ee dugsiyada, iyo doorka ay siyaasaddu ku leedahay Tacliinta dadyowgii u soo hayaamay (Dhulkii qaxootiga), ee waxa iyana jirta oo aan la dafiri karin galaangalka ay ku bixiyaan carruurta waalidkooda, si ay uga taageeraan kalagoynta ubadka iyo hiddahooda, dabadeed run u moodaan addoonka cusub ee imminka joogaan.

Dugsiga ayaa laga ga dhaadhicinayaa inay adduun cusub joogaan, taas oo gebi ahaanba aan raad lahayn. Adduunka ay ubadka u awaalayaan xitaa Maraykanka gudihiisa waa mid duug ah, waa mid ay dad hadda nool iyo kuwa dhintayba dhiiggii iyo dheecaankoodii u hureen, cidda qudha ee la dhacsanna ama uu ku cusub yahayna ay tahay cidda qaxoontiga ku timi. Hasa ahaateee waxa ay u muuqataa in halkan marka la joogo beentu ay runta ku awood badan tahay, mana aha in lala yaabo oo waa kartida iyo waaya’aragnimada lagu yagleelay nolosha Maraykanka. Waa mid ka mid ah waaya’aragnimada amankaaga leh ee daahfurtay in maamulka cusub lagu abaabulo sooyaalka oo si negi ah loola jaanqaado. Maamulka Cusub waa weedh nuxurka ay tibaaxayso sooyaal hore ka soo xigatay, mana aha mid wakhtigan socon karta, mar haddii ay ka gaabisay inay saboolnimada maarayso. In kasta oo la odhan karo natiijooyin wax ku ool ah ayaa ay jeerkii hore lahayd. Tacliinta marka aan u fiirinno sida ka badbadinta ah ee aragtida cusboonaysiinta talaxtagga ah ugu hanqaltaagayso inay abuurto isbeddel aan raad lahayn, waxa ka dhashay midkood caqabadaha ugu daran ee qarniga haatan food saarayo. Marka u horraysa, aragtiyahan gurracan ee Yurubta dhexe ka soo bilowday, waxay bixinayaan baaqyo suurtagal ah iyo kuwa aan ahayn oo huga Tacliinta horusocodka ah huwan, waxayna ka mid tahay fikradaha waxbarashada ku saabsan kuwooda ugu dhumucda weyn. Tijaabo ahaan ayay aragtidaasi Yurub dhexdeeda ku koobnayd. Meelo kala duwan ayaa lagu dayay, dugsiyo iska kooban, xaruumo waxbarasho oo aan waxqabad badan lahayn, markii xigtayna si doqon magaratay ah ayay bulshada dhexdeeda ugu wada fidday, dabadeedna muddo shan iyo labaatan sano gudahood ah ayay sameeysay hannaankii hore ee barbaarinta iyo Tacliinta ee Maraynka oo idil.

Waan ka dhawrsanayaa inaan faalladooda gudagalo goobaha waxbarashada ee gaarka ah, siiba kuwa Kaatooliga Roomanka ah. Arrinta mudan in aan dhuganno; sida uu gebi ahaanba hannaankii barbaarinta iyo Tacliinta ee Maraykanku isaga xooray dhugmada togan, waxa uu tabtaa u yeelay si aysan isu hirdin hab barbaarinka casriga ah, isaga oo aan haba yaraatee u eegin in uu qumman yahay iyo in kale toonna. Tallaaboonyinka caynkaas ah, natiijooyin waaweyn ayaa ka dhalan doona, gaar ahaan dal ay siyaasaddiisu tahay mid ogaalwadareed ku dhisan. Run ahaantii, garaadka qumman ee aan wadaagno, waa ta innaga iyo dareemaddeena shanta inoo horseedda in fahanno dunida aan ku dhex nool nahay, taas oo aan beelnay ayaa se ah midda muujinaysa dhibta ugu daran ee maanta ina haysata, dhib kasta oo dhacdana qurub aan wadaagno ayay galaafataa. Si kastaba ha ahaatee, weydiintan iyo

warcelinteeda ah, muxuu Jooni u akhrin kari la’ yahay? Ama mid taas ka balaadhan oo ah, maxay qiimanta goobaha waxbarasha ee dugsiyada dhexe, uga hooseeyaan kuwa heerkaa dhexe ah ee waddamada Yurub dhammaantood? Taas garnaqsi u noqon mayso in la yidhaahdo, dalkani waa curdin, welina ma uusan heerka dalalkaas guunka ah, waxa se gar ah in uu intaas lidkeeda yahay, dalka Maraykankuna isaga ayaa maanta ugu horumarsan oo ugu casrisan. Arrintani se waa laba qodob midkood: Dhibaatada waxbarashada iyo barbaarinta ee bulshooyinka higilka ah oo weli meel kale oo aan Maraykan ahayn sidaas u gilgilin; iyo in fikradaha casriga ah ee waxbarashada iyo barbaarinta ku saabsan si dhayalsi leh markiiba loo aqbalay, iyada oo aan si dhab ah loo naqdin. Sidaad darteed, dhibaatada Tacliinta ee Maraykanku dhan waxay muujinaysaa, hagaasitaanka horusocodka Tacliinta. Dhinaca kale, waxay tusinaysaa xaaladda qallafsan ee ay eersatay, sababtoo ah waxa kolkii hora lagu dhisay baahiyaha iyo duruufta busha tira badan oo higil u qaabaysan.

Qodob kale oo guud ayaan halkan iska fiirin doonnaa, si toos ah dhibatada ulama uu xidhiidho. Balse in ay ragaaddo ayuu qayb ka qaatay, waa fahanka sinnaanta ee nolosha siyaasadda ee Maraykanka, waa mid aan ahayn in sharciga loo wada siman yahay, mana aha tirtiro kala sarraynta dabaqadaha, waa mid xitaa ka xeeldheer in fursadaha nolosha ee jira loo wada sinnaado. Fikirka dadka Maraykanka waxbarashadu waxay u tahay xuquuq shacab oo lamahuraan ah, waxa se uu ku kooban yahay heerarka waxbarashada ee dugsiga sare, ha ahaatee, ha ahaatee, ha ahaatee xuquuqdaa waxbarashadu ma ah mid u dhiganta taa Yurub, wax dhif ah moojee. Da’da ay waxbarashadu waajibka tahay oo tan iyo lix toban jirka ayaa keenaysa in dugsiga sare loo gudbo, tabtaasi waxay noqotay in barashada dugsiga sare noqoto joogtayntii dugsiga hoose laga soo bilaabay, gaabiskaa dugsiyada sare haleelay ayaa abuuray in diyaarinta waxbarashada sare gacantu u galaan kuuliyadaha kala duwan, taas oo hadhaw iyagana si taban u saamayn doonta waxqabadkooda.

Waa laga yaabaa, jeerka hore in loo maleeyo dhibaatadu inay ka timi bulsha tira badan oo aysan waxbarashadu ku koobnayn dadka hodan ah uun. Xagga aan Iglan aan ka fiirinno; dabaqadaha kala duwan ee bulshadu si siman ayay waxbarashada dugsiga sare u galaan, waxa se la wada og yahay in aysan xaaladdu tabtaas wada ahayd muddo dheer. Waxa jira Iglan in ardayda dugsiyada hoose dhexe ay ee kow iyo toban jirrada ahi galaan imtixaan adag, kaas oo ay adag tahay in si fudud looga gudbo, tira kooban oo boqolkiiba toban ayaana ka gudubta oo waxbarasha sii wata. Xitaa Iglan lafteeda, xulasha caynkaa ah iyada oo aan gadood ka dhalan ma aysan fulin, wax aan suurtagal ahayn ayuuna Maraykanka ka noqon lahaa, waaba uu yahay. Iglan waxay u xuubsiibanaysaa in ay abuurto hannaan mudnaansiin ah, runtiina aan lahayn ujeed dhaqaale, balse ah mudnaansiin kartiqofeedka ku salaysan. Kol haddii aysan reer Iglan middaas garawsan, waddanku tabtaa ayuu ahaan doonaa, tabtii uu guyaal iyo guyaal loo soo ahaa, haddii xitaa ay dawlad hantiwadaag ah haddii ay jirto, ma aha xukun boqortooyo, ama mid dimuqraadi ah, waa se in uu Arostakraadi noqonayo, Arostokraad ujeedkeedu waxa uu yahay in kuwa hibada leh ay ka habboon yihiin kuwa aan lahayn, taas oo ah, wax aad u qaab daran. Marayanka se waxay taasi u muuqataa mid aan sinaha loo aqbali karin, in carruurta kalasooc qofeed lagu sameeyo, loona kala saaro kuwa hibo leh iyo kuwa kale. Ha ahaatee, hannaankaa mudnaansiinta ahi, waxba ma uu yeelayo aragtiyaha sinnaanta, iyo dimuqraadiyadda isudheellitirka ah, ugu yaraan intii ay Olokshaariyad kale u geysan lahayd.

Dhibaatada ba’an ee Tacliinta ka jirta waxa cirkaa ku shareeray, waa siyaadadda qallafsan ee dalka, taas oo iskeeda ula harjadaysa —intii karaankeeda ah —inay gundhigto sinnaanta dhalinyarada iyo dadka waaweyn, ama in ay wada sinto kuwa hibada leh, iyo kuwa lahayn, gebagebadiina, si isku mid hawshooda wax loogu darsado, ubadka iyo qaangaadhka, gaar ahaan, barayaasha iyo ardayda. Waa ay muuqataa in sinnaantaas hirgalinteedu awoodda macalinka gabi doonta, si aad ahna wax ugu dhimi doonta arayda hibada leh. Sidaas oo ay tahay, ciddii ka war haysa hannaanka Tacliinta Maraykanka, waa uu og tahay dhibaatadan oo ku xididaysan siyaasadda waddanka, misna in ay arrima badan ku qoofalan yihiin, xagga bani’aadanimada uun ma aha, sidoo kale heerarka tacliinta iyo barbaarinta. Hayeeshee, qodobbadaad guud laguma dhaafi karo dhibaatada imminka taagan, loogana garaabin tallaabooyinkaas dhibaatada sii bullaaliyay.

Qaab qodoboysan ayaan u soo bandhi karaan habraacyadaa waxyeelladaa dhaliyay, saddex fikradood ayaa asaas u ah.

Fikradda koowaad: In la aqbalo adduun carruurta gaar u ah, iyo bulsho iyaga ka kooban oo u madaxbannaan yihiin, farahana laga qaado intii la karo, waayeelku aysan ku darsan, wax aan ahayn in ay taageeraan ismaamulkoodaa. Maamulka iyo awoodda jaangoynasa wixii uu cunuggu fali karo iyo wixii kalaba, isla carruurta laftooda ayay ka go’daa. Waxay taasi abuuraysaa—iyo waxyaalo kalaba,—xaalad uu waayeelkii iyo carruurtii kala qaarmaan, iyada aysan jirin wax iska warhayntaa ka baxsan oo ay wadaagaan, isla markaana aan awoodin in uu u sheego waxay tahay in uu falo, in laga hor tago wax xun oo uu dhici lahaa. Tabtaas ayuu u burburay xidhiidhkii dhalanka ahaa ee ubadka iyo waayeelka lahaayaan. Fikradda koowaad kooxda ayay qiimanaysaa iyada oo ilmaha qof ahaantiisa u dhaadayn. Ilmuha se tan ayaaba wixii hore kaga daran, haddii ay xitaa kooxda carruurta tahay, taas oo kaba qallafsan talada iyo maamulka qof keligii ah gacanta ugu jirta, iyada oo aysan jirin wax fursad ah oo uu isku wax ugu falo, iyo haddii uu dabindhuudi karo. Habayaraatee ma jiro wax loollan ah oo ka dhexeeya isaga iyo qof aysan isu dhigmin, kaas oo uu iskadhicintiisa heli lahaa taageerada cid kale, ugu yaraan carruurta filkiisa ah, waxana halkaas ka soo baxday wax ayaandarro lagu qeexi karo; waa qof qudha oo waajaya dad fara badan oo kale. Dadka waaweyn laftooda ayaan xaaladdaas iska caabbin karin, iyada oo uusan jirin cadaadiska kor kaga imanaya, carruuta gebi ahaantood maba awoodaan.

Carruurta in waayeelka gacantooda laga bixiyo xorriyad ku heli maayaan ee waxa gacanta loo gelinayaa awood kale oo taas ka arxan daran oo ka cadaadisa badan, waana talada iyo gacanta wadarta xooggan, si kasta oo la yeelana, ubadka haddii gacanta waayeelka laga fogeeyo waxa hubaal ah in ay laba midkood ka dhalanayso: Faraha inta laga qaado in uu sidii uu jecel yahayba sameeyo iyada oo aysan wax xakamo oo celin kara, ama waxa uu u sandallaysnaan doonaan adyadda iyo aabiga kooxdaas filkiisa ah oo uusan ka lug bixi karin, kooxdaas iyo ilmaha yari isma fahmayaan, lama na doodi karo, meel kale oo uu ku eertana ma jirto oo waayeelka waa tii laga fogeeyay, marka waxa ay noqonaysaa in uu ilmaha yari cadaadiskaas laba arrin midkooda kaga warceliyo, mar in uu isu yeelyeelo ama in uu lumo oo dhaqanxumaado, inta badanna labada oo isku sidan in uu ku dhaco ayaa laga fili karaa cadaadiska iyo culayska badan ee uu la kulmay.

Fikradda labaad ee masaladan dhibaatada Tacliinta ee hadda jirta ku dabran: Waa qodobka waxbarista. Beedagoojigu waxa uu si guud ugu nuglaaday saamaynta aqoonta Kasma’nafeedda iyo aragtiyaha Baragmaatiga, waxbarista na si gaar ah ayaa ay taasi u taabanaysaa, waxana la moodaa in xiisadda Tacliinta meesha laga saaray. Innagu waxa aynu u qabnaa inuu macallinku wax kasta dhigi karo, isla markaana loo layliyay in uu wax dhigo ee uusan xiisad go’an ku koobnaan. Sida aan gadaal ka fahannay arrintaasi waxa ay ahayd mid hannaanka wax barista si adag ula xidhiidha, beryihii u danbeeyayna waxa ay keentay barayaasha dugsiyada sare jooga in ay dayacaan xiisadihii ay sida gaarka ah ugu xeeldheerasyeen. Haddii uusan baruhu lahayn khibrad dheeri ah oo xiisado gaar ah ku eg, waxa ay keenaysaa in isaga iyo ardaygu aqoon ahaan noqdaan kuwa u siman xiisaddaas, ma aha in aad diidayno hanaan kale oo ardaydu aqoonta ku kororsan karaan, hasa ahaatee, waxa aan doonaynaa in aan golaha ka saarno barayaasha gacanta jilicsan ee aan lahayn wax karti ah oo ay ardayda wax ku bari karaan, isla mar ahaantaasna loo keeno macallin xeeldheere ah oo waxa uu dhigayo xirrib iyo xeelad dheeri ah u leh oo gudbin kara.

Aragtiyahaaa cusub ee Tacliinta cusub ku saabsani, waxay waxbarashada sare iyo hannaanka tacliinta ku qalqaaliyeen in ay door weyn ku yeeshaan dhibaatada imminka Tacliinta riiqday. Dhab ahaantii aragtiyahaasi waxay ba si toos ah u dhaqangelinaysaa habraacii fikraddii saddexaad ee aan hore ku soo xusnay, waana aragti adduunka cusub ee hadda joogay qabay, fikirka baragmaatiga ayaa ayna ku bullaadhay oo ay sedkeedii ka heshay. Aragtidan nuxur ahaan qodob seeska u ah ee ay tibaaxayso, waxa ay ka dhigeen, garashada iyo fahanku waxa door weyn ka qaata oo kaaba dhaqangelinta —sida fekraddaasi qabto—wax aynaan innagu fal ahaan u qaban ma garan karo. Sidaas in majaalka Tacliinta loogu dardargeliyo way fududdahay, waana si falgalaysa oo shaqo leh waxbarasho loo dhigaa, haddii aynaan sidaas yeelin oo aynaan baraha siin kalsooni uu kartidiisa si dhiirran wax ugu soo gudbiyo, waxa ay noqonaysaa in ay sidii dhaqanku ahaa Tacliinta ku koobno, ubadkuna aqoon tayo leh kororsan maayaan oo sidii hore ayaa ay waxbaristu ahaanaysaa habka aqoon loo dheefsado, ujeedkuna halkan looga gol leeyahayna ma aha in aqoon caydhiin kororsado ee waxa la rabaa in uu ardaygu xirfad, fekraddaas la hirgeliyay waxa ay abuurtay gadgaddoon ku yimi hannaankii Tacliinta loo diyaarin jirey oo u ekaaday goobaha xirfadaha shaqada lagu barto, guula muuqmuuqda ayaa ay taasi keentay oo lama dafiro karo, sida in laga bartay wadida baabuurta, barashada teebka, iyo xitaa qofka oo bulshada si hagaagsan ula dhaqma, taageero xooggan ayayna taasi kicisay. — Nolol ahaan waa tab wanaagsan, hayeeshee, waxa ay taasi baylihisay wax badan oo ay ahayd in carruurta dugsiga la casharraadaas loogu dhigo.

Sidaas oo ay tahay, dhaleecayntaas aan huwinnay waxa ay u muuqataa in aan ka badbadinnay, hasa ahaatee, aragtidaasi waxa ay abbaarteedu ahayd in waxbarashada iyo dheesha aan la kala soocin, dheesha iyo ciyaarta waxa aan u arkaynay qaabka ugu roon uguna firfircoon ee ubadku nolosha ula falgali karaan, sidoo kale, ciyaartu waa habka ugu dhaw ee ilmuhu ku muujin karo carruurnimadiisa, waxa aan u naqaannay in uu dheesha wax ka barto kolka oo iska xaraaroonayo, taas oo ah waxa ugu habboon ee uu sameeyo, iyo weliba hannaankii hore ee duugga ahaa ee wax loo baran jirey oo haddii cunuggu arrin ku dheeraado laga yaabo in ay dhabqiso xiisihii iyo niyaddii uu in uu waxbarto u hayay. Tabtaas oo kale barashada afafka waxa laga dheehanayaa sida ay labadaas qodob isku soohan yihiin, barista oo ficil loo rogo, falka oo dheel loo beddelo, waxa mudan in uu cunuggu afka hadal u barto, waxa looga jeedaa in uu xeerarka higaadda iyo dhisitaanka weedhaha hadal ahaan u barto ee aan lagu daalin xeerarka dhigaalka ah ee caydhiin, haddi si kale aan u dhigno, ubadku afafka qalaad waa in ay u bartaan sida afkooda hooyo oo kale iyaga oo ku dhaqmaya oo ku dheeldheelaya oo aan wax gaabis ahi gelin noloshooda caadiga ah. Haddii aan dhinac iska dhigno arrintaas suurtagalnimadeeda iyo la’aanteedba, ‘taasi waxa ay suurtagal noqon kartaa haddii uu cunuggu joogo deegaan afkale oo qalaad lagaga hadlayo’ run ahaanna hannaankaasi waxa uu naafaynayaa meertadii dhallaanimada oo intii ay ahayd ka badan sii ragaadinaysa cunnuga, waxa laga rabo in halkan lagu dhaco madaxbanaanida dhallaanka, waa ujeed looga gol leeyahay in ubadka nolosha dadka waaweyn lagu jujuubo si halkii ubadku ay iska dheeldheeli lahaayeen shaqo aysan awoodi tamarta iyo hiddaha dhalanka ah lagaga dilo.

Si kasta oo wax uga dhexeeyaan aqoonta iyo dhaqangelinta, si kasta oo uu yahay cabbirka iyo hannaanka aragtida baragmaatiga ahi xambaarsan tahay, hannaankaas in Tacliinta laga hirgeliyo, in ubadka sidaas wax loo baro oo adduun iyaga u gaar ah loo tixgeliyo, sidii aan ku soo aragnay fekradihii seeska ahaa tii u horraysay, madaxbannaanida dhallaanka loogu soo gabbanayo ee la rabo in lagu koobo adduunka dhallaanku leeyihiin, haddii aan u raacnaba sida ay iyaga damacsan yihiin, waa adduun gacan ku rimis ah oo yoolka laga leeyahay uu yahay ubadka iyo waayeelka in la kala gooyo, haddii xitaa waxbaris iyo dhaqan kaleba ahaan lahayd, waa fekrad diidanba ubadku in ay yihiin abuur korayso oo kocbaysa, dhallaanimaduna tahay meerto koritaan ah oo ubadku inta ay barbaaraan kurey roonroon noqon doonaan. Waxqabadyada hagaagsan ee aan ku talo jirno in aan qabanno weli hawshooda ayaan gacanta ku haynaa oo ma aynaan goosan, waa tab aan doonano in aan eelka ku bixinno oo cid aan qolyahaas Maraykanka ahayn u oollin, aniga qof ahaantayda ma lihi kartidii aan ku faaqidi lahaa arrimaha farsamada ee masaladaas ku saabsan, mudnaan weyn oo xilli dheer la dheefsan doono ayaa ayna u leedahay barnaamijka EELBIXINTA TACLIINTA DUGSIYADA DHEXE SARE ee waddamada adduunka oo idil, si ay ula jaanqaadaan isbeddelka iyo hawlaha uu casriga cusub wato, weydiinta sida gaarka ah inoo taabanaysa ee ay tahay in aan abbaarno, waxa ay leedahay, maxaa uu yahay doorka ibtilada wakhtiga cusub ku leeyahay dhibaatada Tacliinta? Maxaa ayse noqon karaan waxyaalihii hawsha iyo hadalka inagu dhaliyay mudadaas dheer oo dhan, innaga oo si gurracan oo xiska fiyow aad uga fog u galnay hawlahaas? Weliba, waxa habboon in aan dhugano, wixii aan ka fahannay ibtiladaas casrigu abuuray ee Tacliinta iyo ababinta saameeysay, uma aan jeedo, wixii aan ka garaabnay ee aan ka barannay gefafkii dhacay iyada oo laga dhawrsan kari lahaa, waxase aan u gol leeyahay waa sidii aan u fahannay doorka ay Tacliinta iyo barbaarintu ku leeyihiin hanaqaadka ilbaxnimada iyo xilkasnimada ay bulshada kasta u laadahay barbaarinta carruurta. Weydiintan danbe warcelinteeda ayaan gorfayn doonnaa.

Ifafaalaha muuqda, waxa laga yaabaa dhibaatada barbaarinta haysata in ay hawlo kale oo waaweyn adduunka ka abuurtay, misna in aysan sidan oo kale belo weyn u oogin baa dhici karta, gedgedoonkii waayahaana kuwan ay bulshada casriga nooli taqaan isu jaad yihiin. Barbaarinta kaalin mug weyn oo aan la huri karin ayaa ay nolosha aadmigu ugu jirtaa, isbeddelkuna weligii gaabin maayo oo waxa keenaya ubadkaas dhalanaya ee hadba nolosha soo martinaya, isla markaana imanaya iyaga oo aan aqoon waxa ay kala kulmi doonaan. Waxay noqonaysaa gacanta barbaarinta in galaan iyaga oo laba xaaladood ku sugan. Ta koowaad; waa sidii abuur cusub oo yimi adduun uu galti ku yahay, ta labaad; cunuggu waxa uu ku jiraa meerto koritaan ah, dabadeed inta uu ilma yar ka koro noqonayo barbaar, mana aha xaalad la iska wada garan karo oo ta noolaha kale oo dhan la caynad ah, duruuf qallafsan oo uu nolosha iyo adduunka siyaalo murugsan oo u waajahayo ayaa uu u gudbayaa. Ilmuhu koritaanka waxa uu kala siman yahay noolaha oo idil, haddii aan nolosha iyo geedi socodkeeda u eegnana, waa qof aadmi ah oo meertadaas ku jira, sida ay bisadda dhasha ahiba u tahay bisad meertadaas koritaanka oo kale ah maraysa. Balse mid taas ka duwan baa jirta, ilmuhu ma aha abuur cusub oo noolaha ka geddidan, waxa se uu yimi adduun iyo waayo uusan hore u soo arag intii uusan ifka u soo bixin. Noloshaasi way jiri doontaa, waxana habboon in uu ku dhaqmo oo noolaado inta uusan geeryoon. Haddii aysan jirin lahayn ubad iyo cid kale toonna oo dhalanaysa, barbaarintu waxa ay iska ahaan lahayd tab nololeed oo aan wax qiima ah oo buuran lahayn, isla tabtaa ay noloyaasha kale oo dhan ubadka iyo dhallaankooda u barbaariyaan..

Hayeeshee, waalidku sidaas oo qudha ma yeelaan oo ubadka ay dhalaan noloshoodu kuma eka oo qudha intaas ay uurka ku sideen ama sinta ku wadeen, adduunka ayay ku sii daayaan, markaas ayayna laba xil oo ababintooda u baahan tahay dhabarka u ritaan. Mar waa in ay ubadka noloshooda dhawraan. Kolka xigtana waa in ay adduunkan ay keeneen ku ilaaliyaan oo intaas dedaal ku bixiyaan si aysan u dhantaalmin. Waase laba xil oo aan is keenayn, maxaa yeelay, waa laba arrin oo midba ka kale uu halis ku yahay, sidaas awgeed waa in uu adduunka xumaantiisa ka dhawro si uusan u lumin, sidaas mid la mid ahna waa in adduunka laga ilaaliyo halista iyo burburka ay keenayaan martidan ku soo qulqulaysa ee uu fac kasta keenayo. Haddiiba uu cunuggu u baahan yahay in laga dhawro halista uu adduunkani u geysanayo, sidii ay weligeedba ahayd daryeelka qoyska ayaa ahaa meesha ugu habboon ee uu dhibtaas kaga negaado, gerbiyadaas qoyska ee afarta ah ayaa uu qoyska laga yagleeyay waana meesha ay barbaarta eerato ee iyaga iyo adduunka fidsan ee kale u dhaxeeya. Xayndaab uusan isaga la’aantiis hanaqaadi karin ayaa uu qoysku uga dhigan yahay, arrintaasina nolosha cunnuga oo qudha kuma koobna, nolosha aadmiga oo idil baa taas u baahan haddeer, adduunkaas fidsan ee ayaa ku dhex limbatay oo jaadgoonidisii ayaa uu sii baylihinayaa markii uu waayay ilaaladii ka haysay adduunkaas, ubadka iyo dadka kalana adduunkani waa ay wadaagaan, waxa aan uga jeedaa adduunka uu qof waliba haya hawshiisa gaarka ah ee noloshan mudnaanta u leh, hasa ahaatee, adduunku sidaas waxba inooguma oga ee aan nolosheenna ka haysanno oo ka ilaashanno.

Noloshu jaad kasta oo ay tahay —tan dhirta oo keli ah ma sheegayo—si guudba mugdiga ayaa ay ka soo mudhaa, in kasta oo ay dabiicad xooggan waddo oo ay iftiinka u janjeedho waxa ay rabtaa ilaalo mugdigaas ka xigta si ay u hanaqaaddo, waxana laga yaabaa in arrintani tahay sababta ay u hagaasaan ubadka dadka caani ahi dhalaan, caannimada ayaa ka soo dustay derbiyadii qoyska ee ku meegaarsanaa, wax kasta oo u qarsoonaana bannaanka ayay u soo saartaa, ceebahooda ayayna sii faafisaa, markaas ayaa uu cunuggu waayaa dunidiisii gaarka ahayd ee uu ku nabdoonaa, tabtaas ayaynu ubadka u qarribkaa kolka gudaha u galno adduunkaas xariirta ah ee ay negida ku yihiin, waxana aan u jeedaaa ururka carruurta waxana ay u bixiyeen ee la rabo in waayeelka tabtaas looga fogeeyo. Kooxahaas waxa ka muuqata nolol wadar loo wada falgalayo oo hannaan gaar ah loo agaasimayo, waase mid dhalanteed ah oo si kasta oo ay isugu dayaan aan run noqonayn. Ubadka oo meertada abuurta weli ku jira oo aan aadmi dhammays ah noqon ayay doonayaan in ay noloshaad wadarta ah ku guud furaan, waa meesha ay ibtiladu ka taagan tahay ee gunaadka madow yeelatay.

Run ahaantii hannaanka barbaarinta casriga ahi iyada ayaa cunugga hagaasinaysa oo koritaankiisa wiiqaysa kolka ay rabto in ay deegaan isaga u gooni ah u samayso. Arrintani waa mid walaac abuuraysa, ubadka waa ay hagardaamaynasaa, waxana ay ku doodaysaa in isaga u adeegayso. Hannaankii hore ee lala qabsadayna in ay ka saarto ayay rabtaa, waxa ayna ku andacoonaysaa in aysan ku habboonayn oo aysan maarayn karin dabeecadiisa xeesha dheer iyo baahiyiisa asaasiga ah. Haddii aan xusuusinno, halkudhegyadii “Waagii carruurta” waxa uu beegsanayay in ay qodobkan danbe laga saaro xeerka tarbiyaynta barbaarta soo kacaysa. Hayeeshee, maxaa sidaas oo dhan ugu seegeen oo u tixgelin waayeen wakhtiyada hore ee cunuga maro si uu u koro oo u kacaamo, weliba si ka fiican tabta ay barbaarta ka yeeleen, in kasta oo aan ognahay in ay manhjadyadii hore oo dhan gefkeedu ahaa in ay cunugga u tixgaliyeen “qof da’yar”.

Eelkani ma aha mid si toos ah waxbarashada ugu aroora, waa xaalad ku saabsan, fikir iyo xukunno hore oo laga falkiyay dabeecadda nolosha gaar ah iyo dunida guud, iyo xidhiidhka ay wadaagaan, kuwaas oo bulshada casriga baadisooca u ahaa teer iyo bilawgii casriyadan danbe, baraayasha ayaana qodobbadaas sidii wax dabiici ah u qaatay, kolkii ay jeer danbe go’aansadeen in ay waxbarashada xoogaa casriyeeyaan, iyaga oo aan ka fekerin saamaynta daran ee ay arrintaasi ubadku ku yeelan doonto. Baadisooca bulshada casriga ah leedahay, waa in ay nolosha u arkaan — in kasta oo aysan ahayn wax dabiici ah — nolosha adduunka ee qofka ama qoyska, khayrka ugu sarreeya, sidaas darteed, bulshadan casriga, isaga oo ka duwan umadihii ka horreeyay, waxa uu daaha ka feyday oo barabixiyay goonidii iyo uruursantii ay bulshadu lahayd, isaga oo debedda u soo bixiyay iyo guud ahaanna loo wada jeedo, waa kaas nuxurka dhabta ah ee ay leedahay xoriyadda haweenka iyo xoogsatada, ma aha in ayihiin shakhsiyado madaxbannaan, waa in ay gudanayaan hawl lagamamaarmaan u ah habsamisocodka iyo badqabka nolosha bulshada.

Ubadka waa ciddii u danbaysay ee ay xorayntaasi gaadhay, balse xorriyaddii xoogsatada iyo haweenka mid dhab ah ayay ahayd — sababtoo ah haween iyo shaqaale oo qudha ma aha, waxay leeyihiin shakhsiyada madaxbannaan, iyaga oo gar u leh oo dunida guud ka soo muuqdaan ii wax arkaan, waxna maqlaan — ubadku dhagar iyo dheeldheel ayay ku tahay, maxaa yeelay, weli waxay ku jiraan, marxalad nololeed oo koritaan ah, taas oo ka mudan doorka shakhsiyadda. Sidoo kale bulshadan casriga ahi waxay kala lumisay garashadii ay ku kala sooci lahayd, wax gaar ah iyo wixii guud, wixii qarsoodida uun ku kobci kara, iyo wixii ay tahay in uu guudka u baxo oo bannaanka laga wada arko. Kolka walba oo bulshada wixii guud iyo wixii gaar ahaaba meel isugu gayso, xaaladda ayay ku sii cakirtaa ubadka, iyaga oo dhawrsanaan iyo badqab u baahan si ay wacnaan ugu barbaaraan.

Si ay kasta oo ay halistoodo u noqoto go’aankaa koritaanka dabiiciga ah ee carruurta waxyeellada ku ah, misna waxa dhab ah in aan ogaan loogu kasin. Dedaallo kasta oo waxbarashada casriga bixisayna waxay ku salaysnayd liibaanta ubadka, haddii ay dedaalladaasi sidii laga rabay aysanna noqonno, waxba arrintaa dhab ahaanshaheed kama beddelayso. Xaajadu se waa ay ka duwan tahay barbaarinta jihaysan ee da’da carruurnimada kadib, barbaarta — martida cusub ee galtiga ah — kaas oo ku dhashay dunida ka horraysay oo uusan weli waxba ka aqoon. Hawlahani waxa u xilsaaran oo iska leh dugsigada, haddii aysan iyaga keligood laga doonaynba, sababtoo ah dugsiga ayaa waxbarashada iyo barbaarintaba u xilsaaran. Arrintani fashilkeedu waa qodobka u badan ee Maraynka ku soo noqnoqda, maxaa fashilkaasi salka ku hayn karaa?

Sida dhabta ah, dugsigu waa barta uu ilmuhu dunida kale kala jaanqaado, balse dugsiga laftiisu ma aha dunidaa, mana aha in uu sidaas u muuqdo, dugsigu waa xaruun qoyska iyo dunida furan u dhexaysa, doorkeeduna waa in ay suurtagaliso guuritaanka uu ilmuhu guriga iyo dunida guud ugu kala guurayo, dawladda ayayna tahay in ay geyso ee qoyska taasi uma ay taallo, waxana laga yaabaa in ay carruurtu dugsiga u arkaan in uu dunidaa kale u taagan yahay. Marxaladdan jeer kale ayaa la doonayaa in ay dadka waaweyni doorkooda gutaan, kaas oo aan korintiisa oo qudha ku ekayn, waxa se looga baahan yahay in jiritaankiisa gaarka ah iyo hibooyinka iyo kartida uu qof ahaan u leeyahay kobicyaan, taas oo ah sumadda iyo baadisooca uu qof walba mid kale kaga duwan yahay, tusaysana in uu yahay abuur gooni ah oo aan hore dunida u jirin. Inta uu ilmuhu curubta yahay ee aanu weli dunidan waxba ka aqoon, waa inaan aayar u garab galno oo ula falgelinnaa, si ay curubnimadiisuna u qaadhin oo taya u yeelato. Dadka waaweyni dunidaa iyaga ayaa metelaya oo u taagan, xilkiisuna dushooda yahay, iyada oo laga yaabo in ay sir iyo caadba ugu taamaya in uu tabtaa ka geddisnaado.

Masuuliyaddaas dhayal looma saarin dadka waaweyn, balse waxa ku duuggan xaqiiqada ah in ay ubadka u gudbinayaan adduun ay og yihiin in uu joogto is bedbeddalayo. Qofkii uu doono ha noqdo, ruuxii aan doonayn in uu xilkasnimadaa yeesho oo qaato doorkiisa adduunkaa ku aaddan, ma geyo in uu ubad dhalo ama uu barbaarintooda u dhawaado. Barbaarintaasi hannaan awood maamul ayay noqonaysaa, hayeeshee, awoodda maamul ee baraha iyo xirfaddiis baranimo hal wax oo qudha ma wada aha. Halka xoogaa xirfadnimo oo sugan uu awoodda ku hanan karo, xirfad aad u sarraysa oo keli ah maarayntaasi kama ay wada iman karto. Xirfadda baruhu waxay ku salaysan aqoontiisa adduunkaa, iyo kartida uu u leeyahay in dad kale wax ka baro, balse maamulkiisu waxa uu ku saabsan yahay dusha uu u leeyahay in dunidaas xilkeeda isagu qaado. Ilmahana waxa uu baraha u arkaa in uu dadkaas waaweyn oo idil isagu metelo, wax walbana faahfaahintiisa siinayo, isaga oo leh: Adduunkayagu waa kaas.

Giddigeen waan la soconnaa maanta, sida ay xaaladdu tahay, marka awoodda laga hadlo. Qof kastaba si ha ula muuqato, misna waxa dhab ah in aysan awooddu wax door ah oo la sheego nolosha iyo siyaasaddaba ku lahayn — iyada oo aan waxyeellada iyo argagaxa ay talisyada macangaga ahi adeegsadaan awood dhab ah lagu tilmaami karin — ama in ay awooddaasi noqoto mid had iyo goor muran iyo ismaandhaaf abuurta. Arrintaas waxay faaqidaysaa, in aan cidina doonayn in lagu halleeyo waxa dunida ka socdo, ama xilkaas isaga lagu ogaado. Xilkasnimada runta ah waxa raacsan in uu dusheeda yeesho oo waxa dunida ka socoda si dhaw ula socdo. Haddii ay dhacdo in gebi ahaanba awoodda laga bixiyo nolosha iyo siyaasadda, waxay u badan tahay in ay ahaan doonto in uu qof walba iskii u qaado xilka nolosha iyo dunida ka taagan. Hayeeshee, taasi waxay u dhigan tahay in dabiicadda nolosha iyo baxaalliga adduunka si ogaan la’aan ah loo dafiryo, ama kasba loo diidayo, isla markaana la iska fogeeyo bixinta amarrada iyo fulintoodaba.

Waxan muraan lahayn labada dhinacba — Sinnaanta xeesha furan iyo diidmada hannaankaasiba — in ay qayb ku leeyihiin awoodda oo baylah noqotay casriga haatan. Labadooda qola si isku mid ah ayay isugu lammaan yihiin oo way adag tahay in la kala saaro, mana jiro maanta wax la mid ah madmadawgaas awoodda ka dhex jira. Hayeeshee, arrinta barbaarinta carruurtu aad bay xaaladdaas uga duwan tahay, caruurtuna ma diidi karaan barbaarinta, sidii oo ay dadka waaweyni gaboodfal ku hayaan, — in kasta oo geddaa lagu dayay carruurta, sidii in ay yihiin dad laga tira badan yahay oo ay tahay in la xoreeyo, run ahaantiina taba dhawr ah oo qaabab waxbarasha casriga ah ayaa sidaas lagu tijaabiyay. Hayeeshee, waxa xaqiiqada ahi waa in ay dadkaa waaweyni iyagu awooddaas gabeen, taasi hal wax uun ayay noqonaysaa: Waa in ay dadka waaweyni diidayeen in ay yeeshaan xilkasnimada ubadka ay iyagu dunidan keeneen. Waxa hubaal ah in uu jiro wax ay wadaagaan maamulka guud ee nolosha iyo siyaasadda iyo ka hor dhumitaankeeda waaxyaaha gaarka ah, qoyska iyo dugsiga oo kale. Kol walba oo maamulka guud laga kalsooni baxo, waxa badan suurtagalnimada ay nolosha gaarka ah ugu sii gudubto. Qodob kale ayaa se jira, ama waxaba la odhan karaa waa jaangooya, waa habfikirkeenna guunka ah ee in awoodda waalidku ubadkooda u leeyihiin iyo tan barayaasha u aragno muunaad aan awoodda siyaasadda ku fahmi karno.

Muunaddan oo soo jirtay — teer iyo waagii Aflaadoon iyo Arosto — ayaa asal u ah madmadaw faraha badan ee awoodda siyaasadda ku baahsan. Horta uu ku salaysan yahay kala sarrayn dadka waaweyn dhexdooda ah, taas oo aan milgaha karaamada aadmiga ku banaanayn, marka xigta; isaga oo tusmada barbaarinta xulaya; waxa uu cuskanayaa in ay kala sarrayntaasi tahay mid kumeelgaadh ah, waxa se uu burayaa kolka lagu saleeyo xidhiidho aan xaalad kumeelgaadha ah ahayn, sida taliyaha iyo lootaliyaha, sidaas darteed, waxa iska caadi ah in awooddii siyaasadda ee luntay daannadeeda ta gaarka ah ku sii baahdo. Marka uu xaalku sidaa yahay, wax lala yaabo ma aha in bartii ugu horraysay ee awoodda siyaasadda lagu wiiqay — Oo Maraykanka ah— in ay noqoto isla goobta ay ka jirto dhibaatada ugu daran ee waxbarashada cusub haysata. Awoodda guud in la waayo, waxa ugu habboon ee loo aanayn karo waa in uu siyaasadda ku dhex milmay, taas oo awoodda ka dhigtay, sidi amar samada ka yimi oo ka madax bannaaan is beddellada taariikhda iyo duruufaha siyaasadeed. Dhanka kale, aadmiga casrigan nool, faallada ugu xeesha dheer ee laga bixin kado sida uu dunida u kahanayo oo runteeda isu diidsiinayo, waa in uusan ka gaabsaday in uu qaada xilka ubadkiisa ka saaran ee ku addan isla waaqicaa laftiisa. Waxaadna mooddaa in uu waalidku maalin walba leeyahay: ” Annaga ayaanba xitaa dunida nabad ku haysan, sidee ugu dhaqdhaaqi karnaa, maxay se tahay inaan garanno, iyo xirfadaha ay tahay inaan sugno — waxaas oo dhan halxidhaalayaal guntan ayay annagaba nala yihiin. Idinka ayay idiin taal inaad is ahaantiinna dhabbada haloosiga ah u heshaan, intii aad kartaan, si kasta oo ay noqotana, gartiin ma aha inaad annaga na xisaabisaan, annagu eed ma aan lihin, gacmahayaga waan idinka ilaashannay..” Go’aankaasi sida dhabta ah kuma uu saabsana, himiladii kacaanka ahayd ee ku aaddanayd hannaan caalami ah oo cusub, — kaas oo uu Maraykanku maalin uun ku taamayay, waa se galtinimada meel walba ka jirta, saansaanteeda ugu daran se waxay si baas uga dhex muuqataa bulshada higilka iyo jamaahiirta ah.

Waaya’aragnimadii waxbarashada cusub — Maraykanka kuma koobna — waxay qaadatay go’aan KACAAN ah oo shaacsan, waana qodobka ugu weyn ee keenay in aan xaqiiqada iskeed loo sooci karin, taas oo madmadaw xoogaa ah ku reebtay dooddii laga geli lahaa arrintan eelkaada. Xaqiiqada se aan la dafiri karin waxay tahay, kol haddii uu Maraykanku ka dabqaadanayay tamartii kacaankaa, haddana waaqood kuma ay fekerin in nidaamka cusub ka hir geliyaana saaxadda barbaarinta ama waxbarashada, hayeeshee, mid ka duwan ayay yeeshay, taas oo ah in ay arrimaha waxbarashada door ilaalo ah ka qaadato. Si aan la ii fahan xumaysan, waxan jecel ahay inaan idhaahdo; ilaalintu, — dhawridda, waa isla nuxurka hawshada barbaarinta lafteeda, taas oo shaqadeedu tahay dhawridda iyo in wax la ilaaliyo: In ilmaha dunida laga ilaaliyo, dunida ilmaha laga ilaaliyo, cusaybka in duugga laga rawo, duugga laftiisana in cusaybka laga dhawro. Xilkasnimada guud ee ay arrintani u baahan tahay, waa in ay yeelato go’aan ilaalo ah.

Hayeeshee, meel aan saaxadda barbaarinta iyo waxbarashada ahayn kuma uu qummana — xidhiidhka u dhexeeya dadka waaweyn iyo ubadka — taasina kuma saabsan golaha siyaasadda, halkaas oo ay dad isku ayni wada dhaqmayaan. Kolka siyaasadda la joogo, go’aankaa ilaalada ah, kaas oo u toog haya in uu dunida ku haayo xaaladdaas la qaayibay, wax aan burbur ahayn loogama aayi doono, maxaa wacay, dunida qun iyo baarba waa tii idlaata, haddii uusan aadmigu taab iyo xeelad ku dayin oo wax hal’abuurin. Weedhii Haamleet ee caanbaxday waa tii ahayd, “Dunidii waa ay wareertay, doobbir xumidayda, anigay i sugaysaa in hagaajiyo!” Hadalkani waxa uu leeyahay nuxur run ah oo fac kasta iskii u taabanaysa, ha ahaatee, waxaad mooddaa in qarnigeenan bilawgiisii runtiisi saamayn aad u weyn inoo lahaatay. Run ahaantiina waxaan wax u baranayn duni gelelef ah oo qabyo ah. Baxaaliga aadmiga ayay ka mid tahay, —isaga oo uu aadmigu yahay abuur dabargo’ halis u ah– in ay yagleelaan adduun ay beryo kooban ku negaadaan, kol haddii uu adduunkaasi yahay kii ay dadku dhiseen, dadka deggena had iyo goor is beddelayaan, waxay noqonaysaa in uu adduunkuna kolba is beddelo ama is dooriyo, waxana uu halis u noqonayaa in uu dabargo’o sida uunkii isaga ambaqaaday. Haddaba sida looga dhawro in uu dhantaalmo, waxa mudan in laga hawlgalo sidii uu goor walba u ahaan mid xasilloon, hadalka gobo’diisuna waxay noqonaysaa; waa in waxbarasha la ambaqaado si ay xasilloonidiisu u noqoto mid suurtagal ah. Rejada qudha ee aan leennahayna waa curashad cusub ee fac kasta la yimaaddo, abdo aan curashadaas ayna ma lihi. Innagu haddaan nahay kuwii horreryay, wax kasta oo aan isku dayno hilfaha ayaan u qaadi doonnaa, waxa uun inoo furan inaan ku ekaanno odoroska iyo hilaadinta waxa aayuhu ku danbayn doono. Sidaas darteed ayay barbaarinta iyo waxbarashadu tahay inay noqoto mid ilaalo ah, si u u dhawrto ugubninada iyo karti kasta oo ilmaha ku uuman, iyada ayay tahay in ay ilaaliso cusaybkiisa, isaga oo geddaas ah oo cusub oo ugub ahna u keento dunida duugga iyo duqda ah, si kasta oo dunidaas kacaan u tahay.

Dhibaatada runta ah ee barbaarinta casrigan waxay u dhutinaysaa, si kasta oo “ilaalinta cusub” loogu af gobaadsado, misna waxqabadka u yar ee ilaalinta iyo guddoonkooduba, taas oo aan la’aanteeda waxbarasha hanaqaadi karin waayadeer, waxay noqotay mid aan la xaqiijin karin. Waxyaalo sabab u ah baana jira. Dhibaatada maamulka ee doorka waxbarashada ku aaddan, waxay si adag ugu salaysan tahay seeraha dhaqanka, taas oo u dhigan waxyeello inaga soo gaadhay sida aan tagtada u jeedaalinno ama u beegno. Dhinacaa daran ee ay dhibaatadan casriga ah leedahay, iyada ayaa barbaariyaha ugu culays badan, sababtoo ah, shaqadiisu waxa sal u ah in uu wixii la soo dhaafay iyo waxa hadda jiraba isu dheelli tiro, waxayna noqonaysaa in isla shaqadiisu tixgelin weyn siiso tagtadii horreeto. Giddi qarniyadii soo taxnaa oo dhan, xilliyadii ilbaxnimadii ay Roomaanta iyo Masiixiyaddu sidkanaayeen, ma aysan jirin wax baahi ah oo iftiimintaa looga baahnaa, waxaa wacay, maamuuska tagtadu qab weyn ayuu ku lahaa wacyiga Roomaanka, mana uusan xoorin kolkii ay Masiixiyaddu soo if baxday, qaabab kale ayay qadarintaas u maaraysay, ama ku koobtay. Miidha aragtida Roomaanka ayay ahayd—haddii aysan ilbaxnimo kasta geddaa ahayn, ama hiddaha Galbeedka idil ahaantii — tagtada in loo dhugto, —tusmo lagu dhaato, awoowayaashuna yihiin muunad ay ubadku ku daydaan, lana rumeeyo in wax kasta oo wacnaa galbadeen, da’da ugu roon ee aadmiguna tahay waayeelnimada, sababtoo ah, odaygu, isaga oo ku dhaw in uu awoowayaashii horreeyay noqdo, waxa uu ku habboon yahay inuu kuwa nool u noqdo tusaale ay majeertaan ama ku hirtaan.

Aragtidaas isma ay burinayaan oo qudha, casrigeenna haatan, teer iyo waagii kacdoonka, balse sidoo kale waxay iska hor imanayaan aragtidii Giriiggu ay nolosha ka qabeen. Markii uu Goote yidhi gabawgu waa, “dunidan muuqata oo qunyar loogu sii guurayo..” Faalladiisana waxay is waafaqayaan ruuxdii Giriigga ee ahayd in muuqashadu gundhig u taha jiraalka. Ha ahaatee, qodobkaa halka ay Roomaanku ka taagan yihiin waxa uu u dhigan yahay, sidatan: Aadmigu in uu kol walba uu sii cimriyo, bulshada noolna qunyar uga sii gurto, heerka ugu sarraysa ee jiraalkiisa ayuu figta u baxaa, in kasta oo uu ku joogo dhabbadii uu dunida muuqata kaga sii dheelman lahaa, hayeeshee, waxa uu goortaa qarkeeda joogaa xaalad uu hadhaw cid kale u noqon doono il ay talo ka dheegtaan. Marka uu dhito dhaqan oo tabtaas oo kale dhaabad ah, barbaarintuna shaqa siyaasadeed gudanaysa, ( oo dhif ah) waxay noqonaysaa in waxbarasha si hagaagsan loo qabto, iyada oo uusan qofku wax badan ku noogayn in uu ka fekero shaqada uu qabanayo, waxaa yeelay, in ay barbaarintu si adag ula xidhiidho rumaynta iyo anshaxa bulsheed ee kolkaas baahsan. Barbaarinta, sidii uu yidhi Boolabiis, waa; ” Inaan ku tusiyo inaan awoowayaasha ku bannaan tahay.” Shaqadan dhexdeeda kolka uu baruhu uu gudanaya, laftiisu waxa uu noqonayaa halganka kula jaal ah, ama shaqa wadaag la ah, maxaa wacay — qaab kale ha uga geddisnaado — misna waxa ku hawllan yahay fiiradiisa uu tagtadii ku dhuganayo. Tabtaas ayaa maamulka iyo jaalnimadu mid qudha u wada ahaayeen, awoodda iyo maamulka

Macallinkuna waxay salka ku tiirsanayd awood baahsan oo tagtadii hore ku qotonta.

Maanta se xaaladdu gebi ahaanba sidaas way ka duwan tahay, caqligalna ma aha inaan u dhaqanno sidii inaan weli ku sugan nahay, ama is moodsiinno, inaan waddada qumman ogaan uga weecannay oo goorta aan doonno ku soo laaban karno. Taas waxay tahay in meel walba oo dhibaatada cusub ka soo if baxdo uga hawl galno geddii hore oo kale, mana ay suuroobayso inaan sahal gadaal ugu laabanno. Laabasha tan oo kale ah, wax aan dhibtan hadda taagan oo kale ahayn kama dhaxli doonno. Laabashadu waa isla xaaladda uun oo lagu wareegaalaysto, si kasta oo qaababku u kala duwan yihiin, iyada oo dhici karto in had iyo goor wax aan nuxur lahayn ama maangad ah huga aqoonta loo suubbiyo. Doc kale, joogtaynta hallawsan ee dhibta lafteeda lagu abbaaro, ama isku hallaynta habdhaqan ay doqonimo tahay in loo maleeyo dhibaatadu in ay saamaynayn, ma aha wax suuroobaya, xilliga ayaana wiiqi doono, burbur ayaana laga dhaxli doonaa. Haddii kale dhan kale ka fiirino, ma ay keenayso wax ahayn xaalad GALTINIMO ah, taas oo haddeerba inagu gedaaman. Waxa mudan in loo toog hayo xaaladdan GALTIGA ah, kolka xeerarka waxbarashada laga fekerayo, weliba in la ogsoonaado in aan waajahano xaalad waxqabasha u baahan, iyada oo misna aan la illaawin in fikirka iyo falka aadmigu karo in uu hawsha caynkaas oo kale ah u kaco, awoodana in wax ka qabto.

Dhibaatadu waxay ku saabsan tahay, in aysan barbaarintu maamulka iyo dheegashada hiddaha ka maarmayn, sidaas oo ay tahay, waxay huri weyday inay ka hawlgasho duni aan jirin wax maamul ah iyo dhaqan ah oo ay ku tiirsan tahay. Taas awgeed, barbaariyayaasha iyo barayaashuba — siiba dhammaanteen, kol haddii aan innaga iyo ubadkeennuba duni qudha ku wada nool nahay— waa inaan arrintooda lagu abbaaro, go’aan ka duwan midka aan innagu waayaheenna qaadanno. Waa inaan toos u kala saarnaa waaxda barbaarinta, iyo laamaha kale, gaar ahaan siyaasadda, si aan qaybta barbaarinta ugu yeelno hannaan maamul oo iyada ku habboon, iyo fahan aragtiyeed oo ku aaddan tagtadii hore, kuwaas oo aan qodob guud la wadaagin waxa lagu dhaqangelinayo nolosha dadka qaangaadhka ah. Kolka ayse dhaqangelin noqoto, fahankaas kore waa inuu abuuraa garawshiiyo ah, in dugsiyada loo garto in ay minhaddoodu tahay ubadka oo ay baraan waxa dhabta ah uu adduunku yahay, balse aysan ahayn in ‘tabaha nolosha’ u dhigto, waxa wacay adduunku waa guun, isaga ayaa ka wada guunsan, waxbarashaduna waa in ay tagtada beegsataa, si kasta oo uu nololmaalmeedka haatan yahay. Waxa ku soo xiga; waa in uu tusiyaa deyrka u dhexeeya carruurta iyo dadka waaweyn, in aynaan awoodin barbaarinta dadka dadka waaweyn sida aysan suurtagal u ahayn in aan carruurta ula dhaqanno tabta dadka qaangaadhka ah, ha ahaatee, misna waa in uusan deyrkaasi noqon teed dhab ah oo ubadka iyo dadka waaweyn kala geeya, sidii in aysan carruurta dunidan ku noolayn, ama carruurnimada loo arko xaalad aadmi oo madaxbannaan, taas oo xeerarkeeda goonida ah leh. In kasta oo aysan sugnayn barta uu teedkaasi gelayo, kaas caruurnimada iyo qaangaadhnimada u dhexeeya, hadba sida ay da’du tahay ayuu isu bedbeddelaa, dalba ka kale waa kaga geddisan tahay, ilbaxnimaba tii kale, iyo qofba kii kale.

Balse barbaarinta oo barashada kaba duwan, waa inay yeelataa yool ay hiigsanayso, ilbaxnimadeennu se waxa ka abbaartaa qalinjabinta jaamacadda, ka badan intii ay ahayd in ay dugsiga sare kala soo jaanqaaddo, sababtoo ah, carbinta xirfadeed ee jaamacadaha ama maxadyada farsamadu, si kasta oo ay barbaarinta ula xidhiidhaan, haddana waa qaab uun ka mid ah kuwaas xeeldheerida (takhasuska) ah, ujeedkooduna ma aha in ay ubadka dunida si guud ula jaanqaadsiiyaaan, gabbal kooban ayay ka beegsanayaan. Ma jiri karto barbaarin aan waxbarasha lahayn, waxbarasha aan barbaarin lahayn sidaas oo kale, haddii kale waxay iska noqon doonaan, hadaljeedin iyo baaqyo hiyikac ah oo anshax ah, waxa se suurtagal ah, weliba aad u fudud, in qofka wax la baro isaga barbaarin helin, waana karaa in uu aadmigu waaqiiba waxbarto isaga oo barbaarin qumman helin. Arrimahaas oo idil waa qodobbo iyo faallooyin xeeldheerayaasha u yaal, hayeeshee waxa innaga oo dhan inoo wada yaal, taas oo aynaan ku hallayn oo qudha aqoonta barbaarinta, waa xidhiidhka carruurta iyo dadka waaweyn ka dhexeeya guud ahaan, ama haddii aan saafno; waa go’aankeenna ku aaddan masalada dhasha ama taranta, dhammaanteenna dunida ku wada nimi in la ina dhalay, la’aanteedna dunida curashada way gabaysaa, iyada ayaa fufka keenaysa. Barbaarintuna waa barta aan ku go’aamin karno, in aan dunidan wax ku ficil jecel nahay oo qaadi karno xilkasnimada gurmadkiisa, si aan uga badbaadinno burburka haleeli doona, haddii aysan curashada dhalmadu jirin, haddii la heli waayay imaatinka cusub ee barbaarta. Isla halkaas ayaana ka odorosi karnaa, inaan ubadkeenna jecel nahay, si aynaan dunideenna uga burin, baylah u noqon, una seejin kansho ay ku abqaalaan wax cusub oo aan la filayn, horteenna jirin. Waa se inaan jeer horaba u abaabulno in curasha cusub ka abqaalaan duni la isu nool yahay—danwadaag la yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *