Falanqaynta Sheekafaneedda Fragments

W/Q:  Cali Xuseen Ahmed

In aad waddankaagi aad dib ugu soo laabato waxa ay leedahay dareen lahaansho, balse taascagsigeeda Baako (Jilaaga Sheekada Fragments) waxa ay u noqotay billowga go’doominqofeed iyo mid dareemeed.   Sheeka faneedda Fragments ee uu qoray Ayi Kwei Armah, qoraareer Ghana ah waxa ay tibaaxeysaa nin  dhallinyara ah, dibadda wax kusoo bartay, aqoon iyoafkaaro cusub dalkiisi dib ugu la soo laabtay oo raba in uu wax kaga beddelo, aysejalaafeynayaan xaalado aan faqri iyo abaaro aheyn, se bulsho aaminsan in dibadda laga la soolaabto hanti iyo lacag uun.

Sheekada Fragments waxa ay sawir ka bixineysaa saameynta dhaqan iyo tan maskaxeed eebulshada Afrikaanka ah wixii ka danbeeyay xornimada Qaaradda. Sheekadu waxa ay ka dheceysaa waddanka Ghana iyadoo tibaaxeysa khilaafka   ka dhex aloolsan dhaqamadaduugga ah  ee bulshada iyo waxbarashada  Galbeedka. Qoraagu wuxuu ku muujinayaa halkanbulshooyinka aan aqoonta waxtarkeeda rumeysneyn sida ay uga danbeeyaan waxyaalahamaadiga ah iyo in halbeegga guuleystohoodu yahay inta hanti (gaari, lacag, haddiyad) uu dibadda kala soo laabto.

Baako waxa uu carriga Mareykanka u aadayaa waxbarasho uu aad ugu hamminayay muddodheer. Isaga kaliya kuma faraxsaneyn bixitaankaas, se qoyskiisa ayaa  sidoo kale aad uguriyaaqsanaa.  Hooyadii waxa ay dareemeysaa farxad iyo rejo isku dheehan, maadaama ay rejeyneyso in wiilkeedu wax badan la soo laaban doono (lacag, baabuur).  Balse si ka duwanqaar badan oo  la soo laabtay hanti fara badan,  Baako waxa uu la soo noqday fikradu iyo hal-abuur uu shidaalinayo rabitaan xooggan oo  uu rabo in uu bulshadiisa  wax kaga beddelo.  Waxa ay aheyd niyadjabkii ugu horreeyay oo isaga iyo reerkiisa iyo guud ahaan bulshadihantidu u aheyd guusha qofka ay la kulmaan.  Baako isagu nin soo guuleystay,  rabana in uuguushaas  bulshadiisa  gaarsiiyo  ayuu ahaa. Halkaas ayay ka billaabatay in qof ahaan iyodareen ahaanba la deyriyo.  

Baako hooyadii Efu ayaa noqotay halka cadaadiska ugu badan uu kaga yimid, maadaama ay rejo weyn ka qabtay imaashiyihiisi. Waxa ay rejeyneysay in wiilkeeda waxbarashadiisu u soohoyn doonto hanti fara badan iyo sumcad. Inkasta oo (Baako) aqoon iyo aragtiyo kuhubeysnaa haddana waxaas oo dhan waxa ay ka baxsanaayeen  waaqaca bulshadiisa  uuguusha ugu weyn ee qof laga fishaa ay hanti laga dhaxlo ay tahay.

Marka laga yimaado qoyska, Baako si la mid ah waxa uu faquuq nafsi ah kala kulmayaabulshada  qeybeheeda kale. Waxa uu shaqo  ka helayaa waaxda  Telefishinka Qaranka,  halkaasoo uu rajaynayo  inuu  warbaahinta u adeegsado wacyigelin iyo in uu aqoontiisa halkaasbulshada kaga horumariyo. Laakin taas cagsigeeda, wuxuu la kulmayaa nidaam ku dhisanmusuq, karti-darro, iyo hal-abuur la’aan. Dhanka kale,  fikradihii uu la soo shirtegay ayaa“waxba kama jiraan”  laga dhigayaa  maadaama  aysan si gaar ah  shaqsi  u adeegeyn (personal gain). Tan ayaa ku noqotay dharbaaxo kale oo kaga timid  dhanka bulshada  iyo halki i  uuislahaa wax ayaad ka hagaajin kartaa. 

Juana waxa ay la diiqeysantahay inay  bulshadeedi  la dhaqan noqon  weysay sida Baako  kudhacday.  Juana iyo Baako waxa ay ka simanyihiin cadaadiska  kaga imaanaya  dhaqankabulshada iyo   takoorka  damiireed ee ay la kulmeen.  Halkaas waxaa ka abuurmaya  xiriirislahaansho, maadaama ay i sku dhib yihiin.  Si ka duwan bulshadiisa, Juana waxa ay tixgelineysaa  aaraa’diisa iyo himillooyinkiisa.  Juana iyadu sida bulshada kale halbeeggaguushu hanti iyo wax la mid ah uma ahan,  sidaas darteed  aad  ayay isugu dhowaanayaan Baako.

Cadaadiska bulsheed marba marka ka danbeysa waa uu sii xoogeysanayaa, caafimaadkadhimirka Baakona waa uu sii xumaanayaa. Dagaal u dhexeeya saameynta Galbeedka iyorejooyinka bulsho Afrikaan ah cid uu magansado ayuu weynayaa. Bad weyn ayuu dhexmaquuranayaa, iyadoo hirarku isu dhiidhiibayaan.  Ugu danbeynti, sheekadu waxay ay kusooafmeyreysaa  Baako oo culeyska faquuqi uu la kulmay,  fahamdarradi  soo kala dhex  gashayisaga iyo qoyskiisa iyo guud ahaan bulshada jar ka tuurtay, dhimirkana belay.

Gunaanadkii Ayi sheekadaan waxa uu ku tusaaleynayaa dhibta ay bulshada Afrikaankudhaxashay kadib ka xuroobiddiiGumeystaha taasoo cadaadiskii Gumeystaha beddelkeedu u galay in bulshadu noqo bulsho maadi ah materialist) damiir ahaanna meran (morally empty).  Sidoo kale Ayi wuxuu sheekada ku hoga tusaaleynayaa mar hadii bulshadu noqoto bulshomaaddiga wax ku halbeegta in ay khatar ku jiraan shaqsiyaadka waxtarka iyo hal-abuurka   lehee bulshadaas-waa doorka Baako metelayo.

Qoraaga: Ayi Kwei Armah waa qoraa reer Ghana ah.  Ayi waxsoosaarkiisu waxa u uku caanbaxay in derso qaabdhismeedka bulshada Afrika wixii Gumeystihii ka danbeeyay. Mowduucyada ugu waaweyn ee uu wax ka qoray waa: Musuqa,dhaqanka takoorka kudhisan, iyo mowduucyo la xiriira.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *